Surah Al-Muzzammil - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلۡمُزَّمِّلُ
Midkanow iskuduuduubahayow maryaha
Surah Al-Muzzammil, Verse 1
قُمِ ٱلَّيۡلَ إِلَّا قَلِيلٗا
U kac (salaad) habeenka in yar maahee
Surah Al-Muzzammil, Verse 2
نِّصۡفَهُۥٓ أَوِ ٱنقُصۡ مِنۡهُ قَلِيلًا
Barkiis ama ka nusqaami in yar
Surah Al-Muzzammil, Verse 3
أَوۡ زِدۡ عَلَيۡهِ وَرَتِّلِ ٱلۡقُرۡءَانَ تَرۡتِيلًا
Amaba ka badi, oo u akhri Qur’aanka sida ku habboon in loo akhriyo
Surah Al-Muzzammil, Verse 4
إِنَّا سَنُلۡقِي عَلَيۡكَ قَوۡلٗا ثَقِيلًا
Hubaal Waxaanu kugu soo dejin doonnaa Hadal culus
Surah Al-Muzzammil, Verse 5
إِنَّ نَاشِئَةَ ٱلَّيۡلِ هِيَ أَشَدُّ وَطۡـٔٗا وَأَقۡوَمُ قِيلًا
Hubaal habeenka saacadahiisa (oo la tukado) baa leh khushuuc badan oo aad u toosan odhaah ahaan
Surah Al-Muzzammil, Verse 6
إِنَّ لَكَ فِي ٱلنَّهَارِ سَبۡحٗا طَوِيلٗا
Hubaal waxaad leedahay inta maalinta ah howl aad u dheer
Surah Al-Muzzammil, Verse 7
وَٱذۡكُرِ ٱسۡمَ رَبِّكَ وَتَبَتَّلۡ إِلَيۡهِ تَبۡتِيلٗا
Ee xus Magaca Rabbigaa, oo u go'doon go’doomid dhan
Surah Al-Muzzammil, Verse 8
رَّبُّ ٱلۡمَشۡرِقِ وَٱلۡمَغۡرِبِ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ فَٱتَّخِذۡهُ وَكِيلٗا
Rabbiga bariga iyo galbeedka. Ma jiro ilaah aan aheyn Isaga ee ka dhigo wakiil
Surah Al-Muzzammil, Verse 9
وَٱصۡبِرۡ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَٱهۡجُرۡهُمۡ هَجۡرٗا جَمِيلٗا
Oo u samir yeelo waxa ay yidhaahdaan, oo uga dheerow iyaga si qurxoon
Surah Al-Muzzammil, Verse 10
وَذَرۡنِي وَٱلۡمُكَذِّبِينَ أُوْلِي ٱلنَّعۡمَةِ وَمَهِّلۡهُمۡ قَلِيلًا
Oo isu kaanna daa Aniga iyo kuwa beeniya (Aayadaheyga),kuwa ladan ee nic- mada badan heysta, oo u sug in xoogaa ah
Surah Al-Muzzammil, Verse 11
إِنَّ لَدَيۡنَآ أَنكَالٗا وَجَحِيمٗا
Hubaal Waxaa Xaggayaga ah silslado culus iyo dab ololaya
Surah Al-Muzzammil, Verse 12
وَطَعَامٗا ذَا غُصَّةٖ وَعَذَابًا أَلِيمٗا
Iyo cunto lagu margado, iyo cadaab aad u xanuun badan
Surah Al-Muzzammil, Verse 13
يَوۡمَ تَرۡجُفُ ٱلۡأَرۡضُ وَٱلۡجِبَالُ وَكَانَتِ ٱلۡجِبَالُ كَثِيبٗا مَّهِيلًا
Maalinta marka dhulka iyo buuruhu gilgilan gil-gilasho xoog leh, oo buuruhu ahaan (sida) bacaad la shubay
Surah Al-Muzzammil, Verse 14
إِنَّآ أَرۡسَلۡنَآ إِلَيۡكُمۡ رَسُولٗا شَٰهِدًا عَلَيۡكُمۡ كَمَآ أَرۡسَلۡنَآ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ رَسُولٗا
Hubaal Waxaanu idiin soo dirnay Rasuul, markhaati idinku ah, sida aan ugu soo dirnayba Rasuul xagga Fircoon
Surah Al-Muzzammil, Verse 15
فَعَصَىٰ فِرۡعَوۡنُ ٱلرَّسُولَ فَأَخَذۡنَٰهُ أَخۡذٗا وَبِيلٗا
Fircoon se wuu caasiyey Rasuulkii (loo diray Muuse c.s.), markaasaan qabannay qabasho aad u daran
Surah Al-Muzzammil, Verse 16
فَكَيۡفَ تَتَّقُونَ إِن كَفَرۡتُمۡ يَوۡمٗا يَجۡعَلُ ٱلۡوِلۡدَٰنَ شِيبًا
Ee sidee baad isaga celin doontaan (cadaabka), haddii aad gaalowdaan, Maalin ka dhigi carruurta cirroole
Surah Al-Muzzammil, Verse 17
ٱلسَّمَآءُ مُنفَطِرُۢ بِهِۦۚ كَانَ وَعۡدُهُۥ مَفۡعُولًا
Samada arrinkaa darti la dildillaaci doonto. Yaboohiisa waa mid abad fula’e
Surah Al-Muzzammil, Verse 18
إِنَّ هَٰذِهِۦ تَذۡكِرَةٞۖ فَمَن شَآءَ ٱتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ سَبِيلًا
Hubaal tani wa waano, ee kii doonaa, ha u samaysto xagga Rabbigi jid (toosan)
Surah Al-Muzzammil, Verse 19
۞إِنَّ رَبَّكَ يَعۡلَمُ أَنَّكَ تَقُومُ أَدۡنَىٰ مِن ثُلُثَيِ ٱلَّيۡلِ وَنِصۡفَهُۥ وَثُلُثَهُۥ وَطَآئِفَةٞ مِّنَ ٱلَّذِينَ مَعَكَۚ وَٱللَّهُ يُقَدِّرُ ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّهَارَۚ عَلِمَ أَن لَّن تُحۡصُوهُ فَتَابَ عَلَيۡكُمۡۖ فَٱقۡرَءُواْ مَا تَيَسَّرَ مِنَ ٱلۡقُرۡءَانِۚ عَلِمَ أَن سَيَكُونُ مِنكُم مَّرۡضَىٰ وَءَاخَرُونَ يَضۡرِبُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ يَبۡتَغُونَ مِن فَضۡلِ ٱللَّهِ وَءَاخَرُونَ يُقَٰتِلُونَ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِۖ فَٱقۡرَءُواْ مَا تَيَسَّرَ مِنۡهُۚ وَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُواْ ٱلزَّكَوٰةَ وَأَقۡرِضُواْ ٱللَّهَ قَرۡضًا حَسَنٗاۚ وَمَا تُقَدِّمُواْ لِأَنفُسِكُم مِّنۡ خَيۡرٖ تَجِدُوهُ عِندَ ٱللَّهِ هُوَ خَيۡرٗا وَأَعۡظَمَ أَجۡرٗاۚ وَٱسۡتَغۡفِرُواْ ٱللَّهَۖ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمُۢ
Hubaal Rabbigaa waa og yahay inaad isku dhaafiso (salaad) ku dhowaad saddex meeloodoo labo meelood habeenka, (mararka qaarna) barkiis ka mid ah, (marmarna) saddex meeloodoo meel ka mid ah, oo sidaa oo kale bay yeelaan qayb ka mida kuwa kula jira. Oo Allaah baa qaddara habeenka iyo maalinta. Wuxuu og yahay inaydaan kareyn inaad fashaan sidaas (habeenkii oo dhan), sidaa awgeed wuxuu idiinku soo noqday (si naxariis leh). Ee akhriya waxa idiin fudud oo Qur’aanka ka mid ah. Wuxuu og yahay inay idin ka mid ahaan doonaan kuwa buka, iyo kuwo kale oo ku safra dhulka iyagoo dalbaya Deeqda Ilaahay; iyo kuwo kale oo u dirira Arrinka Ilaahay. Ee akhriya intii idiin fudud oo ka mid ah, oo hagaajiya salaadda oo bixiya Zakada, oo amaahsada Allaah Amaah wanaagsan. Oo waxaad u hormarsataan nafahiinna oo khayr ah waxaad ka heli doontaan Allaah agtiisa; sidaas baa khayr badan oo ajar weyn. Oo weydiista Dambi dhaaf Ilaahay. Hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah Al-Muzzammil, Verse 20