Surah Al-Lail - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
وَٱلَّيۡلِ إِذَا يَغۡشَىٰ
Waxaan ku dhaartay habeenka marka uu soo rogo daaha
Surah Al-Lail, Verse 1
وَٱلنَّهَارِ إِذَا تَجَلَّىٰ
Iyo maalinta marka ay iftiinto
Surah Al-Lail, Verse 2
وَمَا خَلَقَ ٱلذَّكَرَ وَٱلۡأُنثَىٰٓ
Iyo abuurista labka iyo dheddigga
Surah Al-Lail, Verse 3
إِنَّ سَعۡيَكُمۡ لَشَتَّىٰ
Dadaalkiinna hubaal waa kala ujeeddo duwan yahay
Surah Al-Lail, Verse 4
فَأَمَّا مَنۡ أَعۡطَىٰ وَٱتَّقَىٰ
Ee ma kan isagu wax bixiya oo ka dhowrsada xumaanta
Surah Al-Lail, Verse 5
وَصَدَّقَ بِٱلۡحُسۡنَىٰ
Oo rumeeya Tan aad u fiican (Jannada)
Surah Al-Lail, Verse 6
فَسَنُيَسِّرُهُۥ لِلۡيُسۡرَىٰ
Waxaan u fududeyn doonaa jidka fudud (Islaamka)
Surah Al-Lail, Verse 7
وَأَمَّا مَنۢ بَخِلَ وَٱسۡتَغۡنَىٰ
Ma kan se isagu bakheylka ah oo isu arka mid deeqtoon
Surah Al-Lail, Verse 8
وَكَذَّبَ بِٱلۡحُسۡنَىٰ
Oo beeniya tan aad u fiican (Jannada)
Surah Al-Lail, Verse 9
فَسَنُيَسِّرُهُۥ لِلۡعُسۡرَىٰ
Waxaan u fududeyn doonnaa tan adag (Naarta)
Surah Al-Lail, Verse 10
وَمَا يُغۡنِي عَنۡهُ مَالُهُۥٓ إِذَا تَرَدَّىٰٓ
Oo muxuu maalkiisu u tari marka uu halaagsamo
Surah Al-Lail, Verse 11
إِنَّ عَلَيۡنَا لَلۡهُدَىٰ
Hubaal waa xil na saaran inaan tusinno jidka (toosan)
Surah Al-Lail, Verse 12
وَإِنَّ لَنَا لَلۡأٓخِرَةَ وَٱلۡأُولَىٰ
(Oo hubaal Annaga baa leh tan dambe Aakhirada) iyo tan horeba (adduunka)
Surah Al-Lail, Verse 13
فَأَنذَرۡتُكُمۡ نَارٗا تَلَظَّىٰ
Ee waxaan idiinka digayaa Naar ololeysa
Surah Al-Lail, Verse 14
لَا يَصۡلَىٰهَآ إِلَّا ٱلۡأَشۡقَى
Ma uu galayo waxaan ahayn hoogaha
Surah Al-Lail, Verse 15
ٱلَّذِي كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ
Ee (Xaqa) beeniya oo dhabarka u jeediya
Surah Al-Lail, Verse 16
وَسَيُجَنَّبُهَا ٱلۡأَتۡقَى
Oo waxaa laga fogeyn doonaa (Naarta) kan ka dhowrsada xumaha
Surah Al-Lail, Verse 17
ٱلَّذِي يُؤۡتِي مَالَهُۥ يَتَزَكَّىٰ
Ee bixiya maalkiisa si uu isu daahiriyo
Surah Al-Lail, Verse 18
وَمَا لِأَحَدٍ عِندَهُۥ مِن نِّعۡمَةٖ تُجۡزَىٰٓ
Isagoo uusan jirin cid ku leh abaal oo laga sugayo inuu gudo
Surah Al-Lail, Verse 19
إِلَّا ٱبۡتِغَآءَ وَجۡهِ رَبِّهِ ٱلۡأَعۡلَىٰ
Aan ahayn doonista Wejiga Rabbigi, ee aad u Sarreeya
Surah Al-Lail, Verse 20
وَلَسَوۡفَ يَرۡضَىٰ
Oo dhowaan wuu raalli noqon doonaa
Surah Al-Lail, Verse 21