Surah At-Takwir - Somali Translation by Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
إِذَا ٱلشَّمۡسُ كُوِّرَتۡ
Marka qorraxda la duubo (Qiyaamada)
Surah At-Takwir, Verse 1
وَإِذَا ٱلنُّجُومُ ٱنكَدَرَتۡ
Xiddiguhuna daataan (iyagoo Madow)
Surah At-Takwir, Verse 2
وَإِذَا ٱلۡجِبَالُ سُيِّرَتۡ
Buurahana la kexeeyo (La rujiyo)
Surah At-Takwir, Verse 3
وَإِذَا ٱلۡعِشَارُ عُطِّلَتۡ
Geelii rimmanaana la halleeyo
Surah At-Takwir, Verse 4
وَإِذَا ٱلۡوُحُوشُ حُشِرَتۡ
Dugaaggana la kulmiyo (Qisaas darteed)
Surah At-Takwir, Verse 5
وَإِذَا ٱلۡبِحَارُ سُجِّرَتۡ
Badahana la kululeeyo
Surah At-Takwir, Verse 6
وَإِذَا ٱلنُّفُوسُ زُوِّجَتۡ
Naf walbana Jidhkeedii lammaaneeyo
Surah At-Takwir, Verse 7
وَإِذَا ٱلۡمَوۡءُۥدَةُ سُئِلَتۡ
Gabdhihii la xabaalnololiyayna la warsado
Surah At-Takwir, Verse 8
بِأَيِّ ذَنۢبٖ قُتِلَتۡ
Maxaa dambi ah oo loo dilay
Surah At-Takwir, Verse 9
وَإِذَا ٱلصُّحُفُ نُشِرَتۡ
Kutubta (camalkana) la fidiyo
Surah At-Takwir, Verse 10
وَإِذَا ٱلسَّمَآءُ كُشِطَتۡ
Samadana la rujiyo
Surah At-Takwir, Verse 11
وَإِذَا ٱلۡجَحِيمُ سُعِّرَتۡ
Naarta Jaxiimana la huriyo
Surah At-Takwir, Verse 12
وَإِذَا ٱلۡجَنَّةُ أُزۡلِفَتۡ
Jannadana la dhaweeyo
Surah At-Takwir, Verse 13
عَلِمَتۡ نَفۡسٞ مَّآ أَحۡضَرَتۡ
Waxay ogaan nafu waxay camal fashay
Surah At-Takwir, Verse 14
فَلَآ أُقۡسِمُ بِٱلۡخُنَّسِ
(wuxuu eebe yidhi) Waxaan ku dhaartay Xiddigaha Qarsooma (Maalintii)
Surah At-Takwir, Verse 15
ٱلۡجَوَارِ ٱلۡكُنَّسِ
Ee socda iftiinka Qorraxdana ku qarsooma
Surah At-Takwir, Verse 16
وَٱلَّيۡلِ إِذَا عَسۡعَسَ
Iyo Habeenku markuu jeedsado
Surah At-Takwir, Verse 17
وَٱلصُّبۡحِ إِذَا تَنَفَّسَ
Iyo subaxu markuu soo qaabilo
Surah At-Takwir, Verse 18
إِنَّهُۥ لَقَوۡلُ رَسُولٖ كَرِيمٖ
Ee Quraanku waa hadalka Eebe, Soona raray Malag sharaf lah
Surah At-Takwir, Verse 19
ذِي قُوَّةٍ عِندَ ذِي ٱلۡعَرۡشِ مَكِينٖ
Xoogna leh Eeba agtiisana Daraja ku leh
Surah At-Takwir, Verse 20
مُّطَاعٖ ثَمَّ أَمِينٖ
Laguna addeeco halkaas aaminna ah
Surah At-Takwir, Verse 21
وَمَا صَاحِبُكُم بِمَجۡنُونٖ
Saaxiibkiinna (Nabiguna) ma aha ku waalan
Surah At-Takwir, Verse 22
وَلَقَدۡ رَءَاهُ بِٱلۡأُفُقِ ٱلۡمُبِينِ
Horaybuuna ugu arkay Jibriil Jahadii Caddayd (Bariga Maka)
Surah At-Takwir, Verse 23
وَمَا هُوَ عَلَى ٱلۡغَيۡبِ بِضَنِينٖ
Nabiguna ma aha Ruux lugu shakiyo waxa Maqan
Surah At-Takwir, Verse 24
وَمَا هُوَ بِقَوۡلِ شَيۡطَٰنٖ رَّجِيمٖ
Qaraankuna ma aha hadal shaydaan la fogeeyay
Surah At-Takwir, Verse 25
فَأَيۡنَ تَذۡهَبُونَ
Ee xaggeed Gaalooy aadaysaan
Surah At-Takwir, Verse 26
إِنۡ هُوَ إِلَّا ذِكۡرٞ لِّلۡعَٰلَمِينَ
Quraankuna waxaan waanada caalamka ahayn ina aha (waa waano)
Surah At-Takwir, Verse 27
لِمَن شَآءَ مِنكُمۡ أَن يَسۡتَقِيمَ
Ruuxii doona inuu toosnaado (yuuna u yahay)
Surah At-Takwir, Verse 28
وَمَا تَشَآءُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Waxna ma dooni kartaan in Eebaha Caalamku doona mooyec
Surah At-Takwir, Verse 29