Surah At-Tahrim - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ لِمَ تُحَرِّمُ مَآ أَحَلَّ ٱللَّهُ لَكَۖ تَبۡتَغِي مَرۡضَاتَ أَزۡوَٰجِكَۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
Nabiyow! Maxaad uga xarrimeysaa (Naftaada) waxaa uu Allaah kuu xalaaaleeyey si aad u raalli geliso xaasaskaaga? Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis badan
Surah At-Tahrim, Verse 1
قَدۡ فَرَضَ ٱللَّهُ لَكُمۡ تَحِلَّةَ أَيۡمَٰنِكُمۡۚ وَٱللَّهُ مَوۡلَىٰكُمۡۖ وَهُوَ ٱلۡعَلِيمُ ٱلۡحَكِيمُ
Allaah wuxuu horeyba idiinku jideeyey furidda dhaarahiinna2. Oo Allaah waa gargaarahiin, Oo waa Isaga wax walba Ogsoonaha, Xakiimka ah
Surah At-Tahrim, Verse 2
وَإِذۡ أَسَرَّ ٱلنَّبِيُّ إِلَىٰ بَعۡضِ أَزۡوَٰجِهِۦ حَدِيثٗا فَلَمَّا نَبَّأَتۡ بِهِۦ وَأَظۡهَرَهُ ٱللَّهُ عَلَيۡهِ عَرَّفَ بَعۡضَهُۥ وَأَعۡرَضَ عَنۢ بَعۡضٖۖ فَلَمَّا نَبَّأَهَا بِهِۦ قَالَتۡ مَنۡ أَنۢبَأَكَ هَٰذَاۖ قَالَ نَبَّأَنِيَ ٱلۡعَلِيمُ ٱلۡخَبِيرُ
Oo waa tii uu Nabigu uu ku qarsaday war sir ah mid ka mid ah xaasaskiisa (Xafsah a.k.r), markase ay u sheegaty (mid kale, Caa'ishah a.k.r) warkaa, oo Allaah ka yeelay (Nabiga) inuu ogaado arrinkaa, wuxuu xusay qaar ka mid ah waxay sheegtay oo iska daayey qaar. Markuu u sheegay arrinkaa, waxay tidhi: Yaa kuu sheegay kani? Wuxuu yidhi: Waxaa ii sheegay Wax walba Ogsoonaha, War qabeenka ah
Surah At-Tahrim, Verse 3
إِن تَتُوبَآ إِلَى ٱللَّهِ فَقَدۡ صَغَتۡ قُلُوبُكُمَاۖ وَإِن تَظَٰهَرَا عَلَيۡهِ فَإِنَّ ٱللَّهَ هُوَ مَوۡلَىٰهُ وَجِبۡرِيلُ وَصَٰلِحُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۖ وَٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ بَعۡدَ ذَٰلِكَ ظَهِيرٌ
Haddii aad labadiinnu (Xafsah iyo Caa'ishah) Allaah u toobad keenaysaan, haddaba dhabtii qalbiyadiinnu waxay dubra u iisheen (arrinkaa: inaad dambi dhaaaf dalabtaan); haddiise aad isu kaalmey- sataan isaga lidkiis, haddaba hubaal, Allaah baa ah Gargaarahiis iyo Jibriil iyo mu’miniinta wanaagsan, _oo malaa’igta (kale) baa intaas kaddib garab u ah
Surah At-Tahrim, Verse 4
عَسَىٰ رَبُّهُۥٓ إِن طَلَّقَكُنَّ أَن يُبۡدِلَهُۥٓ أَزۡوَٰجًا خَيۡرٗا مِّنكُنَّ مُسۡلِمَٰتٖ مُّؤۡمِنَٰتٖ قَٰنِتَٰتٖ تَـٰٓئِبَٰتٍ عَٰبِدَٰتٖ سَـٰٓئِحَٰتٖ ثَيِّبَٰتٖ وَأَبۡكَارٗا
Waa intaasoo, Rabbigi, haddii uu (Nabigu) idin furo, siin doono beddelkiin afooyin idinka khayr badan, muslimooyin ah3, mu’minooyin, daacad, soo noqosho badan, caabidooyin, soomooyin, leh garoobbo iyo bikrooyinba
Surah At-Tahrim, Verse 5
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ قُوٓاْ أَنفُسَكُمۡ وَأَهۡلِيكُمۡ نَارٗا وَقُودُهَا ٱلنَّاسُ وَٱلۡحِجَارَةُ عَلَيۡهَا مَلَـٰٓئِكَةٌ غِلَاظٞ شِدَادٞ لَّا يَعۡصُونَ ٱللَّهَ مَآ أَمَرَهُمۡ وَيَفۡعَلُونَ مَا يُؤۡمَرُونَ
Mu’miniintoy! Ka dhowra nafahiinna iyo eheladdiinaba Naar shidaalkeedu yahay dad iyo dhagaxaan, oo ay u xilsaaran yihiin malaa’ig adag oo daran, kuma ay caasiyaan Allaah wuxuu ku amraba, oo waxay falaan wixii la amro
Surah At-Tahrim, Verse 6
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَا تَعۡتَذِرُواْ ٱلۡيَوۡمَۖ إِنَّمَا تُجۡزَوۡنَ مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
Gaalooy! Ha cudur daarannina Maanta. Waxaa la idinku abaal marin uun wax waafaqsan waxaad fasheen
Surah At-Tahrim, Verse 7
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ تُوبُوٓاْ إِلَى ٱللَّهِ تَوۡبَةٗ نَّصُوحًا عَسَىٰ رَبُّكُمۡ أَن يُكَفِّرَ عَنكُمۡ سَيِّـَٔاتِكُمۡ وَيُدۡخِلَكُمۡ جَنَّـٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ يَوۡمَ لَا يُخۡزِي ٱللَّهُ ٱلنَّبِيَّ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مَعَهُۥۖ نُورُهُمۡ يَسۡعَىٰ بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَبِأَيۡمَٰنِهِمۡ يَقُولُونَ رَبَّنَآ أَتۡمِمۡ لَنَا نُورَنَا وَٱغۡفِرۡ لَنَآۖ إِنَّكَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
Mu’miniintoy! U toobad keena Allaah oo u noqda noqosho daacad ah, Waa intaasoo Rabbigiin idinka tirtiro xumaatooyinkiinna, oo sababo inaad gashaan Beero ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, Maalinta uusan Allaah hoojin doonin Nabiga iyo kuwa (Xaqa) la rumeysan, Nuurkoodu wuxuu socon hortooda, iyo xagga gacmahooda midig, waxay odhan: Rabbiyow! Noo dhammeystir Nuurkayaga oo noo ceeb astur. hubaal, Adigu wax walba waad Kartaa
Surah At-Tahrim, Verse 8
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ جَٰهِدِ ٱلۡكُفَّارَ وَٱلۡمُنَٰفِقِينَ وَٱغۡلُظۡ عَلَيۡهِمۡۚ وَمَأۡوَىٰهُمۡ جَهَنَّمُۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ
Nabiyow! Aad ula halgan gaalada iyo munaafiqiinta oo ku adkow, oo hoygoodu waa Naar,_ iyadaana u xun meel la ahaado
Surah At-Tahrim, Verse 9
ضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلٗا لِّلَّذِينَ كَفَرُواْ ٱمۡرَأَتَ نُوحٖ وَٱمۡرَأَتَ لُوطٖۖ كَانَتَا تَحۡتَ عَبۡدَيۡنِ مِنۡ عِبَادِنَا صَٰلِحَيۡنِ فَخَانَتَاهُمَا فَلَمۡ يُغۡنِيَا عَنۡهُمَا مِنَ ٱللَّهِ شَيۡـٔٗا وَقِيلَ ٱدۡخُلَا ٱلنَّارَ مَعَ ٱلدَّـٰخِلِينَ
Allaah wuxuu tusaale ugu soo qaataa kuwa gaalada ahi, xaaskii Nuux iyo xaaskii Luud; waxay labaduba hoos joogeen labo addoon oo ka mid ah addoomahayaga wanaagsan, waxayse u dhaqmeen si khiyaano ah xaggooda4, marka waxba iyagu ugama ay tarin (xaasaskoodii) xagga Allaah. Oo waxaa la yidhi: La gala labadiinnuba Naarta kuwa gala
Surah At-Tahrim, Verse 10
وَضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلٗا لِّلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱمۡرَأَتَ فِرۡعَوۡنَ إِذۡ قَالَتۡ رَبِّ ٱبۡنِ لِي عِندَكَ بَيۡتٗا فِي ٱلۡجَنَّةِ وَنَجِّنِي مِن فِرۡعَوۡنَ وَعَمَلِهِۦ وَنَجِّنِي مِنَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلظَّـٰلِمِينَ
Oo Allaah wuxuu ugu soo qaataa tusaale kuwa (Xaqa) rumeysan, xaaskii Fircoon; waa tii ay tidhi: Rabbiyow! Iiga dhis guri agtaada jannad gudaheeda, oo iga samata bixi Fircoon iyo camalkiisa, oo iga samata bixi qoloda gar ma qaatayaasha ah
Surah At-Tahrim, Verse 11
وَمَرۡيَمَ ٱبۡنَتَ عِمۡرَٰنَ ٱلَّتِيٓ أَحۡصَنَتۡ فَرۡجَهَا فَنَفَخۡنَا فِيهِ مِن رُّوحِنَا وَصَدَّقَتۡ بِكَلِمَٰتِ رَبِّهَا وَكُتُبِهِۦ وَكَانَتۡ مِنَ ٱلۡقَٰنِتِينَ
Iyo Maryam, gabadhii Cimraan taasoo xafidday jirkeeda; Oo waxaan ka afuufnay (jeebka cambuurkeeda) uu ka afuufay Ruuxayaga (Jibriil) oo waxay rumeysay Kelmedihii Rabbigeed iyo Kutubtiisaba, oo waxay ka mid aheyd kuwa daacadda ah
Surah At-Tahrim, Verse 12