Surah At-Takwir - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
إِذَا ٱلشَّمۡسُ كُوِّرَتۡ
Marka qorraxda la iftiin tiro
Surah At-Takwir, Verse 1
وَإِذَا ٱلنُّجُومُ ٱنكَدَرَتۡ
Oo xiddiguhu soo daataan
Surah At-Takwir, Verse 2
وَإِذَا ٱلۡجِبَالُ سُيِّرَتۡ
Oo buuraha la rujiyo
Surah At-Takwir, Verse 3
وَإِذَا ٱلۡعِشَارُ عُطِّلَتۡ
Oo geela rimman la caddilo
Surah At-Takwir, Verse 4
وَإِذَا ٱلۡوُحُوشُ حُشِرَتۡ
Oo dugaagga la soo wada kulmiyo
Surah At-Takwir, Verse 5
وَإِذَا ٱلۡبِحَارُ سُجِّرَتۡ
Oo badaha la shido (ama soo fatahaan)
Surah At-Takwir, Verse 6
وَإِذَا ٱلنُّفُوسُ زُوِّجَتۡ
Oo nafaha lagu lammaaniyo jirarkooda
Surah At-Takwir, Verse 7
وَإِذَا ٱلۡمَوۡءُۥدَةُ سُئِلَتۡ
Oo (gabadhii) nolosha lagu xabaalay la weydiiyo
Surah At-Takwir, Verse 8
بِأَيِّ ذَنۢبٖ قُتِلَتۡ
Denbigee baa loo dilay
Surah At-Takwir, Verse 9
وَإِذَا ٱلصُّحُفُ نُشِرَتۡ
Oo marka kutubta la fidiyo
Surah At-Takwir, Verse 10
وَإِذَا ٱلسَّمَآءُ كُشِطَتۡ
Oo marka samada daboolka laga qaado
Surah At-Takwir, Verse 11
وَإِذَا ٱلۡجَحِيمُ سُعِّرَتۡ
Oo marka Naarta la huriyo
Surah At-Takwir, Verse 12
وَإِذَا ٱلۡجَنَّةُ أُزۡلِفَتۡ
Oo marka Jannada la soo dhoweeyo
Surah At-Takwir, Verse 13
عَلِمَتۡ نَفۡسٞ مَّآ أَحۡضَرَتۡ
Naf walbaa waxay (markaa) ogaan waxay la goob iyo shir timid
Surah At-Takwir, Verse 14
فَلَآ أُقۡسِمُ بِٱلۡخُنَّسِ
Mayee se Waxaan ku dhaartay xiddigaha dib gurta
Surah At-Takwir, Verse 15
ٱلۡجَوَارِ ٱلۡكُنَّسِ
Ee ku socda rugahooda, ee qarsooma
Surah At-Takwir, Verse 16
وَٱلَّيۡلِ إِذَا عَسۡعَسَ
Iyo habeenka marka uu tago
Surah At-Takwir, Verse 17
وَٱلصُّبۡحِ إِذَا تَنَفَّسَ
Iyo subaxa marka uu neefsado
Surah At-Takwir, Verse 18
إِنَّهُۥ لَقَوۡلُ رَسُولٖ كَرِيمٖ
Hubaal kani waa hadalka (Ilaahay) uu keenay Rasuul sharaf badan (Jibriil)
Surah At-Takwir, Verse 19
ذِي قُوَّةٍ عِندَ ذِي ٱلۡعَرۡشِ مَكِينٖ
Awood iyo meeqaan sare ku leh (Allaah) agtiis, Rabbiga Carshiga
Surah At-Takwir, Verse 20
مُّطَاعٖ ثَمَّ أَمِينٖ
La adeeco, haddana aamin ah kalsooni lagu qabo
Surah At-Takwir, Verse 21
وَمَا صَاحِبُكُم بِمَجۡنُونٖ
Oo Saaxiibkiin (Nabi Muxammad) ma aha (innaba) ku waalan
Surah At-Takwir, Verse 22
وَلَقَدۡ رَءَاهُ بِٱلۡأُفُقِ ٱلۡمُبِينِ
Oo xaqiiq horay buu ugu arkay isaga (Jibriil) jihada cad (dhinaca qorrax soo baxa)
Surah At-Takwir, Verse 23
وَمَا هُوَ عَلَى ٱلۡغَيۡبِ بِضَنِينٖ
Oo ma aha isagu (Muxammad) mid ceshada cilmiga ku saabsan Ghaybka
Surah At-Takwir, Verse 24
وَمَا هُوَ بِقَوۡلِ شَيۡطَٰنٖ رَّجِيمٖ
Oo (Qur’aanku) ma aha hadalka Shaydaan laga soo ceyrshay (samooyinka)
Surah At-Takwir, Verse 25
فَأَيۡنَ تَذۡهَبُونَ
Ee xaggee baad u socotaan
Surah At-Takwir, Verse 26
إِنۡ هُوَ إِلَّا ذِكۡرٞ لِّلۡعَٰلَمِينَ
Wax kale ma aha aan aheyn Waano ku socota ummadaha
Surah At-Takwir, Verse 27
لِمَن شَآءَ مِنكُمۡ أَن يَسۡتَقِيمَ
Kii isagu idinka mid ah ee raba inuu qaado jid toosan
Surah At-Takwir, Verse 28
وَمَا تَشَآءُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Oo wax ma doontaan aan ahayn waxaa uu Allaah doono, _Rabbiga uunanka
Surah At-Takwir, Verse 29