Surah Ibrahim - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
الٓرۚ كِتَٰبٌ أَنزَلۡنَٰهُ إِلَيۡكَ لِتُخۡرِجَ ٱلنَّاسَ مِنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِ بِإِذۡنِ رَبِّهِمۡ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَمِيدِ
Alif Laam Raa1. (Kani waa) kitaab aan kuugu soo dejinnay (waxyi ahaan) si aad uga saarto dadka mugdiyada xagga Nuurka si idanka Rabbigood ah – xagga Jidka Adkaadaha sare, ee la ammaano
Surah Ibrahim, Verse 1
ٱللَّهِ ٱلَّذِي لَهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۗ وَوَيۡلٞ لِّلۡكَٰفِرِينَ مِنۡ عَذَابٖ شَدِيدٍ
Allaah, ee iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Oo hoog waxaa leh gaalada xagga Cadaab Darani darteed
Surah Ibrahim, Verse 2
ٱلَّذِينَ يَسۡتَحِبُّونَ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا عَلَى ٱلۡأٓخِرَةِ وَيَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ وَيَبۡغُونَهَا عِوَجًاۚ أُوْلَـٰٓئِكَ فِي ضَلَٰلِۭ بَعِيدٖ
Kuwa jecel nolosha adduunkan in ka badan Aakhirada, oo ka leexda Jidka Ilaahay oo doona inay ka yeelaan mid qalloocan, kuwaanu waxay ku sugan yihiin habow aad u fog
Surah Ibrahim, Verse 3
وَمَآ أَرۡسَلۡنَا مِن رَّسُولٍ إِلَّا بِلِسَانِ قَوۡمِهِۦ لِيُبَيِّنَ لَهُمۡۖ فَيُضِلُّ ٱللَّهُ مَن يَشَآءُ وَيَهۡدِي مَن يَشَآءُۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
Oo kuma soo dirin Rasuulna waxaan aheyn afka qolodiisa si uu ugu faahfaahiyo si caddaan ah2; markaasuu Allaah midka uu doono habaabiyaa3, oo hanuuniyaa kan uu doono, oo Waa Isaga Adkaadaha sare, Falka sanoo Xakiimka ah
Surah Ibrahim, Verse 4
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا مُوسَىٰ بِـَٔايَٰتِنَآ أَنۡ أَخۡرِجۡ قَوۡمَكَ مِنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِ وَذَكِّرۡهُم بِأَيَّىٰمِ ٱللَّهِۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّكُلِّ صَبَّارٖ شَكُورٖ
Oo xaqiiq Waxaan la soo dirnay Muuse Aayadahayaga (Annagoo leh): Ka saar qolodaada Mugdiyada xagga Nuurka, oo xusuusi Ayaamaha Ilaahay4. Hubaal waxaa (arrin)kani ugu sugan calaamooyin wax lagu qaato mid walba oo samir badan, mahad naq badan
Surah Ibrahim, Verse 5
وَإِذۡ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوۡمِهِ ٱذۡكُرُواْ نِعۡمَةَ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ إِذۡ أَنجَىٰكُم مِّنۡ ءَالِ فِرۡعَوۡنَ يَسُومُونَكُمۡ سُوٓءَ ٱلۡعَذَابِ وَيُذَبِّحُونَ أَبۡنَآءَكُمۡ وَيَسۡتَحۡيُونَ نِسَآءَكُمۡۚ وَفِي ذَٰلِكُم بَلَآءٞ مِّن رَّبِّكُمۡ عَظِيمٞ
