Surah Al-Inshiqaq - Somali Translation by Mahmud Muhammad Abduh
إِذَا ٱلسَّمَآءُ ٱنشَقَّتۡ
Marka Samadu jeexjeexanto (qiyaamada)
Surah Al-Inshiqaq, Verse 1
وَأَذِنَتۡ لِرَبِّهَا وَحُقَّتۡ
Oy Eebe Addeecdo waana xaq addeeciddiisunee
Surah Al-Inshiqaq, Verse 2
وَإِذَا ٱلۡأَرۡضُ مُدَّتۡ
Marka dhulka la fidiyo (qiyaamada)
Surah Al-Inshiqaq, Verse 3
وَأَلۡقَتۡ مَا فِيهَا وَتَخَلَّتۡ
Oo uu soo tuuro waxa ku hoos jira, kana madhnaado
Surah Al-Inshiqaq, Verse 4
وَأَذِنَتۡ لِرَبِّهَا وَحُقَّتۡ
Oos Eeba Addeeco waana xaq adeeciddaasina. (wuxuu la kulmi Ruuxwalba Camalkiisa)
Surah Al-Inshiqaq, Verse 5
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلۡإِنسَٰنُ إِنَّكَ كَادِحٌ إِلَىٰ رَبِّكَ كَدۡحٗا فَمُلَٰقِيهِ
Dadow waxaad u dhibboon ood u camalfali xagga Eebe, waadna la kulmi
Surah Al-Inshiqaq, Verse 6
فَأَمَّا مَنۡ أُوتِيَ كِتَٰبَهُۥ بِيَمِينِهِۦ
Ruusiise Kitaabkiisa (fiican) Midigta laga siiyo (waa mu'minkee)
Surah Al-Inshiqaq, Verse 7
فَسَوۡفَ يُحَاسَبُ حِسَابٗا يَسِيرٗا
Waxaa la xisaabin xisaab fudud
Surah Al-Inshiqaq, Verse 8
وَيَنقَلِبُ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِۦ مَسۡرُورٗا
Wuxuuna ku noqon Ciddiisii (Jannada joogtay) isagoo faraxsan
Surah Al-Inshiqaq, Verse 9
وَأَمَّا مَنۡ أُوتِيَ كِتَٰبَهُۥ وَرَآءَ ظَهۡرِهِۦ
Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo gadaashiisa (waa Dadka xune)
Surah Al-Inshiqaq, Verse 10
فَسَوۡفَ يَدۡعُواْ ثُبُورٗا
Wuxuu u yeedhan Halaag
Surah Al-Inshiqaq, Verse 11
وَيَصۡلَىٰ سَعِيرًا
Wuxuuna gali Naarta Saciira
Surah Al-Inshiqaq, Verse 12
إِنَّهُۥ كَانَ فِيٓ أَهۡلِهِۦ مَسۡرُورًا
Maxaa yeelay Markuu dadkiisii dhexjoogay yuu kabirsanaa (Adduunkii)
Surah Al-Inshiqaq, Verse 13
إِنَّهُۥ ظَنَّ أَن لَّن يَحُورَ
Wuxuuna malaynhayay inuusan Eebe u soo noqonaynin (qiyaame)
Surah Al-Inshiqaq, Verse 14
بَلَىٰٓۚ إِنَّ رَبَّهُۥ كَانَ بِهِۦ بَصِيرٗا
Saas ma ahee Eebe waa arkaa
Surah Al-Inshiqaq, Verse 15
فَلَآ أُقۡسِمُ بِٱلشَّفَقِ
Waxaan ku dhaartay «buu yidhi Eebe» Midabka Qorrax dhaca
Surah Al-Inshiqaq, Verse 16
وَٱلَّيۡلِ وَمَا وَسَقَ
Iyo Habeenka iyo wuxuu qariyay
Surah Al-Inshiqaq, Verse 17
وَٱلۡقَمَرِ إِذَا ٱتَّسَقَ
Iyo Dayaxa markuu Nuurku buux Samo
Surah Al-Inshiqaq, Verse 18
لَتَرۡكَبُنَّ طَبَقًا عَن طَبَقٖ
Ee Dadkow waxaad koraysaan xaalado kala duwan
Surah Al-Inshiqaq, Verse 19
فَمَا لَهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ
Dadka maxaa u sugnaaday oy la rumaynwaayeen (xaqa)
Surah Al-Inshiqaq, Verse 20
وَإِذَا قُرِئَ عَلَيۡهِمُ ٱلۡقُرۡءَانُ لَا يَسۡجُدُونَۤ۩
Marka Quraanka lagu akhriyana ayna u sujuudaynin
Surah Al-Inshiqaq, Verse 21
بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يُكَذِّبُونَ
Saas ma ahee kuwa Gaaloobay waxay beenin (xaqa)
Surah Al-Inshiqaq, Verse 22
وَٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِمَا يُوعُونَ
Eebana waa ogyahay waxay qarsan
Surah Al-Inshiqaq, Verse 23
فَبَشِّرۡهُم بِعَذَابٍ أَلِيمٍ
Ugu bishaaree caddibaad daran
Surah Al-Inshiqaq, Verse 24
إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ لَهُمۡ أَجۡرٌ غَيۡرُ مَمۡنُونِۭ
Hase yeeshee kuwa rumeeyay xaqa camalfiicanna falay waxay mudan Ajri aan go'aynin
Surah Al-Inshiqaq, Verse 25