Surah Al-Maarij - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
سَأَلَ سَآئِلُۢ بِعَذَابٖ وَاقِعٖ
Mid wax dalbaya2, baa dalbay cadaabta ku dhaceysa
Surah Al-Maarij, Verse 1
لِّلۡكَٰفِرِينَ لَيۡسَ لَهُۥ دَافِعٞ
Gaalada, ma jiro cid celin karta
Surah Al-Maarij, Verse 2
مِّنَ ٱللَّهِ ذِي ٱلۡمَعَارِجِ
Ka iman xagga Ilaahay, Rabbiga waddooyinka kor loogu koro leh
Surah Al-Maarij, Verse 3
تَعۡرُجُ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ وَٱلرُّوحُ إِلَيۡهِ فِي يَوۡمٖ كَانَ مِقۡدَارُهُۥ خَمۡسِينَ أَلۡفَ سَنَةٖ
Xaggiisay u koraan Malaa’igta iyo Ruuxu Maalin qaddarkeedu dhan yahay konton kun oo sano
Surah Al-Maarij, Verse 4
فَٱصۡبِرۡ صَبۡرٗا جَمِيلًا
Ee Samir yeelo _samir wanaagsan
Surah Al-Maarij, Verse 5
إِنَّهُمۡ يَرَوۡنَهُۥ بَعِيدٗا
Hubaal waxay u arkaan wax aad u fog
Surah Al-Maarij, Verse 6
وَنَرَىٰهُ قَرِيبٗا
Oo waxaan u aragnaa mid aad u dhow
Surah Al-Maarij, Verse 7
يَوۡمَ تَكُونُ ٱلسَّمَآءُ كَٱلۡمُهۡلِ
Maalinta ay samadu noqon doonto sida maar shuban
Surah Al-Maarij, Verse 8
وَتَكُونُ ٱلۡجِبَالُ كَٱلۡعِهۡنِ
Oo buuruhu noqon doonaan sida cudbi la dhilay
Surah Al-Maarij, Verse 9
وَلَا يَسۡـَٔلُ حَمِيمٌ حَمِيمٗا
Oo Saaxiib iswareysan doonin saaxiib
Surah Al-Maarij, Verse 10
يُبَصَّرُونَهُمۡۚ يَوَدُّ ٱلۡمُجۡرِمُ لَوۡ يَفۡتَدِي مِنۡ عَذَابِ يَوۡمِئِذِۭ بِبَنِيهِ
Inkastoo laga yeelayo inay is arkaan. dambiilahu wuxuu jeclaan inuu isaga furto cadaabka Maalintaasi carruurtiisa
Surah Al-Maarij, Verse 11
وَصَٰحِبَتِهِۦ وَأَخِيهِ
Iyo xaaskiisa iyo walaalki
Surah Al-Maarij, Verse 12
وَفَصِيلَتِهِ ٱلَّتِي تُـٔۡوِيهِ
Iyo kuwa u xiga qaraabo ahaan ee siiya meeluu hoydo
Surah Al-Maarij, Verse 13
وَمَن فِي ٱلۡأَرۡضِ جَمِيعٗا ثُمَّ يُنجِيهِ
Iyo waxa dhulka jira oo dhan markaas si uu isagu u badbaado
Surah Al-Maarij, Verse 14
كَلَّآۖ إِنَّهَا لَظَىٰ
Mayee! Hubaal waa Naar ololeysa
Surah Al-Maarij, Verse 15
نَزَّاعَةٗ لِّلشَّوَىٰ
Ka soo jiideysa Madaxa
Surah Al-Maarij, Verse 16
تَدۡعُواْ مَنۡ أَدۡبَرَ وَتَوَلَّىٰ
Waxay u yeedhi kan jeestay ee Xaqa diiday
Surah Al-Maarij, Verse 17
وَجَمَعَ فَأَوۡعَىٰٓ
oo maal kulmiyey markaa oo afka u xidhay
Surah Al-Maarij, Verse 18
۞إِنَّ ٱلۡإِنسَٰنَ خُلِقَ هَلُوعًا
Hubaal Aadmigu waxaa lagu abuuray sabar yaraan iyo degdegsiinyo
Surah Al-Maarij, Verse 19
إِذَا مَسَّهُ ٱلشَّرُّ جَزُوعٗا
Marka uu dhib taabto waa murugoodaa
Surah Al-Maarij, Verse 20
وَإِذَا مَسَّهُ ٱلۡخَيۡرُ مَنُوعًا
Oo marka uu khayr helo waa masuugaa
Surah Al-Maarij, Verse 21
إِلَّا ٱلۡمُصَلِّينَ
Kuwa tukada mooyaane
Surah Al-Maarij, Verse 22
ٱلَّذِينَ هُمۡ عَلَىٰ صَلَاتِهِمۡ دَآئِمُونَ
Ee daa’ima salaaddooda
Surah Al-Maarij, Verse 23
وَٱلَّذِينَ فِيٓ أَمۡوَٰلِهِمۡ حَقّٞ مَّعۡلُومٞ
Oo ah kuwa maalkooda uu ugu jiro qayb la yaqaan
Surah Al-Maarij, Verse 24
لِّلسَّآئِلِ وَٱلۡمَحۡرُومِ
Kan tuugsada, iyo kan aan wax heysan
Surah Al-Maarij, Verse 25
وَٱلَّذِينَ يُصَدِّقُونَ بِيَوۡمِ ٱلدِّينِ
Oo ah kuwaa rumeysan Maalinta is abaal marinta
Surah Al-Maarij, Verse 26
وَٱلَّذِينَ هُم مِّنۡ عَذَابِ رَبِّهِم مُّشۡفِقُونَ
Ee iyagu ka baqa cadaabta Rabbigood
Surah Al-Maarij, Verse 27
إِنَّ عَذَابَ رَبِّهِمۡ غَيۡرُ مَأۡمُونٖ
Hubaal Cadaabta Rabbigaa waa wax aan aamin laga aheyn
Surah Al-Maarij, Verse 28
وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِفُرُوجِهِمۡ حَٰفِظُونَ
Oo ah kuwa ilaaliya xubnahooda gaarka ah
Surah Al-Maarij, Verse 29
إِلَّا عَلَىٰٓ أَزۡوَٰجِهِمۡ أَوۡ مَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُهُمۡ فَإِنَّهُمۡ غَيۡرُ مَلُومِينَ
Xagga xaasaskooda ma’ahee ama kuwaa ay gacmahoodu midig hantaan,_oo (markaa) hubaal ma laha wax eed ah
Surah Al-Maarij, Verse 30
فَمَنِ ٱبۡتَغَىٰ وَرَآءَ ذَٰلِكَ فَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡعَادُونَ
Kiise isagu doona inuu intaas dabo maro, kuwaa weeye kuwa xadgudbayaasha ah
Surah Al-Maarij, Verse 31
وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِأَمَٰنَٰتِهِمۡ وَعَهۡدِهِمۡ رَٰعُونَ
Iyo kuwaa ilaaliya ammaanooyinkooda iyo ballamahooda
Surah Al-Maarij, Verse 32
وَٱلَّذِينَ هُم بِشَهَٰدَٰتِهِمۡ قَآئِمُونَ
Kuwaa iyagu si toosan u guta markhaa- tiyadooda
Surah Al-Maarij, Verse 33
وَٱلَّذِينَ هُمۡ عَلَىٰ صَلَاتِهِمۡ يُحَافِظُونَ
Oo ah kuwa iyagu xafida oo dhowra salaaddooda
Surah Al-Maarij, Verse 34
أُوْلَـٰٓئِكَ فِي جَنَّـٰتٖ مُّكۡرَمُونَ
Kuwaas waxay geli doonaan Beeraha Jannada iyagoo sharfan
Surah Al-Maarij, Verse 35
فَمَالِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ قِبَلَكَ مُهۡطِعِينَ
Muxuuse arrinkoodu yahay kuwaa Xaqa diida waa iyaga u soo degdega hareeraheeda’e
Surah Al-Maarij, Verse 36
عَنِ ٱلۡيَمِينِ وَعَنِ ٱلشِّمَالِ عِزِينَ
Xagga midigta iyo bidixda koox koox u jooga
Surah Al-Maarij, Verse 37
أَيَطۡمَعُ كُلُّ ٱمۡرِيٕٖ مِّنۡهُمۡ أَن يُدۡخَلَ جَنَّةَ نَعِيمٖ
Ma wuxuu qof walba oo iyaga ka mid ahi rabaa in laga yeelo inuu galo Jannada barwaaqada ah
Surah Al-Maarij, Verse 38
كَلَّآۖ إِنَّا خَلَقۡنَٰهُم مِّمَّا يَعۡلَمُونَ
Mayee, hubaal Waxaan ka abuurnay waxa ay og yihiin
Surah Al-Maarij, Verse 39
فَلَآ أُقۡسِمُ بِرَبِّ ٱلۡمَشَٰرِقِ وَٱلۡمَغَٰرِبِ إِنَّا لَقَٰدِرُونَ
Mayee se! Waxaan ku dhaartay Rabbiga bariyada iyo galbeedyada inaan xaqiiq Karno
Surah Al-Maarij, Verse 40
عَلَىٰٓ أَن نُّبَدِّلَ خَيۡرٗا مِّنۡهُمۡ وَمَا نَحۡنُ بِمَسۡبُوقِينَ
Inaan ku beddelno (Kuwo kale) oo ka wanaagsan; oo ma nalaga adkaan doono
Surah Al-Maarij, Verse 41
فَذَرۡهُمۡ يَخُوضُواْ وَيَلۡعَبُواْ حَتَّىٰ يُلَٰقُواْ يَوۡمَهُمُ ٱلَّذِي يُوعَدُونَ
Ee isaga tag iyaga keligood inay ku socdaan waxyaalo aan jirin oo been ah oo iska cayaaraan, jeer ay qaabilaan fool ka fool Maalintooda loogu gooddiyo
Surah Al-Maarij, Verse 42
يَوۡمَ يَخۡرُجُونَ مِنَ ٱلۡأَجۡدَاثِ سِرَاعٗا كَأَنَّهُمۡ إِلَىٰ نُصُبٖ يُوفِضُونَ
Maalinta ay ka soo bixi doonaan qu- buuraha iyagoo degdegaya sida inay u tartarmayaan calaamo loo taagay
Surah Al-Maarij, Verse 43
خَٰشِعَةً أَبۡصَٰرُهُمۡ تَرۡهَقُهُمۡ ذِلَّةٞۚ ذَٰلِكَ ٱلۡيَوۡمُ ٱلَّذِي كَانُواْ يُوعَدُونَ
Indhahoodu rogan yihiin, dulli baa dabooli doona (korka oo dhan)! Taasu waa Maalintii loogu gooddiyey
Surah Al-Maarij, Verse 44