Oo waa tii uu Muuse ku yidhi qolodiisa: Xusuusta Nicmadda Ilaahay idin siiyey, waa tii uu idinka badbaadshay reer Fircoon ee idin dhadhansiinayey Cadaab Daran, oo gawracayey wiilashiinna, oo deysanayey haweenkiinna, oo (arrin)kani waxaa ku sugnaa imtixaan xagga Rabbigiin ah, aad u weyn
Surah Ibrahim, Verse 6
وَإِذۡ تَأَذَّنَ رَبُّكُمۡ لَئِن شَكَرۡتُمۡ لَأَزِيدَنَّكُمۡۖ وَلَئِن كَفَرۡتُمۡ إِنَّ عَذَابِي لَشَدِيدٞ
Oo waa tii Rabbigiin ka yeelay wax la og yahay oo caddaan ah: Haddii aad mahad naqdaan, hubaal waan idiin kordhinayaa (nicmadda), haddiise aad gaalowdaan, hubaal Cadaabtaydu waa mid aad u Daran
Surah Ibrahim, Verse 7
وَقَالَ مُوسَىٰٓ إِن تَكۡفُرُوٓاْ أَنتُمۡ وَمَن فِي ٱلۡأَرۡضِ جَمِيعٗا فَإِنَّ ٱللَّهَ لَغَنِيٌّ حَمِيدٌ
Oo Muuse wuxuu yidhi: Haddii aad gaalowdaan idinka iyo kuwaa jooga arlada oo dhan, hubaal Allaah waa Hodan Deeqtoon, la Ammaano
Surah Ibrahim, Verse 8
أَلَمۡ يَأۡتِكُمۡ نَبَؤُاْ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِكُمۡ قَوۡمِ نُوحٖ وَعَادٖ وَثَمُودَ وَٱلَّذِينَ مِنۢ بَعۡدِهِمۡ لَا يَعۡلَمُهُمۡ إِلَّا ٱللَّهُۚ جَآءَتۡهُمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَرَدُّوٓاْ أَيۡدِيَهُمۡ فِيٓ أَفۡوَٰهِهِمۡ وَقَالُوٓاْ إِنَّا كَفَرۡنَا بِمَآ أُرۡسِلۡتُم بِهِۦ وَإِنَّا لَفِي شَكّٖ مِّمَّا تَدۡعُونَنَآ إِلَيۡهِ مُرِيبٖ
Oo miyaanay idin soo gaarin warka kuwii idinka horreeyay qolodii Nuux iyo Caad iyo Thamuud iyo kuwii ka dambeeyey Cidi ma oga iyaga aan ahayn Allaah. Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad cad, Waxayse ku celiyeen gacmahooda afafkooda5 oo yidhaahdeen: Hubaal innagu ma aaminsanin waxaa la idinla soo diray, oo hubaal innagu waxaanu ka qabnaa shaki waxaad noogu baaqdaan
Surah Ibrahim, Verse 9
۞قَالَتۡ رُسُلُهُمۡ أَفِي ٱللَّهِ شَكّٞ فَاطِرِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ يَدۡعُوكُمۡ لِيَغۡفِرَ لَكُم مِّن ذُنُوبِكُمۡ وَيُؤَخِّرَكُمۡ إِلَىٰٓ أَجَلٖ مُّسَمّٗىۚ قَالُوٓاْ إِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُنَا تُرِيدُونَ أَن تَصُدُّونَا عَمَّا كَانَ يَعۡبُدُ ءَابَآؤُنَا فَأۡتُونَا بِسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٖ
Rusushoodii waxay yidhaahdeen: Oo ma waxaa jira shaki ku saabsan Allaah, Abuuraha samooyinka iyo aralda? Wuxuu idiinku yeedhaa inuu idinka dhaafo dambiyadiinna oo idin siiyo fursad ilaa muddo magacaaban ah. Waxay yidhaahdeen: Ma ahidin waxaan aheyn dad nala mid ah! Waxaad rabtaan inaad naga duwdaan waxay caabudi jireen aabbayaa- shayo, Ee noo keena wuxuun awood muuqata ah
Surah Ibrahim, Verse 10
قَالَتۡ لَهُمۡ رُسُلُهُمۡ إِن نَّحۡنُ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُكُمۡ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ يَمُنُّ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦۖ وَمَا كَانَ لَنَآ أَن نَّأۡتِيَكُم بِسُلۡطَٰنٍ إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ
Rusushoodii waxay ku yidhaahdeen: Ma nihin waxaan aheyn dad idinla mid ah, laakiinse Allaah wuxuu ku manneystaa (Fadligiisa) cidda uu doono ee ka mid ah addoomahiisa. Oo ma aha wax noo yaal innaga inaan idiin keenno awood inuu Allaah Idmo maahee. Oo Allaah uun waa inay mu’miniintu isku halleeyaan
Surah Ibrahim, Verse 11
وَمَا لَنَآ أَلَّا نَتَوَكَّلَ عَلَى ٱللَّهِ وَقَدۡ هَدَىٰنَا سُبُلَنَاۚ وَلَنَصۡبِرَنَّ عَلَىٰ مَآ ءَاذَيۡتُمُونَاۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُتَوَكِّلُونَ
Oo maxaan ugu kalsoonaan weynay Allaah? Isagoo runtii nagu hanuuniyey jidadkayaga (san), oo hubaal waan u samreynaa dhibta aad noo geysataan, Oo Allaah uun ha isku halleeyaan kuwa isku halleeya
Surah Ibrahim, Verse 12
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِرُسُلِهِمۡ لَنُخۡرِجَنَّكُم مِّنۡ أَرۡضِنَآ أَوۡ لَتَعُودُنَّ فِي مِلَّتِنَاۖ فَأَوۡحَىٰٓ إِلَيۡهِمۡ رَبُّهُمۡ لَنُهۡلِكَنَّ ٱلظَّـٰلِمِينَ
Oo kuwii xaqa diiday waxay ku yidhaahdeen Rusushoodii: Waxaynu hubaal idinka saari doonnaa dhulkayaga, ama haddii kale waxaad ku soo noqon doontaan diintayada. Markaasuu Rabbigood u waxyooday: Wallee waanu halaagi gar ma qaatayaasha
Surah Ibrahim, Verse 13
وَلَنُسۡكِنَنَّكُمُ ٱلۡأَرۡضَ مِنۢ بَعۡدِهِمۡۚ ذَٰلِكَ لِمَنۡ خَافَ مَقَامِي وَخَافَ وَعِيدِ
Oo hubaal Waxaanu idin dejin Dhulka iyaga kaddib. Kani waxaa leh kan ka cabsada in la i soo hor joojinayo oo ka cabsada Gooddigayga
Surah Ibrahim, Verse 14
وَٱسۡتَفۡتَحُواْ وَخَابَ كُلُّ جَبَّارٍ عَنِيدٖ
Oo waxay dalbeen gargaar, oo waxaa hoogay isla weyne kasta oo macangag madax adag ah
Surah Ibrahim, Verse 15
مِّن وَرَآئِهِۦ جَهَنَّمُ وَيُسۡقَىٰ مِن مَّآءٖ صَدِيدٖ
Naar baa ka horreysa, oo waxaa laga waraabin biyo carow ah
Surah Ibrahim, Verse 16
يَتَجَرَّعُهُۥ وَلَا يَكَادُ يُسِيغُهُۥ وَيَأۡتِيهِ ٱلۡمَوۡتُ مِن كُلِّ مَكَانٖ وَمَا هُوَ بِمَيِّتٖۖ وَمِن وَرَآئِهِۦ عَذَابٌ غَلِيظٞ
Wuxuu u cabbi in yar in yar oo ma kari doono inuu liqo oo ka degaan, oo dhimashadu waxay uga imaan meel walba, mase dhiman doono, oo waxaa horti ah Cadaab aad u Qallafsan
Surah Ibrahim, Verse 17
مَّثَلُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِرَبِّهِمۡۖ أَعۡمَٰلُهُمۡ كَرَمَادٍ ٱشۡتَدَّتۡ بِهِ ٱلرِّيحُ فِي يَوۡمٍ عَاصِفٖۖ لَّا يَقۡدِرُونَ مِمَّا كَسَبُواْ عَلَىٰ شَيۡءٖۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلضَّلَٰلُ ٱلۡبَعِيدُ
Mataalka kuwa ku gaalooba Rabbigood camalladoodu waa sida dambas oo kale oo ay dabeyshu si daran u bitiso maalin dabayl xumi dhaceyso, uma lahaan doonaan awood inay ka helaan waxba ka mid ah waxay kasbadeen.Kani waa habowga fog
Surah Ibrahim, Verse 18
أَلَمۡ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ بِٱلۡحَقِّۚ إِن يَشَأۡ يُذۡهِبۡكُمۡ وَيَأۡتِ بِخَلۡقٖ جَدِيدٖ
Miyaadan arkayn inuu Allaah ku abuuray samooyinka iyo arlada Xaq? Haddii uu doono wuu idin tegsiin oo la iman uun cusub
Surah Ibrahim, Verse 19
وَمَا ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ بِعَزِيزٖ
Oo arrinkani kuma adka Allaah
Surah Ibrahim, Verse 20
وَبَرَزُواْ لِلَّهِ جَمِيعٗا فَقَالَ ٱلضُّعَفَـٰٓؤُاْ لِلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُوٓاْ إِنَّا كُنَّا لَكُمۡ تَبَعٗا فَهَلۡ أَنتُم مُّغۡنُونَ عَنَّا مِنۡ عَذَابِ ٱللَّهِ مِن شَيۡءٖۚ قَالُواْ لَوۡ هَدَىٰنَا ٱللَّهُ لَهَدَيۡنَٰكُمۡۖ سَوَآءٌ عَلَيۡنَآ أَجَزِعۡنَآ أَمۡ صَبَرۡنَا مَا لَنَا مِن مَّحِيصٖ
Oo waxay iyagoo dhammi iman doonaan Allaah horti, markaasay kuwii ducafada ahaa ku odhan kuwii isla weynaa: hubaal waxaanu ahayn raciyadiinna; ee wax ma nooga tari kartaan wax ka mid ah Cadaabta Ilaahay? Waxay odhan: Haddii uu Allaah na hanuunin lahaa, innaguna sidoo kale waan idin hanuunin lahayn. Waa isugu keen mid haddii aan calaacalno (haatan) ama aan samirno, nooma sugnaan meel loo cararo
Surah Ibrahim, Verse 21
وَقَالَ ٱلشَّيۡطَٰنُ لَمَّا قُضِيَ ٱلۡأَمۡرُ إِنَّ ٱللَّهَ وَعَدَكُمۡ وَعۡدَ ٱلۡحَقِّ وَوَعَدتُّكُمۡ فَأَخۡلَفۡتُكُمۡۖ وَمَا كَانَ لِيَ عَلَيۡكُم مِّن سُلۡطَٰنٍ إِلَّآ أَن دَعَوۡتُكُمۡ فَٱسۡتَجَبۡتُمۡ لِيۖ فَلَا تَلُومُونِي وَلُومُوٓاْ أَنفُسَكُمۖ مَّآ أَنَا۠ بِمُصۡرِخِكُمۡ وَمَآ أَنتُم بِمُصۡرِخِيَّ إِنِّي كَفَرۡتُ بِمَآ أَشۡرَكۡتُمُونِ مِن قَبۡلُۗ إِنَّ ٱلظَّـٰلِمِينَ لَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ
Oo shaydaanku wuxuu odhan doonaa marka Arrinka la xukumo: hubaal Allaah wuxuu idiin ballan qaaday ballan Xaq ah, oo Anigu sidoo kale waan idiin qaaday ballamo (been ah), markaasaan idiinka baxay. Oo kuma laheyn awood dushiinna, waase idiin baaqay uun oo aad i yeesheen. Marka ha i eedaynina ee eedeeya nafahiinna7. Anigu idiinma gargaari karo (haatan), idinkuna iima gargaari kartaan. Hubaal Anigu diiday ila wadaajintiinna cibaadada Allaah awal hore. hubaal waa gar ma qaatayaasha kuwa mudan doona Cadaab aad u Xanuun Badan
Surah Ibrahim, Verse 22
وَأُدۡخِلَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ جَنَّـٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَا بِإِذۡنِ رَبِّهِمۡۖ تَحِيَّتُهُمۡ فِيهَا سَلَٰمٌ
Oo kuwa rumeysan oo samaha fala Waxaa laga yeeli doonaa inay galaan Beero hostooda ay webiyo qulqulaan, _iyagoo dhexdeeda ku waaraya Idanka Rabbigood, Salaantooda dhexdeeda waa, Nabad
Surah Ibrahim, Verse 23
أَلَمۡ تَرَ كَيۡفَ ضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلٗا كَلِمَةٗ طَيِّبَةٗ كَشَجَرَةٖ طَيِّبَةٍ أَصۡلُهَا ثَابِتٞ وَفَرۡعُهَا فِي ٱلسَّمَآءِ
Ma waadan u fiirsan sida Allaah ugu soo qaato mataal Kelmedda Wanaagsani inay la mid tahay geed wanaagsan oo asalkiisu dhidban yahay, oo laamihiisu kor samada jiraan
Surah Ibrahim, Verse 24
تُؤۡتِيٓ أُكُلَهَا كُلَّ حِينِۭ بِإِذۡنِ رَبِّهَاۗ وَيَضۡرِبُ ٱللَّهُ ٱلۡأَمۡثَالَ لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمۡ يَتَذَكَّرُونَ
Ku soo saarta midhaheeda goor walba Idanka Rabbigeed, Oo Allaah wuxuu u soo qaadaa mataallo dadka bal inay waantoobaan
Surah Ibrahim, Verse 25
وَمَثَلُ كَلِمَةٍ خَبِيثَةٖ كَشَجَرَةٍ خَبِيثَةٍ ٱجۡتُثَّتۡ مِن فَوۡقِ ٱلۡأَرۡضِ مَا لَهَا مِن قَرَارٖ
Oo mataalka Kelmedda xun waa sida geed xun8 oo laga rujiyey dhulka korkiisa oo aan laheyn sugnaan
Surah Ibrahim, Verse 26
يُثَبِّتُ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِٱلۡقَوۡلِ ٱلثَّابِتِ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَفِي ٱلۡأٓخِرَةِۖ وَيُضِلُّ ٱللَّهُ ٱلظَّـٰلِمِينَۚ وَيَفۡعَلُ ٱللَّهُ مَا يَشَآءُ
Allaah Wuxuu waafajiyaa kuwa rumeysan kelmedda sugan9 nolosha adduunkan iyo aakhiradaba10. Oo Allaah wuxuu lumiyaa gar ma qaatayaasha. Oo Allaah wuxuu falaa wixii uu doono
Surah Ibrahim, Verse 27
۞أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ بَدَّلُواْ نِعۡمَتَ ٱللَّهِ كُفۡرٗا وَأَحَلُّواْ قَوۡمَهُمۡ دَارَ ٱلۡبَوَارِ
Ma waadan arag kuwa ku doorsaday Nicmadda Ilaahay abaal dhac11, oo ka yee- lay dadkoodii inay degaan daarta halaagga
Surah Ibrahim, Verse 28
جَهَنَّمَ يَصۡلَوۡنَهَاۖ وَبِئۡسَ ٱلۡقَرَارُ
Naar bay gali doonaan. Oo u xun meel lagu sal yeesho
Surah Ibrahim, Verse 29
وَجَعَلُواْ لِلَّهِ أَندَادٗا لِّيُضِلُّواْ عَن سَبِيلِهِۦۗ قُلۡ تَمَتَّعُواْ فَإِنَّ مَصِيرَكُمۡ إِلَى ٱلنَّارِ
