UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Al-Munafiqoon - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


إِذَا جَآءَكَ ٱلۡمُنَٰفِقُونَ قَالُواْ نَشۡهَدُ إِنَّكَ لَرَسُولُ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ إِنَّكَ لَرَسُولُهُۥ وَٱللَّهُ يَشۡهَدُ إِنَّ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ لَكَٰذِبُونَ

Marka ay munaafiqiintu kuu yimaadaan waxay yidhaahdaan: Waxaanu markhaati ka nahay inaad tahay dhab ahaan Rasuulka Ilaahay2. oo Allaah waa Ogsoon yahay inaad tahay dhab ahaan Rasuulkiisa, oo Allaah wuxuu markhaati ka yahay inay munaafiqiintu yihiin beenaalayaal
Surah Al-Munafiqoon, Verse 1


ٱتَّخَذُوٓاْ أَيۡمَٰنَهُمۡ جُنَّةٗ فَصَدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِۚ إِنَّهُمۡ سَآءَ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ

Waxay ka dhigtaan dhaarahooda gaa- shaan. Oo sidaas uga weecdaan jidka Ilaahay. hubaal xumaan waa waxa ay falaan
Surah Al-Munafiqoon, Verse 2


ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ ءَامَنُواْ ثُمَّ كَفَرُواْ فَطُبِعَ عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ فَهُمۡ لَا يَفۡقَهُونَ

(Arrin)kaasi waxaa ugu wacan inta rumeeyaan (af ahaan), bay haddana (hoosta) ka gaaloobaan, markaas baa dabool la saaraa quluubtooda, sidaas awgeed wax ma fahmaan
Surah Al-Munafiqoon, Verse 3


۞وَإِذَا رَأَيۡتَهُمۡ تُعۡجِبُكَ أَجۡسَامُهُمۡۖ وَإِن يَقُولُواْ تَسۡمَعۡ لِقَوۡلِهِمۡۖ كَأَنَّهُمۡ خُشُبٞ مُّسَنَّدَةٞۖ يَحۡسَبُونَ كُلَّ صَيۡحَةٍ عَلَيۡهِمۡۚ هُمُ ٱلۡعَدُوُّ فَٱحۡذَرۡهُمۡۚ قَٰتَلَهُمُ ٱللَّهُۖ أَنَّىٰ يُؤۡفَكُونَ

Oo marka aad aragto iyaga, muuqaalka jirarkooda waa ku cajab gelin; oo haddii ay hadlaan, waxaad dhageysan hadalkooda, waxaad mooddaa dogobyo la tiirtiiriyey3 oo dhar la huwshay. Waxay moodaan dhawaaq walba in iyaga loogu dan leeyahay. Waa iyaga cadowga, ee ka digtoonow. Allaha baabbi’iyee! Xaggee looga iilay (xaqa)
Surah Al-Munafiqoon, Verse 4


وَإِذَا قِيلَ لَهُمۡ تَعَالَوۡاْ يَسۡتَغۡفِرۡ لَكُمۡ رَسُولُ ٱللَّهِ لَوَّوۡاْ رُءُوسَهُمۡ وَرَأَيۡتَهُمۡ يَصُدُّونَ وَهُم مُّسۡتَكۡبِرُونَ

Oo marka lagu yidhaahdo: Kaalaya, ha idiin dambi dhaaf dalbee Rasuulka Ilaahay waxay dib u jeediyaan madaxyadooda, oo arkeysaa iyagoo sii jeesanaya iyagoo isla weyn
Surah Al-Munafiqoon, Verse 5


سَوَآءٌ عَلَيۡهِمۡ أَسۡتَغۡفَرۡتَ لَهُمۡ أَمۡ لَمۡ تَسۡتَغۡفِرۡ لَهُمۡ لَن يَغۡفِرَ ٱللَّهُ لَهُمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡفَٰسِقِينَ

Waa isugu mid iyaga haddii aad u dambi dhaaf dalabto iyo haddii aadan u dambi dhaaf dalbin. Marnaba Allaah uma dambi dhaafi doono. hubaal, Allaah ma hanuuniyo qoloda caasiyaasha ah
Surah Al-Munafiqoon, Verse 6


هُمُ ٱلَّذِينَ يَقُولُونَ لَا تُنفِقُواْ عَلَىٰ مَنۡ عِندَ رَسُولِ ٱللَّهِ حَتَّىٰ يَنفَضُّواْۗ وَلِلَّهِ خَزَآئِنُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَلَٰكِنَّ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ لَا يَفۡقَهُونَ

Iyaga weeye kuwa yidhaahda: Wax ha ku bixinnana kuwa la jira Rasuulka Ilaahay, jeer ay ka kala yaacaan; Oo Allaah baa iska leh khasnadaha samooyinka iyo arlada, laakiinse munaafiqiintu ma fahansana
Surah Al-Munafiqoon, Verse 7


يَقُولُونَ لَئِن رَّجَعۡنَآ إِلَى ٱلۡمَدِينَةِ لَيُخۡرِجَنَّ ٱلۡأَعَزُّ مِنۡهَا ٱلۡأَذَلَّۚ وَلِلَّهِ ٱلۡعِزَّةُ وَلِرَسُولِهِۦ وَلِلۡمُؤۡمِنِينَ وَلَٰكِنَّ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ لَا يَعۡلَمُونَ

Waxay yidhaahdaan: Haddii aan u laabanno Madiina, kan gobta ahi (waxay ula jeedaan Cabdullaah bin abii Salool, madaxii munaafiqiinta) wuxuu hubaal ka saari doonaa halkaa kan gunta ahi (waxay ula jeedaan Nabi Muxammad, Rasuulul Laah). Allaah baa se iska leh guusha iyo Rasuulkiisa, iyo mu’miniinta, laakiinse munaafiqiintu ma ogsoona
Surah Al-Munafiqoon, Verse 8


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تُلۡهِكُمۡ أَمۡوَٰلُكُمۡ وَلَآ أَوۡلَٰدُكُمۡ عَن ذِكۡرِ ٱللَّهِۚ وَمَن يَفۡعَلۡ ذَٰلِكَ فَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ

Kuwiinaan idinku rumeysanow! Yeysan maalkiinnu iyo carruurtiinnu idinka shuqlin Xusidda Ilaahay. Oo mid kastoo falaa sidaas, kuwaa weeye khasaaro qabayaasha
Surah Al-Munafiqoon, Verse 9


وَأَنفِقُواْ مِن مَّا رَزَقۡنَٰكُم مِّن قَبۡلِ أَن يَأۡتِيَ أَحَدَكُمُ ٱلۡمَوۡتُ فَيَقُولَ رَبِّ لَوۡلَآ أَخَّرۡتَنِيٓ إِلَىٰٓ أَجَلٖ قَرِيبٖ فَأَصَّدَّقَ وَأَكُن مِّنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ

Oo bixiya wax ka mid ah waxa aanu idin siinnay, inta aysan geeridu u iman midkiin oo markaas odhan: Rabbiyow! Maxaad dib iigu dhigi weydey in yaroo muddo dhow ah, markaa waxaan la baxayaa sadaqo oo ka mid ahaanayaa dadka wanaagga fala
Surah Al-Munafiqoon, Verse 10


وَلَن يُؤَخِّرَ ٱللَّهُ نَفۡسًا إِذَا جَآءَ أَجَلُهَاۚ وَٱللَّهُ خَبِيرُۢ بِمَا تَعۡمَلُونَ

Oo Allaah dib uma dhigo naf marka ajasheed la gaaro. Oo Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan
Surah Al-Munafiqoon, Verse 11


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 62
>> Surah 64

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai