Surah AL-Infitar - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
إِذَا ٱلسَّمَآءُ ٱنفَطَرَتۡ
Marka samada ay u kala dhanbalanto gaballo
Surah AL-Infitar, Verse 1
وَإِذَا ٱلۡكَوَاكِبُ ٱنتَثَرَتۡ
Oo xiddiguhu kala firdhaan
Surah AL-Infitar, Verse 2
وَإِذَا ٱلۡبِحَارُ فُجِّرَتۡ
Oo marka badaha la burqiyo
Surah AL-Infitar, Verse 3
وَإِذَا ٱلۡقُبُورُ بُعۡثِرَتۡ
Oo qabuuraha la soo qufo
Surah AL-Infitar, Verse 4
عَلِمَتۡ نَفۡسٞ مَّا قَدَّمَتۡ وَأَخَّرَتۡ
Naf walbaa waxay markaa ogaan waxay hormarsatay, iyo (waxay) dib marisay
Surah AL-Infitar, Verse 5
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلۡإِنسَٰنُ مَا غَرَّكَ بِرَبِّكَ ٱلۡكَرِيمِ
Qof yahow! Maxaa kaa jeediyey Rabbigaaga, Roonaanta Badan
Surah AL-Infitar, Verse 6
ٱلَّذِي خَلَقَكَ فَسَوَّىٰكَ فَعَدَلَكَ
Kaasoo ku abuuray, ee ku taam yeelay Ee kaa dhigay mid isku dheella tiran
Surah AL-Infitar, Verse 7
فِيٓ أَيِّ صُورَةٖ مَّا شَآءَ رَكَّبَكَ
Oo suurad tuu rabo kaa rakibay
Surah AL-Infitar, Verse 8
كَلَّا بَلۡ تُكَذِّبُونَ بِٱلدِّينِ
Mayee balse waxaad beenisaan maalinta is abaal marinta
Surah AL-Infitar, Verse 9
وَإِنَّ عَلَيۡكُمۡ لَحَٰفِظِينَ
Oo xaqiiq waxaa jira dhab ahaan ilaalo Korkiinna ah ( malaa’ig idiin xil saaran)
Surah AL-Infitar, Verse 10
كِرَامٗا كَٰتِبِينَ
Sharaf leh wax qorta
Surah AL-Infitar, Verse 11
يَعۡلَمُونَ مَا تَفۡعَلُونَ
Way og yihiin wax kastoo aad fashaan
Surah AL-Infitar, Verse 12
إِنَّ ٱلۡأَبۡرَارَ لَفِي نَعِيمٖ
Hubaal baarriyadu waxay dhex ahaan barwaaqo
Surah AL-Infitar, Verse 13
وَإِنَّ ٱلۡفُجَّارَ لَفِي جَحِيمٖ
Oo hubaal dambiilayaasha waxay dhex ahaan dab ololaya
Surah AL-Infitar, Verse 14
يَصۡلَوۡنَهَا يَوۡمَ ٱلدِّينِ
Oo ay gali doonaan si ay ugu gubtaan Maalinta Is abaal marinta
Surah AL-Infitar, Verse 15
وَمَا هُمۡ عَنۡهَا بِغَآئِبِينَ
Oo ma ahaan doonaan sinnaba kuwo ka maqan xaggeeda
Surah AL-Infitar, Verse 16
وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا يَوۡمُ ٱلدِّينِ
Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa ay Maalinta is abaal marintu tahay
Surah AL-Infitar, Verse 17
ثُمَّ مَآ أَدۡرَىٰكَ مَا يَوۡمُ ٱلدِّينِ
Misna, maxaa ku ogeysiiyey waxay ay Maalinta is abaal marintu tahay
Surah AL-Infitar, Verse 18
يَوۡمَ لَا تَمۡلِكُ نَفۡسٞ لِّنَفۡسٖ شَيۡـٔٗاۖ وَٱلۡأَمۡرُ يَوۡمَئِذٖ لِّلَّهِ
(Waa) maalinta aysan nafi wax u tari doonin naf kale. Oo amarka Maalintaas waxaa gebi ahaanba iska leh Allaah
Surah AL-Infitar, Verse 19