Surah Al-Muzzammil Verse 20 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah Al-Muzzammil۞إِنَّ رَبَّكَ يَعۡلَمُ أَنَّكَ تَقُومُ أَدۡنَىٰ مِن ثُلُثَيِ ٱلَّيۡلِ وَنِصۡفَهُۥ وَثُلُثَهُۥ وَطَآئِفَةٞ مِّنَ ٱلَّذِينَ مَعَكَۚ وَٱللَّهُ يُقَدِّرُ ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّهَارَۚ عَلِمَ أَن لَّن تُحۡصُوهُ فَتَابَ عَلَيۡكُمۡۖ فَٱقۡرَءُواْ مَا تَيَسَّرَ مِنَ ٱلۡقُرۡءَانِۚ عَلِمَ أَن سَيَكُونُ مِنكُم مَّرۡضَىٰ وَءَاخَرُونَ يَضۡرِبُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ يَبۡتَغُونَ مِن فَضۡلِ ٱللَّهِ وَءَاخَرُونَ يُقَٰتِلُونَ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِۖ فَٱقۡرَءُواْ مَا تَيَسَّرَ مِنۡهُۚ وَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُواْ ٱلزَّكَوٰةَ وَأَقۡرِضُواْ ٱللَّهَ قَرۡضًا حَسَنٗاۚ وَمَا تُقَدِّمُواْ لِأَنفُسِكُم مِّنۡ خَيۡرٖ تَجِدُوهُ عِندَ ٱللَّهِ هُوَ خَيۡرٗا وَأَعۡظَمَ أَجۡرٗاۚ وَٱسۡتَغۡفِرُواْ ٱللَّهَۖ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمُۢ
Hubaal Rabbigaa waa og yahay inaad isku dhaafiso (salaad) ku dhowaad saddex meeloodoo labo meelood habeenka, (mararka qaarna) barkiis ka mid ah, (marmarna) saddex meeloodoo meel ka mid ah, oo sidaa oo kale bay yeelaan qayb ka mida kuwa kula jira. Oo Allaah baa qaddara habeenka iyo maalinta. Wuxuu og yahay inaydaan kareyn inaad fashaan sidaas (habeenkii oo dhan), sidaa awgeed wuxuu idiinku soo noqday (si naxariis leh). Ee akhriya waxa idiin fudud oo Qur’aanka ka mid ah. Wuxuu og yahay inay idin ka mid ahaan doonaan kuwa buka, iyo kuwo kale oo ku safra dhulka iyagoo dalbaya Deeqda Ilaahay; iyo kuwo kale oo u dirira Arrinka Ilaahay. Ee akhriya intii idiin fudud oo ka mid ah, oo hagaajiya salaadda oo bixiya Zakada, oo amaahsada Allaah Amaah wanaagsan. Oo waxaad u hormarsataan nafahiinna oo khayr ah waxaad ka heli doontaan Allaah agtiisa; sidaas baa khayr badan oo ajar weyn. Oo weydiista Dambi dhaaf Ilaahay. Hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan