UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Al-Burooj - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلۡبُرُوجِ

Waxaan ku dhaartay rugaha xiddiguhu maraan
Surah Al-Burooj, Verse 1


وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡمَوۡعُودِ

Iyo Maalinta ballanta ah
Surah Al-Burooj, Verse 2


وَشَاهِدٖ وَمَشۡهُودٖ

Iyo marag furaha iyo kuwa lagu marag furo
Surah Al-Burooj, Verse 3


قُتِلَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡأُخۡدُودِ

Belo ha ku dhacdo qoladii godka
Surah Al-Burooj, Verse 4


ٱلنَّارِ ذَاتِ ٱلۡوَقُودِ

Ee lahaa dab olol iyo shidaal badan
Surah Al-Burooj, Verse 5


إِذۡ هُمۡ عَلَيۡهَا قُعُودٞ

Iyagoo (gaaladu) kor fadhiyeen (godka)
Surah Al-Burooj, Verse 6


وَهُمۡ عَلَىٰ مَا يَفۡعَلُونَ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ شُهُودٞ

Oo waxay ka ahaayeen marag waxay ku falayeen (oo gardarro ah) Mu’miniinta
Surah Al-Burooj, Verse 7


وَمَا نَقَمُواْ مِنۡهُمۡ إِلَّآ أَن يُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَمِيدِ

Oo kuma ay gelin wax kale aan aheyn inay rumeeyeen Allaah, Adkaadaha Sharafta leh , ee la Ammaano
Surah Al-Burooj, Verse 8


ٱلَّذِي لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدٌ

Ee, iska leh mulkiga (iyo maamulka) samooyinka iyo arlada! Oo Allaah wax walba waa u Jeedaa
Surah Al-Burooj, Verse 9


إِنَّ ٱلَّذِينَ فَتَنُواْ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ ثُمَّ لَمۡ يَتُوبُواْ فَلَهُمۡ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَلَهُمۡ عَذَابُ ٱلۡحَرِيقِ

Hubaal kuwa caddiba mu’miniinta iyo mu’minooyinka, markaas aan toobad keenin, waxay leeyihiin cadaab Naar ah, oo waxay leeyihiin cadaab gubeysa
Surah Al-Burooj, Verse 10


إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ لَهُمۡ جَنَّـٰتٞ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۚ ذَٰلِكَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡكَبِيرُ

Hubaal kuwa (xaqa) rumeysan oo samaha fala, waxay leeyihiin beero hoostoodu ay webiyo qulqulaan. Kaasi baa ah Liibaanta Weyn
Surah Al-Burooj, Verse 11


إِنَّ بَطۡشَ رَبِّكَ لَشَدِيدٌ

Hubaal Qabashada Rabbigaa waa mid aad u daran
Surah Al-Burooj, Verse 12


إِنَّهُۥ هُوَ يُبۡدِئُ وَيُعِيدُ

Hubaal Isaga weeye Kan uuma (uunka) oo dib u soo saara
Surah Al-Burooj, Verse 13


وَهُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلۡوَدُودُ

Oo Waa Isaga Dambi Dhaaf Badanaha, Gacalka ah
Surah Al-Burooj, Verse 14


ذُو ٱلۡعَرۡشِ ٱلۡمَجِيدُ

Rabbiga Carshiga, Sharafta Badan
Surah Al-Burooj, Verse 15


فَعَّالٞ لِّمَا يُرِيدُ

Falaha Weyn ee wuxuu Doono
Surah Al-Burooj, Verse 16


هَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلۡجُنُودِ

Ma ku soo gaaray warka ciidammadii
Surah Al-Burooj, Verse 17


فِرۡعَوۡنَ وَثَمُودَ

Fircoon iyo Thamuud
Surah Al-Burooj, Verse 18


بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فِي تَكۡذِيبٖ

Balse! Kuwa gaalooba waxay ku sugan yihiin beeninta xaqa
Surah Al-Burooj, Verse 19


وَٱللَّهُ مِن وَرَآئِهِم مُّحِيطُۢ

Oo Allaah baa ka kooba dhinac kasta
Surah Al-Burooj, Verse 20


بَلۡ هُوَ قُرۡءَانٞ مَّجِيدٞ

Bal! Kani waa Qur’aan Sharaf Badan
Surah Al-Burooj, Verse 21


فِي لَوۡحٖ مَّحۡفُوظِۭ

Ku yaal Looxa Maxfuudka
Surah Al-Burooj, Verse 22


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 84
>> Surah 86

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai