Surah Ar-Rad - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
الٓمٓرۚ تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِۗ وَٱلَّذِيٓ أُنزِلَ إِلَيۡكَ مِن رَّبِّكَ ٱلۡحَقُّ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يُؤۡمِنُونَ
Alif Laam Miim Raa1 Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka, oo kaa lagaaga soo waxyoodo xagga Rabbigaa waa Xaq, laakiinse dadka badankiisu ma rumeysna
Surah Ar-Rad, Verse 1
ٱللَّهُ ٱلَّذِي رَفَعَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ بِغَيۡرِ عَمَدٖ تَرَوۡنَهَاۖ ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰ عَلَى ٱلۡعَرۡشِۖ وَسَخَّرَ ٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَۖ كُلّٞ يَجۡرِي لِأَجَلٖ مُّسَمّٗىۚ يُدَبِّرُ ٱلۡأَمۡرَ يُفَصِّلُ ٱلۡأٓيَٰتِ لَعَلَّكُم بِلِقَآءِ رَبِّكُمۡ تُوقِنُونَ
Allaah waa Kan kor u qaaday samooyinka tiirar la’aan aad aragtaan, markaas dul ahaaday Carshiga oo Wuxuu (idiin) layliyey qorraxda iyo dayaxa; mid walbaa ku socdo (marriinkiisa) ilaa waqti go’an, Wuxuu isku dubbiradaa arrimaha, isagoo ka yeelaya caddaan calaamdaha si aad u yaqiinsataan la kulanka Rabbigiin
Surah Ar-Rad, Verse 2
وَهُوَ ٱلَّذِي مَدَّ ٱلۡأَرۡضَ وَجَعَلَ فِيهَا رَوَٰسِيَ وَأَنۡهَٰرٗاۖ وَمِن كُلِّ ٱلثَّمَرَٰتِ جَعَلَ فِيهَا زَوۡجَيۡنِ ٱثۡنَيۡنِۖ يُغۡشِي ٱلَّيۡلَ ٱلنَّهَارَۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَتَفَكَّرُونَ
Oo Waa Isaga Kan fidiyey arlada oo dhigay dhexdiisa buuro sugan iyo wabiyo, oo miro kasta ka dhigay dhexdiisa labo nooc, wuxuu ku daboolaa habeenka maaalinta. hubaal, waxaa arrinkani ugu sugan xaqiiq calaamooyin qolo fekerta
Surah Ar-Rad, Verse 3
وَفِي ٱلۡأَرۡضِ قِطَعٞ مُّتَجَٰوِرَٰتٞ وَجَنَّـٰتٞ مِّنۡ أَعۡنَٰبٖ وَزَرۡعٞ وَنَخِيلٞ صِنۡوَانٞ وَغَيۡرُ صِنۡوَانٖ يُسۡقَىٰ بِمَآءٖ وَٰحِدٖ وَنُفَضِّلُ بَعۡضَهَا عَلَىٰ بَعۡضٖ فِي ٱلۡأُكُلِۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَعۡقِلُونَ
Oo waxaa dhulka ku yaal goobo isbar bar ah iyo beero canab ah iyo galley iyo geedo timir hal jirid leh urursan iyo kuwo (kale) oo leh jirrdiyo kala tagsan2, waxaa laga waraabshaa biyo isku mid ah, oo waxaan kaga sare marinnaa qaarkoodba qaar kale cunidda. hubaal waxaa arrinkani ugu sugan xaqiiq calaamooyin qolo wax fahanta
Surah Ar-Rad, Verse 4
۞وَإِن تَعۡجَبۡ فَعَجَبٞ قَوۡلُهُمۡ أَءِذَا كُنَّا تُرَٰبًا أَءِنَّا لَفِي خَلۡقٖ جَدِيدٍۗ أُوْلَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِرَبِّهِمۡۖ وَأُوْلَـٰٓئِكَ ٱلۡأَغۡلَٰلُ فِيٓ أَعۡنَاقِهِمۡۖ وَأُوْلَـٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ
Oo haddii aad adigu la cajabeyso3, waxaa haddaba cajab ah weedhooda: m Ma markaan carro noqonno, ma waxaan markaa xaqiiq ahaan doonaa abuur cusub? Kuwan weeye kuwa aan rumeysneyn Rabbigood, oo kuwan waxaa ah silsilado luqmahooda korkood4, oo waa iyaga ehlu Naarka, iyagoo ku dhex waari doona
Surah Ar-Rad, Verse 5
وَيَسۡتَعۡجِلُونَكَ بِٱلسَّيِّئَةِ قَبۡلَ ٱلۡحَسَنَةِ وَقَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلِهِمُ ٱلۡمَثُلَٰتُۗ وَإِنَّ رَبَّكَ لَذُو مَغۡفِرَةٖ لِّلنَّاسِ عَلَىٰ ظُلۡمِهِمۡۖ وَإِنَّ رَبَّكَ لَشَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ
Oo waxay ku weydiistaan inaad u soo dedejiso xumaanta5 ka hor samaanta, oo runtii waxaa tagay tusaalooyin (ciqaabeed) hortood. Oo hubaal Rabbigaa xaqiiq waa u dambi dhaaf badan yahay dadka iyagoo gardarro ku sugan. Oo hubaal Rabbigaa xaqiiq ciqaabtiisu aad bay u Daran tahay
Surah Ar-Rad, Verse 6
وَيَقُولُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوۡلَآ أُنزِلَ عَلَيۡهِ ءَايَةٞ مِّن رَّبِّهِۦٓۗ إِنَّمَآ أَنتَ مُنذِرٞۖ وَلِكُلِّ قَوۡمٍ هَادٍ
Oo kuwa rumeysan waaya waxay yidhaahdaan: Maxaa looga soo dejin waayey calaamo xagga Rabbigi ah? Adigu waxaad tahay oo keliya dige, oo qolo walbaa waxay leeyihiin hanuuniye
Surah Ar-Rad, Verse 7
ٱللَّهُ يَعۡلَمُ مَا تَحۡمِلُ كُلُّ أُنثَىٰ وَمَا تَغِيضُ ٱلۡأَرۡحَامُ وَمَا تَزۡدَادُۚ وَكُلُّ شَيۡءٍ عِندَهُۥ بِمِقۡدَارٍ
Allaah wuu Og yahay waxay dheddig walbaa uurka ku siddo6, iyo waxaa ilmo galeennadu nusqaamiyaan iyo waxa ay kororsadaan7. Oo waxay wax walbaa Agtiisa leeyihiin qaddar go’an
Surah Ar-Rad, Verse 8
عَٰلِمُ ٱلۡغَيۡبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ ٱلۡكَبِيرُ ٱلۡمُتَعَالِ
Waa Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqda, Weynaha, aad u Sarreeya
Surah Ar-Rad, Verse 9
سَوَآءٞ مِّنكُم مَّنۡ أَسَرَّ ٱلۡقَوۡلَ وَمَن جَهَرَ بِهِۦ وَمَنۡ هُوَ مُسۡتَخۡفِۭ بِٱلَّيۡلِ وَسَارِبُۢ بِٱلنَّهَارِ
Waa isugu mid kiinna idinka mid ah ee hadalkiisa qarsada iyo kan kor ugu dhawaaqa, iyo kan isku qariyo habeenka iyo (kan) socda dharaar cad
Surah Ar-Rad, Verse 10
لَهُۥ مُعَقِّبَٰتٞ مِّنۢ بَيۡنِ يَدَيۡهِ وَمِنۡ خَلۡفِهِۦ يَحۡفَظُونَهُۥ مِنۡ أَمۡرِ ٱللَّهِۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُغَيِّرُ مَا بِقَوۡمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُواْ مَا بِأَنفُسِهِمۡۗ وَإِذَآ أَرَادَ ٱللَّهُ بِقَوۡمٖ سُوٓءٗا فَلَا مَرَدَّ لَهُۥۚ وَمَا لَهُم مِّن دُونِهِۦ مِن وَالٍ
Isagaa darti waxaa jira malaa’ig midkoodba uu ku xigsado kan kale8, hortiisa iyo gadaashiisa ah , kuwaasoo ku ilaaaliya Amarka Ilaahay9; hubaal Allaah ma beddelo xaaladda qolo, jeer ay iyagu naf ahaantoodu beddelaan xaaladdooda. Oo marka Allaah la doono qolo xumaan, cidna ma baajin karto, oo ma leh Isaga sokadiis wax u soo gargaari kara
Surah Ar-Rad, Verse 11
هُوَ ٱلَّذِي يُرِيكُمُ ٱلۡبَرۡقَ خَوۡفٗا وَطَمَعٗا وَيُنشِئُ ٱلسَّحَابَ ٱلثِّقَالَ
Waa Isaga Kan idin tusa hillaaca cabsi iyo rajo gelin darteed, iyo (Kan) unka daruuro hogol ah oo biyo riman
Surah Ar-Rad, Verse 12
وَيُسَبِّحُ ٱلرَّعۡدُ بِحَمۡدِهِۦ وَٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ مِنۡ خِيفَتِهِۦ وَيُرۡسِلُ ٱلصَّوَٰعِقَ فَيُصِيبُ بِهَا مَن يَشَآءُ وَهُمۡ يُجَٰدِلُونَ فِي ٱللَّهِ وَهُوَ شَدِيدُ ٱلۡمِحَالِ
Oo onkodku wuxuu ku tasbiixsadaa xamdigiisa, iyo malaa’igta sidoo kale ka Heybeysigi darteed, oo Wuxuu soo diraa danabyada oo ku dhuftaa cidda uu doono10, weliba waxay ka doodaan arrinka Ilaahay Isagoo Awood Badan oo Ciqaabtiisu aad u Daran Tahay
Surah Ar-Rad, Verse 13
لَهُۥ دَعۡوَةُ ٱلۡحَقِّۚ وَٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ مِن دُونِهِۦ لَا يَسۡتَجِيبُونَ لَهُم بِشَيۡءٍ إِلَّا كَبَٰسِطِ كَفَّيۡهِ إِلَى ٱلۡمَآءِ لِيَبۡلُغَ فَاهُ وَمَا هُوَ بِبَٰلِغِهِۦۚ وَمَا دُعَآءُ ٱلۡكَٰفِرِينَ إِلَّا فِي ضَلَٰلٖ
Isagaa mudan Baryada (cibaadada) Xaqa ah. Oo kuwaa ay baryaan Sokadiisa waxba uma ajiibaan, waxayse11 ka dhigan yihiin mid hore u soo fidsha gacmahiisa xagga biyo ku jira (ceel salki) si ay u soo gaaraan afkiisa, mase soo gaari doonaan, oo ma aha baryada gaaladu waxaan aheyn habaab
Surah Ar-Rad, Verse 14
وَلِلَّهِۤ يَسۡجُدُۤ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ طَوۡعٗا وَكَرۡهٗا وَظِلَٰلُهُم بِٱلۡغُدُوِّ وَٱلۡأٓصَالِ۩
Oo wax kasta oo jira samooyinka iyo arlada waxay u sujuudaan Allaah keliya iyagoo oggol ama qasban, iyo hoosaskooda sidoo kale gelin hore iyo gelin dambeba
Surah Ar-Rad, Verse 15
قُلۡ مَن رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ قُلِ ٱللَّهُۚ قُلۡ أَفَٱتَّخَذۡتُم مِّن دُونِهِۦٓ أَوۡلِيَآءَ لَا يَمۡلِكُونَ لِأَنفُسِهِمۡ نَفۡعٗا وَلَا ضَرّٗاۚ قُلۡ هَلۡ يَسۡتَوِي ٱلۡأَعۡمَىٰ وَٱلۡبَصِيرُ أَمۡ هَلۡ تَسۡتَوِي ٱلظُّلُمَٰتُ وَٱلنُّورُۗ أَمۡ جَعَلُواْ لِلَّهِ شُرَكَآءَ خَلَقُواْ كَخَلۡقِهِۦ فَتَشَٰبَهَ ٱلۡخَلۡقُ عَلَيۡهِمۡۚ قُلِ ٱللَّهُ خَٰلِقُ كُلِّ شَيۡءٖ وَهُوَ ٱلۡوَٰحِدُ ٱلۡقَهَّـٰرُ
