Surah Al-Adiyat - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
وَٱلۡعَٰدِيَٰتِ ضَبۡحٗا
Waxaan ku dhaartay ordayaasha neefsada (fardaha) iyagoo qeyliyaya
Surah Al-Adiyat, Verse 1
فَٱلۡمُورِيَٰتِ قَدۡحٗا
Haddana kuwaa dabka kiciya
Surah Al-Adiyat, Verse 2
فَٱلۡمُغِيرَٰتِ صُبۡحٗا
Haddana kuwaa qaada duullaanka subaxa hore
Surah Al-Adiyat, Verse 3
فَأَثَرۡنَ بِهِۦ نَقۡعٗا
Markaas boorka kiciya
Surah Al-Adiyat, Verse 4
فَوَسَطۡنَ بِهِۦ جَمۡعًا
Markaa dhaqso bartanka ugu gala kulanka (cadowga)
Surah Al-Adiyat, Verse 5
إِنَّ ٱلۡإِنسَٰنَ لِرَبِّهِۦ لَكَنُودٞ
Hubaal! Aadmigu waa ka abaal dhacaa Rabbigi
Surah Al-Adiyat, Verse 6
وَإِنَّهُۥ عَلَىٰ ذَٰلِكَ لَشَهِيدٞ
Oo hubaal isaga baa taasi ka markhaati ah
Surah Al-Adiyat, Verse 7
وَإِنَّهُۥ لِحُبِّ ٱلۡخَيۡرِ لَشَدِيدٌ
Oo hubaal Waa ku daran yahay Jeclaanta maalka
Surah Al-Adiyat, Verse 8
۞أَفَلَا يَعۡلَمُ إِذَا بُعۡثِرَ مَا فِي ٱلۡقُبُورِ
Ma wuusan haddaba ogeyn marka waxa ku jira qabuuraha la soo bixiyo
Surah Al-Adiyat, Verse 9
وَحُصِّلَ مَا فِي ٱلصُّدُورِ
Oo waxa ku jira laabaha la caddeeyo
Surah Al-Adiyat, Verse 10
إِنَّ رَبَّهُم بِهِمۡ يَوۡمَئِذٖ لَّخَبِيرُۢ
Hubaal Rabbigood maalintaas waa u Xog-Ogaal si dhan iyaga
Surah Al-Adiyat, Verse 11