Surah Al-Mulk - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
تَبَٰرَكَ ٱلَّذِي بِيَدِهِ ٱلۡمُلۡكُ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ
Waxaa khayr iyo barako badan Kan (Allaah) ay Gacantiisu ku jirto Boqortooyada, oo wax walbana Kara
Surah Al-Mulk, Verse 1
ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلۡمَوۡتَ وَٱلۡحَيَوٰةَ لِيَبۡلُوَكُمۡ أَيُّكُمۡ أَحۡسَنُ عَمَلٗاۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡغَفُورُ
Kan abuuray geeri iyo nolol, si uu idiin imtixaano bal kiinna camal wanaagsan. Oo waa Adkaadaha, Dambi Dhaafka Badan
Surah Al-Mulk, Verse 2
ٱلَّذِي خَلَقَ سَبۡعَ سَمَٰوَٰتٖ طِبَاقٗاۖ مَّا تَرَىٰ فِي خَلۡقِ ٱلرَّحۡمَٰنِ مِن تَفَٰوُتٖۖ فَٱرۡجِعِ ٱلۡبَصَرَ هَلۡ تَرَىٰ مِن فُطُورٖ
Kan abuuray toddobada samooyin oo midba midka kale ka korreeya, ku arki mey- sid wax isdhaafsanaan ah abuurka (Ilaahay) Raxmaanka.Ee ku celi araggee: Miyaad ku arki kartaa wax nidaam darro ah
Surah Al-Mulk, Verse 3
ثُمَّ ٱرۡجِعِ ٱلۡبَصَرَ كَرَّتَيۡنِ يَنقَلِبۡ إِلَيۡكَ ٱلۡبَصَرُ خَاسِئٗا وَهُوَ حَسِيرٞ
Misna ku celi aragga mar kale iyo mar kale, araggaagu adiga buu kugu soo laabanayaa isagoo wareersan oo daallan
Surah Al-Mulk, Verse 4
وَلَقَدۡ زَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنۡيَا بِمَصَٰبِيحَ وَجَعَلۡنَٰهَا رُجُومٗا لِّلشَّيَٰطِينِۖ وَأَعۡتَدۡنَا لَهُمۡ عَذَابَ ٱلسَّعِيرِ
Oo xaqiiq Waxaan ku qurxinnay samadan soke nalal, oo Waxaan ka dhignay gantaallo lagu gano shayaadiinta2, oo waxaanu u diyaarinnay cadaabta gubashada
Surah Al-Mulk, Verse 5
وَلِلَّذِينَ كَفَرُواْ بِرَبِّهِمۡ عَذَابُ جَهَنَّمَۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ
Oo waxay leeyihiin kuwa ku gaalooba Rabbigood cadaabta Naarta, oo u xun meel la ahaado
Surah Al-Mulk, Verse 6
إِذَآ أُلۡقُواْ فِيهَا سَمِعُواْ لَهَا شَهِيقٗا وَهِيَ تَفُورُ
Marka lagu tuuro gudaheeda, waxay ka maqli cartan daran, iyadoo karaysa
Surah Al-Mulk, Verse 7
تَكَادُ تَمَيَّزُ مِنَ ٱلۡغَيۡظِۖ كُلَّمَآ أُلۡقِيَ فِيهَا فَوۡجٞ سَأَلَهُمۡ خَزَنَتُهَآ أَلَمۡ يَأۡتِكُمۡ نَذِيرٞ
Waxay ku sigan inay la qaraxdo cadho. Mar kastoo guuto lagu tuuro, wuxuu waardiyaheeda su’aali: Ma wuusan idiin imaan dige
Surah Al-Mulk, Verse 8
قَالُواْ بَلَىٰ قَدۡ جَآءَنَا نَذِيرٞ فَكَذَّبۡنَا وَقُلۡنَا مَا نَزَّلَ ٱللَّهُ مِن شَيۡءٍ إِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا فِي ضَلَٰلٖ كَبِيرٖ
Waxay odhan: Haayoo xaqiiq waa noo yimid dige, waanse beeninnay oo nidhi: Allaah ma soo dejin wax (waxyi ah), waxaad uun idinku ku sugan tihiin habow aad u weyn
Surah Al-Mulk, Verse 9
وَقَالُواْ لَوۡ كُنَّا نَسۡمَعُ أَوۡ نَعۡقِلُ مَا كُنَّا فِيٓ أَصۡحَٰبِ ٱلسَّعِيرِ
Oo waxay odhan: Haddii aan wax maqli laheyn ama fekeri laheyn, kama aanu mid ahaaneyn ehlu Naarka
Surah Al-Mulk, Verse 10
فَٱعۡتَرَفُواْ بِذَنۢبِهِمۡ فَسُحۡقٗا لِّأَصۡحَٰبِ ٱلسَّعِيرِ
Marka waxay qiran dambigooda, ee ha fogaadaan3 qolada Naarta Hureysa
Surah Al-Mulk, Verse 11
إِنَّ ٱلَّذِينَ يَخۡشَوۡنَ رَبَّهُم بِٱلۡغَيۡبِ لَهُم مَّغۡفِرَةٞ وَأَجۡرٞ كَبِيرٞ
(Ma xagga) kuwa ka baqa Rabbigood sir (iyo saaqba) waxay hubaal leeyihiin Dambi Dhaaf iyo Ajar aad u Weyn
Surah Al-Mulk, Verse 12
وَأَسِرُّواْ قَوۡلَكُمۡ أَوِ ٱجۡهَرُواْ بِهِۦٓۖ إِنَّهُۥ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ
Oo qariya hadalkiinna ama muujiya, hubaal, Waa Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha
Surah Al-Mulk, Verse 13
أَلَا يَعۡلَمُ مَنۡ خَلَقَ وَهُوَ ٱللَّطِيفُ ٱلۡخَبِيرُ
Sow ma uu yaqaanno Kan abuuray4? Oo waa Isaga Roonaan Badanaha Ogsoon xitaa waxyaalaha aad u yar yar, ka War Haya (wax walba)
Surah Al-Mulk, Verse 14
هُوَ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلۡأَرۡضَ ذَلُولٗا فَٱمۡشُواْ فِي مَنَاكِبِهَا وَكُلُواْ مِن رِّزۡقِهِۦۖ وَإِلَيۡهِ ٱلنُّشُورُ
Isaga (Allaah) Weeye Kan idiinka dhigay dhulka hayin, ee ku socda aagag-giisa waasica ah, oo wax ka cuna risiqiisa, oo Xaggiisa bay ahaan u soo Bixiddu
Surah Al-Mulk, Verse 15
ءَأَمِنتُم مَّن فِي ٱلسَّمَآءِ أَن يَخۡسِفَ بِكُمُ ٱلۡأَرۡضَ فَإِذَا هِيَ تَمُورُ
Ma waxaad ka aamin tihiin in Kan (Alle) ka kor ah cirka idinla gooyo arlada, mise eeg,oo markaas idin la dhaqdhaqaaqdo
Surah Al-Mulk, Verse 16
أَمۡ أَمِنتُم مَّن فِي ٱلسَّمَآءِ أَن يُرۡسِلَ عَلَيۡكُمۡ حَاصِبٗاۖ فَسَتَعۡلَمُونَ كَيۡفَ نَذِيرِ
Mise ma waxaad aamin ka tihiin in Kan (Alle) ka kor ah cirka, uu idiin soo diro dabeyl kulul oo habaas wadata? Marka waad ogaan sidee aheyd Digniinteydu
Surah Al-Mulk, Verse 17
وَلَقَدۡ كَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ فَكَيۡفَ كَانَ نَكِيرِ
Oo xaqiiq kuwii ka horreeyey baa bee- niyey (Xaqa),ee sidee aheyd inkaarteydu
Surah Al-Mulk, Verse 18
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ إِلَى ٱلطَّيۡرِ فَوۡقَهُمۡ صَـٰٓفَّـٰتٖ وَيَقۡبِضۡنَۚ مَا يُمۡسِكُهُنَّ إِلَّا ٱلرَّحۡمَٰنُۚ إِنَّهُۥ بِكُلِّ شَيۡءِۭ بَصِيرٌ
Mawaysan arkayn shimbiraha korkooda ah ee fidinaya (baalashooda) oo isku soo laabaya? Ma jiraan wax haya iyaga aan aheyn Raxmaanka (Allaah). hubaal, wax walba waa uu Arkaa
Surah Al-Mulk, Verse 19
أَمَّنۡ هَٰذَا ٱلَّذِي هُوَ جُندٞ لَّكُمۡ يَنصُرُكُم مِّن دُونِ ٱلرَّحۡمَٰنِۚ إِنِ ٱلۡكَٰفِرُونَ إِلَّا فِي غُرُورٍ
Ama waa kee kan idiin noqon kara ciidan idiin soo gargaara Raxmaanka (Allaah) sokadi? Gaaladu kuma sugna waxaan aheyn hodnaan
Surah Al-Mulk, Verse 20
أَمَّنۡ هَٰذَا ٱلَّذِي يَرۡزُقُكُمۡ إِنۡ أَمۡسَكَ رِزۡقَهُۥۚ بَل لَّجُّواْ فِي عُتُوّٖ وَنُفُورٍ
Ama waa kee kaa idin siin risiq haddii uu Isagu (Alle) ceshado Risiqiisa? Bal, waxay ku adkeystaan kibir iyo didmo
Surah Al-Mulk, Verse 21
أَفَمَن يَمۡشِي مُكِبًّا عَلَىٰ وَجۡهِهِۦٓ أَهۡدَىٰٓ أَمَّن يَمۡشِي سَوِيًّا عَلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ
Ma mid ku socda isagoo foorara wejigiisa baa hanuunsan, mise mid ugu socda si quman Jid Toosan
Surah Al-Mulk, Verse 22
قُلۡ هُوَ ٱلَّذِيٓ أَنشَأَكُمۡ وَجَعَلَ لَكُمُ ٱلسَّمۡعَ وَٱلۡأَبۡصَٰرَ وَٱلۡأَفۡـِٔدَةَۚ قَلِيلٗا مَّا تَشۡكُرُونَ
Dheh: Isaga weeye (Alle) Kan idin uumay, oo idiin yeelay dhegaha iyo indhaha iyo laabaha.Yaraa inta aad mahad naqdaan
Surah Al-Mulk, Verse 23
قُلۡ هُوَ ٱلَّذِي ذَرَأَكُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَإِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ
Dheh: Isaga weeye (Alle) Kan idinku fidshay dhulka, oo Xaggiisa baa la idiin soo kulmin doonaa
Surah Al-Mulk, Verse 24
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
Oo waxay yidhaahdaan: Goorma baa gooddigani la fulin haddii aad run sheegi
Surah Al-Mulk, Verse 25
قُلۡ إِنَّمَا ٱلۡعِلۡمُ عِندَ ٱللَّهِ وَإِنَّمَآ أَنَا۠ نَذِيرٞ مُّبِينٞ
Dheh: Allaah baa Ogsoon (waqtiga ay ku beegan tahay) oo anigu waxaan ahay uun dige iska cad
Surah Al-Mulk, Verse 26
فَلَمَّا رَأَوۡهُ زُلۡفَةٗ سِيٓـَٔتۡ وُجُوهُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَقِيلَ هَٰذَا ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تَدَّعُونَ
Markayse arkaan iyadoo ku soo dhow, wejiyada kuwa Xaqa diida waxay ahaan kuwo ka xun, oo waxaa lagu odhan: Waa kan waxaad u yeedhan jirteen
Surah Al-Mulk, Verse 27
قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ إِنۡ أَهۡلَكَنِيَ ٱللَّهُ وَمَن مَّعِيَ أَوۡ رَحِمَنَا فَمَن يُجِيرُ ٱلۡكَٰفِرِينَ مِنۡ عَذَابٍ أَلِيمٖ
Dheh: Ma u fiirsateen haddii Allaah i halligo aniga iyo inta ila jirta, amaba noo naxariisto, bal yaa ka badbaaadin gaalada cadaab aad u xanuun badan
Surah Al-Mulk, Verse 28
قُلۡ هُوَ ٱلرَّحۡمَٰنُ ءَامَنَّا بِهِۦ وَعَلَيۡهِ تَوَكَّلۡنَاۖ فَسَتَعۡلَمُونَ مَنۡ هُوَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ
Dheh: Isagu waa Raxmaanka (Allaah), waanu rumeysanahay, oo isaga baan isku halleynaa. Marka waad ogaan doontaan waa kee kan ku sugan habow caddaan ah
Surah Al-Mulk, Verse 29
قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ إِنۡ أَصۡبَحَ مَآؤُكُمۡ غَوۡرٗا فَمَن يَأۡتِيكُم بِمَآءٖ مَّعِينِۭ
Dheh: Ma u fiirsateen haddii ay biyihiin- nu dhulka ku guraan oo hoos ugu sii fogaa- daan,waa kee kan idiin keeni biyo socda
Surah Al-Mulk, Verse 30