Surah Al-Balad - Somali Translation by Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
لَآ أُقۡسِمُ بِهَٰذَا ٱلۡبَلَدِ
Eebe wuxuu ka dhaaran Magaalada «Makaad ee Sharrifan»
Surah Al-Balad, Verse 1
وَأَنتَ حِلُّۢ بِهَٰذَا ٱلۡبَلَدِ
Ood Nabiyow daggantahay dhexdeeda
Surah Al-Balad, Verse 2
وَوَالِدٖ وَمَا وَلَدَ
Iyo Nabi Aadam iyo carruurtiisa «Dadka»
Surah Al-Balad, Verse 3
لَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ فِي كَبَدٍ
Ee Eebe Dadka wuu Abuuray iyagoo dhib iyo shaqo (Adduunka kala kulmi)
Surah Al-Balad, Verse 4
أَيَحۡسَبُ أَن لَّن يَقۡدِرَ عَلَيۡهِ أَحَدٞ
Ma waxayse u maleeyeen inaan cidna awood ku lahayn (dadku)
Surah Al-Balad, Verse 5
يَقُولُ أَهۡلَكۡتُ مَالٗا لُّبَدًا
Dadka (Gaalada) waxay odhan waxaan bixiyey xoolo badan (si xaqa loo horjoogsado)
Surah Al-Balad, Verse 6
أَيَحۡسَبُ أَن لَّمۡ يَرَهُۥٓ أَحَدٌ
Ma wuxuu u maleeyay (xaq diiduhu) inaan cidna arkaynin
Surah Al-Balad, Verse 7
أَلَمۡ نَجۡعَل لَّهُۥ عَيۡنَيۡنِ
Miyaannaan u yeelin Laba indhood
Surah Al-Balad, Verse 8
وَلِسَانٗا وَشَفَتَيۡنِ
Iyo Carrab iyo Laba bishimood
Surah Al-Balad, Verse 9
وَهَدَيۡنَٰهُ ٱلنَّجۡدَيۡنِ
Oo miyaannaan u caddaynin Labada Jid (khayrka iyo sharka)
Surah Al-Balad, Verse 10
فَلَا ٱقۡتَحَمَ ٱلۡعَقَبَةَ
Ee Dadku muu jiidho Jiirta
Surah Al-Balad, Verse 11
وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا ٱلۡعَقَبَةُ
Ma taqaannaa Jiirta
Surah Al-Balad, Verse 12
فَكُّ رَقَبَةٍ
Waa qoor la xoreeyo
Surah Al-Balad, Verse 13
أَوۡ إِطۡعَٰمٞ فِي يَوۡمٖ ذِي مَسۡغَبَةٖ
Iyo cunno la siiyo maalin gaajo
Surah Al-Balad, Verse 14
يَتِيمٗا ذَا مَقۡرَبَةٍ
Agoon kuu dhaw
Surah Al-Balad, Verse 15
أَوۡ مِسۡكِينٗا ذَا مَتۡرَبَةٖ
Ama Miskiin Dhulka ku dhagay (dhibaato darteed)
Surah Al-Balad, Verse 16
ثُمَّ كَانَ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَتَوَاصَوۡاْ بِٱلصَّبۡرِ وَتَوَاصَوۡاْ بِٱلۡمَرۡحَمَةِ
Markaas la noqdo kuwa Rumeeyay xaqa, isuna dardaarma Samirka, isuna dardaarma naxariista
Surah Al-Balad, Verse 17
أُوْلَـٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَيۡمَنَةِ
Kuwaasina waa kuwa Midigta mari
Surah Al-Balad, Verse 18
وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِنَا هُمۡ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَشۡـَٔمَةِ
Kuwaka Gaaloobayse Aayaadkannaga waa kuwa jidka xun mari
Surah Al-Balad, Verse 19
عَلَيۡهِمۡ نَارٞ مُّؤۡصَدَةُۢ
Waxaana lagu dabooli Naar
Surah Al-Balad, Verse 20