Surah Al-Balad - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
لَآ أُقۡسِمُ بِهَٰذَا ٱلۡبَلَدِ
Mayee,Waxaan ku dhaartay magaaladan (Makkah)
Surah Al-Balad, Verse 1
وَأَنتَ حِلُّۢ بِهَٰذَا ٱلۡبَلَدِ
Oo adiga (Muxammad) waad ka eed tiran tahay (ku dagaallanka) magaaladan
Surah Al-Balad, Verse 2
وَوَالِدٖ وَمَا وَلَدَ
Oo waa igu waalidka (Ibraahiim) iyo waxa uu dhalay (Ismaaciil)
Surah Al-Balad, Verse 3
لَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ فِي كَبَدٍ
Xaqiiq Waxaan abuurnay aadmiga isagoo ku sugnaan dhib iyo howl
Surah Al-Balad, Verse 4
أَيَحۡسَبُ أَن لَّن يَقۡدِرَ عَلَيۡهِ أَحَدٞ
Ma wuxuu moodaa inaysan cidna awood ku dul lahayn
Surah Al-Balad, Verse 5
يَقُولُ أَهۡلَكۡتُ مَالٗا لُّبَدًا
Wuxuu leeyahay: Waxaan lumiyey maal badan
Surah Al-Balad, Verse 6
أَيَحۡسَبُ أَن لَّمۡ يَرَهُۥٓ أَحَدٌ
Ma wuxuu moodaa inaysan cidna arag
Surah Al-Balad, Verse 7
أَلَمۡ نَجۡعَل لَّهُۥ عَيۡنَيۡنِ
Miyaanan siin labo indhood
Surah Al-Balad, Verse 8
وَلِسَانٗا وَشَفَتَيۡنِ
Iyo carrab iyo labo bishimood
Surah Al-Balad, Verse 9
وَهَدَيۡنَٰهُ ٱلنَّجۡدَيۡنِ
oo aan tusin labada jidood
Surah Al-Balad, Verse 10
فَلَا ٱقۡتَحَمَ ٱلۡعَقَبَةَ
Ee muu ka gudbo jidka buurta ah
Surah Al-Balad, Verse 11
وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا ٱلۡعَقَبَةُ
Oo maxaa ku ogeysiiyey (waxa ay tahay ee looga gudbo) jidkaa buurta ah
Surah Al-Balad, Verse 12
فَكُّ رَقَبَةٍ
(Waa) xoreynta qof (addoon ah)
Surah Al-Balad, Verse 13
أَوۡ إِطۡعَٰمٞ فِي يَوۡمٖ ذِي مَسۡغَبَةٖ
Ama siinta cunno maalin gaajo jirto
Surah Al-Balad, Verse 14
يَتِيمٗا ذَا مَقۡرَبَةٍ
Agoon, aad qaraabo tihiin
Surah Al-Balad, Verse 15
أَوۡ مِسۡكِينٗا ذَا مَتۡرَبَةٖ
Ama miskiin dhulka yaal
Surah Al-Balad, Verse 16
ثُمَّ كَانَ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَتَوَاصَوۡاْ بِٱلصَّبۡرِ وَتَوَاصَوۡاْ بِٱلۡمَرۡحَمَةِ
Haddana ka mid ah kuwa (Xaqa) rumeysan, oo iskula dardaarma sugnaanta iyo sabarka, oo (sidoo kale) iskula dardaarma naxariista (iyo is jeclaanta)
Surah Al-Balad, Verse 17
أُوْلَـٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَيۡمَنَةِ
Waa kuwaas qolada Midigta (Jannada)
Surah Al-Balad, Verse 18
وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِنَا هُمۡ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَشۡـَٔمَةِ
Ma kuwa se k ku gaalooba Aayadahayaga (xujooyinka, waxyiga iwm) waa kuwaas qolada Bidixda (ehlu Naarka)
Surah Al-Balad, Verse 19
عَلَيۡهِمۡ نَارٞ مُّؤۡصَدَةُۢ
Dushooda waa Naar korka looga xiray
Surah Al-Balad, Verse 20