Surah Al-Ala - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
سَبِّحِ ٱسۡمَ رَبِّكَ ٱلۡأَعۡلَى
Xurmo weynee oo huf Magaca Rabbigaa, aad u Sarreeya
Surah Al-Ala, Verse 1
ٱلَّذِي خَلَقَ فَسَوَّىٰ
Kan abuuray (uunka), ee hagaajiyey
Surah Al-Ala, Verse 2
وَٱلَّذِي قَدَّرَ فَهَدَىٰ
Oo ah Kan wax kasta qaddaray, markaa ku hagay (qaddarkiisa)
Surah Al-Ala, Verse 3
وَٱلَّذِيٓ أَخۡرَجَ ٱلۡمَرۡعَىٰ
Oo ah Kan soo saara daaqa
Surah Al-Ala, Verse 4
فَجَعَلَهُۥ غُثَآءً أَحۡوَىٰ
Oo misna ka dhiga xaabo madow
Surah Al-Ala, Verse 5
سَنُقۡرِئُكَ فَلَا تَنسَىٰٓ
Waxaan kaa yeeli doonnaa inaad akhrido (Qur’aanka) mana illaawi doontid
Surah Al-Ala, Verse 6
إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُۚ إِنَّهُۥ يَعۡلَمُ ٱلۡجَهۡرَ وَمَا يَخۡفَىٰ
Wuxuu Allaah doono ma’ahee, Wuxuu Og yahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba
Surah Al-Ala, Verse 7
وَنُيَسِّرُكَ لِلۡيُسۡرَىٰ
Oo Waxaanu kuu fududeyn midda sahlan (Islaamka)
Surah Al-Ala, Verse 8
فَذَكِّرۡ إِن نَّفَعَتِ ٱلذِّكۡرَىٰ
Ee waani, markay waanadu wax tari
Surah Al-Ala, Verse 9
سَيَذَّكَّرُ مَن يَخۡشَىٰ
Kan isagu baqa baa ku waano qaadan
Surah Al-Ala, Verse 10
وَيَتَجَنَّبُهَا ٱلۡأَشۡقَى
Oo kan khayr laawaha ah baa ka fogaan (waanada)
Surah Al-Ala, Verse 11
ٱلَّذِي يَصۡلَى ٱلنَّارَ ٱلۡكُبۡرَىٰ
Kaasoo geli doona Naar aad u weyn
Surah Al-Ala, Verse 12
ثُمَّ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحۡيَىٰ
Markaa dhexdeeda kuma noolaan doono, mana ku dhiman doono
Surah Al-Ala, Verse 13
قَدۡ أَفۡلَحَ مَن تَزَكَّىٰ
Waxaa dhab ahaan liibaani qofka daahiriya naftiisa
Surah Al-Ala, Verse 14
وَذَكَرَ ٱسۡمَ رَبِّهِۦ فَصَلَّىٰ
Oo xurmo weyneeya Magaca Rabbigi oo salaadda tukada
Surah Al-Ala, Verse 15
بَلۡ تُؤۡثِرُونَ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا
Balse waxaad door biddaan nolosha adduunkan
Surah Al-Ala, Verse 16
وَٱلۡأٓخِرَةُ خَيۡرٞ وَأَبۡقَىٰٓ
Aakhirada baase khayr badan oo daa’insan
Surah Al-Ala, Verse 17
إِنَّ هَٰذَا لَفِي ٱلصُّحُفِ ٱلۡأُولَىٰ
Hubaal (hadal)kani wuxuu ku yaal Kututbtii hore
Surah Al-Ala, Verse 18
صُحُفِ إِبۡرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ
Kutubtii Ibraahiim iyo Muuse
Surah Al-Ala, Verse 19