UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Al-Muddathir - Somali Translation by Shaykh Mahmood Muhammad Abdu


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلۡمُدَّثِّرُ

(Nabiga) Isadadayow
Surah Al-Muddathir, Verse 1


قُمۡ فَأَنذِرۡ

Istaag oo dig
Surah Al-Muddathir, Verse 2


وَرَبَّكَ فَكَبِّرۡ

Eebahaana waynee
Surah Al-Muddathir, Verse 3


وَثِيَابَكَ فَطَهِّرۡ

Dharkaagana daahiri
Surah Al-Muddathir, Verse 4


وَٱلرُّجۡزَ فَٱهۡجُرۡ

Xumuuntana ka hijroo (iyo Sanamyada)
Surah Al-Muddathir, Verse 5


وَلَا تَمۡنُن تَسۡتَكۡثِرُ

Hana ku mannaysan Adoo Badsan (waxaad Bixisay)
Surah Al-Muddathir, Verse 6


وَلِرَبِّكَ فَٱصۡبِرۡ

Eebahaa Dartiisna u Samir
Surah Al-Muddathir, Verse 7


فَإِذَا نُقِرَ فِي ٱلنَّاقُورِ

Marka Suurka (yiaame) la Afuufo
Surah Al-Muddathir, Verse 8


فَذَٰلِكَ يَوۡمَئِذٖ يَوۡمٌ عَسِيرٌ

Maalintaasu waa maalin ku Daran
Surah Al-Muddathir, Verse 9


عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ غَيۡرُ يَسِيرٖ

Gaalada oon u Fududayn
Surah Al-Muddathir, Verse 10


ذَرۡنِي وَمَنۡ خَلَقۡتُ وَحِيدٗا

Isukaanna daa Aniga iyo kaan Abuuray isaga oo kaligiisa
Surah Al-Muddathir, Verse 11


وَجَعَلۡتُ لَهُۥ مَالٗا مَّمۡدُودٗا

Una yeelay Xoolo Badan
Surah Al-Muddathir, Verse 12


وَبَنِينَ شُهُودٗا

Iyo Wilaal Jooga oo «Darban»
Surah Al-Muddathir, Verse 13


وَمَهَّدتُّ لَهُۥ تَمۡهِيدٗا

Aan una waasiciyay Risqiga
Surah Al-Muddathir, Verse 14


ثُمَّ يَطۡمَعُ أَنۡ أَزِيدَ

Oo haddana sii damci inaan u Badiyo
Surah Al-Muddathir, Verse 15


كَلَّآۖ إِنَّهُۥ كَانَ لِأٓيَٰتِنَا عَنِيدٗا

Saas ma aha, ee kaas wuxuu diiday Aayaadkannaga
Surah Al-Muddathir, Verse 16


سَأُرۡهِقُهُۥ صَعُودًا

Waxaana ku kalligi (Ku Dhibi) Cadaab daran
Surah Al-Muddathir, Verse 17


إِنَّهُۥ فَكَّرَ وَقَدَّرَ

Gaalkaasu wuu Fikiray waxbuuna Goostay
Surah Al-Muddathir, Verse 18


فَقُتِلَ كَيۡفَ قَدَّرَ

Waxaana loo Lacnaday Siduu wax u goostay
Surah Al-Muddathir, Verse 19


ثُمَّ قُتِلَ كَيۡفَ قَدَّرَ

Haddana waxaa loo Lacnaday siduu wax u goostay
Surah Al-Muddathir, Verse 20


ثُمَّ نَظَرَ

Kadib wuxuu eegay (si uu Quraanka u wax yeeleeyo)
Surah Al-Muddathir, Verse 21


ثُمَّ عَبَسَ وَبَسَرَ

Wuuna Waji Macbuusay oo Uruuriyay
Surah Al-Muddathir, Verse 22


ثُمَّ أَدۡبَرَ وَٱسۡتَكۡبَرَ

Markaasuu jeedsaday oo is Kibriyay
Surah Al-Muddathir, Verse 23


فَقَالَ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٞ يُؤۡثَرُ

Isagoo Dhihi quraankani ma aha waxaan sixir la soo Guuriyay ahayn
Surah Al-Muddathir, Verse 24


إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا قَوۡلُ ٱلۡبَشَرِ

quraankani ma aha waxaan hadal Bashar ahayn
Surah Al-Muddathir, Verse 25


سَأُصۡلِيهِ سَقَرَ

waxaannu galin kaas (Naarta) saqara
Surah Al-Muddathir, Verse 26


وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا سَقَرُ

Ma taqaannaa Naarta Saqara
Surah Al-Muddathir, Verse 27


لَا تُبۡقِي وَلَا تَذَرُ

Hilib iyo laf midna ma Reebto
Surah Al-Muddathir, Verse 28


لَوَّاحَةٞ لِّلۡبَشَرِ

waxayna Doorisaa jidhka (oy Gubtaa)
Surah Al-Muddathir, Verse 29


عَلَيۡهَا تِسۡعَةَ عَشَرَ

waxaana kor jooga (ka shaqeeya) sagaal iyo toban malag (ama saf)
Surah Al-Muddathir, Verse 30


وَمَا جَعَلۡنَآ أَصۡحَٰبَ ٱلنَّارِ إِلَّا مَلَـٰٓئِكَةٗۖ وَمَا جَعَلۡنَا عِدَّتَهُمۡ إِلَّا فِتۡنَةٗ لِّلَّذِينَ كَفَرُواْ لِيَسۡتَيۡقِنَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ وَيَزۡدَادَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِيمَٰنٗا وَلَا يَرۡتَابَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡمُؤۡمِنُونَ وَلِيَقُولَ ٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٞ وَٱلۡكَٰفِرُونَ مَاذَآ أَرَادَ ٱللَّهُ بِهَٰذَا مَثَلٗاۚ كَذَٰلِكَ يُضِلُّ ٱللَّهُ مَن يَشَآءُ وَيَهۡدِي مَن يَشَآءُۚ وَمَا يَعۡلَمُ جُنُودَ رَبِّكَ إِلَّا هُوَۚ وَمَا هِيَ إِلَّا ذِكۡرَىٰ لِلۡبَشَرِ

Ugama Aannaan yeelin naarta kuwa ka shaqeeya malaa'ig, tirana uma aannaan yeelin inay Gaaladu ku fidnoobaan Mooyeen, iyo inay yaqiin sadaan kuwa Kitaabka la siiyay, iyo inay kordhistaan kuwii xaqa Rumeeyay Iimaan, ayna shakiyiinna kuwii Kitaab- ka la siiyay iyo Mu'miniintu, iyo inay Dhahaan kuwa Qalbiga ka buka iyo Gaaladu Eebe muxuu uga Jeedaa Tusaalahan, saasaa Eebe u dhumiyaa Ruuxuu Doono, una Hanuuniyaa Ruuxuu Doono, wax og junuuda Eebe oon isaga Ahaynna ma jiro, waxaan la soo Sheegayna ma aha waano Dadka Mooyee
Surah Al-Muddathir, Verse 31


كَلَّا وَٱلۡقَمَرِ

Waxaa sugan dayaxa ku Dhaartaye
Surah Al-Muddathir, Verse 32


وَٱلَّيۡلِ إِذۡ أَدۡبَرَ

Iyo Habeenku Markuu Jeedsado
Surah Al-Muddathir, Verse 33


وَٱلصُّبۡحِ إِذَآ أَسۡفَرَ

Iyo Subaxu markuu iftiimo
Surah Al-Muddathir, Verse 34


إِنَّهَا لَإِحۡدَى ٱلۡكُبَرِ

Ee Naarta Saqara waa waxyaalaha waawayn Midkood (Balaayooyinka)
Surah Al-Muddathir, Verse 35


نَذِيرٗا لِّلۡبَشَرِ

Waana Digniinta Dadka
Surah Al-Muddathir, Verse 36


لِمَن شَآءَ مِنكُمۡ أَن يَتَقَدَّمَ أَوۡ يَتَأَخَّرَ

Ruuxii Doona inuu Hormaro, iyo Ruuxii Doona inuu dib dhaco, (waa Loodigay)
Surah Al-Muddathir, Verse 37


كُلُّ نَفۡسِۭ بِمَا كَسَبَتۡ رَهِينَةٌ

Naf walba waxay u xidhantahay waxay Camal fashay
Surah Al-Muddathir, Verse 38


إِلَّآ أَصۡحَٰبَ ٱلۡيَمِينِ

Hase yeeshee kuwa Midigta mari (Ehlu khayrka)
Surah Al-Muddathir, Verse 39


فِي جَنَّـٰتٖ يَتَسَآءَلُونَ

Waxay gali Jannooyin, waxayna iswaydiin
Surah Al-Muddathir, Verse 40


عَنِ ٱلۡمُجۡرِمِينَ

Dambiilayaasha
Surah Al-Muddathir, Verse 41


مَا سَلَكَكُمۡ فِي سَقَرَ

Iyagoo ku dhihi Maxaa idin Galiyay Naarta saqara
Surah Al-Muddathir, Verse 42


قَالُواْ لَمۡ نَكُ مِنَ ٱلۡمُصَلِّينَ

Waxayna ugu Jawabi ka mid ma'aannaan ahayn kuwa Tukada
Surah Al-Muddathir, Verse 43


وَلَمۡ نَكُ نُطۡعِمُ ٱلۡمِسۡكِينَ

Mana aannaan ahayn kuwa Quudiya Miskiinka
Surah Al-Muddathir, Verse 44


وَكُنَّا نَخُوضُ مَعَ ٱلۡخَآئِضِينَ

Waxaana ahayn kuwa la dhumbada ( Muquurta ) kuwa xumaanta Dhumbaday (muquurtay)
Surah Al-Muddathir, Verse 45


وَكُنَّا نُكَذِّبُ بِيَوۡمِ ٱلدِّينِ

Waxaana ahayn kuwa beeniya Maalinta Abaalmarinta (Qiyaamada)
Surah Al-Muddathir, Verse 46


حَتَّىٰٓ أَتَىٰنَا ٱلۡيَقِينُ

Ilaa ay Dhabtu Nooga Timaado (Geeridu)
Surah Al-Muddathir, Verse 47


فَمَا تَنفَعُهُمۡ شَفَٰعَةُ ٱلشَّـٰفِعِينَ

Ma anfacayso kuwaas Shafeecada kuwa Shafeeca
Surah Al-Muddathir, Verse 48


فَمَا لَهُمۡ عَنِ ٱلتَّذۡكِرَةِ مُعۡرِضِينَ

Maxaase u sugnaaday oy waanada uga Jeedsadaan
Surah Al-Muddathir, Verse 49


كَأَنَّهُمۡ حُمُرٞ مُّسۡتَنفِرَةٞ

ood u moodaa Dameero Diday
Surah Al-Muddathir, Verse 50


فَرَّتۡ مِن قَسۡوَرَةِۭ

oo ka Cararay libaax
Surah Al-Muddathir, Verse 51


بَلۡ يُرِيدُ كُلُّ ٱمۡرِيٕٖ مِّنۡهُمۡ أَن يُؤۡتَىٰ صُحُفٗا مُّنَشَّرَةٗ

Haddana wuxuu dooni midkasta oo ka mida warqado Qoran (kitaab)
Surah Al-Muddathir, Verse 52


كَلَّاۖ بَل لَّا يَخَافُونَ ٱلۡأٓخِرَةَ

Saas ma aha Ee kama yaabayaan Aakhiro
Surah Al-Muddathir, Verse 53


كَلَّآ إِنَّهُۥ تَذۡكِرَةٞ

Waxaa sugan in Quraanku waana yahay
Surah Al-Muddathir, Verse 54


فَمَن شَآءَ ذَكَرَهُۥ

Ruuxii Doona yaana waantoobi
Surah Al-Muddathir, Verse 55


وَمَا يَذۡكُرُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُۚ هُوَ أَهۡلُ ٱلتَّقۡوَىٰ وَأَهۡلُ ٱلۡمَغۡفِرَةِ

Mana Waantoobayaan in Eebe Doona Mooyee, Eebana wuxuu mutaa in laga Dhawrsado, wuxuuna Ehel u yahay inuu Dambi Dhaafo
Surah Al-Muddathir, Verse 56


Author: Shaykh Mahmood Muhammad Abdu


<< Surah 73
>> Surah 75

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai