Surah Al-Jinn - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
قُلۡ أُوحِيَ إِلَيَّ أَنَّهُ ٱسۡتَمَعَ نَفَرٞ مِّنَ ٱلۡجِنِّ فَقَالُوٓاْ إِنَّا سَمِعۡنَا قُرۡءَانًا عَجَبٗا
Dheh: Waxaa la ii waxyooday inay koox Jin ahi dhegaysteen (Dhambaalkan). Markaasay yidhaahdeen: hubaal waxaanu maqallay Qur'aan cajab leh
Surah Al-Jinn, Verse 1
يَهۡدِيٓ إِلَى ٱلرُّشۡدِ فَـَٔامَنَّا بِهِۦۖ وَلَن نُّشۡرِكَ بِرَبِّنَآ أَحَدٗا
Wax ku toosinaya Jidka Toosan, markaasaan rumeynay, oo uma shariig yeeleyno axadna Rabbigyo
Surah Al-Jinn, Verse 2
وَأَنَّهُۥ تَعَٰلَىٰ جَدُّ رَبِّنَا مَا ٱتَّخَذَ صَٰحِبَةٗ وَلَا وَلَدٗا
Oo waxaa sarreeya Sharafta iyo Haybadda Rabbigeen, ma uusan yeelan xaas ama dhal midna
Surah Al-Jinn, Verse 3
وَأَنَّهُۥ كَانَ يَقُولُ سَفِيهُنَا عَلَى ٱللَّهِ شَطَطٗا
Oo waxay kuwa maan gaabka ahi3 ee dhexdeenna ah ka sheegaan waxyaalo xadgudub ah Allaah
Surah Al-Jinn, Verse 4
وَأَنَّا ظَنَنَّآ أَن لَّن تَقُولَ ٱلۡإِنسُ وَٱلۡجِنُّ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبٗا
Oo Waxaan innagu moodnay in aysan dadka iyo jinka ka been sheegin Allaah
Surah Al-Jinn, Verse 5
وَأَنَّهُۥ كَانَ رِجَالٞ مِّنَ ٱلۡإِنسِ يَعُوذُونَ بِرِجَالٖ مِّنَ ٱلۡجِنِّ فَزَادُوهُمۡ رَهَقٗا
Oo waxay rag ku jira insiga magan galeen rag ku jira jinka, markaasay u kordhiyeen dhib iyo culeys (dambi)
Surah Al-Jinn, Verse 6
وَأَنَّهُمۡ ظَنُّواْ كَمَا ظَنَنتُمۡ أَن لَّن يَبۡعَثَ ٱللَّهُ أَحَدٗا
Oo waxay iyagu moodeen sida aad idinkuba mooddeen, inuusan Allaah soo bixineyn axadna
Surah Al-Jinn, Verse 7
وَأَنَّا لَمَسۡنَا ٱلسَّمَآءَ فَوَجَدۡنَٰهَا مُلِئَتۡ حَرَسٗا شَدِيدٗا وَشُهُبٗا
Oo waxaan innagu doonnay inaan gaarno samada, waxaanse la kulannay iyadoo laga buuxiyey ilaalooyin adag iyo danabyo
Surah Al-Jinn, Verse 8
وَأَنَّا كُنَّا نَقۡعُدُ مِنۡهَا مَقَٰعِدَ لِلسَّمۡعِۖ فَمَن يَسۡتَمِعِ ٱلۡأٓنَ يَجِدۡ لَهُۥ شِهَابٗا رَّصَدٗا
Oo waxaan ka fariisan jirnay halkaa rugag laga fariisto si aan u xadno maqalka, kiise (isku dayaa) inuu dhegaysto haatan wuxuu la kulmayaa danab sugaya
Surah Al-Jinn, Verse 9
وَأَنَّا لَا نَدۡرِيٓ أَشَرٌّ أُرِيدَ بِمَن فِي ٱلۡأَرۡضِ أَمۡ أَرَادَ بِهِمۡ رَبُّهُمۡ رَشَدٗا
