Surah At-Taubah Verse 38 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah At-Taubahيَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مَا لَكُمۡ إِذَا قِيلَ لَكُمُ ٱنفِرُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ ٱثَّاقَلۡتُمۡ إِلَى ٱلۡأَرۡضِۚ أَرَضِيتُم بِٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا مِنَ ٱلۡأٓخِرَةِۚ فَمَا مَتَٰعُ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا فِي ٱلۡأٓخِرَةِ إِلَّا قَلِيلٌ
Mu’miniintoy! Maxaa idiinku wacan, in marka la idinku yidhaahdo: U soo baxa u jihaadka Arrinka Ilaahay aad isagu dhajisaan dhulka si culus? Ma waxaad ku raalli noqoteen nolosha adduunkan oo aad ka door biddeen Aakhirada? Oo ma aha sahayda noloshan adduunku marka la barbar dhigo Aakhirada waxaan ahayn wax yar