Surah Al-Anaam Verse 70 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah Al-Anaamوَذَرِ ٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُواْ دِينَهُمۡ لَعِبٗا وَلَهۡوٗا وَغَرَّتۡهُمُ ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَاۚ وَذَكِّرۡ بِهِۦٓ أَن تُبۡسَلَ نَفۡسُۢ بِمَا كَسَبَتۡ لَيۡسَ لَهَا مِن دُونِ ٱللَّهِ وَلِيّٞ وَلَا شَفِيعٞ وَإِن تَعۡدِلۡ كُلَّ عَدۡلٖ لَّا يُؤۡخَذۡ مِنۡهَآۗ أُوْلَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ أُبۡسِلُواْ بِمَا كَسَبُواْۖ لَهُمۡ شَرَابٞ مِّنۡ حَمِيمٖ وَعَذَابٌ أَلِيمُۢ بِمَا كَانُواْ يَكۡفُرُونَ
Oo iskaga tag kuwa ka dhigta diintooda cayaar iyo madaddaallo, oo ay hodday nolosha adduunkan, oo ku waaniya (Qur’aanka) si aan nafi loogu halligin waxay kasabtay, ma lahaan doonto Allaah sokadi wax sokeeye ah iyo shafeeco midna, oo hadday isku furato madax furasho kasta aan laga aqbali doonin. Waa kuwan kuwa loo halaagi doono waxa ay kasbadeen awgeed, waxaa lagu abaal marin doonaa sharaab biyo kulul oo karaya iyo cadaab xanuun badan gaalnimadooda darteed