UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Al-Mutaffifin - Somali Translation by Mahmud Muhammad Abduh


وَيۡلٞ لِّلۡمُطَفِّفِينَ

Wuxuu Halaag u sugnaaday kuwa xaqa nusqaamiya
Surah Al-Mutaffifin, Verse 1


ٱلَّذِينَ إِذَا ٱكۡتَالُواْ عَلَى ٱلنَّاسِ يَسۡتَوۡفُونَ

Waa kuwa markay miisina oofsada (dhammaystirta)
Surah Al-Mutaffifin, Verse 2


وَإِذَا كَالُوهُمۡ أَو وَّزَنُوهُمۡ يُخۡسِرُونَ

Markay u miisi ama u miisaamina ka nusqaamiya
Surah Al-Mutaffifin, Verse 3


أَلَا يَظُنُّ أُوْلَـٰٓئِكَ أَنَّهُم مَّبۡعُوثُونَ

Miyayna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin
Surah Al-Mutaffifin, Verse 4


لِيَوۡمٍ عَظِيمٖ

Maalin wayn darteed (Qiyaamada)
Surah Al-Mutaffifin, Verse 5


يَوۡمَ يَقُومُ ٱلنَّاسُ لِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

Maalinta Dadku u istaagi Eebaha Caalamka
Surah Al-Mutaffifin, Verse 6


كَلَّآ إِنَّ كِتَٰبَ ٱلۡفُجَّارِ لَفِي سِجِّينٖ

Saas ma aha ee Camalka kuwa xun wuxuu ku Qoranyahay Sijiin
Surah Al-Mutaffifin, Verse 7


وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا سِجِّينٞ

Ma taqaannaa Sijiin
Surah Al-Mutaffifin, Verse 8


كِتَٰبٞ مَّرۡقُومٞ

Waa Kitaab calaamaysan
Surah Al-Mutaffifin, Verse 9


وَيۡلٞ يَوۡمَئِذٖ لِّلۡمُكَذِّبِينَ

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa beeniya (xaqa)
Surah Al-Mutaffifin, Verse 10


ٱلَّذِينَ يُكَذِّبُونَ بِيَوۡمِ ٱلدِّينِ

Ee ah kuwa beeniya Maalinta abaal marinta
Surah Al-Mutaffifin, Verse 11


وَمَا يُكَذِّبُ بِهِۦٓ إِلَّا كُلُّ مُعۡتَدٍ أَثِيمٍ

Waxaana beeniya xaqa mid xad gudba oo dambiila ah
Surah Al-Mutaffifin, Verse 12


إِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِ ءَايَٰتُنَا قَالَ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ

Marka Quraanka lagu akhriyana yidhaahda waa warkii Dadkii hore
Surah Al-Mutaffifin, Verse 13


كَلَّاۖ بَلۡۜ رَانَ عَلَىٰ قُلُوبِهِم مَّا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ

Saas ma aha ee waxaa fuulay Qalbigooda (mirdhiyay) waxay kasbanjireen oo Dambi ah
Surah Al-Mutaffifin, Verse 14


كَلَّآ إِنَّهُمۡ عَن رَّبِّهِمۡ يَوۡمَئِذٖ لَّمَحۡجُوبُونَ

Waxaa sugan in Eebohood Maalintaas (Qiyaame) laga xijaabi
Surah Al-Mutaffifin, Verse 15


ثُمَّ إِنَّهُمۡ لَصَالُواْ ٱلۡجَحِيمِ

Markaasna ay gali Jaxiimo
Surah Al-Mutaffifin, Verse 16


ثُمَّ يُقَالُ هَٰذَا ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ

Waxaana loo odhan tani waa Naartaad ku beeninayseen Adduunka
Surah Al-Mutaffifin, Verse 17


كَلَّآ إِنَّ كِتَٰبَ ٱلۡأَبۡرَارِ لَفِي عِلِّيِّينَ

Saas xaalku ma aha ee Kitaabka iyo Camalka Dadka Wanaagsan wuxuu ku Quranyahay Cilliyiin
Surah Al-Mutaffifin, Verse 18


وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا عِلِّيُّونَ

Cilliyiin ma taqaannaa
Surah Al-Mutaffifin, Verse 19


كِتَٰبٞ مَّرۡقُومٞ

Waa Kitaab la Calaameeyay (oo Dadka fiican magaciisa lagu qoro)
Surah Al-Mutaffifin, Verse 20


يَشۡهَدُهُ ٱلۡمُقَرَّبُونَ

Waxaana Gacanta ku haya Malaa'ig Eebe u dhaw
Surah Al-Mutaffifin, Verse 21


إِنَّ ٱلۡأَبۡرَارَ لَفِي نَعِيمٍ

Kuwa wanaagsan waxay gali Naciima (Janno)
Surah Al-Mutaffifin, Verse 22


عَلَى ٱلۡأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ

(Maalinta Qiyaamana) Sariiro yay ku dangiigsanaan oy wax ka daawan
Surah Al-Mutaffifin, Verse 23


تَعۡرِفُ فِي وُجُوهِهِمۡ نَضۡرَةَ ٱلنَّعِيمِ

Wajigooda waanad ka garan Nicmada
Surah Al-Mutaffifin, Verse 24


يُسۡقَوۡنَ مِن رَّحِيقٖ مَّخۡتُومٍ

Waxaana laga waraabin cabbid la dhawray (oo macaan)
Surah Al-Mutaffifin, Verse 25


خِتَٰمُهُۥ مِسۡكٞۚ وَفِي ذَٰلِكَ فَلۡيَتَنَافَسِ ٱلۡمُتَنَٰفِسُونَ

Waxaana lagu khatimaa Miski iyo udgoon, ee Arrintaas ha u tartameen Tartamayaashu
Surah Al-Mutaffifin, Verse 26


وَمِزَاجُهُۥ مِن تَسۡنِيمٍ

Waxaana lagu dheehi Cabbitaan
Surah Al-Mutaffifin, Verse 27


عَيۡنٗا يَشۡرَبُ بِهَا ٱلۡمُقَرَّبُونَ

Waa Il ay ka cabbaan kuwa Eebe u dhaw
Surah Al-Mutaffifin, Verse 28


إِنَّ ٱلَّذِينَ أَجۡرَمُواْ كَانُواْ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ يَضۡحَكُونَ

Kuwii Dambaabay (Gaaloobay) waxay ahaayeen kuwa ku qosla kuwii xaqa rumeeyay
Surah Al-Mutaffifin, Verse 29


وَإِذَا مَرُّواْ بِهِمۡ يَتَغَامَزُونَ

Haday maraanna way xaqirijireen
Surah Al-Mutaffifin, Verse 30


وَإِذَا ٱنقَلَبُوٓاْ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِمُ ٱنقَلَبُواْ فَكِهِينَ

Markay Guryahoodii u noqdaanna (gaaladu) waxay noqonjireen iyagoo isla Wayn (oo raaxaysan)
Surah Al-Mutaffifin, Verse 31


وَإِذَا رَأَوۡهُمۡ قَالُوٓاْ إِنَّ هَـٰٓؤُلَآءِ لَضَآلُّونَ

Markay arkaan Mu'miniintana waxay dhahaan kuwaasi waa dhunsanyihiin
Surah Al-Mutaffifin, Verse 32


وَمَآ أُرۡسِلُواْ عَلَيۡهِمۡ حَٰفِظِينَ

Loomana dirin inay ilaaliyaan Mu'miniinta
Surah Al-Mutaffifin, Verse 33


فَٱلۡيَوۡمَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مِنَ ٱلۡكُفَّارِ يَضۡحَكُونَ

Maalinta (qiyaame) kuwa rumeeyay xaqa waxay ku qosli gaalada
Surah Al-Mutaffifin, Verse 34


عَلَى ٱلۡأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ

Sariiro korkood yayna wax daawan
Surah Al-Mutaffifin, Verse 35


هَلۡ ثُوِّبَ ٱلۡكُفَّارُ مَا كَانُواْ يَفۡعَلُونَ

Miyaan laga abaalmarinnin Gaalada waxay falayeen. (waa laga abaalmariyay)
Surah Al-Mutaffifin, Verse 36


Author: Mahmud Muhammad Abduh


<< Surah 82
>> Surah 84

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai