Surah Al-Haaqqa - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
ٱلۡحَآقَّةُ
Xaqiida dhabta ah ee soo socota
Surah Al-Haaqqa, Verse 1
مَا ٱلۡحَآقَّةُ
Waa maxay xaqiiqda dhabta ahi
Surah Al-Haaqqa, Verse 2
وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا ٱلۡحَآقَّةُ
Oo maxaad ka og tahay waxa ay xaqiiqdaa dhabta ahi tahay
Surah Al-Haaqqa, Verse 3
كَذَّبَتۡ ثَمُودُ وَعَادُۢ بِٱلۡقَارِعَةِ
Thamuud iyo Caadba waxay beeniyeen (Qalbi) Garaacdada (Maalinta Qiyaamaha)
Surah Al-Haaqqa, Verse 4
فَأَمَّا ثَمُودُ فَأُهۡلِكُواْ بِٱلطَّاغِيَةِ
Ma Thamuud, waxaa iyaga lagu halaagay cadaab Daran oo xad dhaaf ah
Surah Al-Haaqqa, Verse 5
وَأَمَّا عَادٞ فَأُهۡلِكُواْ بِرِيحٖ صَرۡصَرٍ عَاتِيَةٖ
Caad se, waxaa lagu halaagay dabeyl hugmeysa oo xoog badan
Surah Al-Haaqqa, Verse 6
سَخَّرَهَا عَلَيۡهِمۡ سَبۡعَ لَيَالٖ وَثَمَٰنِيَةَ أَيَّامٍ حُسُومٗاۖ فَتَرَى ٱلۡقَوۡمَ فِيهَا صَرۡعَىٰ كَأَنَّهُمۡ أَعۡجَازُ نَخۡلٍ خَاوِيَةٖ
Oo (Alle) uu ku salliday korkooda toddoba habeen iyo siddeed maalmood oo xidhiidh ah; sidaas darteed waxaad arki lahayd dadkiiyoo halkaas u daadsan af gambi la moodo jirrido timreed dhacay
Surah Al-Haaqqa, Verse 7
فَهَلۡ تَرَىٰ لَهُم مِّنۢ بَاقِيَةٖ
Ee ma aragtaa wax ka haray
Surah Al-Haaqqa, Verse 8
وَجَآءَ فِرۡعَوۡنُ وَمَن قَبۡلَهُۥ وَٱلۡمُؤۡتَفِكَٰتُ بِٱلۡخَاطِئَةِ
Oo Fircoon iyo kuwii ka horreeyey iyo magalooyinkii la daba geddiyey (qowmu Luud) waxay joogto ula yimaadeen gefaf
Surah Al-Haaqqa, Verse 9
فَعَصَوۡاْ رَسُولَ رَبِّهِمۡ فَأَخَذَهُمۡ أَخۡذَةٗ رَّابِيَةً
Oo waxay caasiyeen Rasuulkii Rabbigood, markaasuu ku ciqaabay ciqaab aad u daran
Surah Al-Haaqqa, Verse 10
إِنَّا لَمَّا طَغَا ٱلۡمَآءُ حَمَلۡنَٰكُمۡ فِي ٱلۡجَارِيَةِ
Hubaal waxaan idinku qaadnay (dadow) Doonidii (uu sameeyey Nuux) markay biyihii xad dhaafeen
Surah Al-Haaqqa, Verse 11
لِنَجۡعَلَهَا لَكُمۡ تَذۡكِرَةٗ وَتَعِيَهَآ أُذُنٞ وَٰعِيَةٞ
Si aan idiinkaga dhigno waano, oo u xafiddo dheg wax maqasha oo u fahanto
Surah Al-Haaqqa, Verse 12
فَإِذَا نُفِخَ فِي ٱلصُّورِ نَفۡخَةٞ وَٰحِدَةٞ
Ee marka Buunka la afuufo afuufid keliya. (tan hore)
Surah Al-Haaqqa, Verse 13
وَحُمِلَتِ ٱلۡأَرۡضُ وَٱلۡجِبَالُ فَدُكَّتَا دَكَّةٗ وَٰحِدَةٗ
Oo dhulka iyo buuraha laga rujiyo meelahooda, oo la baduugo baduugid mar keliya ah
Surah Al-Haaqqa, Verse 14
فَيَوۡمَئِذٖ وَقَعَتِ ٱلۡوَاقِعَةُ
Maalintaa bay Dhacdada (Weyn) dhici
Surah Al-Haaqqa, Verse 15
وَٱنشَقَّتِ ٱلسَّمَآءُ فَهِيَ يَوۡمَئِذٖ وَاهِيَةٞ
Oo samada u kala dillaaci gaballo, marka Maalintaasi waxay iyadu ahaan mid daciif ah
Surah Al-Haaqqa, Verse 16
وَٱلۡمَلَكُ عَلَىٰٓ أَرۡجَآئِهَاۚ وَيَحۡمِلُ عَرۡشَ رَبِّكَ فَوۡقَهُمۡ يَوۡمَئِذٖ ثَمَٰنِيَةٞ
Oo malaa’igtu waxay ahaan agagaarkeeda, oo waxaa ku sidi doona Carshiga Rabbigaa korkooda Maalintaas siddeed (saf oo malaa'g ah)
Surah Al-Haaqqa, Verse 17
يَوۡمَئِذٖ تُعۡرَضُونَ لَا تَخۡفَىٰ مِنكُمۡ خَافِيَةٞ
Maalintaas waa la idiin soo bandhigi doonaa, ma jirto sir aad leedihiin oo qarsoonaan doonta
Surah Al-Haaqqa, Verse 18
فَأَمَّا مَنۡ أُوتِيَ كِتَٰبَهُۥ بِيَمِينِهِۦ فَيَقُولُ هَآؤُمُ ٱقۡرَءُواْ كِتَٰبِيَهۡ
Ee ma xagga kan laga siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig wuxuu odhan doonaa: Hooyoo, akhriya Kitaabkeyga
Surah Al-Haaqqa, Verse 19
إِنِّي ظَنَنتُ أَنِّي مُلَٰقٍ حِسَابِيَهۡ
Hubaal anigu waan ogaa inaan la kulmi doono Xisaabteyda
Surah Al-Haaqqa, Verse 20
فَهُوَ فِي عِيشَةٖ رَّاضِيَةٖ
Marka wuxuu kaasi ku noolaan nolol farxad iyo raallinnimo leh
Surah Al-Haaqqa, Verse 21
فِي جَنَّةٍ عَالِيَةٖ
Beer sare gudaheed ah
Surah Al-Haaqqa, Verse 22
قُطُوفُهَا دَانِيَةٞ
Midhaheedu aad u dhow yihiin
Surah Al-Haaqqa, Verse 23
كُلُواْ وَٱشۡرَبُواْ هَنِيٓـَٔۢا بِمَآ أَسۡلَفۡتُمۡ فِي ٱلۡأَيَّامِ ٱلۡخَالِيَةِ
Cuna oo cabba idinkoo faraxsan, waa waxaad horay u falateen maalmihii tegaye
Surah Al-Haaqqa, Verse 24
وَأَمَّا مَنۡ أُوتِيَ كِتَٰبَهُۥ بِشِمَالِهِۦ فَيَقُولُ يَٰلَيۡتَنِي لَمۡ أُوتَ كِتَٰبِيَهۡ
Oo ma xagga kan laga siiyo Kitaabkiisa gacantiisa bidix wuxuu odhan: Alla haddaan marnaba la I siiyeen Kitaabkeyga
Surah Al-Haaqqa, Verse 25
وَلَمۡ أَدۡرِ مَا حِسَابِيَهۡ
Oo aan ogaadeen, waxa ay xisaabteyduba tahay
Surah Al-Haaqqa, Verse 26
يَٰلَيۡتَهَا كَانَتِ ٱلۡقَاضِيَةَ
Alla haddii taa iyada ahi (dhamishadu) ahaan laheyd dhammaadkeyga
Surah Al-Haaqqa, Verse 27
مَآ أَغۡنَىٰ عَنِّي مَالِيَهۡۜ
Maalkeygii waxba iima tarin
Surah Al-Haaqqa, Verse 28
هَلَكَ عَنِّي سُلۡطَٰنِيَهۡ
Awooddeydii waa iga baabba’een
Surah Al-Haaqqa, Verse 29
خُذُوهُ فَغُلُّوهُ
Qabta isaga haddaba oo xidha
Surah Al-Haaqqa, Verse 30
ثُمَّ ٱلۡجَحِيمَ صَلُّوهُ
Markaas ku tuura dabka ololoya
Surah Al-Haaqqa, Verse 31
ثُمَّ فِي سِلۡسِلَةٖ ذَرۡعُهَا سَبۡعُونَ ذِرَاعٗا فَٱسۡلُكُوهُ
Markaas ku xirxira silsilad ballaceedu yahay toddobaatan dhudhumood
