Surah Nooh - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
إِنَّآ أَرۡسَلۡنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوۡمِهِۦٓ أَنۡ أَنذِرۡ قَوۡمَكَ مِن قَبۡلِ أَن يَأۡتِيَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ
Hubaal Waxaanu u soo dirnay Nuux dadkiisii (Annagoo leh): U dig dadkaaga inta aysan u iman cadaab xanuun badan
Surah Nooh, Verse 1
قَالَ يَٰقَوۡمِ إِنِّي لَكُمۡ نَذِيرٞ مُّبِينٌ
Wuxuu yidhi: Dadkaygiiyow! Hubaal waxaan anigu idiin ahay dige cad
Surah Nooh, Verse 2
أَنِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ وَٱتَّقُوهُ وَأَطِيعُونِ
Inaad caabudddaan Allaah, oo aad dhowrtaan (xilka uu idin saaray), oo anigana i adeeca
Surah Nooh, Verse 3
يَغۡفِرۡ لَكُم مِّن ذُنُوبِكُمۡ وَيُؤَخِّرۡكُمۡ إِلَىٰٓ أَجَلٖ مُّسَمًّىۚ إِنَّ أَجَلَ ٱللَّهِ إِذَا جَآءَ لَا يُؤَخَّرُۚ لَوۡ كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
Wuxuu idiin dhaafi wax ka mid ah dambiyadiinna, oo idiin dib dhigi ilaa muddo magacaaban. hubaal, muddada Alle gooyey marka ay timaaddo lama dib dhigo, waase haddii aad og tihiin
Surah Nooh, Verse 4
قَالَ رَبِّ إِنِّي دَعَوۡتُ قَوۡمِي لَيۡلٗا وَنَهَارٗا
Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal waxaan anigu ugu baaqay (Towxiidka) dadkeygii habeen iyo maalinba
Surah Nooh, Verse 5
فَلَمۡ يَزِدۡهُمۡ دُعَآءِيٓ إِلَّا فِرَارٗا
Ha yeeshee baaqeygu uma uusan kordhin waxaan aheyn didmo
Surah Nooh, Verse 6
وَإِنِّي كُلَّمَا دَعَوۡتُهُمۡ لِتَغۡفِرَ لَهُمۡ جَعَلُوٓاْ أَصَٰبِعَهُمۡ فِيٓ ءَاذَانِهِمۡ وَٱسۡتَغۡشَوۡاْ ثِيَابَهُمۡ وَأَصَرُّواْ وَٱسۡتَكۡبَرُواْ ٱسۡتِكۡبَارٗا
Oo mar kastoo aan u baaqo si aad ugu dambi dhaafto, waxay dhex geliyaan farahooda dhegahooda2, oo isku dadaan maryahooda, oo madax adaygaan oo waxaa ka buuxsama kibir iyo san taag
Surah Nooh, Verse 7
ثُمَّ إِنِّي دَعَوۡتُهُمۡ جِهَارٗا
Haddana hubaal waxaan ugu baaqay (Towxiidka) si cod kore ah
Surah Nooh, Verse 8
ثُمَّ إِنِّيٓ أَعۡلَنتُ لَهُمۡ وَأَسۡرَرۡتُ لَهُمۡ إِسۡرَارٗا
Haddana hubaal waxaan ula hadlay iyaga si guud , oo waxaan ula hadlay iyaga si gaar ah (sir iyo saaqba)
Surah Nooh, Verse 9
فَقُلۡتُ ٱسۡتَغۡفِرُواْ رَبَّكُمۡ إِنَّهُۥ كَانَ غَفَّارٗا
Markaas waxaan idhi: Ka barya dambi dhaaf Rabbigiin; hubaal waa Dambi Dhaaf Badane’e
Surah Nooh, Verse 10
يُرۡسِلِ ٱلسَّمَآءَ عَلَيۡكُم مِّدۡرَارٗا
Wuxuu u soo diri doonaa dushiinna daruur idiin shubeysa roob darar ah
Surah Nooh, Verse 11
وَيُمۡدِدۡكُم بِأَمۡوَٰلٖ وَبَنِينَ وَيَجۡعَل لَّكُمۡ جَنَّـٰتٖ وَيَجۡعَل لَّكُمۡ أَنۡهَٰرٗا
Oo idinku deeqi maal iyo awlaad, oo idiin yeeli beero, oo idiin yeeli webiyaal
Surah Nooh, Verse 12
مَّا لَكُمۡ لَا تَرۡجُونَ لِلَّهِ وَقَارٗا
Maxaa idinku dhacay aydaan uga cabsoon Weynida Ilaahay
Surah Nooh, Verse 13
وَقَدۡ خَلَقَكُمۡ أَطۡوَارًا
Oo dhab ahaan wuxuu idin abuuray idinkoo soo maray heerar (kala duwan)
Surah Nooh, Verse 14
أَلَمۡ تَرَوۡاْ كَيۡفَ خَلَقَ ٱللَّهُ سَبۡعَ سَمَٰوَٰتٖ طِبَاقٗا
Mawaydan arag sida Allaah u abuuray toddobada samo ee kala korreeya
Surah Nooh, Verse 15
وَجَعَلَ ٱلۡقَمَرَ فِيهِنَّ نُورٗا وَجَعَلَ ٱلشَّمۡسَ سِرَاجٗا
Oo yeelay dayaxa dhexdiis nuur, oo ka yeelay qorraxda nal
Surah Nooh, Verse 16
وَٱللَّهُ أَنۢبَتَكُم مِّنَ ٱلۡأَرۡضِ نَبَاتٗا
Oo Allaah Wuxuu idinka soo bixiyey dhulka bixitaan
Surah Nooh, Verse 17
ثُمَّ يُعِيدُكُمۡ فِيهَا وَيُخۡرِجُكُمۡ إِخۡرَاجٗا
Markaas idinku celin gudahiisa oo idinka soo bixin baxsiis (Cusub)
Surah Nooh, Verse 18
وَٱللَّهُ جَعَلَ لَكُمُ ٱلۡأَرۡضَ بِسَاطٗا
Oo Allaah Wuxuu idiinka yeelay dhulka gogol fidsan
Surah Nooh, Verse 19
لِّتَسۡلُكُواْ مِنۡهَا سُبُلٗا فِجَاجٗا
Si aad ugu socotaan dhexdiisa waddooyin waasic ah
Surah Nooh, Verse 20
قَالَ نُوحٞ رَّبِّ إِنَّهُمۡ عَصَوۡنِي وَٱتَّبَعُواْ مَن لَّمۡ يَزِدۡهُ مَالُهُۥ وَوَلَدُهُۥٓ إِلَّا خَسَارٗا
Nuux wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal waa ii caasiyeen, oo raaceen mid isagu maalkiisu iyo awlaaddiisu aysan u kordhin waxaan aheyn khasaaro
Surah Nooh, Verse 21
وَمَكَرُواْ مَكۡرٗا كُبَّارٗا
Oo waxay qooleen shirqool aad u weyn
Surah Nooh, Verse 22
وَقَالُواْ لَا تَذَرُنَّ ءَالِهَتَكُمۡ وَلَا تَذَرُنَّ وَدّٗا وَلَا سُوَاعٗا وَلَا يَغُوثَ وَيَعُوقَ وَنَسۡرٗا
Oo waxay yidhaahdeen: Sinnaba ha uga tegina ilaahyadiinna, hana ka tegina Wadd ama Suwaac ama Yaquus iyo Yacuuq iyo Nasar
Surah Nooh, Verse 23
وَقَدۡ أَضَلُّواْ كَثِيرٗاۖ وَلَا تَزِدِ ٱلظَّـٰلِمِينَ إِلَّا ضَلَٰلٗا
Oo xaqiiq waxay lumiyeen in badan, oo ha u kordhin gar ma qaatayaasha waxaan aheyn habow
Surah Nooh, Verse 24
مِّمَّا خَطِيٓـَٰٔتِهِمۡ أُغۡرِقُواْ فَأُدۡخِلُواْ نَارٗا فَلَمۡ يَجِدُواْ لَهُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ أَنصَارٗا
Gefafkoodii dartood baa loo qarqiyey, markaas laga yeelay inay galaan Naar, marka ma helin cid u soo gargaarta Allaah sokadi
Surah Nooh, Verse 25
وَقَالَ نُوحٞ رَّبِّ لَا تَذَرۡ عَلَى ٱلۡأَرۡضِ مِنَ ٱلۡكَٰفِرِينَ دَيَّارًا
Oo Nuux wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ha kaga tegin dhulka korkiisa axad deggan oo ka mid ah gaalada
Surah Nooh, Verse 26
إِنَّكَ إِن تَذَرۡهُمۡ يُضِلُّواْ عِبَادَكَ وَلَا يَلِدُوٓاْ إِلَّا فَاجِرٗا كَفَّارٗا
Waayo hubaal haddii aad deyso iyaga, waxay dhumin addoomahaaga, oo ma dhali doonaan waxaan aheyn faajir, abaal dhac badan
Surah Nooh, Verse 27
رَّبِّ ٱغۡفِرۡ لِي وَلِوَٰلِدَيَّ وَلِمَن دَخَلَ بَيۡتِيَ مُؤۡمِنٗا وَلِلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِۖ وَلَا تَزِدِ ٱلظَّـٰلِمِينَ إِلَّا تَبَارَۢا
Rabbiyow! Ii Dambi dhaaf aniga, iyo waalidkeyba iyo qofkii soo gala gurigeyga isagoo mu’min ah, iyo mu’miniinta iyo mu’minooyinka. Oo ha u kordhin daalimiinta (mushrikiinta, gaalada, iwm,) waxaan aheyn burbur iyo baabba’a
Surah Nooh, Verse 28