Surah Ar-Rad Verse 17 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah Ar-Radأَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَسَالَتۡ أَوۡدِيَةُۢ بِقَدَرِهَا فَٱحۡتَمَلَ ٱلسَّيۡلُ زَبَدٗا رَّابِيٗاۖ وَمِمَّا يُوقِدُونَ عَلَيۡهِ فِي ٱلنَّارِ ٱبۡتِغَآءَ حِلۡيَةٍ أَوۡ مَتَٰعٖ زَبَدٞ مِّثۡلُهُۥۚ كَذَٰلِكَ يَضۡرِبُ ٱللَّهُ ٱلۡحَقَّ وَٱلۡبَٰطِلَۚ فَأَمَّا ٱلزَّبَدُ فَيَذۡهَبُ جُفَآءٗۖ وَأَمَّا مَا يَنفَعُ ٱلنَّاسَ فَيَمۡكُثُ فِي ٱلۡأَرۡضِۚ كَذَٰلِكَ يَضۡرِبُ ٱللَّهُ ٱلۡأَمۡثَالَ
Wuxuu ka soo dejiyaa biyo daruurta, markaas bay togaggu qiyaastood (biyo la) durduraan, oo daadku qaadaa xumbada kor sabbaysa, iyo (sidoo kale macdanta) ay dadku dabka gashaan si ay uga sameystaan waxyaalo ay isku qurxiyaan, ama alaabo (qashin ahoo) xumbada la mid ah, sidaas buu Allaah tusaale ugu kala dhigaa Xaqa iyo Baadilka. Marka ma xumbada iyadu way tagtaa sida waxa aan qiimaha lahayn, waxase u leh nafaca dadku wuxuu ku haraa dhulka. Sidaas buu Allaah u dhigaa tusaalayooyinka