Dheh: Waa kuma Rabbiga samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Dheh: Ma waxaad haddaba yeelataan Sokadi gargaarayaal, kuwaasoo aan u hanan karin wax awood ah ay wax ugu taraan ama wax ku yeelaan nafahooda? Dheh: Miyey siman yihiin kan indhaha la’ iyo kan wax arka? Ama ma sinnanan karaan Mugdiyada iyo Nuurka? Mise waxay la barbar dhigaan Allaah shariigyo abuuray wax la mid ah abuurkiisa12, sidaa awgeed uu abuurka (midkood walbaa) ay isku mid ugu muuqdeen ? Dheh: Allaah waa Abuuraha wax waliba. Oo Waa Waaxidka, Awoodda sare leh
Surah Ar-Rad, Verse 16
أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَسَالَتۡ أَوۡدِيَةُۢ بِقَدَرِهَا فَٱحۡتَمَلَ ٱلسَّيۡلُ زَبَدٗا رَّابِيٗاۖ وَمِمَّا يُوقِدُونَ عَلَيۡهِ فِي ٱلنَّارِ ٱبۡتِغَآءَ حِلۡيَةٍ أَوۡ مَتَٰعٖ زَبَدٞ مِّثۡلُهُۥۚ كَذَٰلِكَ يَضۡرِبُ ٱللَّهُ ٱلۡحَقَّ وَٱلۡبَٰطِلَۚ فَأَمَّا ٱلزَّبَدُ فَيَذۡهَبُ جُفَآءٗۖ وَأَمَّا مَا يَنفَعُ ٱلنَّاسَ فَيَمۡكُثُ فِي ٱلۡأَرۡضِۚ كَذَٰلِكَ يَضۡرِبُ ٱللَّهُ ٱلۡأَمۡثَالَ
Wuxuu ka soo dejiyaa biyo daruurta, markaas bay togaggu qiyaastood (biyo la) durduraan, oo daadku qaadaa xumbada kor sabbaysa, iyo (sidoo kale macdanta) ay dadku dabka gashaan si ay uga sameystaan waxyaalo ay isku qurxiyaan, ama alaabo (qashin ahoo) xumbada la mid ah, sidaas buu Allaah tusaale ugu kala dhigaa Xaqa iyo Baadilka. Marka ma xumbada iyadu way tagtaa sida waxa aan qiimaha lahayn, waxase u leh nafaca dadku wuxuu ku haraa dhulka. Sidaas buu Allaah u dhigaa tusaalayooyinka
Surah Ar-Rad, Verse 17
لِلَّذِينَ ٱسۡتَجَابُواْ لِرَبِّهِمُ ٱلۡحُسۡنَىٰۚ وَٱلَّذِينَ لَمۡ يَسۡتَجِيبُواْ لَهُۥ لَوۡ أَنَّ لَهُم مَّا فِي ٱلۡأَرۡضِ جَمِيعٗا وَمِثۡلَهُۥ مَعَهُۥ لَٱفۡتَدَوۡاْ بِهِۦٓۚ أُوْلَـٰٓئِكَ لَهُمۡ سُوٓءُ ٱلۡحِسَابِ وَمَأۡوَىٰهُمۡ جَهَنَّمُۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمِهَادُ
Abaal gudka kuwa ajiiba Baaqa Rabbigood waa Wanaag. Ma kuwase aan ajiibin haddii ay lahaan lahaayeen waxa yaal dhulka oo dhan oo ay wehliso wax la mid ah waxay xaqiiq u bixin lahaayeen madax furasho. (Ma) kuwaasi, xisaab daran buu ahaan doonaa mudankooda, oo hoygoodu waa Naar; oo xumaa gogol ahaan
Surah Ar-Rad, Verse 18
۞أَفَمَن يَعۡلَمُ أَنَّمَآ أُنزِلَ إِلَيۡكَ مِن رَّبِّكَ ٱلۡحَقُّ كَمَنۡ هُوَ أَعۡمَىٰٓۚ إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُوْلُواْ ٱلۡأَلۡبَٰبِ
Ma mid haddaba og in waxa lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa uu yahay Xaq baa la mid ah mid ka indha la'? Waase oo keliya dadka wax garadka ah kuwa waansami doona
Surah Ar-Rad, Verse 19
ٱلَّذِينَ يُوفُونَ بِعَهۡدِ ٱللَّهِ وَلَا يَنقُضُونَ ٱلۡمِيثَٰقَ
Kuwa oofiya axdiga Ilaahay, oo aan ka bixin ballanka
Surah Ar-Rad, Verse 20
وَٱلَّذِينَ يَصِلُونَ مَآ أَمَرَ ٱللَّهُ بِهِۦٓ أَن يُوصَلَ وَيَخۡشَوۡنَ رَبَّهُمۡ وَيَخَافُونَ سُوٓءَ ٱلۡحِسَابِ
Iyo kuwa xidhiidhiya waxa uu Allaah amray in la xidhiidhiyo13, oo ka haybaysta Rabbigood, oo ka cabsada Xisaabta Daran
Surah Ar-Rad, Verse 21
وَٱلَّذِينَ صَبَرُواْ ٱبۡتِغَآءَ وَجۡهِ رَبِّهِمۡ وَأَقَامُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَأَنفَقُواْ مِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ سِرّٗا وَعَلَانِيَةٗ وَيَدۡرَءُونَ بِٱلۡحَسَنَةِ ٱلسَّيِّئَةَ أُوْلَـٰٓئِكَ لَهُمۡ عُقۡبَى ٱلدَّارِ
Iyo kuwa samir yeesha oo sugnaada, iyagoo doonaya Wajiga Rabbigood, oo hagaajiya tukashada salaadda, oo bixiya ( si wanaagsan) wax ka mid ah waxa aan ku irzaaqnay qarsoodi iyo caddaanba, oo kala hortaga xumaanta samaan, kuwaasi waxay mudan doonaan cidhib wanaagsan Daarta Aakhiro
Surah Ar-Rad, Verse 22
جَنَّـٰتُ عَدۡنٖ يَدۡخُلُونَهَا وَمَن صَلَحَ مِنۡ ءَابَآئِهِمۡ وَأَزۡوَٰجِهِمۡ وَذُرِّيَّـٰتِهِمۡۖ وَٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ يَدۡخُلُونَ عَلَيۡهِم مِّن كُلِّ بَابٖ
Beeraha negaadiga oo ay gali doonaan la jirka kuwa samaha fala ee ka mid ah aabbayaashood iyo afooyinkood iyo ubadkoodaba: oo Malaa’igtu waxay uga soo geli doonaan albaab walba (iyagoo leh)
Surah Ar-Rad, Verse 23
سَلَٰمٌ عَلَيۡكُم بِمَا صَبَرۡتُمۡۚ فَنِعۡمَ عُقۡبَى ٱلدَّارِ
Nabad korkiinna ha ahaato samirka aad yeelateen iyo sugnaashadiinna darteed. wanaagsanaa haddaba Daartaa dambe
Surah Ar-Rad, Verse 24
وَٱلَّذِينَ يَنقُضُونَ عَهۡدَ ٱللَّهِ مِنۢ بَعۡدِ مِيثَٰقِهِۦ وَيَقۡطَعُونَ مَآ أَمَرَ ٱللَّهُ بِهِۦٓ أَن يُوصَلَ وَيُفۡسِدُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ أُوْلَـٰٓئِكَ لَهُمُ ٱللَّعۡنَةُ وَلَهُمۡ سُوٓءُ ٱلدَّارِ
Ma kuwase jebiya axdiga Ilaahay, kaddib adkayntiisa, oo gooya waxa uu Allaah amray in la xidhiidhiyo, oo ku sameeya fasahaad arlada, (ma) kuwaas, dushooda waxaa ahaan doonto Nacalad oo waxay mudan doonaan daarta aad u xun
Surah Ar-Rad, Verse 25
ٱللَّهُ يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقۡدِرُۚ وَفَرِحُواْ بِٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَمَا ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَا فِي ٱلۡأٓخِرَةِ إِلَّا مَتَٰعٞ
Allaah wuxuu u fidiyaa risiqa midka uu doono oo ku cidhiidhiyaa (kan uu doono), oo waxay ku farxaan nolosha adduunkan, oo ma aha nolosha adduunka marka loo eego Aakhirada waxaan ahayn raaxo muddo gaaban ah oo dhammaaneysa
Surah Ar-Rad, Verse 26
وَيَقُولُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوۡلَآ أُنزِلَ عَلَيۡهِ ءَايَةٞ مِّن رَّبِّهِۦۚ قُلۡ إِنَّ ٱللَّهَ يُضِلُّ مَن يَشَآءُ وَيَهۡدِيٓ إِلَيۡهِ مَنۡ أَنَابَ
Oo kuwa xaqa diida waxay yidhaahdaan: Maxaa calaamo looga soo dejin waayey xagga Rabbigii ka timid? Dheh: hubaal Allaah wuxuu habaabiyaa midka uu doono oo u soo hanuuniyaa Xaggiisa kuwa u soo laabta (Isaga)
Surah Ar-Rad, Verse 27
ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَتَطۡمَئِنُّ قُلُوبُهُم بِذِكۡرِ ٱللَّهِۗ أَلَا بِذِكۡرِ ٱللَّهِ تَطۡمَئِنُّ ٱلۡقُلُوبُ
Kuwa rumeysan oo ay quluubtoodu ku xasisho xusidda Ilaahay.Haddaba ogaada xusidda Ilaahay bay ku xasishaa quluubtu
Surah Ar-Rad, Verse 28
ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ طُوبَىٰ لَهُمۡ وَحُسۡنُ مَـَٔابٖ
(Ma) kuwa (Xaqa) rumeysan oo fala samaha aayatiin raaxo wanaagsan leh bay14 mudan doonaan iyo rug u laabasho fiican
Surah Ar-Rad, Verse 29
كَذَٰلِكَ أَرۡسَلۡنَٰكَ فِيٓ أُمَّةٖ قَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلِهَآ أُمَمٞ لِّتَتۡلُوَاْ عَلَيۡهِمُ ٱلَّذِيٓ أَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡكَ وَهُمۡ يَكۡفُرُونَ بِٱلرَّحۡمَٰنِۚ قُلۡ هُوَ رَبِّي لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ عَلَيۡهِ تَوَكَّلۡتُ وَإِلَيۡهِ مَتَابِ
Oo sidaas baan kuugu soo dirnay ummad dhexdood ay horteed ummado kale tageen, si aad ugu akhrido waxa aan kuu waxyoonnay, oo (weliba) iyagu waxay beeniyaan Raxmaanka. Dheh: Waa Rabbigay! Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan ahayn Isaga, Isaga baan isku halleeyaa oo ku kalsoonahay,oo waa Xaggiisa noqodkeyga
Surah Ar-Rad, Verse 30
وَلَوۡ أَنَّ قُرۡءَانٗا سُيِّرَتۡ بِهِ ٱلۡجِبَالُ أَوۡ قُطِّعَتۡ بِهِ ٱلۡأَرۡضُ أَوۡ كُلِّمَ بِهِ ٱلۡمَوۡتَىٰۗ بَل لِّلَّهِ ٱلۡأَمۡرُ جَمِيعًاۗ أَفَلَمۡ يَاْيۡـَٔسِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَن لَّوۡ يَشَآءُ ٱللَّهُ لَهَدَى ٱلنَّاسَ جَمِيعٗاۗ وَلَا يَزَالُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ تُصِيبُهُم بِمَا صَنَعُواْ قَارِعَةٌ أَوۡ تَحُلُّ قَرِيبٗا مِّن دَارِهِمۡ حَتَّىٰ يَأۡتِيَ وَعۡدُ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُخۡلِفُ ٱلۡمِيعَادَ
Oo xitaa haddii uu jiri lahaa Qur’aan buuraha lagala yeeli lahaa inay tagaan, ama dhulka lagu dul maro, ama lagaga hadal siiyo meytida15 (ma ahaadeyn waxaan aheyn Qur’aankan). Mayee! Allaah baa iska leh Amarka oo idil. Ee miyaanay weli ogaan kuwa (xaqa) rumeysan in haddii Allaah doono uu hubaal hanuunin lahaa dadka oo dhan? Oo (ma) kuwa gaalooba, kama joogsan doonto inay ku dhacdo xumaha ay falaan darteed belaayo garaacda, amase degta meel ku dhow guryahooda, ilaa inta Ballanka Ilaahay ka yimaado. Hubaal, Allaah ma ka baxo Ballankiisa
Surah Ar-Rad, Verse 31
وَلَقَدِ ٱسۡتُهۡزِئَ بِرُسُلٖ مِّن قَبۡلِكَ فَأَمۡلَيۡتُ لِلَّذِينَ كَفَرُواْ ثُمَّ أَخَذۡتُهُمۡۖ فَكَيۡفَ كَانَ عِقَابِ
Oo waxaa xaqiiq lagu jeesjeesay Rusul (badan) adiga hortaa ( Nabi Muxammadow), markaas baan siiyey fursad kuwii xaqa diiday, kaddibna waan halaagay. Sidee haddaba mid daran ay u ahayd Ciqaabteydii
Surah Ar-Rad, Verse 32
أَفَمَنۡ هُوَ قَآئِمٌ عَلَىٰ كُلِّ نَفۡسِۭ بِمَا كَسَبَتۡۗ وَجَعَلُواْ لِلَّهِ شُرَكَآءَ قُلۡ سَمُّوهُمۡۚ أَمۡ تُنَبِّـُٔونَهُۥ بِمَا لَا يَعۡلَمُ فِي ٱلۡأَرۡضِ أَم بِظَٰهِرٖ مِّنَ ٱلۡقَوۡلِۗ بَلۡ زُيِّنَ لِلَّذِينَ كَفَرُواْ مَكۡرُهُمۡ وَصُدُّواْ عَنِ ٱلسَّبِيلِۗ وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِنۡ هَادٖ
Ee ma mid Isagu dhowra naf walba oo ogsoon waxa ay kasbato? oo weliba waxay u yeelaan shariigyo xagga Allaah. Dheh: Magacaaba! Mise waxaad u sheegtaan wax (ilaahyo kale) uusan ku ogeyn dhulka mise waa wax iska hadal afka baarki16 ah. Mayee! Tabahooda xun baa loo qurxiyey kuwa gaalooba, oo waxaa laga duway Jidka (Toosan), oo mid kastoo Allaah uu habaabiyo17, ma heli doono wax hanuuniya
Surah Ar-Rad, Verse 33
لَّهُمۡ عَذَابٞ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۖ وَلَعَذَابُ ٱلۡأٓخِرَةِ أَشَقُّۖ وَمَا لَهُم مِّنَ ٱللَّهِ مِن وَاقٖ
Waxay ku mudan doonaan cadaab nolosha adduunkan, oo Cadaabta Aakhirada baa hubaal ka sii daran, oo ma heli doonaan wax ka celiya Allaah
Surah Ar-Rad, Verse 34
۞مَّثَلُ ٱلۡجَنَّةِ ٱلَّتِي وُعِدَ ٱلۡمُتَّقُونَۖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۖ أُكُلُهَا دَآئِمٞ وَظِلُّهَاۚ تِلۡكَ عُقۡبَى ٱلَّذِينَ ٱتَّقَواْۚ وَّعُقۡبَى ٱلۡكَٰفِرِينَ ٱلنَّارُ
Tilmaanta Jannada kuwa toosan loo ballan qaaday, hoosteeda webiyaa qulqula, cunnadeedu waa joogto aan kala go'ayn iyo harkeeduba, tani waa cidhibta kuwa iska jira (xumaha), oo ciribta gaaladu waa Naar
Surah Ar-Rad, Verse 35
وَٱلَّذِينَ ءَاتَيۡنَٰهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ يَفۡرَحُونَ بِمَآ أُنزِلَ إِلَيۡكَۖ وَمِنَ ٱلۡأَحۡزَابِ مَن يُنكِرُ بَعۡضَهُۥۚ قُلۡ إِنَّمَآ أُمِرۡتُ أَنۡ أَعۡبُدَ ٱللَّهَ وَلَآ أُشۡرِكَ بِهِۦٓۚ إِلَيۡهِ أَدۡعُواْ وَإِلَيۡهِ مَـَٔابِ
Oo kuwa aan siinnay Kitaabka18 waa ku farxaan waxa lagugu soo dejiyey, oo waxaa ka mid ah xisbiyada (Yuhuudda iyo mushrikiintaba) kuwa diida qaarki. Dheh, Waxaa sideedaba la i amray inaan caabudo Allaah oo aan waxba la wadaajin. Isaga baan (idiin) ku baaqaa, oo waa Xaggiisa noqodkeyku
Surah Ar-Rad, Verse 36
وَكَذَٰلِكَ أَنزَلۡنَٰهُ حُكۡمًا عَرَبِيّٗاۚ وَلَئِنِ ٱتَّبَعۡتَ أَهۡوَآءَهُم بَعۡدَ مَا جَآءَكَ مِنَ ٱلۡعِلۡمِ مَا لَكَ مِنَ ٱللَّهِ مِن وَلِيّٖ وَلَا وَاقٖ
Oo sidaas baan u soo dejinnay Xukun lagu kala baxo oo af Carabi ah. Oo haddii aad raacdo rabitaannadooda liita kaddib waxa kuu yimid oo cilmi ah, kama heli doontid xagga Allaah xigaalo kuu gargaarta iyo ilaaliye ku dhowra midna
Surah Ar-Rad, Verse 37
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا رُسُلٗا مِّن قَبۡلِكَ وَجَعَلۡنَا لَهُمۡ أَزۡوَٰجٗا وَذُرِّيَّةٗۚ وَمَا كَانَ لِرَسُولٍ أَن يَأۡتِيَ بِـَٔايَةٍ إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۗ لِكُلِّ أَجَلٖ كِتَابٞ
Oo run ahaan Waxaan soo dirnay Rusul hortaa oo waxaanu siinnay afooyin iyo ubadba19. Oo uma laha Rasuul (awood) inuu iski ula yimaado Mucjiso, Allaah oo idma ma ahee. Ajal walba wuxuu leeyahay muddo Ilaahay u gooyo oo qoran
Surah Ar-Rad, Verse 38
يَمۡحُواْ ٱللَّهُ مَا يَشَآءُ وَيُثۡبِتُۖ وَعِندَهُۥٓ أُمُّ ٱلۡكِتَٰبِ
Allaah Wuxuu tiraa wuxuu doono oo uu sugaa, oo Agtiisa waxaa ah asalka Kitaabka
Surah Ar-Rad, Verse 39
وَإِن مَّا نُرِيَنَّكَ بَعۡضَ ٱلَّذِي نَعِدُهُمۡ أَوۡ نَتَوَفَّيَنَّكَ فَإِنَّمَا عَلَيۡكَ ٱلۡبَلَٰغُ وَعَلَيۡنَا ٱلۡحِسَابُ
Oo haddii aan ku tusno qaar ka mid ah waxa aan ugu goodinno ama aan ku oofsanno, waxaa uun adiga korkaaga ah Gaarsiinta (Risaalada), halka ay Annaga na saaran tahay xisaabintoodu
Surah Ar-Rad, Verse 40
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّا نَأۡتِي ٱلۡأَرۡضَ نَنقُصُهَا مِنۡ أَطۡرَافِهَاۚ وَٱللَّهُ يَحۡكُمُ لَا مُعَقِّبَ لِحُكۡمِهِۦۚ وَهُوَ سَرِيعُ ٱلۡحِسَابِ
Ma waysan arkayn inaan ku keenno21 baabba’a arlada innagoo ka dhimeyna darfaheeda? Oo Allaah baa xukun gooya ma jiro wax burin kara Xukunkiisa, oo wuu ku Dhaqso badan yahay Xisaabinta
Surah Ar-Rad, Verse 41
وَقَدۡ مَكَرَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ فَلِلَّهِ ٱلۡمَكۡرُ جَمِيعٗاۖ يَعۡلَمُ مَا تَكۡسِبُ كُلُّ نَفۡسٖۗ وَسَيَعۡلَمُ ٱلۡكُفَّـٰرُ لِمَنۡ عُقۡبَى ٱلدَّارِ
Oo kuwii ka horreeyey iyaga baa runtii tabab degay, waxaase (tab) oo dhan iska leh Allaah. Wuxuu ogsoon yahay waxa ay naf waliba kasbato, oo gaaladu way ogaan doonaan cidda yeelan doonta Cidhibta Wanaagsan ee Daarta (Nabadda ah)
Surah Ar-Rad, Verse 42
وَيَقُولُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَسۡتَ مُرۡسَلٗاۚ قُلۡ كَفَىٰ بِٱللَّهِ شَهِيدَۢا بَيۡنِي وَبَيۡنَكُمۡ وَمَنۡ عِندَهُۥ عِلۡمُ ٱلۡكِتَٰبِ
Oo waxay kuwa xaqa diida yidhaahdaan: Adigu ma tihid Rasuul. Dheh: Allaah baa ku filan marag uu ahaado dhexdeenna aniga iyo idinka, iyo ku kastoo u leh cilmi Kitaabka
Surah Ar-Rad, Verse 43