Surah Al-Qiyama - Somali Translation by Mahmud Muhammad Abduh
لَآ أُقۡسِمُ بِيَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ
Waxaan ku dharaan maalinta qiyaame
Surah Al-Qiyama, Verse 1
وَلَآ أُقۡسِمُ بِٱلنَّفۡسِ ٱللَّوَّامَةِ
Waxaan ku dhaaran (oo kale) nafta Dagaasha (Saaxiibkeed) (Ee waa la idin soo bixin)
Surah Al-Qiyama, Verse 2
أَيَحۡسَبُ ٱلۡإِنسَٰنُ أَلَّن نَّجۡمَعَ عِظَامَهُۥ
Ma wuxuu u maleeyay Dadku inaanaan kulminhaynin lafihiisa
Surah Al-Qiyama, Verse 3
بَلَىٰ قَٰدِرِينَ عَلَىٰٓ أَن نُّسَوِّيَ بَنَانَهُۥ
Saas ma aha ee waan karraa inaan sinno (soona Celinno) Farihiisa
Surah Al-Qiyama, Verse 4
بَلۡ يُرِيدُ ٱلۡإِنسَٰنُ لِيَفۡجُرَ أَمَامَهُۥ
Wuxuuse Dooni Dadku inay ka Gaaloobaan waxa ka horreeya
Surah Al-Qiyama, Verse 5
يَسۡـَٔلُ أَيَّانَ يَوۡمُ ٱلۡقِيَٰمَةِ
Wuxuu waydiin waa Goorma Maalinta Qiyaame
Surah Al-Qiyama, Verse 6
فَإِذَا بَرِقَ ٱلۡبَصَرُ
Markase Araggu Wareero (Taagmo)
Surah Al-Qiyama, Verse 7
وَخَسَفَ ٱلۡقَمَرُ
Dayuxuna Madoobaado
Surah Al-Qiyama, Verse 8
وَجُمِعَ ٱلشَّمۡسُ وَٱلۡقَمَرُ
Lana Kulmiyo Qorraxd iyo Dayaxa
Surah Al-Qiyama, Verse 9
يَقُولُ ٱلۡإِنسَٰنُ يَوۡمَئِذٍ أَيۡنَ ٱلۡمَفَرُّ
Wuxuu Dhihi Dadku Maalintaas xagee loo cararaa
Surah Al-Qiyama, Verse 10
كَلَّا لَا وَزَرَ
Saas ma aha ee ma jiro wax la magan Galo (Eebe Mooyee)
Surah Al-Qiyama, Verse 11
إِلَىٰ رَبِّكَ يَوۡمَئِذٍ ٱلۡمُسۡتَقَرُّ
Xagga Eebahaa yaana Maalintaas loo ahaan
Surah Al-Qiyama, Verse 12
يُنَبَّؤُاْ ٱلۡإِنسَٰنُ يَوۡمَئِذِۭ بِمَا قَدَّمَ وَأَخَّرَ
Waxaa looga warrami dadka Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu Dibmarsaday
Surah Al-Qiyama, Verse 13
بَلِ ٱلۡإِنسَٰنُ عَلَىٰ نَفۡسِهِۦ بَصِيرَةٞ
Ruux walbana Naftiisa isagaa ku maragfuri
Surah Al-Qiyama, Verse 14
وَلَوۡ أَلۡقَىٰ مَعَاذِيرَهُۥ
Si kasta Hadduu u cudurdaartana (wax uma tarto)
Surah Al-Qiyama, Verse 15
لَا تُحَرِّكۡ بِهِۦ لِسَانَكَ لِتَعۡجَلَ بِهِۦٓ
Ha Dhaqaajinin Nabiyow Carrabka inaad Quraanka ku Dagdagto (Akhriskiisa)
Surah Al-Qiyama, Verse 16
إِنَّ عَلَيۡنَا جَمۡعَهُۥ وَقُرۡءَانَهُۥ
Annagaa Laabtaada ku kulmin kuuna Akhriyi
Surah Al-Qiyama, Verse 17
فَإِذَا قَرَأۡنَٰهُ فَٱتَّبِعۡ قُرۡءَانَهُۥ
Ee Markaan akhrino Raac Akhriskiisa
Surah Al-Qiyama, Verse 18
ثُمَّ إِنَّ عَلَيۡنَا بَيَانَهُۥ
Annagaana isasaarray Cadaayntiisa
Surah Al-Qiyama, Verse 19
كَلَّا بَلۡ تُحِبُّونَ ٱلۡعَاجِلَةَ
saas ma aha Ee waxaad Jeceshihiin Dadow tan soo Dagdagaysa (Adduunyada)
Surah Al-Qiyama, Verse 20
وَتَذَرُونَ ٱلۡأٓخِرَةَ
Waxaadna ka tagaysaan aakhiro
Surah Al-Qiyama, Verse 21
وُجُوهٞ يَوۡمَئِذٖ نَّاضِرَةٌ
Wajiyaal Maalintaas way ifi
Surah Al-Qiyama, Verse 22
إِلَىٰ رَبِّهَا نَاظِرَةٞ
Eebeheedna way Eegi
Surah Al-Qiyama, Verse 23
وَوُجُوهٞ يَوۡمَئِذِۭ بَاسِرَةٞ
Wajiyaalna Maalintaas way kaduudsami
Surah Al-Qiyama, Verse 24
تَظُنُّ أَن يُفۡعَلَ بِهَا فَاقِرَةٞ
Waxayna hubtaa in lugu fali Balaayo
Surah Al-Qiyama, Verse 25
كَلَّآ إِذَا بَلَغَتِ ٱلتَّرَاقِيَ
Saas ma aha ee markay naftu gaadho Duunta (Waqtiga Geerida)
Surah Al-Qiyama, Verse 26
وَقِيلَ مَنۡۜ رَاقٖ
Oo la Dhoho uaa ku tufi
Surah Al-Qiyama, Verse 27
وَظَنَّ أَنَّهُ ٱلۡفِرَاقُ
Oo uu Yaqiinsado inuu Dhiman
Surah Al-Qiyama, Verse 28
وَٱلۡتَفَّتِ ٱلسَّاقُ بِٱلسَّاقِ
Oo labada Dhudhun isku marmaan (sakaraad Dartiis)
Surah Al-Qiyama, Verse 29
إِلَىٰ رَبِّكَ يَوۡمَئِذٍ ٱلۡمَسَاقُ
Eebahaa Xaggiisaa la aadi
Surah Al-Qiyama, Verse 30
فَلَا صَدَّقَ وَلَا صَلَّىٰ
Mase Rumaynin Gaalku Xaqa mana tukannin
Surah Al-Qiyama, Verse 31
وَلَٰكِن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ
Laakiin wuu Beeniyay wuuna Jeedsaday
Surah Al-Qiyama, Verse 32
ثُمَّ ذَهَبَ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِۦ يَتَمَطَّىٰٓ
Wuxuuna aaday Ehelkiisii isagoo kibirsan
Surah Al-Qiyama, Verse 33
أَوۡلَىٰ لَكَ فَأَوۡلَىٰ
Halaag Buuse Mutaa
Surah Al-Qiyama, Verse 34
ثُمَّ أَوۡلَىٰ لَكَ فَأَوۡلَىٰٓ
Haddana Halaagbuu Mutaa
Surah Al-Qiyama, Verse 35
أَيَحۡسَبُ ٱلۡإِنسَٰنُ أَن يُتۡرَكَ سُدًى
Ma wuxuu u maleeyay Dadku in looga tagi Bilaash (Dan la'aan)
Surah Al-Qiyama, Verse 36
أَلَمۡ يَكُ نُطۡفَةٗ مِّن مَّنِيّٖ يُمۡنَىٰ
Miyuusan ahayn Dhibic mani ah oo la Dhibciyo
Surah Al-Qiyama, Verse 37
ثُمَّ كَانَ عَلَقَةٗ فَخَلَقَ فَسَوَّىٰ
Markaas Noqoto xinjir oo Eebe Abuuro Ekeeyana
Surah Al-Qiyama, Verse 38
فَجَعَلَ مِنۡهُ ٱلزَّوۡجَيۡنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلۡأُنثَىٰٓ
Kana yeelo Labadii Nooc lab iyo Dhaddig
Surah Al-Qiyama, Verse 39
أَلَيۡسَ ذَٰلِكَ بِقَٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يُحۡـِۧيَ ٱلۡمَوۡتَىٰ
Eebaha Saas kara miyuusan Awoodin inuu soo Nooleeyo wixii Dhintay
Surah Al-Qiyama, Verse 40