UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah At-Taghabun - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


يُسَبِّحُ لِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۖ لَهُ ٱلۡمُلۡكُ وَلَهُ ٱلۡحَمۡدُۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ

Waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada baa Xurma weyneeya oo Hufa Allaah. Isaga baa leh Boqortooyada, oo Isaga baa leh Ammaan idilkeed iyo Mahadba, oo wax walba Kara
Surah At-Taghabun, Verse 1


هُوَ ٱلَّذِي خَلَقَكُمۡ فَمِنكُمۡ كَافِرٞ وَمِنكُم مُّؤۡمِنٞۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٌ

Isaga weeye (Alle) Kan idin abuuray, mise mid idinka mid ah waa gaal, oo mid kale oo idinka mid ah waa m’umin. Oo Allaah waa uu Arkaa waxa aad fashaan
Surah At-Taghabun, Verse 2


خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ بِٱلۡحَقِّ وَصَوَّرَكُمۡ فَأَحۡسَنَ صُوَرَكُمۡۖ وَإِلَيۡهِ ٱلۡمَصِيرُ

Wuxuu ku abuuray samooyinka iyo arlada Xaq, oo waa uu idin suureeyey oo ka dhigay wax wanaagsan suuradahiinna, oo waa Xaggiisa Noqodka Dambe
Surah At-Taghabun, Verse 3


يَعۡلَمُ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَيَعۡلَمُ مَا تُسِرُّونَ وَمَا تُعۡلِنُونَۚ وَٱللَّهُ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ

Wuxuu Ogsoon yahay waxa jira samooyinka iyo arlada, oo Wuxuu Ogsoon yahay waxa aad qarisaan iyo waxa aad muujisaanba. Oo Allaah waa Ogsoonaha waxa ku jira laabaha
Surah At-Taghabun, Verse 4


أَلَمۡ يَأۡتِكُمۡ نَبَؤُاْ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِن قَبۡلُ فَذَاقُواْ وَبَالَ أَمۡرِهِمۡ وَلَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ

Ma wuusan idin soo gaarin warka kuwii xaqa diiday awal hore, markaas bay waxay dhadhamiyeen cidhib xumadii arrinkooda, oo waxay leeyihiin cadaab xanuun badan
Surah At-Taghabun, Verse 5


ذَٰلِكَ بِأَنَّهُۥ كَانَت تَّأۡتِيهِمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَقَالُوٓاْ أَبَشَرٞ يَهۡدُونَنَا فَكَفَرُواْ وَتَوَلَّواْۖ وَّٱسۡتَغۡنَى ٱللَّهُۚ وَٱللَّهُ غَنِيٌّ حَمِيدٞ

(Arrin)kaasi waxaa ugu wacan waxay ula yimaadeen Rusushoodii xujooyin cad, waxayse yidhaahdeen: Ma dad dhimanaya baa na hanuuninaya? markaasay gaaloobeen, oo ka jeesadeen (Xaqa), oo Allaah uma baahna (cidna) oo Allaah waa Isku Filan Deeqtoon, la Ammaano
Surah At-Taghabun, Verse 6


زَعَمَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَن لَّن يُبۡعَثُواْۚ قُلۡ بَلَىٰ وَرَبِّي لَتُبۡعَثُنَّ ثُمَّ لَتُنَبَّؤُنَّ بِمَا عَمِلۡتُمۡۚ وَذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٞ

Kuwa gaalooba waxay moodaan inaan marnaba la soo bixin doonin (iilka). Dheh: Haayoo! waa igu Rabbigaye, wallee waa la idiin soo bixin, markaas waxaa la idiin sheegi waxaad fasheen, oo (arrin)kaasi Allaah waa u fududdahay
Surah At-Taghabun, Verse 7


فَـَٔامِنُواْ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَٱلنُّورِ ٱلَّذِيٓ أَنزَلۡنَاۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٞ

Ee rumeeya Allaah iyo Rasuulkiisa iyo Nuurka (Qur’aanka) aan soo dejinnay. Oo Allaah waa ka war hayaa waxa aad fashaan
Surah At-Taghabun, Verse 8


يَوۡمَ يَجۡمَعُكُمۡ لِيَوۡمِ ٱلۡجَمۡعِۖ ذَٰلِكَ يَوۡمُ ٱلتَّغَابُنِۗ وَمَن يُؤۡمِنۢ بِٱللَّهِ وَيَعۡمَلۡ صَٰلِحٗا يُكَفِّرۡ عَنۡهُ سَيِّـَٔاتِهِۦ وَيُدۡخِلۡهُ جَنَّـٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدٗاۚ ذَٰلِكَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ

Maalinta uu idiin soo kulmin idinkoo dhan Maalinta Kulanka2, taasu waa maalinta qof khayr helo ama ku dhacdo khasaaro ku weyn. Oo mid kastoo rumeeya Allaah oo sama fala, Wuxuu ka tiri dam- biyadiisa, oo gelin Beero ay hoostoodu webiyo qulqulaan ay ku dhex waarayaan weligood, taasi waa Liibaanta Weyn
Surah At-Taghabun, Verse 9


وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَكَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَآ أُوْلَـٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِ خَٰلِدِينَ فِيهَاۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ

Oo (ma xagga) kuwa gaalooba oo beeniya Aayadahayaga kuwaasu waa ehlu-Naar, iyagoo ku dhex waaraya weligood. Iyadaana u xun aayotiin ahaan
Surah At-Taghabun, Verse 10


مَآ أَصَابَ مِن مُّصِيبَةٍ إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۗ وَمَن يُؤۡمِنۢ بِٱللَّهِ يَهۡدِ قَلۡبَهُۥۚ وَٱللَّهُ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٞ

Ma jirto wax masiibo ah oo dhaca ilaa waxay ku dhacdaa Idanka Ilaahay. Oo mid kastoo rumeeya Allaah, wuxuu hanuuniyaa qalbigiisa ( oo xasila) oo Allaah wax waliba waa uu Ogsoon yahay
Surah At-Taghabun, Verse 11


وَأَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُواْ ٱلرَّسُولَۚ فَإِن تَوَلَّيۡتُمۡ فَإِنَّمَا عَلَىٰ رَسُولِنَا ٱلۡبَلَٰغُ ٱلۡمُبِينُ

Oo adeeca Allaah, oo adeeca Rasuulka, haddiise aad dib u jeesataan, waxaa saaran Rasuulkayaga oo keliya Gaarsiin Cad
Surah At-Taghabun, Verse 12


ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ

Allaaah! Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, oo Allaah (oo Keliya) ha isku halleeyaan mu’miiniintu
Surah At-Taghabun, Verse 13


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِنَّ مِنۡ أَزۡوَٰجِكُمۡ وَأَوۡلَٰدِكُمۡ عَدُوّٗا لَّكُمۡ فَٱحۡذَرُوهُمۡۚ وَإِن تَعۡفُواْ وَتَصۡفَحُواْ وَتَغۡفِرُواْ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٌ

Kuwiinaan idinku rumeysanow! Dhab ahaan, waxaa ka mid ah afooyinkiinna iyo carruurtiinna kuwo cadow idiin ah, ee ka digtoonaada! Haddiise aad iska cafidaan ( gefafka ay idinka galaan) oo saamaxdaan (adduunyo wixii la xidhiidha), oo u ceeb asturtaan, haddaba hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah At-Taghabun, Verse 14


إِنَّمَآ أَمۡوَٰلُكُمۡ وَأَوۡلَٰدُكُمۡ فِتۡنَةٞۚ وَٱللَّهُ عِندَهُۥٓ أَجۡرٌ عَظِيمٞ

Maalkiinna iyo carrurtiinna waa oo keliya imtixaan3, Oo Allaah agtiisa waxaa ah abaalgud aad u Weyn (Janno)
Surah At-Taghabun, Verse 15


فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ مَا ٱسۡتَطَعۡتُمۡ وَٱسۡمَعُواْ وَأَطِيعُواْ وَأَنفِقُواْ خَيۡرٗا لِّأَنفُسِكُمۡۗ وَمَن يُوقَ شُحَّ نَفۡسِهِۦ فَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ

Ee Dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah intii karaankiinna ah4; oo maqla, oo adeeca, oo la baxa sadaqo, idinka naf ahaantiinnay idiin roon tahay. Oo mid kastoo laga badbaadiyo bakheylnimada naftiisa, kuwaasi weeye kuwa ah guuleystayaasha
Surah At-Taghabun, Verse 16


إِن تُقۡرِضُواْ ٱللَّهَ قَرۡضًا حَسَنٗا يُضَٰعِفۡهُ لَكُمۡ وَيَغۡفِرۡ لَكُمۡۚ وَٱللَّهُ شَكُورٌ حَلِيمٌ

Haddii aad amaahisaan Alle amaah wanaagsan (waa bixisaan sadaqo Ilaahay darti), Waa uu idiin labo laabayaa, oo idin dambi dhaafi. Oo Allaah waa labolaabe ajarrada, Dul qaad Badan
Surah At-Taghabun, Verse 17


عَٰلِمُ ٱلۡغَيۡبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ

Waa Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqdaba, Adkaadaha, Xakiimka ah
Surah At-Taghabun, Verse 18


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 63
>> Surah 65

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai