UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Al-Inshiqaq - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


إِذَا ٱلسَّمَآءُ ٱنشَقَّتۡ

Markay samadu u jeexanto gaballo
Surah Al-Inshiqaq, Verse 1


وَأَذِنَتۡ لِرَبِّهَا وَحُقَّتۡ

Oo adeecdo Rabbigeed, oo waa xaq inay adeecdo
Surah Al-Inshiqaq, Verse 2


وَإِذَا ٱلۡأَرۡضُ مُدَّتۡ

Oo marka arlada la fidiyo
Surah Al-Inshiqaq, Verse 3


وَأَلۡقَتۡ مَا فِيهَا وَتَخَلَّتۡ

Oo u soo tuurto debedda waxa ku jira gudaheeda oo ka marnaato
Surah Al-Inshiqaq, Verse 4


وَأَذِنَتۡ لِرَبِّهَا وَحُقَّتۡ

Oo ay adeecdo Rabbigeed, oo waa xaq inay adeecdo
Surah Al-Inshiqaq, Verse 5


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلۡإِنسَٰنُ إِنَّكَ كَادِحٌ إِلَىٰ رَبِّكَ كَدۡحٗا فَمُلَٰقِيهِ

Qofyahow! Hubaal Waa inaad shaqeyso (si aad u tiigsato) xagga Rabbigaa shaqo adag, jeer aad la kulanto Isaga
Surah Al-Inshiqaq, Verse 6


فَأَمَّا مَنۡ أُوتِيَ كِتَٰبَهُۥ بِيَمِينِهِۦ

Ma kan isagu lagu siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig
Surah Al-Inshiqaq, Verse 7


فَسَوۡفَ يُحَاسَبُ حِسَابٗا يَسِيرٗا

Waxaa la xisaabin doonaa xisaab fudud
Surah Al-Inshiqaq, Verse 8


وَيَنقَلِبُ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِۦ مَسۡرُورٗا

Oo wuxuu u laaban ehelkiisa isagoo faraxsan
Surah Al-Inshiqaq, Verse 9


وَأَمَّا مَنۡ أُوتِيَ كِتَٰبَهُۥ وَرَآءَ ظَهۡرِهِۦ

Ma kan se isaga laga siiyo Kitaabkiisa dhabarkiisa gadaashiisa
Surah Al-Inshiqaq, Verse 10


فَسَوۡفَ يَدۡعُواْ ثُبُورٗا

Wuxuu u yeedhan doonaa hoog
Surah Al-Inshiqaq, Verse 11


وَيَصۡلَىٰ سَعِيرًا

Oo geli doonaa naar hureysa
Surah Al-Inshiqaq, Verse 12


إِنَّهُۥ كَانَ فِيٓ أَهۡلِهِۦ مَسۡرُورًا

Hubaal wuxuu ahaa mid Ehelkiisa dhexdooda kibirsan
Surah Al-Inshiqaq, Verse 13


إِنَّهُۥ ظَنَّ أَن لَّن يَحُورَ

Hubaal wuxuu mooday inuusan marnaba (u) soo noqoneyn (Xaggayaga)
Surah Al-Inshiqaq, Verse 14


بَلَىٰٓۚ إِنَّ رَبَّهُۥ كَانَ بِهِۦ بَصِيرٗا

Haayoo, hubaal, Rabbigiis baa u jeeday
Surah Al-Inshiqaq, Verse 15


فَلَآ أُقۡسِمُ بِٱلشَّفَقِ

Mayee se, Waxaan ku dhaartay cir gaduudda gabbal dhac
Surah Al-Inshiqaq, Verse 16


وَٱلَّيۡلِ وَمَا وَسَقَ

Iyo habeenka iyo wuxuu qariyo
Surah Al-Inshiqaq, Verse 17


وَٱلۡقَمَرِ إِذَا ٱتَّسَقَ

Iyo dayaxa marka uu buuxsamo
Surah Al-Inshiqaq, Verse 18


لَتَرۡكَبُنَّ طَبَقًا عَن طَبَقٖ

Waxaad hubaal mari doontaan heerar kala duwan (noloshan iyo Aakhiradaba)
Surah Al-Inshiqaq, Verse 19


فَمَا لَهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ

Muxuuse arrinkoodu yahay inaysan rumeyn
Surah Al-Inshiqaq, Verse 20


وَإِذَا قُرِئَ عَلَيۡهِمُ ٱلۡقُرۡءَانُ لَا يَسۡجُدُونَۤ۩

Oo marka Qur’aanka loo akhriyo ma sujuudaan
Surah Al-Inshiqaq, Verse 21


بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يُكَذِّبُونَ

Bal, kuwa gaalooba wayba beeniyaan (Xaqa)
Surah Al-Inshiqaq, Verse 22


وَٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِمَا يُوعُونَ

Oo Allaah baa aad u ogsoon waxay qariyaan
Surah Al-Inshiqaq, Verse 23


فَبَشِّرۡهُم بِعَذَابٍ أَلِيمٍ

Ee ugu bishaaree cadaab aad u xanuun badan
Surah Al-Inshiqaq, Verse 24


إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ لَهُمۡ أَجۡرٌ غَيۡرُ مَمۡنُونِۭ

Hase yeeshee kuwa (xaqa) rumeysan oo samaha fala waxay leeyihiin abaalgud aan marnaba go’i doonin (waa Jannada)
Surah Al-Inshiqaq, Verse 25


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 83
>> Surah 85

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai