Surah At-Tariq - Somali Translation by Mahmud Muhammad Abduh
وَٱلسَّمَآءِ وَٱلطَّارِقِ
Eebe wuxuu ku dhaartay Samada iyo Xiddigga guura
Surah At-Tariq, Verse 1
وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا ٱلطَّارِقُ
Ma taqaan Xiddigga guura
Surah At-Tariq, Verse 2
ٱلنَّجۡمُ ٱلثَّاقِبُ
Waa Xiddig ifa
Surah At-Tariq, Verse 3
إِن كُلُّ نَفۡسٖ لَّمَّا عَلَيۡهَا حَافِظٞ
Ee Nafwalba waxaa kor jooga ilaaliye (Malag)
Surah At-Tariq, Verse 4
فَلۡيَنظُرِ ٱلۡإِنسَٰنُ مِمَّ خُلِقَ
Ee Dadku ha dayo waxa laga abuuray
Surah At-Tariq, Verse 5
خُلِقَ مِن مَّآءٖ دَافِقٖ
Waxaa laga abuuray Biyo booda
Surah At-Tariq, Verse 6
يَخۡرُجُ مِنۢ بَيۡنِ ٱلصُّلۡبِ وَٱلتَّرَآئِبِ
Kana soobaxa Dhabar iyo laab dhexdood
Surah At-Tariq, Verse 7
إِنَّهُۥ عَلَىٰ رَجۡعِهِۦ لَقَادِرٞ
Eebana waa karaa soo celinta Dadka (qiyaamada)
Surah At-Tariq, Verse 8
يَوۡمَ تُبۡلَى ٱلسَّرَآئِرُ
Maalinta la imtixaani waxa (Laabta) ku qarsoon
Surah At-Tariq, Verse 9
فَمَا لَهُۥ مِن قُوَّةٖ وَلَا نَاصِرٖ
Dadkuna Xoog ma leh (Maalintaas) iyo wax u gargaaara midna
Surah At-Tariq, Verse 10
وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلرَّجۡعِ
Eebana wuxuu ku dhaartay Samada Roobka leh
Surah At-Tariq, Verse 11
وَٱلۡأَرۡضِ ذَاتِ ٱلصَّدۡعِ
Iyo Dhulka jeexma (waxna ka soo baxo)
Surah At-Tariq, Verse 12
إِنَّهُۥ لَقَوۡلٞ فَصۡلٞ
Ee Quraanku waa hadal wax kala bixiya (wanaagga iyo Xumaanta)
Surah At-Tariq, Verse 13
وَمَا هُوَ بِٱلۡهَزۡلِ
Ciyaarra ma aha (ee waa dhab)
Surah At-Tariq, Verse 14
إِنَّهُمۡ يَكِيدُونَ كَيۡدٗا
Gaaladu waxbay dhakri
Surah At-Tariq, Verse 15
وَأَكِيدُ كَيۡدٗا
Annaguna waanu kaydi (Abaalmarin)
Surah At-Tariq, Verse 16
فَمَهِّلِ ٱلۡكَٰفِرِينَ أَمۡهِلۡهُمۡ رُوَيۡدَۢا
Ee u sug Gaalada wax yar
Surah At-Tariq, Verse 17