UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Al-Mutaffifin - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


وَيۡلٞ لِّلۡمُطَفِّفِينَ

Hoog waxaa leh kuwa dhima miisaanka
Surah Al-Mutaffifin, Verse 1


ٱلَّذِينَ إِذَا ٱكۡتَالُواْ عَلَى ٱلنَّاسِ يَسۡتَوۡفُونَ

Kuwa, marka ay wax beegaan (xaqooda ah) u oofsada si dhan oo kaamil ah
Surah Al-Mutaffifin, Verse 2


وَإِذَا كَالُوهُمۡ أَو وَّزَنُوهُمۡ يُخۡسِرُونَ

Markase ay u beegaan dadka kale ama miisaamaan dhima oo nuqsaamiya
Surah Al-Mutaffifin, Verse 3


أَلَا يَظُنُّ أُوْلَـٰٓئِكَ أَنَّهُم مَّبۡعُوثُونَ

Mawaysan kuwaasu yaqiinsaneyn in loo soo bixin doono (si loo xisaabiyo)
Surah Al-Mutaffifin, Verse 4


لِيَوۡمٍ عَظِيمٖ

Maalin aad u weyn
Surah Al-Mutaffifin, Verse 5


يَوۡمَ يَقُومُ ٱلنَّاسُ لِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

Maalinta dadka la hor keeni Rabbiga uunanka
Surah Al-Mutaffifin, Verse 6


كَلَّآ إِنَّ كِتَٰبَ ٱلۡفُجَّارِ لَفِي سِجِّينٖ

Mayee! hubaal, diiwaanka dambiilayaasha wuxuu yaal Sijjiin
Surah Al-Mutaffifin, Verse 7


وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا سِجِّينٞ

Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Sijiinku yahay
Surah Al-Mutaffifin, Verse 8


كِتَٰبٞ مَّرۡقُومٞ

Waa (aayahooda) ku diiwaan gashan kitaab qoran
Surah Al-Mutaffifin, Verse 9


وَيۡلٞ يَوۡمَئِذٖ لِّلۡمُكَذِّبِينَ

Hoog, Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha
Surah Al-Mutaffifin, Verse 10


ٱلَّذِينَ يُكَذِّبُونَ بِيَوۡمِ ٱلدِّينِ

Kuwa beeniya Maalinta is abaal marinta
Surah Al-Mutaffifin, Verse 11


وَمَا يُكَذِّبُ بِهِۦٓ إِلَّا كُلُّ مُعۡتَدٍ أَثِيمٍ

Oo cidi ma beeniso aan aheyn xad-gudbe kastoo dambiile ah
Surah Al-Mutaffifin, Verse 12


إِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِ ءَايَٰتُنَا قَالَ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ

Marka Aayadahayaga loo akhriyo, yidhaahda: Waa sheekooyinkii dadkii hore
Surah Al-Mutaffifin, Verse 13


كَلَّاۖ بَلۡۜ رَانَ عَلَىٰ قُلُوبِهِم مَّا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ

Mayee’ bal waxay fali jireen (oo macaasi ah) baa waxay ku noqdeen sida mirir madow quluubtooda dushood
Surah Al-Mutaffifin, Verse 14


كَلَّآ إِنَّهُمۡ عَن رَّبِّهِمۡ يَوۡمَئِذٖ لَّمَحۡجُوبُونَ

Mayee, hubaal waxaa maalintaa laga xijaabi doonaa Rabbigood
Surah Al-Mutaffifin, Verse 15


ثُمَّ إِنَّهُمۡ لَصَالُواْ ٱلۡجَحِيمِ

Oo hubaal waxay gali oo ku guban dab olol badan
Surah Al-Mutaffifin, Verse 16


ثُمَّ يُقَالُ هَٰذَا ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ

Markaas waxaa lagu odhan: Waxakanu waa waxaad beenin jirteen
Surah Al-Mutaffifin, Verse 17


كَلَّآ إِنَّ كِتَٰبَ ٱلۡأَبۡرَارِ لَفِي عِلِّيِّينَ

Mayee, hubaal, diiwaanka baarriyiintu wuxuu ku (xafidan yahay) Cilliyyuun
Surah Al-Mutaffifin, Verse 18


وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا عِلِّيُّونَ

Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Cilliyuunku yahay
Surah Al-Mutaffifin, Verse 19


كِتَٰبٞ مَّرۡقُومٞ

Waa (aayahooda) ku diiwaan gashan kitaaab qoran
Surah Al-Mutaffifin, Verse 20


يَشۡهَدُهُ ٱلۡمُقَرَّبُونَ

Ay arkaan kuwaa loo soo dhoweeyo (Allaah)
Surah Al-Mutaffifin, Verse 21


إِنَّ ٱلۡأَبۡرَارَ لَفِي نَعِيمٍ

Hubaal baarriyiinta waxay dhex ahaan barwaaqo gudaheed
Surah Al-Mutaffifin, Verse 22


عَلَى ٱلۡأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ

Sariiro boqoreed korkood, iyagoo ka eegaya (wax waliba)
Surah Al-Mutaffifin, Verse 23


تَعۡرِفُ فِي وُجُوهِهِمۡ نَضۡرَةَ ٱلنَّعِيمِ

Waxaad ka garan doontaa wejiyadooda dhalaalka barwaaqada
Surah Al-Mutaffifin, Verse 24


يُسۡقَوۡنَ مِن رَّحِيقٖ مَّخۡتُومٍ

Waxaa la siin si ay u cabbaan khamri (saafi ah) ee la abburay
Surah Al-Mutaffifin, Verse 25


خِتَٰمُهُۥ مِسۡكٞۚ وَفِي ذَٰلِكَ فَلۡيَتَنَافَسِ ٱلۡمُتَنَٰفِسُونَ

Inteeda u dambeysa ay tahay miski, ee (arrin)kani ha u tartameen tartamayaashu
Surah Al-Mutaffifin, Verse 26


وَمِزَاجُهُۥ مِن تَسۡنِيمٍ

Oo dheeheeda waa biyo xagga Tasniim ah
Surah Al-Mutaffifin, Verse 27


عَيۡنٗا يَشۡرَبُ بِهَا ٱلۡمُقَرَّبُونَ

Il ay kuwa loo soo dhoweeyo (Allaah) ka cabbaan
Surah Al-Mutaffifin, Verse 28


إِنَّ ٱلَّذِينَ أَجۡرَمُواْ كَانُواْ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ يَضۡحَكُونَ

Hubaal kuwa dambiilayaasha ah waxay ku qosli jireen kuwa (Xaqa) rumeysan
Surah Al-Mutaffifin, Verse 29


وَإِذَا مَرُّواْ بِهِمۡ يَتَغَامَزُونَ

Oo haddii ay soo ag maraan waa isu il-jabin jireen
Surah Al-Mutaffifin, Verse 30


وَإِذَا ٱنقَلَبُوٓاْ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِمُ ٱنقَلَبُواْ فَكِهِينَ

Oo marka ay u laabtaan ehelkooda waxay laaban jireen iyagoo ku maaweeleysanaya
Surah Al-Mutaffifin, Verse 31


وَإِذَا رَأَوۡهُمۡ قَالُوٓاْ إِنَّ هَـٰٓؤُلَآءِ لَضَآلُّونَ

Oo marka ay arkaan, waxay odhan jireen: hubaal! Kuwakanu waa lunsan yihiin
Surah Al-Mutaffifin, Verse 32


وَمَآ أُرۡسِلُواْ عَلَيۡهِمۡ حَٰفِظِينَ

Oo looma dirsan inay gaar ka hayaan iyo ilaalo (mu’miniinta) dushooda
Surah Al-Mutaffifin, Verse 33


فَٱلۡيَوۡمَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مِنَ ٱلۡكُفَّارِ يَضۡحَكُونَ

Marka maanta kuwa (Xaqa) rumeysan waxay ku qosli gaalada
Surah Al-Mutaffifin, Verse 34


عَلَى ٱلۡأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ

Sariiro boqoreed (sare) korkood, iyagoo ka eegaya
Surah Al-Mutaffifin, Verse 35


هَلۡ ثُوِّبَ ٱلۡكُفَّارُ مَا كَانُواْ يَفۡعَلُونَ

Hubaal gaalada waxaa lagu abaal mariyaa wax u dhigma waxa ay (xume) faleen
Surah Al-Mutaffifin, Verse 36


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 82
>> Surah 84

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai