Surah Al-Araf Verse 169 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah Al-Arafفَخَلَفَ مِنۢ بَعۡدِهِمۡ خَلۡفٞ وَرِثُواْ ٱلۡكِتَٰبَ يَأۡخُذُونَ عَرَضَ هَٰذَا ٱلۡأَدۡنَىٰ وَيَقُولُونَ سَيُغۡفَرُ لَنَا وَإِن يَأۡتِهِمۡ عَرَضٞ مِّثۡلُهُۥ يَأۡخُذُوهُۚ أَلَمۡ يُؤۡخَذۡ عَلَيۡهِم مِّيثَٰقُ ٱلۡكِتَٰبِ أَن لَّا يَقُولُواْ عَلَى ٱللَّهِ إِلَّا ٱلۡحَقَّ وَدَرَسُواْ مَا فِيهِۗ وَٱلدَّارُ ٱلۡأٓخِرَةُ خَيۡرٞ لِّلَّذِينَ يَتَّقُونَۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ
Markaa baa waxaa yimid iyaga kaddib dad (xun) oo dhaxlay Kitaabka oo qaadanaya waxyaalaha (aan bannaaneyn ee) nolosha tani soke (ee adduunyada), iyagoo leh: waa naloo dambi dhaafi doonaa. oo misna haddii uu u yimaado (mar kale) alaabo ( raaxo adduunyo aan bannaaneyn) oo la mid ahi, way qaadanayaan (sidoo kale). Miyaan lagaga qaadin ballan Kitaabka in aanay ka sheegin Allaah waxaan ahayn xaq, iyagoo akhristay waxa ku yaalla (Kitaabka), oo Daarta Aakhiro baa u khayr badan kuwa iska ilaasha (xumaha). Ee miyeydaan haddaba wax fahmeyn