Surah Al-Qalam - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
نٓۚ وَٱلۡقَلَمِ وَمَا يَسۡطُرُونَ
Nuun2. Waxaan ku dhaartay Qalinka iyo waxa ay (malaa’igtu) qoraan
Surah Al-Qalam, Verse 1
مَآ أَنتَ بِنِعۡمَةِ رَبِّكَ بِمَجۡنُونٖ
Waa igu Nicmadda Rabbigaaye, ma ahid (Muxammadow) nin waalan
Surah Al-Qalam, Verse 2
وَإِنَّ لَكَ لَأَجۡرًا غَيۡرَ مَمۡنُونٖ
Oo hubaal waxaad leedahay ajar aan weligii go'eyn
Surah Al-Qalam, Verse 3
وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٖ
Oo hubaal waxaad u dhaqantaa si dabeecad aad u sarreysa ah
Surah Al-Qalam, Verse 4
فَسَتُبۡصِرُ وَيُبۡصِرُونَ
Marka waad arki, iyaguna (sidoo kale) way arki doonaan
Surah Al-Qalam, Verse 5
بِأَييِّكُمُ ٱلۡمَفۡتُونُ
Kiinna idinka mid ah ee waalli qaba
Surah Al-Qalam, Verse 6
إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعۡلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ وَهُوَ أَعۡلَمُ بِٱلۡمُهۡتَدِينَ
Hubaal, Rabbigaa baa aad u Ogsoon, kan ka dhuma Jidkiisa, oo Isaga baa aad u Ogsoon kuwa raaca tubta toosan
Surah Al-Qalam, Verse 7
فَلَا تُطِعِ ٱلۡمُكَذِّبِينَ
Ee ha adeecin xaq diidayaasha
Surah Al-Qalam, Verse 8
وَدُّواْ لَوۡ تُدۡهِنُ فَيُدۡهِنُونَ
Waxay jecel yihiin inaad u soo dabacdo, si ay iyaguna (sidoo kale) u soo dabcaan
Surah Al-Qalam, Verse 9
وَلَا تُطِعۡ كُلَّ حَلَّافٖ مَّهِينٍ
Oo ha adeecin mid kastoo dhaar badan oo qiimo laheyn
Surah Al-Qalam, Verse 10
هَمَّازٖ مَّشَّآءِۭ بِنَمِيمٖ
Xamasho badan, u socod badan dira diro (nabiibiye ah)
Surah Al-Qalam, Verse 11
مَّنَّاعٖ لِّلۡخَيۡرِ مُعۡتَدٍ أَثِيمٍ
Khayr diid ah, xad-gudbe,dambi badan
Surah Al-Qalam, Verse 12
عُتُلِّۭ بَعۡدَ ذَٰلِكَ زَنِيمٍ
macangag madax adag,_intaasoo dhan ka sokow isku dhejis ah (sharci ku dhalan)
Surah Al-Qalam, Verse 13
أَن كَانَ ذَا مَالٖ وَبَنِينَ
Inuu lahaaday darteed maal iyo wiilal
Surah Al-Qalam, Verse 14
إِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِ ءَايَٰتُنَا قَالَ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ
Marka Aayadahayaga loo akhriyo, wuxuu yidhaahdaa: waa sheekooyinkii dadkii hore
Surah Al-Qalam, Verse 15
سَنَسِمُهُۥ عَلَى ٱلۡخُرۡطُومِ
Waxaanu ka calaameyn doonnaa san- qaroorka dushiis
Surah Al-Qalam, Verse 16
إِنَّا بَلَوۡنَٰهُمۡ كَمَا بَلَوۡنَآ أَصۡحَٰبَ ٱلۡجَنَّةِ إِذۡ أَقۡسَمُواْ لَيَصۡرِمُنَّهَا مُصۡبِحِينَ
Hubaal Waxaan u imtixaannay sidii aanu u imtixaannay qoladii iska lahaa beerta, waa tii ay ku dhaarteen inay hubaal goosanayaan midhaha aroorta horeba
Surah Al-Qalam, Verse 17
وَلَا يَسۡتَثۡنُونَ
Oo ma dooneyn inay dhinac ugu saaraan qayb (saboolka)
Surah Al-Qalam, Verse 18
فَطَافَ عَلَيۡهَا طَآئِفٞ مِّن رَّبِّكَ وَهُمۡ نَآئِمُونَ
Markaasaa waxaa uga yimid amar (dab) xagga Rabbigaa habeennimadiiba (oo gubatay) intii ay hurdeen
Surah Al-Qalam, Verse 19
فَأَصۡبَحَتۡ كَٱلصَّرِيمِ
Markaasay waxay noqotay sida xaabo madoobaatay oo la shafay
Surah Al-Qalam, Verse 20
