Surah Al-Burooj - Somali Translation by Mahmud Muhammad Abduh
وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلۡبُرُوجِ
Eebe wuxuu ku dhaartay Samada Xiddigaha leh (iyo Jidadkooda)
Surah Al-Burooj, Verse 1
وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡمَوۡعُودِ
Iyo Maalinta laysu yaboohay (qiyaamada)
Surah Al-Burooj, Verse 2
وَشَاهِدٖ وَمَشۡهُودٖ
Iyo Dadka joogsan Maalintaas iyo waxayaalaha iman Maalintaas
Surah Al-Burooj, Verse 3
قُتِلَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡأُخۡدُودِ
Ee Lacnadi ha ku dhacdo kuwii Godka lahaa (Mu'miniinta lagu cadibo)
Surah Al-Burooj, Verse 4
ٱلنَّارِ ذَاتِ ٱلۡوَقُودِ
Ee ahaa Naar olal (iyo shidaal) leh
Surah Al-Burooj, Verse 5
إِذۡ هُمۡ عَلَيۡهَا قُعُودٞ
Gaaladiina ay korfadiyeen Godka
Surah Al-Burooj, Verse 6
وَهُمۡ عَلَىٰ مَا يَفۡعَلُونَ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ شُهُودٞ
iyagoo daawan waxa lagu fali Mu'miniinta «oo Jirrabaad ah»
Surah Al-Burooj, Verse 7
وَمَا نَقَمُواْ مِنۡهُمۡ إِلَّآ أَن يُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَمِيدِ
Waxay ku neceen Dadkaasna ma jiro oon ahayn inay rumeeyeen Eebaha adkaada ee la mahadiyo
Surah Al-Burooj, Verse 8
ٱلَّذِي لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدٌ
Ee leh Samada iyo Dhulka xukunkooda, Eebana wax walba wuu u jeedaa
Surah Al-Burooj, Verse 9
إِنَّ ٱلَّذِينَ فَتَنُواْ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ ثُمَّ لَمۡ يَتُوبُواْ فَلَهُمۡ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَلَهُمۡ عَذَابُ ٱلۡحَرِيقِ
Kuwa Mu'miniinta Rag iyo Haweenba jirraba haddana aan tawbadkeenin waxay mudan Caddibaadda Jahannamo iyo caddibaad gubi
Surah Al-Burooj, Verse 10
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ لَهُمۡ جَنَّـٰتٞ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۚ ذَٰلِكَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡكَبِيرُ
Kuwa xaqa rumeeyey Camalfiicana falay waxay mudan Jannooyin ay dureeri dhexdeeda Wabiyaal, taasina waa liibaan wayn
Surah Al-Burooj, Verse 11
إِنَّ بَطۡشَ رَبِّكَ لَشَدِيدٌ
Qabashada Eebana (Ciqaabtiisu) way darantahay
Surah Al-Burooj, Verse 12
إِنَّهُۥ هُوَ يُبۡدِئُ وَيُعِيدُ
Eebe isagaa khalqiga ahaysiiyay soona celin
Surah Al-Burooj, Verse 13
وَهُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلۡوَدُودُ
Waana dambidhaaf badane jecel (kuwa addeeca)
Surah Al-Burooj, Verse 14
ذُو ٱلۡعَرۡشِ ٱلۡمَجِيدُ
Carshiga sharafta lahna isagaa iska leh
Surah Al-Burooj, Verse 15
فَعَّالٞ لِّمَا يُرِيدُ
Wuuna falaa wuxuu doono
Surah Al-Burooj, Verse 16
هَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلۡجُنُودِ
Ma ku soo gaadhay warkii Junuuddii (Gaaladii)
Surah Al-Burooj, Verse 17
فِرۡعَوۡنَ وَثَمُودَ
Fircoon iyo Thamuud
Surah Al-Burooj, Verse 18
بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فِي تَكۡذِيبٖ
Hase yeeshee kuwii Gaaloobay waxay ku suganyihiin beenin (xaqa)
Surah Al-Burooj, Verse 19
وَٱللَّهُ مِن وَرَآئِهِم مُّحِيطُۢ
Eebana waa koobay (kamana baxsadaan)
Surah Al-Burooj, Verse 20
بَلۡ هُوَ قُرۡءَانٞ مَّجِيدٞ
Waase Quraan sharaf leh
Surah Al-Burooj, Verse 21
فِي لَوۡحٖ مَّحۡفُوظِۭ
Oo ku Qoran Ioox la dhawray (looxulmaxfuudka)
Surah Al-Burooj, Verse 22