Oo waxay u yeelaan shariigyo Allaah si ay uga lumiyaan (dadka) Jidkiisa. Dheh: iska Raaxaysta! Hubaal Aayihiinnu waa xagga Naarta
Surah Ibrahim, Verse 30
قُل لِّعِبَادِيَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ يُقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُنفِقُواْ مِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ سِرّٗا وَعَلَانِيَةٗ مِّن قَبۡلِ أَن يَأۡتِيَ يَوۡمٞ لَّا بَيۡعٞ فِيهِ وَلَا خِلَٰلٌ
Ku dheh addoommahayga rumeysan, inay hagaajiyaan tukashada salaadda, oo bixiyaan wax ka mid ah waxa aan ku irsaaqnay sir iyo caddaanba ka hor inta aysan imaan Maalin aysan jiri doonin ganacsi iyo saaxiibnimo midna
Surah Ibrahim, Verse 31
ٱللَّهُ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَأَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَخۡرَجَ بِهِۦ مِنَ ٱلثَّمَرَٰتِ رِزۡقٗا لَّكُمۡۖ وَسَخَّرَ لَكُمُ ٱلۡفُلۡكَ لِتَجۡرِيَ فِي ٱلۡبَحۡرِ بِأَمۡرِهِۦۖ وَسَخَّرَ لَكُمُ ٱلۡأَنۡهَٰرَ
Allaah waa Kan abuuray samooyinka iyo arlada oo ka soo dejiya biyo daruuraha, oo ku soo saara midho risiq idiin ah, oo Wuxuu idiin sakhiray doonyaha inay ku maaxaan badda Amarkiisa, oo idiin sakhiray webiyada
Surah Ibrahim, Verse 32
وَسَخَّرَ لَكُمُ ٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَ دَآئِبَيۡنِۖ وَسَخَّرَ لَكُمُ ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّهَارَ
Oo Wuxuu idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, labaduba joogto ugu socdaan rugahooda; oo wuxuu idiin sakhiray habeenka iyo maalinta
Surah Ibrahim, Verse 33
وَءَاتَىٰكُم مِّن كُلِّ مَا سَأَلۡتُمُوهُۚ وَإِن تَعُدُّواْ نِعۡمَتَ ٱللَّهِ لَا تُحۡصُوهَآۗ إِنَّ ٱلۡإِنسَٰنَ لَظَلُومٞ كَفَّارٞ
Oo Wuxuu idin siiyaa wax ka mid ah wax kastoo aad weydiisataan12, oo haddii aad tirisaan Nicmooyinka Ilaahay, ma kari doontaan inaad tiro koobtaan. hubaal Aadmigu waa dulmilow, abaal laawe ah
Surah Ibrahim, Verse 34
وَإِذۡ قَالَ إِبۡرَٰهِيمُ رَبِّ ٱجۡعَلۡ هَٰذَا ٱلۡبَلَدَ ءَامِنٗا وَٱجۡنُبۡنِي وَبَنِيَّ أَن نَّعۡبُدَ ٱلۡأَصۡنَامَ
Oo waa tii uu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow! Ka yeel beledkan (Makkah) aamin, oo iga dheeree aniga iyo awlaaddeydaba inaan cabudno sanammo
Surah Ibrahim, Verse 35
رَبِّ إِنَّهُنَّ أَضۡلَلۡنَ كَثِيرٗا مِّنَ ٱلنَّاسِۖ فَمَن تَبِعَنِي فَإِنَّهُۥ مِنِّيۖ وَمَنۡ عَصَانِي فَإِنَّكَ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
Rabbiyow! Hubaal waxay lumiyeen in badan oo ka mid ah dadka. Ee mid kastoo i raaca, aniga buu hubaal iga mid yahay; mid kastoo se igu caasiya,_ Adiga baa hubaal ah Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah Ibrahim, Verse 36