فَتَنَادَوۡاْ مُصۡبِحِينَ
Halka iyagii ay isu dhawaaqeen subaxnimadiiba
Surah Al-Qalam, Verse 21
أَنِ ٱغۡدُواْ عَلَىٰ حَرۡثِكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰرِمِينَ
iyagoo leh: Ku kallaha beertiinna haddii aad goosanaysaan midhaha
Surah Al-Qalam, Verse 22
فَٱنطَلَقُواْ وَهُمۡ يَتَخَٰفَتُونَ
Markaas bay tageen iyagoo ku wada tashaday si qarsoodi ah
Surah Al-Qalam, Verse 23
أَن لَّا يَدۡخُلَنَّهَا ٱلۡيَوۡمَ عَلَيۡكُم مِّسۡكِينٞ
Waa inuusan qof miskiin ah idiin soo gelin maanta
Surah Al-Qalam, Verse 24
وَغَدَوۡاْ عَلَىٰ حَرۡدٖ قَٰدِرِينَ
Oo waxay kallaheen subaxii horeba, iyagoo go’aansan inay ka celiyaan
Surah Al-Qalam, Verse 25
فَلَمَّا رَأَوۡهَا قَالُوٓاْ إِنَّا لَضَآلُّونَ
Markayse arkeen iyadii, waxay yidhaahdeen: wallee waanu soo dhunnay
Surah Al-Qalam, Verse 26
بَلۡ نَحۡنُ مَحۡرُومُونَ
Bal, waxaa nalaga yeelay inay nagu dhacdo qatooyo
Surah Al-Qalam, Verse 27
قَالَ أَوۡسَطُهُمۡ أَلَمۡ أَقُل لَّكُمۡ لَوۡلَا تُسَبِّحُونَ
Koodii u wanaagsanaa baa yidhi: Miyaan idinku odhan: Maxaad u hufi weydeen (Allaah) oo u xurmeyn weydeen
Surah Al-Qalam, Verse 28
قَالُواْ سُبۡحَٰنَ رَبِّنَآ إِنَّا كُنَّا ظَٰلِمِينَ
Waxay yidhaahdeen: Xurmo oo idil waxaa iska leh oo hufan Rabbigeen. xaqiiq waxaanu nahay gar ma qaatayaal
Surah Al-Qalam, Verse 29
فَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ يَتَلَٰوَمُونَ
Markaasaa qaarba qaar ka hor jeesaday, iyagoo is eedeynaya
Surah Al-Qalam, Verse 30
قَالُواْ يَٰوَيۡلَنَآ إِنَّا كُنَّا طَٰغِينَ
Waxay yidhaahdeen: Magaceen ba'ye, xaqiiq waxaanu nahay kuwo xadgudbay
Surah Al-Qalam, Verse 31
عَسَىٰ رَبُّنَآ أَن يُبۡدِلَنَا خَيۡرٗا مِّنۡهَآ إِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا رَٰغِبُونَ
Waase intaasoo uu Rabbigeen noogu beddelo beer ka wanaagsan tani. Hubaal xagga Rabbigeen baanu codsi u direynaa
Surah Al-Qalam, Verse 32
كَذَٰلِكَ ٱلۡعَذَابُۖ وَلَعَذَابُ ٱلۡأٓخِرَةِ أَكۡبَرُۚ لَوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ
Waa sidaas cadaabtu, oo hubaal cadaabta Aakhiradaa ka sii weyn, haddii ay ogaan lahaayeen
Surah Al-Qalam, Verse 33
إِنَّ لِلۡمُتَّقِينَ عِندَ رَبِّهِمۡ جَنَّـٰتِ ٱلنَّعِيمِ
Hubaal kuwa ka dhowrsada xumaha waxay leeyihiin Rabbigood agtiisa beero barwaaqo ah
Surah Al-Qalam, Verse 34
أَفَنَجۡعَلُ ٱلۡمُسۡلِمِينَ كَٱلۡمُجۡرِمِينَ
Ma waxaan haddaba la mid dhignaa kuwaa hoggaansan sida dambiilayaasha
Surah Al-Qalam, Verse 35
مَا لَكُمۡ كَيۡفَ تَحۡكُمُونَ
Maxaa idinku dhacay? Sidee baad wax u guddoomisaan
Surah Al-Qalam, Verse 36
أَمۡ لَكُمۡ كِتَٰبٞ فِيهِ تَدۡرُسُونَ
Mise waxaad heysataan kitaab aad ka akhrisataan
Surah Al-Qalam, Verse 37
إِنَّ لَكُمۡ فِيهِ لَمَا تَخَيَّرُونَ
Inaad ku leedihiin hubaal dhexdiis waxaad doorataan
Surah Al-Qalam, Verse 38
أَمۡ لَكُمۡ أَيۡمَٰنٌ عَلَيۡنَا بَٰلِغَةٌ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ إِنَّ لَكُمۡ لَمَا تَحۡكُمُونَ
Mise waxaad naga heysataan ballan Xaggayaga ah lagu adkeeyey dhaar gaaraysa ilaa Maalinta Qiyaamaha inaad hubaal heli doontaan waxaad dalabtaan
Surah Al-Qalam, Verse 39
سَلۡهُمۡ أَيُّهُم بِذَٰلِكَ زَعِيمٌ
Weydii kooda uga ah arrinkaas damiin
Surah Al-Qalam, Verse 40
أَمۡ لَهُمۡ شُرَكَآءُ فَلۡيَأۡتُواْ بِشُرَكَآئِهِمۡ إِن كَانُواْ صَٰدِقِينَ
Mise waxay leeyihiin shariigyo, haddaba ha keenaan shariigyadooda haddii ay run sheegayaan
Surah Al-Qalam, Verse 41
يَوۡمَ يُكۡشَفُ عَن سَاقٖ وَيُدۡعَوۡنَ إِلَى ٱلسُّجُودِ فَلَا يَسۡتَطِيعُونَ
Maalinta marka dhudhunka la feydo (dhudhunka Ilaahay) oo loogu yeedho inay sujuudaan, mase ahaan doonaan kuwo kara (waa gaalada iyo munaafiqiinta). (dhudhunka la feydo waxaa sidoo kale lagu fasiray ay jirto shiddada iyo dhibaatada, waa Maalinta Qiyaamaha)
Surah Al-Qalam, Verse 42
خَٰشِعَةً أَبۡصَٰرُهُمۡ تَرۡهَقُهُمۡ ذِلَّةٞۖ وَقَدۡ كَانُواْ يُدۡعَوۡنَ إِلَى ٱلسُّجُودِ وَهُمۡ سَٰلِمُونَ
Indhahoodu waxay ahaan doonaan kuwo hoos u rogan, dulli baa dabooli doona; oo xaqiiq waxaa loogu yeedhi jirey inay sujuudaan iyagoo weliba fayow
Surah Al-Qalam, Verse 43
فَذَرۡنِي وَمَن يُكَذِّبُ بِهَٰذَا ٱلۡحَدِيثِۖ سَنَسۡتَدۡرِجُهُم مِّنۡ حَيۡثُ لَا يَعۡلَمُونَ
Ee isu kaana daa Aniga iyo kuwa beeniya warkan; waxaan ka qaban doonnaa si heerar ah meel aysan ka fileynba
Surah Al-Qalam, Verse 44
وَأُمۡلِي لَهُمۡۚ إِنَّ كَيۡدِي مَتِينٌ
Oo Waan u dul qaadan doonaa. hubaal, tabteydu waa mid sugan
Surah Al-Qalam, Verse 45
أَمۡ تَسۡـَٔلُهُمۡ أَجۡرٗا فَهُم مِّن مَّغۡرَمٖ مُّثۡقَلُونَ
Mise ma waxaad weydiisataa abaal gud, sidaa awgeed bay la culaabeysan yihiin deyn
Surah Al-Qalam, Verse 46
أَمۡ عِندَهُمُ ٱلۡغَيۡبُ فَهُمۡ يَكۡتُبُونَ
Mise cilmiga waxa aan muuqan bay hayaan, sidaas darteed iyagu qoraan
Surah Al-Qalam, Verse 47
فَٱصۡبِرۡ لِحُكۡمِ رَبِّكَ وَلَا تَكُن كَصَاحِبِ ٱلۡحُوتِ إِذۡ نَادَىٰ وَهُوَ مَكۡظُومٞ
Ee u sug si samir leh Xukunka Rabbigaa, oo ha noqonnin sida (Nabi Yoonis) rafiiqii nibiriga,_markuu dhawaaqay isagoo walbahaarsan
Surah Al-Qalam, Verse 48
لَّوۡلَآ أَن تَدَٰرَكَهُۥ نِعۡمَةٞ مِّن رَّبِّهِۦ لَنُبِذَ بِٱلۡعَرَآءِ وَهُوَ مَذۡمُومٞ
Haddii aysan Nicmad xagga Rabbigi ah haleesheen, waxaa hubaal lagu tuuri lahaa cidla’ bannaan isagoo eedeysan
Surah Al-Qalam, Verse 49
فَٱجۡتَبَٰهُ رَبُّهُۥ فَجَعَلَهُۥ مِنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ
Rabbigiis baase doortay, oo ka mid yeelay kuwa wanaagsan
Surah Al-Qalam, Verse 50
وَإِن يَكَادُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَيُزۡلِقُونَكَ بِأَبۡصَٰرِهِمۡ لَمَّا سَمِعُواْ ٱلذِّكۡرَ وَيَقُولُونَ إِنَّهُۥ لَمَجۡنُونٞ
Oo kuwa xaqa diida waxay sigaan inay kugu gubaan indhohooda (dhabatoda) naceyb gala awgiis markay maqlaan Waanada; oo waxay yidhaahdaan: Kani hubaal waa waalan yahay
Surah Al-Qalam, Verse 51
وَمَا هُوَ إِلَّا ذِكۡرٞ لِّلۡعَٰلَمِينَ
Oo ma ah wax kale aan aheyn Waano ku socoto ummadaha oo dhan
Surah Al-Qalam, Verse 52