Oo ma ogin in shar lala maagay waxa jooga dhulka korkiisa, ama in Rabbigood la doonay hanuun
Surah Al-Jinn, Verse 10
وَأَنَّا مِنَّا ٱلصَّـٰلِحُونَ وَمِنَّا دُونَ ذَٰلِكَۖ كُنَّا طَرَآئِقَ قِدَدٗا
Oo waxaa naga mid ah kuwo wanaagsan iyo kuwo kaloo naga mid ah aan sidaas ahayn. waxaanu nahay kooxo raaca dariiqoooyin kala duwan
Surah Al-Jinn, Verse 11
وَأَنَّا ظَنَنَّآ أَن لَّن نُّعۡجِزَ ٱللَّهَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَن نُّعۡجِزَهُۥ هَرَبٗا
Oo waxaan ognahay inaan uga fakan karin (ciqaabka) Ilaahay dhulka, oo ugama fakan karno (ciqaabka) carar
Surah Al-Jinn, Verse 12
وَأَنَّا لَمَّا سَمِعۡنَا ٱلۡهُدَىٰٓ ءَامَنَّا بِهِۦۖ فَمَن يُؤۡمِنۢ بِرَبِّهِۦ فَلَا يَخَافُ بَخۡسٗا وَلَا رَهَقٗا
Oo markaanu maqallay Hanuunka, waan rumaynay, oo mid kastoo rumeeya Rabbigi waa inuusan ka baqin khasaaro, ama inuu qabsado (dulli)
Surah Al-Jinn, Verse 13
وَأَنَّا مِنَّا ٱلۡمُسۡلِمُونَ وَمِنَّا ٱلۡقَٰسِطُونَۖ فَمَنۡ أَسۡلَمَ فَأُوْلَـٰٓئِكَ تَحَرَّوۡاْ رَشَدٗا
Oo waxaa naga mid ah kuwo hoggaansan (Muslimiin ah), oo qaarkayo waa kuwo (gaalo ah) ka leexda (Xaqa); ee mid kastoo u hoggaansan (Ilaahay), kuwaasi waxay raacaan jidka toosan
Surah Al-Jinn, Verse 14
وَأَمَّا ٱلۡقَٰسِطُونَ فَكَانُواْ لِجَهَنَّمَ حَطَبٗا
Oo ma xagga kuwa ka leexda (Xaqa), kuwaasu waa xaabada Naarta
Surah Al-Jinn, Verse 15
وَأَلَّوِ ٱسۡتَقَٰمُواْ عَلَى ٱلطَّرِيقَةِ لَأَسۡقَيۡنَٰهُم مَّآءً غَدَقٗا
Oo haddii ay hayn lahaayeen Jidka (toosan) waxaan hubaal ka waraabin laheyn biyo badan oo macaan
Surah Al-Jinn, Verse 16
لِّنَفۡتِنَهُمۡ فِيهِۚ وَمَن يُعۡرِضۡ عَن ذِكۡرِ رَبِّهِۦ يَسۡلُكۡهُ عَذَابٗا صَعَدٗا
Si aan ugu imtixaanno. Oo mid kastoo ka jeesada Waanada Rabbigi, Wuxuu ka yeeli inuu galo cadaab sii kordheysa
Surah Al-Jinn, Verse 17
وَأَنَّ ٱلۡمَسَٰجِدَ لِلَّهِ فَلَا تَدۡعُواْ مَعَ ٱللَّهِ أَحَدٗا
Oo Masaajidyada waxaa leh Allaah, ee ha baryina axadna la jirka Alle
Surah Al-Jinn, Verse 18
وَأَنَّهُۥ لَمَّا قَامَ عَبۡدُ ٱللَّهِ يَدۡعُوهُ كَادُواْ يَكُونُونَ عَلَيۡهِ لِبَدٗا
Oo waxay markuu addoonkaa Ilaahay istaagay isagoo baryaya, durbaba ka sameeyeen hareerahiisa is buurasho badan
Surah Al-Jinn, Verse 19
قُلۡ إِنَّمَآ أَدۡعُواْ رَبِّي وَلَآ أُشۡرِكُ بِهِۦٓ أَحَدٗا
Dheh: Waxaan uun baryayaa Rabbigay oo lama wadaajinayo axadna cibaadada
Surah Al-Jinn, Verse 20
قُلۡ إِنِّي لَآ أَمۡلِكُ لَكُمۡ ضَرّٗا وَلَا رَشَدٗا
Dheh: Anigu idin ma hayo habow ama hanuun
Surah Al-Jinn, Verse 21
قُلۡ إِنِّي لَن يُجِيرَنِي مِنَ ٱللَّهِ أَحَدٞ وَلَنۡ أَجِدَ مِن دُونِهِۦ مُلۡتَحَدًا
Dheh: Cidina igama celin karto (Ciqaabka) Ilaahay (Haddii aan ku caasiyo), mana ka heli karo sokadi wax ciirsi iyo agab ah
Surah Al-Jinn, Verse 22
إِلَّا بَلَٰغٗا مِّنَ ٱللَّهِ وَرِسَٰلَٰتِهِۦۚ وَمَن يَعۡصِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَإِنَّ لَهُۥ نَارَ جَهَنَّمَ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدًا
(Xilkeygu waa) oo keliya Gaarsiinta (Xaqa) ka yimid Allaah iyo Risaalooyinkiisa (towxiidka), oo mid kastoo caasiya Allaah iyo Rasuulkiisa, hubaal wuxuu mudan Naarta dabka ah, ay ku dhex waari doonaan weligood
Surah Al-Jinn, Verse 23
حَتَّىٰٓ إِذَا رَأَوۡاْ مَا يُوعَدُونَ فَسَيَعۡلَمُونَ مَنۡ أَضۡعَفُ نَاصِرٗا وَأَقَلُّ عَدَدٗا
Jeer markay arkaan waxa loogu gooddiyo, markaasay ogaan doonaan cidda gargaarahiisu tabar daran yahay oo tiro yar
Surah Al-Jinn, Verse 24
قُلۡ إِنۡ أَدۡرِيٓ أَقَرِيبٞ مَّا تُوعَدُونَ أَمۡ يَجۡعَلُ لَهُۥ رَبِّيٓ أَمَدًا
Dheh: Anigu ma ogi in waxa la idiinku gooddiyo uu dhow yahay, ama in Rabbigay u yeeli doono waqti go’an
Surah Al-Jinn, Verse 25
عَٰلِمُ ٱلۡغَيۡبِ فَلَا يُظۡهِرُ عَلَىٰ غَيۡبِهِۦٓ أَحَدًا
Waa Ogsoonaha waxa aan muuqan ee qarsoon, umana bandhigo ghaybkiisa axadna
Surah Al-Jinn, Verse 26
إِلَّا مَنِ ٱرۡتَضَىٰ مِن رَّسُولٖ فَإِنَّهُۥ يَسۡلُكُ مِنۢ بَيۡنِ يَدَيۡهِ وَمِنۡ خَلۡفِهِۦ رَصَدٗا
Mid maahee uu Isagu u doorto Rasuul ahaan, markaa wuxuu hubaal u yeelaa ilaalo socota hortiisa iyo gadaashiisaba
Surah Al-Jinn, Verse 27
لِّيَعۡلَمَ أَن قَدۡ أَبۡلَغُواْ رِسَٰلَٰتِ رَبِّهِمۡ وَأَحَاطَ بِمَا لَدَيۡهِمۡ وَأَحۡصَىٰ كُلَّ شَيۡءٍ عَدَدَۢا
Si uu u ogaado inay run ahaan gaarsiiyeen Farriimaha Rabbigood, oo waa koobaa waxa xaggooda jira, oo tira koobaa wax walba
Surah Al-Jinn, Verse 28