Surah At-Talaq Verse 1 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah At-Talaqيَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ إِذَا طَلَّقۡتُمُ ٱلنِّسَآءَ فَطَلِّقُوهُنَّ لِعِدَّتِهِنَّ وَأَحۡصُواْ ٱلۡعِدَّةَۖ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ رَبَّكُمۡۖ لَا تُخۡرِجُوهُنَّ مِنۢ بُيُوتِهِنَّ وَلَا يَخۡرُجۡنَ إِلَّآ أَن يَأۡتِينَ بِفَٰحِشَةٖ مُّبَيِّنَةٖۚ وَتِلۡكَ حُدُودُ ٱللَّهِۚ وَمَن يَتَعَدَّ حُدُودَ ٱللَّهِ فَقَدۡ ظَلَمَ نَفۡسَهُۥۚ لَا تَدۡرِي لَعَلَّ ٱللَّهَ يُحۡدِثُ بَعۡدَ ذَٰلِكَ أَمۡرٗا
Nabiyoow! Marka aad furaysaan haween, fura2 iyagoo markaas ku jira waqtiga loo qabtay furitaanka (waa iyagoo daahir ah oo dhiigga caadada ka meyrtay, oo aydaanna u tegin), oo u tiriya (si dhan) maalmaha ciddada (muddada ay sugayaan furitaanka kaddib3), oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, ee Rabbigiin ah, ha uga saarina debedda guryahooda, oo yeysan iyaguna bixin (intay ciddada ku jiraan la soo ceshan karo), inay la yimaadaan maahee xumaan iska cad. kuwaas waa xuduudaha uu dhigay Allaah. Oo mid kastoo ka tillaaba xuduudaha uu dhigay Allaah, wuxuu u gefey oo ku gardarroday naftiisa. Adigu (midka furayow afadiisa) ma ogid waxaa laga yaabaa inuu Allaah dib ka keeno xaal cusub