UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah At-Talaq - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ إِذَا طَلَّقۡتُمُ ٱلنِّسَآءَ فَطَلِّقُوهُنَّ لِعِدَّتِهِنَّ وَأَحۡصُواْ ٱلۡعِدَّةَۖ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ رَبَّكُمۡۖ لَا تُخۡرِجُوهُنَّ مِنۢ بُيُوتِهِنَّ وَلَا يَخۡرُجۡنَ إِلَّآ أَن يَأۡتِينَ بِفَٰحِشَةٖ مُّبَيِّنَةٖۚ وَتِلۡكَ حُدُودُ ٱللَّهِۚ وَمَن يَتَعَدَّ حُدُودَ ٱللَّهِ فَقَدۡ ظَلَمَ نَفۡسَهُۥۚ لَا تَدۡرِي لَعَلَّ ٱللَّهَ يُحۡدِثُ بَعۡدَ ذَٰلِكَ أَمۡرٗا

Nabiyoow! Marka aad furaysaan haween, fura2 iyagoo markaas ku jira waqtiga loo qabtay furitaanka (waa iyagoo daahir ah oo dhiigga caadada ka meyrtay, oo aydaanna u tegin), oo u tiriya (si dhan) maalmaha ciddada (muddada ay sugayaan furitaanka kaddib3), oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, ee Rabbigiin ah, ha uga saarina debedda guryahooda, oo yeysan iyaguna bixin (intay ciddada ku jiraan la soo ceshan karo), inay la yimaadaan maahee xumaan iska cad. kuwaas waa xuduudaha uu dhigay Allaah. Oo mid kastoo ka tillaaba xuduudaha uu dhigay Allaah, wuxuu u gefey oo ku gardarroday naftiisa. Adigu (midka furayow afadiisa) ma ogid waxaa laga yaabaa inuu Allaah dib ka keeno xaal cusub
Surah At-Talaq, Verse 1


فَإِذَا بَلَغۡنَ أَجَلَهُنَّ فَأَمۡسِكُوهُنَّ بِمَعۡرُوفٍ أَوۡ فَارِقُوهُنَّ بِمَعۡرُوفٖ وَأَشۡهِدُواْ ذَوَيۡ عَدۡلٖ مِّنكُمۡ وَأَقِيمُواْ ٱلشَّهَٰدَةَ لِلَّهِۚ ذَٰلِكُمۡ يُوعَظُ بِهِۦ مَن كَانَ يُؤۡمِنُ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِۚ وَمَن يَتَّقِ ٱللَّهَ يَجۡعَل لَّهُۥ مَخۡرَجٗا

Haddaba markay ku dhowaadaan (dhammaadka) muddadooda la qabtay5, dib ugu soo ceshada si wanaagsan oo gar ah ama u kala taga si wanaagsan oo gar ah. Oo u gashada markhaati (kolka aad rabtaan inaad soo ceshataan, ama aad furtaan) labo caddaalad leh oo idinka mid ah (muslimiin ah) oo u toosiya maragga Ilaahay darti. (Arrin)kaasi waa waano la siiyey mid kastoo rumeysan Allaah iyo Maalinta dambeysa. Oo mid kastoo dhow- ra (xilka uu saaray) Allaah Wuxuu u yeeli jid uu kaga baxo (dhibaato kasta)
Surah At-Talaq, Verse 2


وَيَرۡزُقۡهُ مِنۡ حَيۡثُ لَا يَحۡتَسِبُۚ وَمَن يَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِ فَهُوَ حَسۡبُهُۥٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ بَٰلِغُ أَمۡرِهِۦۚ قَدۡ جَعَلَ ٱللَّهُ لِكُلِّ شَيۡءٖ قَدۡرٗا

O ka siin risiq xagga (ilo) uusan fileyn. Oo mid kastoo ku kalsoonaada Allaah, waa ku filan yahay. Hubaal, Allaah wuu fulaa muraadkiisa. Allaah Wuxuu u yeelay wax waliba qaddar iyo waqti go'an
Surah At-Talaq, Verse 3


وَٱلَّـٰٓـِٔي يَئِسۡنَ مِنَ ٱلۡمَحِيضِ مِن نِّسَآئِكُمۡ إِنِ ٱرۡتَبۡتُمۡ فَعِدَّتُهُنَّ ثَلَٰثَةُ أَشۡهُرٖ وَٱلَّـٰٓـِٔي لَمۡ يَحِضۡنَۚ وَأُوْلَٰتُ ٱلۡأَحۡمَالِ أَجَلُهُنَّ أَن يَضَعۡنَ حَمۡلَهُنَّۚ وَمَن يَتَّقِ ٱللَّهَ يَجۡعَل لَّهُۥ مِنۡ أَمۡرِهِۦ يُسۡرٗا

Oo (ma xagga) kuwaa ka mid ah haweenkiinna ee ka quustay xaylka, haddii aad ka shakidaan (xaylkooda), muddadooda loo qabtay waa seddex bilood, iyo kuwa (sidoo kale) aan weli helin dhiigga caadada, Oo (ma xagga) kuwa uurka leh (haddii ay yihiin kuwa la furay ama nimankooda ka dhinteen muddadooda loo qabtay waa intay ka dhigaan (culeysyadooda oo ka dhalaan6). Oo mid kastoo dhowra (xilka uu saaray) Allaah wuxuu uga dhigi doonaa arrinkiisa wax aad u fudud
Surah At-Talaq, Verse 4


ذَٰلِكَ أَمۡرُ ٱللَّهِ أَنزَلَهُۥٓ إِلَيۡكُمۡۚ وَمَن يَتَّقِ ٱللَّهَ يُكَفِّرۡ عَنۡهُ سَيِّـَٔاتِهِۦ وَيُعۡظِمۡ لَهُۥٓ أَجۡرًا

Kaasi waa Amarka Ilaahay uu idiin soo dejiyey, oo mid kastoo dhowra (xilka uu saaray) Allaah wuxuu ka tiri doonaa xumaatooyinkiisa, oo siin ajar aad u weyn
Surah At-Talaq, Verse 5


أَسۡكِنُوهُنَّ مِنۡ حَيۡثُ سَكَنتُم مِّن وُجۡدِكُمۡ وَلَا تُضَآرُّوهُنَّ لِتُضَيِّقُواْ عَلَيۡهِنَّۚ وَإِن كُنَّ أُوْلَٰتِ حَمۡلٖ فَأَنفِقُواْ عَلَيۡهِنَّ حَتَّىٰ يَضَعۡنَ حَمۡلَهُنَّۚ فَإِنۡ أَرۡضَعۡنَ لَكُمۡ فَـَٔاتُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ وَأۡتَمِرُواْ بَيۡنَكُم بِمَعۡرُوفٖۖ وَإِن تَعَاسَرۡتُمۡ فَسَتُرۡضِعُ لَهُۥٓ أُخۡرَىٰ

Dejiya iyaga meesha aad deggan tihiin, hadba sida karaankiinnu yahay, oo ha dhibina si aad u cidhiidhidaan. Oo haddii ay leeyihiin uur, masruufa intay ka dhigaan culeyskooda. markaas haddii ay idiin nuujiyaan (ilmaha), siiya gunnadooda, oo is fara dhexdeenna sama falka, oo haddii aad is khilaaftaan markaa mid kale ayaa u nuujin
Surah At-Talaq, Verse 6


لِيُنفِقۡ ذُو سَعَةٖ مِّن سَعَتِهِۦۖ وَمَن قُدِرَ عَلَيۡهِ رِزۡقُهُۥ فَلۡيُنفِقۡ مِمَّآ ءَاتَىٰهُ ٱللَّهُۚ لَا يُكَلِّفُ ٱللَّهُ نَفۡسًا إِلَّا مَآ ءَاتَىٰهَاۚ سَيَجۡعَلُ ٱللَّهُ بَعۡدَ عُسۡرٖ يُسۡرٗا

Kan hodanka ahi wax ha ka bixiyo hodantinnimadiisa, oo mid kastoo ilaha ay wax ka soo galaan cidhiidhi yihiin, ha bixiyo wax ka mid ah waxa uu Allaah siiyey. Allaah ma saaro nafna culeys aan ahayn qaddar waxa uu siiyey ah. Allaah wuxuu keeni faraj iyo fudayd dhibaatada kaddib
Surah At-Talaq, Verse 7


وَكَأَيِّن مِّن قَرۡيَةٍ عَتَتۡ عَنۡ أَمۡرِ رَبِّهَا وَرُسُلِهِۦ فَحَاسَبۡنَٰهَا حِسَابٗا شَدِيدٗا وَعَذَّبۡنَٰهَا عَذَابٗا نُّكۡرٗا

Oo maxay badan tahay magaalo ku caasiday Amarka Rabbigeed iyo Rusu- shiisa, markaas aan ugu yeernay xisaab daran, oo aan ku cadaabnay cadaab adag
Surah At-Talaq, Verse 8


فَذَاقَتۡ وَبَالَ أَمۡرِهَا وَكَانَ عَٰقِبَةُ أَمۡرِهَا خُسۡرًا

Markaas dhadhamisay cidhib xumadii arrinkeeda, oo cidhibteeda ku dambeysey khasaaro
Surah At-Talaq, Verse 9


أَعَدَّ ٱللَّهُ لَهُمۡ عَذَابٗا شَدِيدٗاۖ فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ يَـٰٓأُوْلِي ٱلۡأَلۡبَٰبِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْۚ قَدۡ أَنزَلَ ٱللَّهُ إِلَيۡكُمۡ ذِكۡرٗا

Allaah wuxuu u diyaariyey kuwaa cadaab daran. Ee dhwora (xilka uu idin saaray) Allaah wax garadkow (Xaqa) rumeysan. Wuxuu Allaah dhab ahaan idiin soo dejiyey Waano
Surah At-Talaq, Verse 10


رَّسُولٗا يَتۡلُواْ عَلَيۡكُمۡ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ مُبَيِّنَٰتٖ لِّيُخۡرِجَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ مِنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِۚ وَمَن يُؤۡمِنۢ بِٱللَّهِ وَيَعۡمَلۡ صَٰلِحٗا يُدۡخِلۡهُ جَنَّـٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدٗاۖ قَدۡ أَحۡسَنَ ٱللَّهُ لَهُۥ رِزۡقًا

Rasuul idiin akhriya Aayadaha Ilaahay ee cad, si uu ugaga saaro kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala mugdiyada xagga Nuurka; Oo mid kastoo rumeeya Allaah oo sama fala, Wuxuu sababi inuu galo Beero ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waaraya waligood. Allaah Wuxuu dhab ahaan siiyey Risiq wanaagsan
Surah At-Talaq, Verse 11


ٱللَّهُ ٱلَّذِي خَلَقَ سَبۡعَ سَمَٰوَٰتٖ وَمِنَ ٱلۡأَرۡضِ مِثۡلَهُنَّۖ يَتَنَزَّلُ ٱلۡأَمۡرُ بَيۡنَهُنَّ لِتَعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ وَأَنَّ ٱللَّهَ قَدۡ أَحَاطَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عِلۡمَۢا

Allaah waa Kan Isagu abuuray toddoba samood, oo arlada intaa oo kale ( ka abuuray8). Amarka wuxuu ahaan mid soo dega dhexdooda, si aad u ogaataan inuu Allaah wax walba Karo, iyo in Allaah dhab ahaan ku koobo wax walba ogaal
Surah At-Talaq, Verse 12


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 64
>> Surah 66

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai