Surah At-Talaq Verse 2 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah At-Talaqفَإِذَا بَلَغۡنَ أَجَلَهُنَّ فَأَمۡسِكُوهُنَّ بِمَعۡرُوفٍ أَوۡ فَارِقُوهُنَّ بِمَعۡرُوفٖ وَأَشۡهِدُواْ ذَوَيۡ عَدۡلٖ مِّنكُمۡ وَأَقِيمُواْ ٱلشَّهَٰدَةَ لِلَّهِۚ ذَٰلِكُمۡ يُوعَظُ بِهِۦ مَن كَانَ يُؤۡمِنُ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِۚ وَمَن يَتَّقِ ٱللَّهَ يَجۡعَل لَّهُۥ مَخۡرَجٗا
Haddaba markay ku dhowaadaan (dhammaadka) muddadooda la qabtay5, dib ugu soo ceshada si wanaagsan oo gar ah ama u kala taga si wanaagsan oo gar ah. Oo u gashada markhaati (kolka aad rabtaan inaad soo ceshataan, ama aad furtaan) labo caddaalad leh oo idinka mid ah (muslimiin ah) oo u toosiya maragga Ilaahay darti. (Arrin)kaasi waa waano la siiyey mid kastoo rumeysan Allaah iyo Maalinta dambeysa. Oo mid kastoo dhow- ra (xilka uu saaray) Allaah Wuxuu u yeeli jid uu kaga baxo (dhibaato kasta)