UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Al-Qiyama - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


لَآ أُقۡسِمُ بِيَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ

Mayee, waxaan ku dhaartay Maalinta Qiyaamaha
Surah Al-Qiyama, Verse 1


وَلَآ أُقۡسِمُ بِٱلنَّفۡسِ ٱللَّوَّامَةِ

Oo mayee, waxaan ku dhaartay nafta is eedda
Surah Al-Qiyama, Verse 2


أَيَحۡسَبُ ٱلۡإِنسَٰنُ أَلَّن نَّجۡمَعَ عِظَامَهُۥ

Ma wuxuu aadmigu moodaa inaanaan isu keeni doonin lafahiisa
Surah Al-Qiyama, Verse 3


بَلَىٰ قَٰدِرِينَ عَلَىٰٓ أَن نُّسَوِّيَ بَنَانَهُۥ

Haayoo, Waxaan karnaa inaan sinno oo sidoodii ka yeelno farahiisa oo dhan
Surah Al-Qiyama, Verse 4


بَلۡ يُرِيدُ ٱلۡإِنسَٰنُ لِيَفۡجُرَ أَمَامَهُۥ

Bal! Aadmiga wuxuu rabaa inuu beeniyo waxa ka horreeya (ee sugaya)
Surah Al-Qiyama, Verse 5


يَسۡـَٔلُ أَيَّانَ يَوۡمُ ٱلۡقِيَٰمَةِ

Wuxuu weydiiyaa: Waa Goorma Maalinta Qiyaamaha
Surah Al-Qiyama, Verse 6


فَإِذَا بَرِقَ ٱلۡبَصَرُ

Ee marka araggu wareero
Surah Al-Qiyama, Verse 7


وَخَسَفَ ٱلۡقَمَرُ

Oo dayaxu madoobaado
Surah Al-Qiyama, Verse 8


وَجُمِعَ ٱلشَّمۡسُ وَٱلۡقَمَرُ

Oo qorraxda iyo dayaxa la isu keeno
Surah Al-Qiyama, Verse 9


يَقُولُ ٱلۡإِنسَٰنُ يَوۡمَئِذٍ أَيۡنَ ٱلۡمَفَرُّ

Aadmigu wuxuu Maalintaaas odhan: Xaggee loo cararaa
Surah Al-Qiyama, Verse 10


كَلَّا لَا وَزَرَ

May! Ma jiro agab (meel la magan galo)
Surah Al-Qiyama, Verse 11


إِلَىٰ رَبِّكَ يَوۡمَئِذٍ ٱلۡمُسۡتَقَرُّ

Xagga Rabbigaa (Keliya) buu ahaan Maalintaa meesha agabka ah
Surah Al-Qiyama, Verse 12


يُنَبَّؤُاْ ٱلۡإِنسَٰنُ يَوۡمَئِذِۭ بِمَا قَدَّمَ وَأَخَّرَ

Aadmiga Maalintaas waxaa loo sheegi wuxuu hormarsaday iyo wuxuu dib marsaday
Surah Al-Qiyama, Verse 13


بَلِ ٱلۡإِنسَٰنُ عَلَىٰ نَفۡسِهِۦ بَصِيرَةٞ

Bal! Aadmigu wuxuu ku ahaan doonaa markhaati naftiisa lidkeed
Surah Al-Qiyama, Verse 14


وَلَوۡ أَلۡقَىٰ مَعَاذِيرَهُۥ

Inkastoo uu keeno cudurdaarradiisa
Surah Al-Qiyama, Verse 15


لَا تُحَرِّكۡ بِهِۦ لِسَانَكَ لِتَعۡجَلَ بِهِۦٓ

Ha ku dhaqaajin carrabkaaga si aad ugu degdegto (akhrintiisa)
Surah Al-Qiyama, Verse 16


إِنَّ عَلَيۡنَا جَمۡعَهُۥ وَقُرۡءَانَهُۥ

Hubaal waa xil Annaga na (saaran) inaan ku ururino laabtaada oo kuu akhrino
Surah Al-Qiyama, Verse 17


فَإِذَا قَرَأۡنَٰهُ فَٱتَّبِعۡ قُرۡءَانَهُۥ

Ee marka aan akhrinno raac akhriskiisa
Surah Al-Qiyama, Verse 18


ثُمَّ إِنَّ عَلَيۡنَا بَيَانَهُۥ

Markaas Annagga bayna na saaran tahay caddeyntiisu
Surah Al-Qiyama, Verse 19


كَلَّا بَلۡ تُحِبُّونَ ٱلۡعَاجِلَةَ

Mayee se, waxaad jeceshihiin noloshatan (adduunka) ee durba tageysa
Surah Al-Qiyama, Verse 20


وَتَذَرُونَ ٱلۡأٓخِرَةَ

Oo dayacdaan Aakhirada
Surah Al-Qiyama, Verse 21


وُجُوهٞ يَوۡمَئِذٖ نَّاضِرَةٌ

Wejiyo qaar Maalintaas waxay ahaan doonaan kuwo ifaya oo nuur leh
Surah Al-Qiyama, Verse 22


إِلَىٰ رَبِّهَا نَاظِرَةٞ

Iyagoo eegaya xagga Rabbigood
Surah Al-Qiyama, Verse 23


وَوُجُوهٞ يَوۡمَئِذِۭ بَاسِرَةٞ

Oo Wejiyo (kale), Maalintaas waxay ahaan doonaan kuwo kuduudsan
Surah Al-Qiyama, Verse 24


تَظُنُّ أَن يُفۡعَلَ بِهَا فَاقِرَةٞ

Waxay hubtaa in laga yeeli doono inay ku dhacdo belaayo aad iyo aad u weyn
Surah Al-Qiyama, Verse 25


كَلَّآ إِذَا بَلَغَتِ ٱلتَّرَاقِيَ

Mayee, markay (naftu) soo gaarto mirgiga (iyadoo sii baxeysa)
Surah Al-Qiyama, Verse 26


وَقِيلَ مَنۡۜ رَاقٖ

Oo la yidhaahdo: Yaa ku tufi
Surah Al-Qiyama, Verse 27


وَظَنَّ أَنَّهُ ٱلۡفِرَاقُ

Oo yaqiinsado inay tahay (waqtigii) tagidda
Surah Al-Qiyama, Verse 28


وَٱلۡتَفَّتِ ٱلسَّاقُ بِٱلسَّاقِ

Oo sakaraadkii loo geeyo sakaraad
Surah Al-Qiyama, Verse 29


إِلَىٰ رَبِّكَ يَوۡمَئِذٍ ٱلۡمَسَاقُ

Waa xagga Rabbigaa Maalintas halka laysu wadaaa
Surah Al-Qiyama, Verse 30


فَلَا صَدَّقَ وَلَا صَلَّىٰ

Marka ma uu rumeyn (Xaqa) mana tukan
Surah Al-Qiyama, Verse 31


وَلَٰكِن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ

Laakiinse wuu beeniyey (Xaqa) oo dhabarka jeediyey
Surah Al-Qiyama, Verse 32


ثُمَّ ذَهَبَ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِۦ يَتَمَطَّىٰٓ

Markaas wuxuu aaday xagga ehelkiisa isagoo u socda si kibir iyo faan leh
Surah Al-Qiyama, Verse 33


أَوۡلَىٰ لَكَ فَأَوۡلَىٰ

Dhowaa hooggaagu oo dhowaa
Surah Al-Qiyama, Verse 34


ثُمَّ أَوۡلَىٰ لَكَ فَأَوۡلَىٰٓ

Haddana dhowaa hoggaagu oo dhowaa
Surah Al-Qiyama, Verse 35


أَيَحۡسَبُ ٱلۡإِنسَٰنُ أَن يُتۡرَكَ سُدًى

Ma wuxuu Aadmigu moodaa in looga tegi doono bilaash (ujeeddo la'aan)
Surah Al-Qiyama, Verse 36


أَلَمۡ يَكُ نُطۡفَةٗ مِّن مَّنِيّٖ يُمۡنَىٰ

Miyuusan aheyn mani-nool oo la dhibciyo
Surah Al-Qiyama, Verse 37


ثُمَّ كَانَ عَلَقَةٗ فَخَلَقَ فَسَوَّىٰ

Markaas uu noqday xinjir, uu abuuray oo qaab wanaagsan u yeelay
Surah Al-Qiyama, Verse 38


فَجَعَلَ مِنۡهُ ٱلزَّوۡجَيۡنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلۡأُنثَىٰٓ

Oo ka dhigay labo nooc, lab iyo dheddig
Surah Al-Qiyama, Verse 39


أَلَيۡسَ ذَٰلِكَ بِقَٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يُحۡـِۧيَ ٱلۡمَوۡتَىٰ

Miyuusan Kaasi (Allaah) awoodin inuu soo nooleeyo maytida
Surah Al-Qiyama, Verse 40


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 74
>> Surah 76

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai