UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Al-Muddathir - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلۡمُدَّثِّرُ

Midkani ku dadanow (dharka)
Surah Al-Muddathir, Verse 1


قُمۡ فَأَنذِرۡ

Kac oo dig
Surah Al-Muddathir, Verse 2


وَرَبَّكَ فَكَبِّرۡ

Oo Rabbigaa waa inaad weyneyso
Surah Al-Muddathir, Verse 3


وَثِيَابَكَ فَطَهِّرۡ

Oo maryahaaga waa inaad daahiriso
Surah Al-Muddathir, Verse 4


وَٱلرُّجۡزَ فَٱهۡجُرۡ

Oo fadarada waa inaad ka fogaato
Surah Al-Muddathir, Verse 5


وَلَا تَمۡنُن تَسۡتَكۡثِرُ

Oo wax ha u bixin si aad u hesho wax ka badan
Surah Al-Muddathir, Verse 6


وَلِرَبِّكَ فَٱصۡبِرۡ

Oo Rabbigaa dartiis , samir yeelo
Surah Al-Muddathir, Verse 7


فَإِذَا نُقِرَ فِي ٱلنَّاقُورِ

Ee marka Buunka la afuufo
Surah Al-Muddathir, Verse 8


فَذَٰلِكَ يَوۡمَئِذٖ يَوۡمٌ عَسِيرٌ

Taasi waxay ahaan Maalin aad u Daran
Surah Al-Muddathir, Verse 9


عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ غَيۡرُ يَسِيرٖ

Gaalada aan u fududeyn
Surah Al-Muddathir, Verse 10


ذَرۡنِي وَمَنۡ خَلَقۡتُ وَحِيدٗا

Isu kaanna daa aniga iyo kaan abuuray isagoo keli ah (qaawan)
Surah Al-Muddathir, Verse 11


وَجَعَلۡتُ لَهُۥ مَالٗا مَّمۡدُودٗا

Oo aan siiyey hanti aad u ballaaran
Surah Al-Muddathir, Verse 12


وَبَنِينَ شُهُودٗا

Iyo wiilal ag jooga oo garabkiis ah
Surah Al-Muddathir, Verse 13


وَمَهَّدتُّ لَهُۥ تَمۡهِيدٗا

Oo aan u hagaajiyey arrinkiisa hagaag
Surah Al-Muddathir, Verse 14


ثُمَّ يَطۡمَعُ أَنۡ أَزِيدَ

Oo waliba wuxuu damcaa inaan u siyaadiyo
Surah Al-Muddathir, Verse 15


كَلَّآۖ إِنَّهُۥ كَانَ لِأٓيَٰتِنَا عَنِيدٗا

Ma jirto, hubaal wuxuu ka hor yimaadaa Aayadahayaga
Surah Al-Muddathir, Verse 16


سَأُرۡهِقُهُۥ صَعُودًا

Waxaan yeeli doonaa cadaab dhibaato leh inay qabsato
Surah Al-Muddathir, Verse 17


إِنَّهُۥ فَكَّرَ وَقَدَّرَ

Hubaal waa uu fekaray, oo wax qoolay
Surah Al-Muddathir, Verse 18


فَقُتِلَ كَيۡفَ قَدَّرَ

Se nacaladi ha ku dhacdee! Sidee wax u qoolay
Surah Al-Muddathir, Verse 19


ثُمَّ قُتِلَ كَيۡفَ قَدَّرَ

Mar kale, nacladi ha ku dhacdee, sidee wax u qoolay
Surah Al-Muddathir, Verse 20


ثُمَّ نَظَرَ

Markaas waa uu fiirshay
Surah Al-Muddathir, Verse 21


ثُمَّ عَبَسَ وَبَسَرَ

Markaa wejiga kaduuday oo uruuriyey
Surah Al-Muddathir, Verse 22


ثُمَّ أَدۡبَرَ وَٱسۡتَكۡبَرَ

Haddana dhabarka jeediyey oo is kibriyay
Surah Al-Muddathir, Verse 23


فَقَالَ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٞ يُؤۡثَرُ

Markaasuu yidhi: Kani wax kale maahee waa sixir laga soo minguuriyey kuwo kale
Surah Al-Muddathir, Verse 24


إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا قَوۡلُ ٱلۡبَشَرِ

Kanu ma aha waxaan aheyn hadal Aadmi
Surah Al-Muddathir, Verse 25


سَأُصۡلِيهِ سَقَرَ

Waxaan ku tuuri doonaa Saqaro (Naar)
Surah Al-Muddathir, Verse 26


وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا سَقَرُ

Oo Maxaad ka og tahay waxa ay Saqaro tahay
Surah Al-Muddathir, Verse 27


لَا تُبۡقِي وَلَا تَذَرُ

Ma reebto waxna kamana tagto cidna
Surah Al-Muddathir, Verse 28


لَوَّاحَةٞ لِّلۡبَشَرِ

Waxay doorisaa jirka oo gubtaa
Surah Al-Muddathir, Verse 29


عَلَيۡهَا تِسۡعَةَ عَشَرَ

Waxaa kor jooga sagaal iyo toban
Surah Al-Muddathir, Verse 30


وَمَا جَعَلۡنَآ أَصۡحَٰبَ ٱلنَّارِ إِلَّا مَلَـٰٓئِكَةٗۖ وَمَا جَعَلۡنَا عِدَّتَهُمۡ إِلَّا فِتۡنَةٗ لِّلَّذِينَ كَفَرُواْ لِيَسۡتَيۡقِنَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ وَيَزۡدَادَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِيمَٰنٗا وَلَا يَرۡتَابَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡمُؤۡمِنُونَ وَلِيَقُولَ ٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٞ وَٱلۡكَٰفِرُونَ مَاذَآ أَرَادَ ٱللَّهُ بِهَٰذَا مَثَلٗاۚ كَذَٰلِكَ يُضِلُّ ٱللَّهُ مَن يَشَآءُ وَيَهۡدِي مَن يَشَآءُۚ وَمَا يَعۡلَمُ جُنُودَ رَبِّكَ إِلَّا هُوَۚ وَمَا هِيَ إِلَّا ذِكۡرَىٰ لِلۡبَشَرِ

Oo kama aanu dhigin waardiyada Naarta waxaan ahayn malaa'ig, oo uma aanu yeelin tiradooda waxaan ahayn imtixaan ahaan gaalada,_si ay ehlu-Kitaabku u yaqiinsadaan, oo mu’miniintu u kororsadaan Iimaan_, oo aanay kuwaa la siiyey Kitaabka iyo mu’miniinta u shakiyin, iyo in kuwaa uu quluubtoodu ku jiro cudur iyo gaalada u yidhaahdaan: Muxuu Allaah uga jeedaa tusaalahan? Sidaas buu Allaah u lumiyaa kii uu doono, oo u hanuuniyaa kii uu doono. Oo ma jir wax og ciidammada Rabbigaa Isaga maahee. Oo (Naar) tani wax kale ma aha aan aheyn waano ku socota dadka
Surah Al-Muddathir, Verse 31


كَلَّا وَٱلۡقَمَرِ

Mayee, waxaan ku dhaartay dayaxa
Surah Al-Muddathir, Verse 32


وَٱلَّيۡلِ إِذۡ أَدۡبَرَ

Iyo habeenka marka uu tago
Surah Al-Muddathir, Verse 33


وَٱلصُّبۡحِ إِذَآ أَسۡفَرَ

Iyo waagu marka uu caddaado
Surah Al-Muddathir, Verse 34


إِنَّهَا لَإِحۡدَى ٱلۡكُبَرِ

Hubaal iyadu (Naarta) waa mid ka mid ah balaayooyinka waaweyn
Surah Al-Muddathir, Verse 35


نَذِيرٗا لِّلۡبَشَرِ

Digniin ku socota dadkaa dhimanaya
Surah Al-Muddathir, Verse 36


لِمَن شَآءَ مِنكُمۡ أَن يَتَقَدَّمَ أَوۡ يَتَأَخَّرَ

Ku socota mid kastoo idinka mid ah ee doonaya inuu hormaro ama ku haro gadaal
Surah Al-Muddathir, Verse 37


كُلُّ نَفۡسِۭ بِمَا كَسَبَتۡ رَهِينَةٌ

Naf walbaa waxaa loogu heystaa curaar waxay galabsato
Surah Al-Muddathir, Verse 38


إِلَّآ أَصۡحَٰبَ ٱلۡيَمِينِ

Qolada midigta maahee
Surah Al-Muddathir, Verse 39


فِي جَنَّـٰتٖ يَتَسَآءَلُونَ

Beero gudaheed, waxay iska wareysan
Surah Al-Muddathir, Verse 40


عَنِ ٱلۡمُجۡرِمِينَ

Xaalka dambiilayaasha
Surah Al-Muddathir, Verse 41


مَا سَلَكَكُمۡ فِي سَقَرَ

Maxaa idin keenay Naarta Saqaro
Surah Al-Muddathir, Verse 42


قَالُواْ لَمۡ نَكُ مِنَ ٱلۡمُصَلِّينَ

Waxay odhan: Kama aynu mid aheyn kuwa tukada
Surah Al-Muddathir, Verse 43


وَلَمۡ نَكُ نُطۡعِمُ ٱلۡمِسۡكِينَ

Oo ma aannu quudin jirin miskiinka
Surah Al-Muddathir, Verse 44


وَكُنَّا نَخُوضُ مَعَ ٱلۡخَآئِضِينَ

Oo waxaanu gali jirnay waxyaalo been ahoo aan jirin la jirka kuwaa gala baadilka
Surah Al-Muddathir, Verse 45


وَكُنَّا نُكَذِّبُ بِيَوۡمِ ٱلدِّينِ

Oo waxaan beenin jirnay Maalinta abaal marinta
Surah Al-Muddathir, Verse 46


حَتَّىٰٓ أَتَىٰنَا ٱلۡيَقِينُ

Jeer ay noo timid geeridu
Surah Al-Muddathir, Verse 47


فَمَا تَنفَعُهُمۡ شَفَٰعَةُ ٱلشَّـٰفِعِينَ

Marka shafeecada kuwa shafeeca waxba uma tari doonto
Surah Al-Muddathir, Verse 48


فَمَا لَهُمۡ عَنِ ٱلتَّذۡكِرَةِ مُعۡرِضِينَ

Ee maxaa heysta iyaga oo ay uga jeestaan (qaadashada) waanada
Surah Al-Muddathir, Verse 49


كَأَنَّهُمۡ حُمُرٞ مُّسۡتَنفِرَةٞ

Sida inay yihiin dameero duur joog ah oo didsan
Surah Al-Muddathir, Verse 50


فَرَّتۡ مِن قَسۡوَرَةِۭ

Ee ka soo cararay libaax
Surah Al-Muddathir, Verse 51


بَلۡ يُرِيدُ كُلُّ ٱمۡرِيٕٖ مِّنۡهُمۡ أَن يُؤۡتَىٰ صُحُفٗا مُّنَشَّرَةٗ

Bal, qof walba oo ka mid ahi iyaga wuxuu rabaa in la siiyo waraaqo fidsan
Surah Al-Muddathir, Verse 52


كَلَّاۖ بَل لَّا يَخَافُونَ ٱلۡأٓخِرَةَ

Mayee! balse, kama cabsadaan Aakhirada (Ciqaabka Ilaahay)
Surah Al-Muddathir, Verse 53


كَلَّآ إِنَّهُۥ تَذۡكِرَةٞ

Mayee, hubaal waa waano
Surah Al-Muddathir, Verse 54


فَمَن شَآءَ ذَكَرَهُۥ

Ee mid kastoo raba ha ku waano qaato
Surah Al-Muddathir, Verse 55


وَمَا يَذۡكُرُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُۚ هُوَ أَهۡلُ ٱلتَّقۡوَىٰ وَأَهۡلُ ٱلۡمَغۡفِرَةِ

Oo kama ay waano qaadan doonaan in Allaah doono maahee; waa Isaga Rabbiga, mudan inay aadmigu ka cabsadaan, oo mudan inuu Dambi Dhaafo
Surah Al-Muddathir, Verse 56


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 73
>> Surah 75

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai