UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Al-Hijr - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


الٓرۚ تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ وَقُرۡءَانٖ مُّبِينٖ

Alif Laam Raa1. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka, oo Qur'aan ah ka yeela (arrimaha) caddaan
Surah Al-Hijr, Verse 1


رُّبَمَا يَوَدُّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوۡ كَانُواْ مُسۡلِمِينَ

Wax badan bay kuwaa (xaqa) rumeysan waaya jecleysan doonaan inay ahaayeen Muslimiin
Surah Al-Hijr, Verse 2


ذَرۡهُمۡ يَأۡكُلُواْ وَيَتَمَتَّعُواْ وَيُلۡهِهِمُ ٱلۡأَمَلُۖ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ

Iska daa wax ha iska cunaane oo ha iska raaxaystaan iyo (in) rajo maawiliso. Durbase way ogaan doonaan
Surah Al-Hijr, Verse 3


وَمَآ أَهۡلَكۡنَا مِن قَرۡيَةٍ إِلَّا وَلَهَا كِتَابٞ مَّعۡلُومٞ

Oo ma jirto magaalo aan rognay oo aan lahayn waqti la yaqaan oo qoran
Surah Al-Hijr, Verse 4


مَّا تَسۡبِقُ مِنۡ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسۡتَـٔۡخِرُونَ

Kama hor mari karto ummadi muddadeeda, mana dib dhigi karaan
Surah Al-Hijr, Verse 5


وَقَالُواْ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِي نُزِّلَ عَلَيۡهِ ٱلذِّكۡرُ إِنَّكَ لَمَجۡنُونٞ

Oo waxay yidhaahdaan: Adigaaganow ah kan Waanada (Qur’aanka) lagu soo dejiyey3! Hubaal adigu xaqiiq waxaad tahay ku waalan
Surah Al-Hijr, Verse 6


لَّوۡمَا تَأۡتِينَا بِٱلۡمَلَـٰٓئِكَةِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّـٰدِقِينَ

Maxaad noogu keeni weyday malaa’igta haddii aad tahay mid ka mid ah runowlyada
Surah Al-Hijr, Verse 7


مَا نُنَزِّلُ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةَ إِلَّا بِٱلۡحَقِّ وَمَا كَانُوٓاْ إِذٗا مُّنظَرِينَ

Uma soo dirno malaa’igta waxaan xaq4 aheyn, oo markaas lama siiyeen wax nafis ah
Surah Al-Hijr, Verse 8


إِنَّا نَحۡنُ نَزَّلۡنَا ٱلذِّكۡرَ وَإِنَّا لَهُۥ لَحَٰفِظُونَ

Hubaal Annaga (Allaah ah) baa soo waxyoonnay Waanada (Qur’aanka) oo hubaal Annagaa xaqiiq ah ilaaliyayaasheeda
Surah Al-Hijr, Verse 9


وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا مِن قَبۡلِكَ فِي شِيَعِ ٱلۡأَوَّلِينَ

Oo xaqiiq Waxaan soo dirnay Rusul hortaa ummadahii hore dhexdood
Surah Al-Hijr, Verse 10


وَمَا يَأۡتِيهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ

Oo ma jirin Rasuul u yimaada oo aysan ku jees-jeesin
Surah Al-Hijr, Verse 11


كَذَٰلِكَ نَسۡلُكُهُۥ فِي قُلُوبِ ٱلۡمُجۡرِمِينَ

Sidaas baan ugu yeelnaa (diiddada Xa- qa) inay u gasho quluubta dambiilayaasha
Surah Al-Hijr, Verse 12


لَا يُؤۡمِنُونَ بِهِۦ وَقَدۡ خَلَتۡ سُنَّةُ ٱلۡأَوَّلِينَ

Ma rumeeyaan waxa ku soo arooray, oo dhab ahaan waxaa hore maray tusaalihii kuwii hore ee tegay
Surah Al-Hijr, Verse 13


وَلَوۡ فَتَحۡنَا عَلَيۡهِم بَابٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ فَظَلُّواْ فِيهِ يَعۡرُجُونَ

Oo xitaa haddii aan uga furno albaab samada oo ay kor ugu cir tagaan
Surah Al-Hijr, Verse 14


لَقَالُوٓاْ إِنَّمَا سُكِّرَتۡ أَبۡصَٰرُنَا بَلۡ نَحۡنُ قَوۡمٞ مَّسۡحُورُونَ

Waxay hubaal odhanayaan: Waxaa uun la awday Indhahayaga. Mayee, waxaanu nahay qolo la sixray
Surah Al-Hijr, Verse 15


وَلَقَدۡ جَعَلۡنَا فِي ٱلسَّمَآءِ بُرُوجٗا وَزَيَّنَّـٰهَا لِلنَّـٰظِرِينَ

Oo xaqiiq Waxaan yeelnay rugo adag samada, oo Waxaan u qurxinnay daawadayaasha
Surah Al-Hijr, Verse 16


وَحَفِظۡنَٰهَا مِن كُلِّ شَيۡطَٰنٖ رَّجِيمٍ

Oo Waxaan ka ilaalinnay Shaydaan kastoo laga fogeeyey (Naxariista Ilaahay)
Surah Al-Hijr, Verse 17


إِلَّا مَنِ ٱسۡتَرَقَ ٱلسَّمۡعَ فَأَتۡبَعَهُۥ شِهَابٞ مُّبِينٞ

Mid maahee xada mar wax u maqlo, markaas la raaciyo isaga holac muuqda
Surah Al-Hijr, Verse 18


وَٱلۡأَرۡضَ مَدَدۡنَٰهَا وَأَلۡقَيۡنَا فِيهَا رَوَٰسِيَ وَأَنۢبَتۡنَا فِيهَا مِن كُلِّ شَيۡءٖ مَّوۡزُونٖ

Oo dhulka - waanu fidinnay, oo waxaanu ku sugnay dhexdeeda buuro, oo sababnay inay ka soo baxaan gudaheeda wax kasta oo ku habboon
Surah Al-Hijr, Verse 19


وَجَعَلۡنَا لَكُمۡ فِيهَا مَعَٰيِشَ وَمَن لَّسۡتُمۡ لَهُۥ بِرَٰزِقِينَ

Oo Waxaan idiinka yeellay dhexdiisa asbaabta noolaanshaha idinka iyo midka kastoo aydaan idinku irsaaqin
Surah Al-Hijr, Verse 20


وَإِن مِّن شَيۡءٍ إِلَّا عِندَنَا خَزَآئِنُهُۥ وَمَا نُنَزِّلُهُۥٓ إِلَّا بِقَدَرٖ مَّعۡلُومٖ

Oo ma jiro wax aannu Annagu hayn khasnadahiisa. Oo kuma aan soo dejinno waxaan aheyn qaddar la yaqaan
Surah Al-Hijr, Verse 21


وَأَرۡسَلۡنَا ٱلرِّيَٰحَ لَوَٰقِحَ فَأَنزَلۡنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَسۡقَيۡنَٰكُمُوهُ وَمَآ أَنتُمۡ لَهُۥ بِخَٰزِنِينَ

Oo Waxaan soo dirnaa dabaylaha tallaala (daruurta) markaas baan ka soo dejinnaa biyo daruurta, oo aan idinka waraabinno,oo ma ahidin idinku kuwa kaydiya
Surah Al-Hijr, Verse 22


وَإِنَّا لَنَحۡنُ نُحۡيِۦ وَنُمِيتُ وَنَحۡنُ ٱلۡوَٰرِثُونَ

Oo hubaal waa Annaga (Allaah) Kuwa bixiya nolol, oo sababa inaad dhimataan8, oo Waa Annaga dhaxlayaasha
Surah Al-Hijr, Verse 23


وَلَقَدۡ عَلِمۡنَا ٱلۡمُسۡتَقۡدِمِينَ مِنكُمۡ وَلَقَدۡ عَلِمۡنَا ٱلۡمُسۡتَـٔۡخِرِينَ

Oo xaqiiq Waxaan ognahay kuwiinnii hore ee tegay, oo xaqiiq Waxaan ognahay kuwa dib ka iman doona
Surah Al-Hijr, Verse 24


وَإِنَّ رَبَّكَ هُوَ يَحۡشُرُهُمۡۚ إِنَّهُۥ حَكِيمٌ عَلِيمٞ

Oo hubaal Rabbigaa waa soo wada kulmin doonaa iyagoo dhan. hubaal Waa Falsame Xakiim ah, wax kasta Ogsoon
Surah Al-Hijr, Verse 25


وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ مِن صَلۡصَٰلٖ مِّنۡ حَمَإٖ مَّسۡنُونٖ

Oo xaqiiq Waxaan ka abuurnay aadmiga dhoobo shanqarta, oo madow jilicsan oo qaab leh ah
Surah Al-Hijr, Verse 26


وَٱلۡجَآنَّ خَلَقۡنَٰهُ مِن قَبۡلُ مِن نَّارِ ٱلسَّمُومِ

Oo Jinka, Waxaan ka abuurnay awal hore dab aad u kulul oo ololaya
Surah Al-Hijr, Verse 27


وَإِذۡ قَالَ رَبُّكَ لِلۡمَلَـٰٓئِكَةِ إِنِّي خَٰلِقُۢ بَشَرٗا مِّن صَلۡصَٰلٖ مِّنۡ حَمَإٖ مَّسۡنُونٖ

Oo waa tii uu Rabbigaa ku yidhi malaa’igta: Hubaal Waxaan ka abuurayaa qof (Aadam) dhoobo shanqarta oo madow jilicsan oo qaab leh ah
Surah Al-Hijr, Verse 28


فَإِذَا سَوَّيۡتُهُۥ وَنَفَخۡتُ فِيهِ مِن رُّوحِي فَقَعُواْ لَهُۥ سَٰجِدِينَ

Ee, marka aan sameeyo isagoo dhan oo aan ku afuufo ruuxayga10, ula dhaca sujuud
Surah Al-Hijr, Verse 29


فَسَجَدَ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ كُلُّهُمۡ أَجۡمَعُونَ

Markaas bay malaa’igtii sujuudeen kulligoodba iyagoo dhan
Surah Al-Hijr, Verse 30


إِلَّآ إِبۡلِيسَ أَبَىٰٓ أَن يَكُونَ مَعَ ٱلسَّـٰجِدِينَ

Ibliis11 maahee (ma yeelin): waa u diiday inuu ka mid ahaado kuwa sujuuday
Surah Al-Hijr, Verse 31


قَالَ يَـٰٓإِبۡلِيسُ مَا لَكَ أَلَّا تَكُونَ مَعَ ٱلسَّـٰجِدِينَ

Wuxuu yidhi:Ibliisoow!Maxaa kuugu wa- can inaadan ahaan la jirka kuwaa sujuuday
Surah Al-Hijr, Verse 32


قَالَ لَمۡ أَكُن لِّأَسۡجُدَ لِبَشَرٍ خَلَقۡتَهُۥ مِن صَلۡصَٰلٖ مِّنۡ حَمَإٖ مَّسۡنُونٖ

wuxuu yidhi: Anigu ma ahi mid u sujuudaya qof aad ka abuurtay dhoobo shanqarta oo madow ah jicilisan qaab leh
Surah Al-Hijr, Verse 33


قَالَ فَٱخۡرُجۡ مِنۡهَا فَإِنَّكَ رَجِيمٞ

Wuxuu yidhi: Haddaba ka bax xaggeeda, hubaal adigu waa lagu fogeeyeye
Surah Al-Hijr, Verse 34


وَإِنَّ عَلَيۡكَ ٱللَّعۡنَةَ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلدِّينِ

Oo hubaal waxaa dushaada ah Nacalad ilaa Maalinta Abaal marinta
Surah Al-Hijr, Verse 35


قَالَ رَبِّ فَأَنظِرۡنِيٓ إِلَىٰ يَوۡمِ يُبۡعَثُونَ

Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Haddaba ii sug ilaa Maalinta la soo bixin doono
Surah Al-Hijr, Verse 36


قَالَ فَإِنَّكَ مِنَ ٱلۡمُنظَرِينَ

(Alle) wuxuu yidhi:Haddaba hubaal Wa- xaad ka mid tahay kuwa la siiyo fursadda
Surah Al-Hijr, Verse 37


إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡوَقۡتِ ٱلۡمَعۡلُومِ

Ilaa Maalinta waqtiga la yaqaan leh
Surah Al-Hijr, Verse 38


قَالَ رَبِّ بِمَآ أَغۡوَيۡتَنِي لَأُزَيِّنَنَّ لَهُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَأُغۡوِيَنَّهُمۡ أَجۡمَعِينَ

Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Sida aad ii habaabisay darteed, Waxaan hubaal iyagana u qurxin doonaa jidka habowga dhulka korkiisa, oo xaqiiq waxaan habaabin doonaa iyagoo dhan
Surah Al-Hijr, Verse 39


إِلَّا عِبَادَكَ مِنۡهُمُ ٱلۡمُخۡلَصِينَ

Marka laga reebo addoomahaaga ku ji- ra ee daacadda ah kuu keli yeela cibaadada
Surah Al-Hijr, Verse 40


قَالَ هَٰذَا صِرَٰطٌ عَلَيَّ مُسۡتَقِيمٌ

Wuxuu yidhi: Kani waa Jid Toosan oo Xaggeyga ah
Surah Al-Hijr, Verse 41


إِنَّ عِبَادِي لَيۡسَ لَكَ عَلَيۡهِمۡ سُلۡطَٰنٌ إِلَّا مَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلۡغَاوِينَ

Hubaal, ma xagga addoomahayga, ku- ma lihid awood dushooda, marka laga ree- bo kuwa ku raaca ee habowsanayaasha ah
Surah Al-Hijr, Verse 42


وَإِنَّ جَهَنَّمَ لَمَوۡعِدُهُمۡ أَجۡمَعِينَ

Oo hubaal, Naarta waa halka loo ballan qaaday iyagoo dhan
Surah Al-Hijr, Verse 43


لَهَا سَبۡعَةُ أَبۡوَٰبٖ لِّكُلِّ بَابٖ مِّنۡهُمۡ جُزۡءٞ مَّقۡسُومٌ

Waxay leedahay toddoba Albaabood, albaab walbaa halkaa waxaa ahaan doonaa qayb gaar ah oo ka mid ah
Surah Al-Hijr, Verse 44


إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي جَنَّـٰتٖ وَعُيُونٍ

Hubaal kuwa iska jira (xumaha) waxay dhex ahaan doonaan Beero iyo ilo
Surah Al-Hijr, Verse 45


ٱدۡخُلُوهَا بِسَلَٰمٍ ءَامِنِينَ

Ku gala nabad idinkoo aamin ah
Surah Al-Hijr, Verse 46


وَنَزَعۡنَا مَا فِي صُدُورِهِم مِّنۡ غِلٍّ إِخۡوَٰنًا عَلَىٰ سُرُرٖ مُّتَقَٰبِلِينَ

Oo Waxaan ka soo siibi doonnaa wixii xasad ah oo ku jira laabahooda, (waxay ahaan) walaalo ku sugan sariiro boqoreed dushood is qaabilsan fool ka fool
Surah Al-Hijr, Verse 47


لَا يَمَسُّهُمۡ فِيهَا نَصَبٞ وَمَا هُم مِّنۡهَا بِمُخۡرَجِينَ

Kuma taaban doono gudaheeda daal, lagamana soo saari doono
Surah Al-Hijr, Verse 48


۞نَبِّئۡ عِبَادِيٓ أَنِّيٓ أَنَا ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ

Ogeysii addoomahayga inaan Anigu ahay Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan
Surah Al-Hijr, Verse 49


وَأَنَّ عَذَابِي هُوَ ٱلۡعَذَابُ ٱلۡأَلِيمُ

Iyo in Cadaabkaygu, kaasi weeye cadaabka xanuunka badan
Surah Al-Hijr, Verse 50


وَنَبِّئۡهُمۡ عَن ضَيۡفِ إِبۡرَٰهِيمَ

Oo u sheeg arrinka martidii Ibraahiim
Surah Al-Hijr, Verse 51


إِذۡ دَخَلُواْ عَلَيۡهِ فَقَالُواْ سَلَٰمٗا قَالَ إِنَّا مِنكُمۡ وَجِلُونَ

Markay u soo galeen, waxay yidhaadeen: Nabad ahaada. Wuxuu yidhi: hubaal innagu cabsi ayaa idinka qabnaa
Surah Al-Hijr, Verse 52


قَالُواْ لَا تَوۡجَلۡ إِنَّا نُبَشِّرُكَ بِغُلَٰمٍ عَلِيمٖ

Waxay yidhaahdeen: Ha cabsan. Hubaal waxaan kuugu bishaareyneynaa wiil aqoon leh (dhalashada Isxaaq)
Surah Al-Hijr, Verse 53


قَالَ أَبَشَّرۡتُمُونِي عَلَىٰٓ أَن مَّسَّنِيَ ٱلۡكِبَرُ فَبِمَ تُبَشِّرُونَ

Wuxuu yidhi: Ma waxaad iigu bishaareyneysaan (wiil) anigoo ay i soo taabatay da' weyni? Haddaba maxaad iigu bishaarayneysaan
Surah Al-Hijr, Verse 54


قَالُواْ بَشَّرۡنَٰكَ بِٱلۡحَقِّ فَلَا تَكُن مِّنَ ٱلۡقَٰنِطِينَ

Waxay yidhaahdeen: Waxaan kuugu bishaaraynaynaa wax run ah. Ee ha ka mid noqon kuwa quusta
Surah Al-Hijr, Verse 55


قَالَ وَمَن يَقۡنَطُ مِن رَّحۡمَةِ رَبِّهِۦٓ إِلَّا ٱلضَّآلُّونَ

Wuxuu yidhi: Oo yaa ka quusta Naxariista Rabbigii aan ahayn kuwa lunsan
Surah Al-Hijr, Verse 56


قَالَ فَمَا خَطۡبُكُمۡ أَيُّهَا ٱلۡمُرۡسَلُونَ

Wuxuu yidhi: Waa maxay howsha aad u socotaan haddaba, kuwaan la soo dirayow
Surah Al-Hijr, Verse 57


قَالُوٓاْ إِنَّآ أُرۡسِلۡنَآ إِلَىٰ قَوۡمٖ مُّجۡرِمِينَ

Waxay yidhaahdeen: Hubaal waxaa naloo soo diray qolo dambiilayaal ah
Surah Al-Hijr, Verse 58


إِلَّآ ءَالَ لُوطٍ إِنَّا لَمُنَجُّوهُمۡ أَجۡمَعِينَ

Reer Luud ma’ahee. Hubaal waanu badbaadin doonnaa xaqiiq iyagoo dhan
Surah Al-Hijr, Verse 59


إِلَّا ٱمۡرَأَتَهُۥ قَدَّرۡنَآ إِنَّهَا لَمِنَ ٱلۡغَٰبِرِينَ

Marwadiisa ma’ahee, waxaan qaddarnay inay hubaal ka mid ahaato kuwa ku haraya gadaal (ee la cadaabi)
Surah Al-Hijr, Verse 60


فَلَمَّا جَآءَ ءَالَ لُوطٍ ٱلۡمُرۡسَلُونَ

Markay Rusushii la soo diray u yimaadeen reer Luud
Surah Al-Hijr, Verse 61


قَالَ إِنَّكُمۡ قَوۡمٞ مُّنكَرُونَ

Wuxuu yidhi: Hubaal waxaad idinku tihiin qolo aan la garanayn
Surah Al-Hijr, Verse 62


قَالُواْ بَلۡ جِئۡنَٰكَ بِمَا كَانُواْ فِيهِ يَمۡتَرُونَ

Waxay yidhaahdeen: Mayee, waxaanu kuula nimid waxa ay ka doodayeen
Surah Al-Hijr, Verse 63


وَأَتَيۡنَٰكَ بِٱلۡحَقِّ وَإِنَّا لَصَٰدِقُونَ

Oo waxaan kuula nimid Xaq oo hubaal waxaanu nahay xaqiiq run sheegayaal
Surah Al-Hijr, Verse 64


فَأَسۡرِ بِأَهۡلِكَ بِقِطۡعٖ مِّنَ ٱلَّيۡلِ وَٱتَّبِعۡ أَدۡبَٰرَهُمۡ وَلَا يَلۡتَفِتۡ مِنكُمۡ أَحَدٞ وَٱمۡضُواْ حَيۡثُ تُؤۡمَرُونَ

Ee la guuree ehelkaaga qayb ka mid ah habeenka, oo adigu daba soco oo ka dambee, oo yaanu midkiinna dib soo jalleecin oo aada halka la idin ku amray
Surah Al-Hijr, Verse 65


وَقَضَيۡنَآ إِلَيۡهِ ذَٰلِكَ ٱلۡأَمۡرَ أَنَّ دَابِرَ هَـٰٓؤُلَآءِ مَقۡطُوعٞ مُّصۡبِحِينَ

Oo Waxaanu u waxyoonnay arrinkan ah in cidhibta kuwaas la goyn subaxa horeba
Surah Al-Hijr, Verse 66


وَجَآءَ أَهۡلُ ٱلۡمَدِينَةِ يَسۡتَبۡشِرُونَ

Oo dadkii magaaladu waxay yimaadeen iyagoo aad u faraxsan
Surah Al-Hijr, Verse 67


قَالَ إِنَّ هَـٰٓؤُلَآءِ ضَيۡفِي فَلَا تَفۡضَحُونِ

Wuxuu yidhi: Hubaal kuwakanu waa martidaydii ee ha igu fadayxeynina
Surah Al-Hijr, Verse 68


وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَلَا تُخۡزُونِ

Oo Alle ka cabsada oo ha i ceebeynina
Surah Al-Hijr, Verse 69


قَالُوٓاْ أَوَلَمۡ نَنۡهَكَ عَنِ ٱلۡعَٰلَمِينَ

Waxay yidhaahdeen: Oo miyaanaan kaa reebin inaad (nagala hadasho) dadka kale
Surah Al-Hijr, Verse 70


قَالَ هَـٰٓؤُلَآءِ بَنَاتِيٓ إِن كُنتُمۡ فَٰعِلِينَ

Wuxuu yidhi: Kuwaanu waa gabdhahaygii16, haddii aad yeeleysaan (inaad guursataan)
Surah Al-Hijr, Verse 71


لَعَمۡرُكَ إِنَّهُمۡ لَفِي سَكۡرَتِهِمۡ يَعۡمَهُونَ

Waa igu Cimrigaaga'e, waxay indho la’- aan ku heehabayeen sakhraansanidoodii
Surah Al-Hijr, Verse 72


فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّيۡحَةُ مُشۡرِقِينَ

Markaas baa qeylo weyn (qarax) qabtay qorrax soo bixiiba
Surah Al-Hijr, Verse 73


فَجَعَلۡنَا عَٰلِيَهَا سَافِلَهَا وَأَمۡطَرۡنَا عَلَيۡهِمۡ حِجَارَةٗ مِّن سِجِّيلٍ

Oo Waxaan u gambinnay korkoodii hoos oo roob kaga dhignay dushooda dhagaxyo dab naar ah
Surah Al-Hijr, Verse 74


إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّلۡمُتَوَسِّمِينَ

Hubaal, arrinkani waxaa xaqiiq ugu sugan calaamooyin kuwa wax ka fiirsada
Surah Al-Hijr, Verse 75


وَإِنَّهَا لَبِسَبِيلٖ مُّقِيمٍ

Oo hubaal Waxay ku taal (magaaladaasi)18 waddo weli la deggan yahay
Surah Al-Hijr, Verse 76


إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّلۡمُؤۡمِنِينَ

Hubaal arrinkani waxaa xaqiiq ugu sugan calaamooyin mu’miniinta
Surah Al-Hijr, Verse 77


وَإِن كَانَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡأَيۡكَةِ لَظَٰلِمِينَ

Oo dadkii degganaa hawdka19 waxay sidoo kale xaqiiq ahaayeen gar ma qaatayaal
Surah Al-Hijr, Verse 78


فَٱنتَقَمۡنَا مِنۡهُمۡ وَإِنَّهُمَا لَبِإِمَامٖ مُّبِينٖ

Markaas baan ka aargudannay. Oo waxay labaduba20 xaqiiq ku yaallaan waddo cad (oo weli) la maro
Surah Al-Hijr, Verse 79


وَلَقَدۡ كَذَّبَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡحِجۡرِ ٱلۡمُرۡسَلِينَ

Oo dadkii degganaa dhadhaabka waxay dhab ahaan beeniyeen Rususha
Surah Al-Hijr, Verse 80


وَءَاتَيۡنَٰهُمۡ ءَايَٰتِنَا فَكَانُواْ عَنۡهَا مُعۡرِضِينَ

Oo waxaanu siinnay Aayadahayagii, wayse ka jeesadeen xaggooda
Surah Al-Hijr, Verse 81


وَكَانُواْ يَنۡحِتُونَ مِنَ ٱلۡجِبَالِ بُيُوتًا ءَامِنِينَ

Oo waxay ka qorteen buuraha guryo iyago aamin ah
Surah Al-Hijr, Verse 82


فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّيۡحَةُ مُصۡبِحِينَ

Markaas baa waxaa qabaty qeylo (qarax) weyn waaberkiiba
Surah Al-Hijr, Verse 83


فَمَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ

Oo waxba uma tarin waxay kasbadeen
Surah Al-Hijr, Verse 84


وَمَا خَلَقۡنَا ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَآ إِلَّا بِٱلۡحَقِّۗ وَإِنَّ ٱلسَّاعَةَ لَأٓتِيَةٞۖ فَٱصۡفَحِ ٱلصَّفۡحَ ٱلۡجَمِيلَ

Oo uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan aheyn Xaq, Oo hubaal Saacaddu xaqiiq waa imanaysaa, ee isaga jeeso adigoo saamaxaya gefefkooda saamixid qurxoon
Surah Al-Hijr, Verse 85


إِنَّ رَبَّكَ هُوَ ٱلۡخَلَّـٰقُ ٱلۡعَلِيمُ

Hubaal Rabbigaa waa Abuuraha wax kasta ee jira, wax waliba ogsoon
Surah Al-Hijr, Verse 86


وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَٰكَ سَبۡعٗا مِّنَ ٱلۡمَثَانِي وَٱلۡقُرۡءَانَ ٱلۡعَظِيمَ

Oo dhab ahaan Waxaanu ku siinnay toddobo (Aayadood ee) lagu soo celceliyo (Faatixada) iyo Qur’aanka Weyn
Surah Al-Hijr, Verse 87


لَا تَمُدَّنَّ عَيۡنَيۡكَ إِلَىٰ مَا مَتَّعۡنَا بِهِۦٓ أَزۡوَٰجٗا مِّنۡهُمۡ وَلَا تَحۡزَنۡ عَلَيۡهِمۡ وَٱخۡفِضۡ جَنَاحَكَ لِلۡمُؤۡمِنِينَ

Ha u taagin indhahaaga waxa aanu siinnay qaybo ka mid ah iyaga inay ku raaxeystaan oo ha u murugoon, oo ahow mid u nugul oo soo dhoweeya mu’miniinta
Surah Al-Hijr, Verse 88


وَقُلۡ إِنِّيٓ أَنَا ٱلنَّذِيرُ ٱلۡمُبِينُ

Oo dheh: Hubaaal anigu waxaan uun idiin ahay digaha cad
Surah Al-Hijr, Verse 89


كَمَآ أَنزَلۡنَا عَلَى ٱلۡمُقۡتَسِمِينَ

Sida aan ugu soo dejinnayba kala qaybiyaashii (Yuhuudda iyo Nasaarada)
Surah Al-Hijr, Verse 90


ٱلَّذِينَ جَعَلُواْ ٱلۡقُرۡءَانَ عِضِينَ

Kuwaas ka dhigay Qur’aanka qaybo
Surah Al-Hijr, Verse 91


فَوَرَبِّكَ لَنَسۡـَٔلَنَّهُمۡ أَجۡمَعِينَ

Haddaba waa igu Rabbigaa hubaal waanu weydiin doonnaa dhammaantood
Surah Al-Hijr, Verse 92


عَمَّا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ

Xagga waxa ay faleen
Surah Al-Hijr, Verse 93


فَٱصۡدَعۡ بِمَا تُؤۡمَرُ وَأَعۡرِضۡ عَنِ ٱلۡمُشۡرِكِينَ

Ee daaha ka qaad wax lagugu amray22, oo iskaga jeeso Mushrikiinta
Surah Al-Hijr, Verse 94


إِنَّا كَفَيۡنَٰكَ ٱلۡمُسۡتَهۡزِءِينَ

Hubaal Annaga baa kaaga filnaan doonna jees-jeesayaasha
Surah Al-Hijr, Verse 95


ٱلَّذِينَ يَجۡعَلُونَ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَۚ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ

Kuwa u yeela ilaah kale la jirka Allaah, durbase way ogaan doonaan
Surah Al-Hijr, Verse 96


وَلَقَدۡ نَعۡلَمُ أَنَّكَ يَضِيقُ صَدۡرُكَ بِمَا يَقُولُونَ

Oo dhab ahaan Waxaan ognahay inay ka ciriiryoonto laabtaadu waxa ay yidhaahdaan
Surah Al-Hijr, Verse 97


فَسَبِّحۡ بِحَمۡدِ رَبِّكَ وَكُن مِّنَ ٱلسَّـٰجِدِينَ

Ee ku tasbiixso ammaanaha Rabbigaa oo ka mid ahow kuwa u sujuuda
Surah Al-Hijr, Verse 98


وَٱعۡبُدۡ رَبَّكَ حَتَّىٰ يَأۡتِيَكَ ٱلۡيَقِينُ

Oo caabud Rabbigaa ilaa uu kuu yimaado kaasi la hubo (mowdka)
Surah Al-Hijr, Verse 99


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 14
>> Surah 16

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai