Surah Al-Anaam Verse 93 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah Al-Anaamوَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّنِ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا أَوۡ قَالَ أُوحِيَ إِلَيَّ وَلَمۡ يُوحَ إِلَيۡهِ شَيۡءٞ وَمَن قَالَ سَأُنزِلُ مِثۡلَ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُۗ وَلَوۡ تَرَىٰٓ إِذِ ٱلظَّـٰلِمُونَ فِي غَمَرَٰتِ ٱلۡمَوۡتِ وَٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ بَاسِطُوٓاْ أَيۡدِيهِمۡ أَخۡرِجُوٓاْ أَنفُسَكُمُۖ ٱلۡيَوۡمَ تُجۡزَوۡنَ عَذَابَ ٱلۡهُونِ بِمَا كُنتُمۡ تَقُولُونَ عَلَى ٱللَّهِ غَيۡرَ ٱلۡحَقِّ وَكُنتُمۡ عَنۡ ءَايَٰتِهِۦ تَسۡتَكۡبِرُونَ
Oo yaa ka gef badan mid ka been sheega Allaah, ama yidhaahda: Waa la ii waxyooday isagoo aan loo waxyoon waxba, iyo kan yidhaahda: Waxaan soo waxyoon karaa wax la mid ah waxa uu Allaah soo waxyooday? Oo haddaad arki lahayd marka ay gar ma qaatayaasha ku sugan yihiin sakaraadka mowdka, iyagoo malaa’igtu ay soo fidinayaan markaa gacmahooda (iyagoo ku leh): Soo saara nafahiinna! Maanta waxaa la idinku abaal marin doonaa cadaabta dulleynta wixii aad Allaah ka sheegi jirteen darteed oo hadal xaq darro ah. Oo waxaad aheydeen kuwo Aayadahiisa iska weyneeya