Surah AL-Infitar - Somali Translation by Mahmud Muhammad Abduh
إِذَا ٱلسَّمَآءُ ٱنفَطَرَتۡ
Markay Samadu Dildillaacdo
Surah AL-Infitar, Verse 1
وَإِذَا ٱلۡكَوَاكِبُ ٱنتَثَرَتۡ
Xiddiguhuna daataan
Surah AL-Infitar, Verse 2
وَإِذَا ٱلۡبِحَارُ فُجِّرَتۡ
Badahana laysku furo
Surah AL-Infitar, Verse 3
وَإِذَا ٱلۡقُبُورُ بُعۡثِرَتۡ
Xabaalahana la soo bixiyo (Dadkii)
Surah AL-Infitar, Verse 4
عَلِمَتۡ نَفۡسٞ مَّا قَدَّمَتۡ وَأَخَّرَتۡ
Waxay ogaan nafu waxay hor marsatay iyo waxay dibmarisay
Surah AL-Infitar, Verse 5
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلۡإِنسَٰنُ مَا غَرَّكَ بِرَبِّكَ ٱلۡكَرِيمِ
Dadow maxaa kugu kadiyay Eebahaaga sharafta leh
Surah AL-Infitar, Verse 6
ٱلَّذِي خَلَقَكَ فَسَوَّىٰكَ فَعَدَلَكَ
Ee kii ku abuuray ah kuna ekeeyay kuna simay
Surah AL-Infitar, Verse 7
فِيٓ أَيِّ صُورَةٖ مَّا شَآءَ رَكَّبَكَ
Siduu doonana kuu sameeyey
Surah AL-Infitar, Verse 8
كَلَّا بَلۡ تُكَذِّبُونَ بِٱلدِّينِ
Saas ma aha ee waxaad beeninaysaan abaal marinta
Surah AL-Infitar, Verse 9
وَإِنَّ عَلَيۡكُمۡ لَحَٰفِظِينَ
Malaa'ig baana idin ilaalinaysa
Surah AL-Infitar, Verse 10
كِرَامٗا كَٰتِبِينَ
Oo sharaf leh waxna qori
Surah AL-Infitar, Verse 11
يَعۡلَمُونَ مَا تَفۡعَلُونَ
Ogna waxaad falaysaan
Surah AL-Infitar, Verse 12
إِنَّ ٱلۡأَبۡرَارَ لَفِي نَعِيمٖ
Kuwa wanaagsani waxay gali Naciima
Surah AL-Infitar, Verse 13
وَإِنَّ ٱلۡفُجَّارَ لَفِي جَحِيمٖ
Kuwa xun Xunna waxay gali Jaxiimo
Surah AL-Infitar, Verse 14
يَصۡلَوۡنَهَا يَوۡمَ ٱلدِّينِ
Wayna ku guban Maalinta abaalmarinta
Surah AL-Infitar, Verse 15
وَمَا هُمۡ عَنۡهَا بِغَآئِبِينَ
Kamana maqnaadaan Naarta
Surah AL-Infitar, Verse 16
وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا يَوۡمُ ٱلدِّينِ
Maalinta abaalmarinta ma taqaannaa
Surah AL-Infitar, Verse 17
ثُمَّ مَآ أَدۡرَىٰكَ مَا يَوۡمُ ٱلدِّينِ
Haddana ma taqaannaa Maalinta abaalmarinta
Surah AL-Infitar, Verse 18
يَوۡمَ لَا تَمۡلِكُ نَفۡسٞ لِّنَفۡسٖ شَيۡـٔٗاۖ وَٱلۡأَمۡرُ يَوۡمَئِذٖ لِّلَّهِ
Waa Maalinta ayna u hanannin Nafna Naf kale waxba, Amarkana Maalintaas waxaa iska leh Eebe
Surah AL-Infitar, Verse 19