رَّبَّنَآ إِنِّيٓ أَسۡكَنتُ مِن ذُرِّيَّتِي بِوَادٍ غَيۡرِ ذِي زَرۡعٍ عِندَ بَيۡتِكَ ٱلۡمُحَرَّمِ رَبَّنَا لِيُقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ فَٱجۡعَلۡ أَفۡـِٔدَةٗ مِّنَ ٱلنَّاسِ تَهۡوِيٓ إِلَيۡهِمۡ وَٱرۡزُقۡهُم مِّنَ ٱلثَّمَرَٰتِ لَعَلَّهُمۡ يَشۡكُرُونَ
Rabbiyow! Hubaal waxaan dejiyey qaar ka mid ah durriyadeydii tog aan sarac lahayn, oo beydkaaga Xurmadda leh agtiis ah; Rabbiyow si ay u oogaan salaadda ee ka yeel quluubta qaar dadka ka mid ah kuwo u soo iisha xaggooda oo ku irsaaq midho bal inay mahad naqaan
Surah Ibrahim, Verse 37
رَبَّنَآ إِنَّكَ تَعۡلَمُ مَا نُخۡفِي وَمَا نُعۡلِنُۗ وَمَا يَخۡفَىٰ عَلَى ٱللَّهِ مِن شَيۡءٖ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا فِي ٱلسَّمَآءِ
Rabbiyow! Hubaal waxaad adigu ogtahay waxa aan qarinno iyo waxa aan muujinnaba.Oo kama qarsoomaan Alle wax dhulka jira ama cirka gudahiisa ah
Surah Ibrahim, Verse 38
ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي وَهَبَ لِي عَلَى ٱلۡكِبَرِ إِسۡمَٰعِيلَ وَإِسۡحَٰقَۚ إِنَّ رَبِّي لَسَمِيعُ ٱلدُّعَآءِ
Ammaan idilkeed mahadi wehliso waxaa iska leh Allaah ee i siiyey anigoo weyn oo da’ ah Ismaaciil iyo Isxaaq. hubaal Rabbigay xaqiiq waa Maqlaha baryada
Surah Ibrahim, Verse 39
رَبِّ ٱجۡعَلۡنِي مُقِيمَ ٱلصَّلَوٰةِ وَمِن ذُرِّيَّتِيۚ رَبَّنَا وَتَقَبَّلۡ دُعَآءِ
Rabbiyow! Iga yeel mid si fiican u ooga salaadda aniga iyo durriyadeydaba, Rabbiyow! Oo iga aqbal baryada
Surah Ibrahim, Verse 40
رَبَّنَا ٱغۡفِرۡ لِي وَلِوَٰلِدَيَّ وَلِلۡمُؤۡمِنِينَ يَوۡمَ يَقُومُ ٱلۡحِسَابُ
Rabbiyow! Ii dambi dhaaf aniga iyo labadeyda waalid iyo mu’miniintaba Maalinta ay dhici doonto Xisaabtu
Surah Ibrahim, Verse 41
وَلَا تَحۡسَبَنَّ ٱللَّهَ غَٰفِلًا عَمَّا يَعۡمَلُ ٱلظَّـٰلِمُونَۚ إِنَّمَا يُؤَخِّرُهُمۡ لِيَوۡمٖ تَشۡخَصُ فِيهِ ٱلۡأَبۡصَٰرُ
Oo ha moodin in Allaah moog yahay waxa ay falaan gar ma qaatayaashu, ee Wuxuu uun dib ugu dhigaa Maalin ay indhahu taagmi doonaan
Surah Ibrahim, Verse 42
مُهۡطِعِينَ مُقۡنِعِي رُءُوسِهِمۡ لَا يَرۡتَدُّ إِلَيۡهِمۡ طَرۡفُهُمۡۖ وَأَفۡـِٔدَتُهُمۡ هَوَآءٞ
Iyagoo horay u degdegaya, madaxyadoodu kor u taagan yihiin13, indhahoodu u soo noqoneyn xaggoooda, oo quluubtoodu maran yihiin
Surah Ibrahim, Verse 43
وَأَنذِرِ ٱلنَّاسَ يَوۡمَ يَأۡتِيهِمُ ٱلۡعَذَابُ فَيَقُولُ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ رَبَّنَآ أَخِّرۡنَآ إِلَىٰٓ أَجَلٖ قَرِيبٖ نُّجِبۡ دَعۡوَتَكَ وَنَتَّبِعِ ٱلرُّسُلَۗ أَوَلَمۡ تَكُونُوٓاْ أَقۡسَمۡتُم مِّن قَبۡلُ مَا لَكُم مِّن زَوَالٖ
Oo uga dig dadka Maalinta ay u iman doonto cadaabtu, markaas kuwii ahaa gar ma qaatayaasha waxay odhan: Rabbigayow! In yar dib noo dhig, (markaas) waxaynu ajiibi baaqaaga oo raaci Rususha. Miyeydaan ka hor ku dhaaran inaydaan adduunka ka tegi doonin
Surah Ibrahim, Verse 44
وَسَكَنتُمۡ فِي مَسَٰكِنِ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ وَتَبَيَّنَ لَكُمۡ كَيۡفَ فَعَلۡنَا بِهِمۡ وَضَرَبۡنَا لَكُمُ ٱلۡأَمۡثَالَ
Oo waxaad degteen guryihii kuwii ku gar darrooday nafahooda, oo waa idiin caddahay sidii aan u galnay. Oo Waxaan idiinka dhignay tusaalooyin
Surah Ibrahim, Verse 45
وَقَدۡ مَكَرُواْ مَكۡرَهُمۡ وَعِندَ ٱللَّهِ مَكۡرُهُمۡ وَإِن كَانَ مَكۡرُهُمۡ لِتَزُولَ مِنۡهُ ٱلۡجِبَالُ
Oo waxay dhab ahaan qorsheeyeen qorshahooda xun, qorshahooda xun se waxaa (ka war) hayay Allaah, inkastoo qorshahoodu xun ahaa mid (daran) ay la baabba’aan buuruhu
Surah Ibrahim, Verse 46
فَلَا تَحۡسَبَنَّ ٱللَّهَ مُخۡلِفَ وَعۡدِهِۦ رُسُلَهُۥٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٞ ذُو ٱنتِقَامٖ
Ee marnaba ha moodin inuu Allaah uga baxayo Ballankiisa Rusushiisa. hubaal Allaah waa Adkaade sare, Aar gudasho leh
Surah Ibrahim, Verse 47
يَوۡمَ تُبَدَّلُ ٱلۡأَرۡضُ غَيۡرَ ٱلۡأَرۡضِ وَٱلسَّمَٰوَٰتُۖ وَبَرَزُواْ لِلَّهِ ٱلۡوَٰحِدِ ٱلۡقَهَّارِ
Maalinta marka arlada loo beddeli doono arlo kale iyo samooyinkaba, oo waxaa la hor keeni doonaa Allaah, Waaxidka, Awoodda sare leh
Surah Ibrahim, Verse 48
وَتَرَى ٱلۡمُجۡرِمِينَ يَوۡمَئِذٖ مُّقَرَّنِينَ فِي ٱلۡأَصۡفَادِ
Oo waxaad arki Dambiilayaasha Maalintaas oo iskula xir-xiran silsilado
Surah Ibrahim, Verse 49
سَرَابِيلُهُم مِّن قَطِرَانٖ وَتَغۡشَىٰ وُجُوهَهُمُ ٱلنَّارُ
Qamiisyadoodu ka sameysan yihiin daamur, oo dabku daboolayo wajiyadooda
Surah Ibrahim, Verse 50
لِيَجۡزِيَ ٱللَّهُ كُلَّ نَفۡسٖ مَّا كَسَبَتۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَرِيعُ ٱلۡحِسَابِ
Si uu Allaah uga abaal mariyo naf walbaa waxa ay kasbatay. hubaal Allaah waa ku Dhaqso Badan yahay Xisaabta
Surah Ibrahim, Verse 51
هَٰذَا بَلَٰغٞ لِّلنَّاسِ وَلِيُنذَرُواْ بِهِۦ وَلِيَعۡلَمُوٓاْ أَنَّمَا هُوَ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞ وَلِيَذَّكَّرَ أُوْلُواْ ٱلۡأَلۡبَٰبِ
Kani (Dhambaalkani) ugu filan gaarsiin cad dadka, iyo in loogu digo, iyo inay ogaadaan inuu yahay Ilaah Keliya, iyo inay ku waana qaataan waxgaradku
Surah Ibrahim, Verse 52