Surah Al-Ala - Somali Translation by Mahmud Muhammad Abduh
سَبِّحِ ٱسۡمَ رَبِّكَ ٱلۡأَعۡلَى
Waynee Magaca Eebe ee Sarreeya
Surah Al-Ala, Verse 1
ٱلَّذِي خَلَقَ فَسَوَّىٰ
Eebaha abuuray khalqiga ekeeyayna
Surah Al-Ala, Verse 2
وَٱلَّذِي قَدَّرَ فَهَدَىٰ
Eebaha wax walba qaddaray Jidkana tusiyey
Surah Al-Ala, Verse 3
وَٱلَّذِيٓ أَخۡرَجَ ٱلۡمَرۡعَىٰ
Eebaha soo bixiya Daaqa
Surah Al-Ala, Verse 4
فَجَعَلَهُۥ غُثَآءً أَحۡوَىٰ
Kana dhiga markaas ka dib caws ingagagan oo Madow
Surah Al-Ala, Verse 5
سَنُقۡرِئُكَ فَلَا تَنسَىٰٓ
Waxaan kuu akhriyaynaa Quraanka halmaaminamaysid
Surah Al-Ala, Verse 6
إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُۚ إِنَّهُۥ يَعۡلَمُ ٱلۡجَهۡرَ وَمَا يَخۡفَىٰ
Wuxuu Eebe doono mooyee, Eebana waa ogyahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba
Surah Al-Ala, Verse 7
وَنُيَسِّرُكَ لِلۡيُسۡرَىٰ
Waxaana kuu fududaynhaynaa Waddo fiican
Surah Al-Ala, Verse 8
فَذَكِّرۡ إِن نَّفَعَتِ ٱلذِّكۡرَىٰ
Ee wax waani (Nabiyow) markay wax tari waanadu
Surah Al-Ala, Verse 9
سَيَذَّكَّرُ مَن يَخۡشَىٰ
Waxaa waantoobi Ruuxa Eebe ka yaabee
Surah Al-Ala, Verse 10
وَيَتَجَنَّبُهَا ٱلۡأَشۡقَى
Waxaana ka fogaan waanada Ruuxa xune
Surah Al-Ala, Verse 11
ٱلَّذِي يَصۡلَى ٱلنَّارَ ٱلۡكُبۡرَىٰ
Ee ah mid gali Naar wayn
Surah Al-Ala, Verse 12
ثُمَّ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحۡيَىٰ
Oon kuna dhimanayn dhexdeeda kuna noolanayn
Surah Al-Ala, Verse 13
قَدۡ أَفۡلَحَ مَن تَزَكَّىٰ
Waxaana liibaanay Ruuxii Daahir noqda
Surah Al-Ala, Verse 14
وَذَكَرَ ٱسۡمَ رَبِّهِۦ فَصَلَّىٰ
magaca Eebana Xusa, Salaaddana tukada
Surah Al-Ala, Verse 15
بَلۡ تُؤۡثِرُونَ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا
Saas ma'aha ee Dadku wuxuu doortay nolosha Adduunyo ee dhaw
Surah Al-Ala, Verse 16
وَٱلۡأٓخِرَةُ خَيۡرٞ وَأَبۡقَىٰٓ
Aakhiraase khayr badan baaqina ah (hadhi)
Surah Al-Ala, Verse 17
إِنَّ هَٰذَا لَفِي ٱلصُّحُفِ ٱلۡأُولَىٰ
Arrintaasuna waxay ku sugantahay Kutubtii hore
Surah Al-Ala, Verse 18
صُحُفِ إِبۡرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ
Kutubtii (Nabi) Ibraahim iyo (Nabi) Muuse
Surah Al-Ala, Verse 19