Surah Al-Haaqqa, Verse 32
إِنَّهُۥ كَانَ لَا يُؤۡمِنُ بِٱللَّهِ ٱلۡعَظِيمِ
Hubaal ma uu rumeynsneyn Allaah, Sarreeyaha Weyn
Surah Al-Haaqqa, Verse 33
وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلۡمِسۡكِينِ
Mana dhiirra gelin jirin quudinta miskiinka
Surah Al-Haaqqa, Verse 34
فَلَيۡسَ لَهُ ٱلۡيَوۡمَ هَٰهُنَا حَمِيمٞ
Sidaa awgeed kuma laha halkan maanta wax saaxiib run ah
Surah Al-Haaqqa, Verse 35
وَلَا طَعَامٌ إِلَّا مِنۡ غِسۡلِينٖ
ama wax cunno ah milil iyo malax ma’ahee
Surah Al-Haaqqa, Verse 36
لَّا يَأۡكُلُهُۥٓ إِلَّا ٱلۡخَٰطِـُٔونَ
Aanay cidi cunin geflowyada Maahee
Surah Al-Haaqqa, Verse 37
فَلَآ أُقۡسِمُ بِمَا تُبۡصِرُونَ
Ee mayee, waxaan ku dhaartay waxa aad aragtaan
Surah Al-Haaqqa, Verse 38
وَمَا لَا تُبۡصِرُونَ
Iyo wax aydaan aragba
Surah Al-Haaqqa, Verse 39
إِنَّهُۥ لَقَوۡلُ رَسُولٖ كَرِيمٖ
Hubaal waa hadal (Ilaahay) uu keenay Rasuul sharaf leh
Surah Al-Haaqqa, Verse 40
وَمَا هُوَ بِقَوۡلِ شَاعِرٖۚ قَلِيلٗا مَّا تُؤۡمِنُونَ
Oo ma aha hadal gabyaa, yaraa inta aad rumeysaan
Surah Al-Haaqqa, Verse 41
وَلَا بِقَوۡلِ كَاهِنٖۚ قَلِيلٗا مَّا تَذَكَّرُونَ
ama hadal curraafle, yaraa inta aad waantowdaan
Surah Al-Haaqqa, Verse 42
تَنزِيلٞ مِّن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Waa waxyi ka yimid xagga Rabbiga uunanka
Surah Al-Haaqqa, Verse 43
وَلَوۡ تَقَوَّلَ عَلَيۡنَا بَعۡضَ ٱلۡأَقَاوِيلِ
Oo haddii uu naga been sheegi lahaa
Surah Al-Haaqqa, Verse 44
لَأَخَذۡنَا مِنۡهُ بِٱلۡيَمِينِ
Waxaan hubaal ku qaban laheyn gacanta Midig
Surah Al-Haaqqa, Verse 45
ثُمَّ لَقَطَعۡنَا مِنۡهُ ٱلۡوَتِينَ
Markaas waxaan hubaal goyn laheyn halbowlaha
Surah Al-Haaqqa, Verse 46
فَمَا مِنكُم مِّنۡ أَحَدٍ عَنۡهُ حَٰجِزِينَ
Oo ma jiro axad idinka mid ahi oo naga celin lahaa isaga
Surah Al-Haaqqa, Verse 47
وَإِنَّهُۥ لَتَذۡكِرَةٞ لِّلۡمُتَّقِينَ
Oo xaqiiq waa u waano kuwaa ka dhowrsada xumaha
Surah Al-Haaqqa, Verse 48
وَإِنَّا لَنَعۡلَمُ أَنَّ مِنكُم مُّكَذِّبِينَ
Oo xaqiiq waan ognahay inay qaarkiin yihiin xaq diidayaal
Surah Al-Haaqqa, Verse 49
وَإِنَّهُۥ لَحَسۡرَةٌ عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ
Oo xaqiiq waa u murugo iyo ciil gaalada
Surah Al-Haaqqa, Verse 50
وَإِنَّهُۥ لَحَقُّ ٱلۡيَقِينِ
Oo hubaal waa xaq dhab ah
Surah Al-Haaqqa, Verse 51
فَسَبِّحۡ بِٱسۡمِ رَبِّكَ ٱلۡعَظِيمِ
Ee huf oo xurmee Magaca Rabbigaa,Weynaha
Surah Al-Haaqqa, Verse 52