Surah An-Nahl - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
أَتَىٰٓ أَمۡرُ ٱللَّهِ فَلَا تَسۡتَعۡجِلُوهُۚ سُبۡحَٰنَهُۥ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشۡرِكُونَ
Amarka Ilaahay waa imane ee waxba ha doonina in la idiin soo dedejiyo. Xurmoo oo dhan Isagaa baa iska leh, oo waa ka Sarreeya1 waxa ay wax la wadaajiyaan
Surah An-Nahl, Verse 1
يُنَزِّلُ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةَ بِٱلرُّوحِ مِنۡ أَمۡرِهِۦ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦٓ أَنۡ أَنذِرُوٓاْ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّآ أَنَا۠ فَٱتَّقُونِ
Wuxuu la soo diraa malaa’igta Waxyi Amarkiisa ah (oo uu ku soo dejiyo) cidduu doono oo addoomahiisa ka mid ah (Isagoo leh):Bixi digniinta inuusan jirin ilaah (xaq lagu caabudo) aan ahayn Aniga (Allaah) ee dhowra xilka aan idin saaray
Surah An-Nahl, Verse 2
خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ بِٱلۡحَقِّۚ تَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشۡرِكُونَ
(Alle) wuxuu ku abuuray samooyinka iyo arlada Xaq. Waa ka Sarreeyaa oo ka Kor yahay shariig ama dhig loo yeelo
Surah An-Nahl, Verse 3
خَلَقَ ٱلۡإِنسَٰنَ مِن نُّطۡفَةٖ فَإِذَا هُوَ خَصِيمٞ مُّبِينٞ
Wuxuu ka abuuray aadmiga mino nool, mise, waa dood badane col cad ah
Surah An-Nahl, Verse 4
وَٱلۡأَنۡعَٰمَ خَلَقَهَاۖ لَكُمۡ فِيهَا دِفۡءٞ وَمَنَٰفِعُ وَمِنۡهَا تَأۡكُلُونَ
Oo wuxuu idiin abuuray xoolaha; waxaa idiinku sugan dhar dugaal leh iyo manaafacaad badan oo kale3, oo iyaga ayaad wax ka cuntaan
Surah An-Nahl, Verse 5
وَلَكُمۡ فِيهَا جَمَالٌ حِينَ تُرِيحُونَ وَحِينَ تَسۡرَحُونَ
Oo waxaa idiinku sugan qurux marka aad u soo celinaysaan galabnimada (guriga) iyo marka aad u foofinaysaan daaqa subaxa
Surah An-Nahl, Verse 6
وَتَحۡمِلُ أَثۡقَالَكُمۡ إِلَىٰ بَلَدٖ لَّمۡ تَكُونُواْ بَٰلِغِيهِ إِلَّا بِشِقِّ ٱلۡأَنفُسِۚ إِنَّ رَبَّكُمۡ لَرَءُوفٞ رَّحِيمٞ
Oo waxaad ugu rarataan culeysyadiinna xagga gobollo aydaan gaari karteen nafahoo dhibtooda ma’ahee. hubaal Rabbigiin xaqiiq waa Turid Badane, Naxariis Badan
Surah An-Nahl, Verse 7
وَٱلۡخَيۡلَ وَٱلۡبِغَالَ وَٱلۡحَمِيرَ لِتَرۡكَبُوهَا وَزِينَةٗۚ وَيَخۡلُقُ مَا لَا تَعۡلَمُونَ
(Oo Wuxuu idiin abuuray) Fardo, baqallo iyo dameerro inaad fuushaan iyo qurux ahaanba. Oo Wuxuu abuuri wax aydaan ogeyn
Surah An-Nahl, Verse 8
وَعَلَى ٱللَّهِ قَصۡدُ ٱلسَّبِيلِ وَمِنۡهَا جَآئِرٞۚ وَلَوۡ شَآءَ لَهَدَىٰكُمۡ أَجۡمَعِينَ
Oo Allaah bay saaran tahay xilka inuu caadeeyo Jidka Toosan, oo waxaa jira (jidad) qallooc ah. Oo haddii uu doono hubaal waa uu idin wada hanuuin lahaa dhammaantiin
Surah An-Nahl, Verse 9
هُوَ ٱلَّذِيٓ أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗۖ لَّكُم مِّنۡهُ شَرَابٞ وَمِنۡهُ شَجَرٞ فِيهِ تُسِيمُونَ
Waa Isaga Kan idiinka soo dejiya biyo daruurta, waxaad ka heshaan cabbitaan, biyahaasoo (soo saara) geedaha aad daaqsataan (xoolaha)
Surah An-Nahl, Verse 10
يُنۢبِتُ لَكُم بِهِ ٱلزَّرۡعَ وَٱلزَّيۡتُونَ وَٱلنَّخِيلَ وَٱلۡأَعۡنَٰبَ وَمِن كُلِّ ٱلثَّمَرَٰتِۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّقَوۡمٖ يَتَفَكَّرُونَ
Wuxuu sababaa inuu idiinku soo bixiyo sarac, saytuun, geedaha timirta, canabyo iyo nooc walba oo miraha ah. Hubaal arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin qolo fekerta
Surah An-Nahl, Verse 11
وَسَخَّرَ لَكُمُ ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّهَارَ وَٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَۖ وَٱلنُّجُومُ مُسَخَّرَٰتُۢ بِأَمۡرِهِۦٓۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَعۡقِلُونَ
Oo Wuxuu idiin sakhiray habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa; xiddigu- huna waxay ku sakhiran yihiin Amarkiisa. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan xaqiiq calaamooyin qolo garaad leh
Surah An-Nahl, Verse 12
وَمَا ذَرَأَ لَكُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ مُخۡتَلِفًا أَلۡوَٰنُهُۥٓۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّقَوۡمٖ يَذَّكَّرُونَ
Iyo waxa uu idiinku abuuray dhulka korkiisa oo midabbo kala duwan leh. Hubaal arrinkani waxaa ugu sugan xaqiiq calaamo qolo maan leh oo waantoobaysa
Surah An-Nahl, Verse 13
وَهُوَ ٱلَّذِي سَخَّرَ ٱلۡبَحۡرَ لِتَأۡكُلُواْ مِنۡهُ لَحۡمٗا طَرِيّٗا وَتَسۡتَخۡرِجُواْ مِنۡهُ حِلۡيَةٗ تَلۡبَسُونَهَاۖ وَتَرَى ٱلۡفُلۡكَ مَوَاخِرَ فِيهِ وَلِتَبۡتَغُواْ مِن فَضۡلِهِۦ وَلَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ
Oo Waa Isaga Kan idiin sakhiray badda si aad uga cuntaan hilib cusub iyo inaad kala soo baxdaan qurux aad xidhataan. Oo waxaad aragtaa doonyaha oo dhex maaxaya badda gudaheeda, (oo waa idiin layliyey) si aad ugu raadsataan (sidaa) wax ka mid ah Deeqdiisa, oo waa intaasoo aad mahad naqdaan
Surah An-Nahl, Verse 14
وَأَلۡقَىٰ فِي ٱلۡأَرۡضِ رَوَٰسِيَ أَن تَمِيدَ بِكُمۡ وَأَنۡهَٰرٗا وَسُبُلٗا لَّعَلَّكُمۡ تَهۡتَدُونَ
Oo Wuxuu ku riday si sugan buuro waaweyn dhulka, si uusan idiinla iilan oo (wuxuu yeelay) webiyaal iyo waddooyin si aad ugu hagaagtaan
Surah An-Nahl, Verse 15
وَعَلَٰمَٰتٖۚ وَبِٱلنَّجۡمِ هُمۡ يَهۡتَدُونَ
Iyo calaamooyin dhulka lagu garto, oo xiddigaha bay ku helaan dhabbaha toosan
Surah An-Nahl, Verse 16
أَفَمَن يَخۡلُقُ كَمَن لَّا يَخۡلُقُۚ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ
Ma mid haddaba wax abuura baa la mid ah mid aan wax abuurin? Ma waydaan maan lahayn oo waansameyn
Surah An-Nahl, Verse 17
وَإِن تَعُدُّواْ نِعۡمَةَ ٱللَّهِ لَا تُحۡصُوهَآۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَغَفُورٞ رَّحِيمٞ
Oo haddii aad tirisaan Nicmooyinka Ilaahay, ma kari doontaan inaad tira koobtaan. Hubaal Allaah xaqiiq waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah An-Nahl, Verse 18
وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ مَا تُسِرُّونَ وَمَا تُعۡلِنُونَ
Oo Allaah wuxuu Og yahay waxa aad qarisaan iyo waxa aad muujisaanba
Surah An-Nahl, Verse 19
وَٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ لَا يَخۡلُقُونَ شَيۡـٔٗا وَهُمۡ يُخۡلَقُونَ
Oo kuwa ay baryaan Allaah sokadi waxba ma ay abuurin, ee se iyaga baa naf ahaantooda la abuuray
Surah An-Nahl, Verse 20
أَمۡوَٰتٌ غَيۡرُ أَحۡيَآءٖۖ وَمَا يَشۡعُرُونَ أَيَّانَ يُبۡعَثُونَ
(Waa) mayti aan nolol ku jirin, oo maba oga goorta la soo bixin doono
Surah An-Nahl, Verse 21
إِلَٰهُكُمۡ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞۚ فَٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ قُلُوبُهُم مُّنكِرَةٞ وَهُم مُّسۡتَكۡبِرُونَ
Ilaahiinnu waa Ilaah Mid Keliya ah. Kuwase aan rumeysneyn Aakhirada, quluubtoodu way diidaan (Towxiidka), oo iyagu wayba isla weyn yihiin
Surah An-Nahl, Verse 22
لَا جَرَمَ أَنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعۡلِنُونَۚ إِنَّهُۥ لَا يُحِبُّ ٱلۡمُسۡتَكۡبِرِينَ
Shaki ma leh, in Allaah Ogsoon yahay waxa ay qarsadaan iyo waxa ay muujiyaanba. hubaal Allaah ma jecla kuwa isla weynayaasha ah
Surah An-Nahl, Verse 23
وَإِذَا قِيلَ لَهُم مَّاذَآ أَنزَلَ رَبُّكُمۡ قَالُوٓاْ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ
Oo marka lagu yidhaahdo: Waa maxay waxa uu soo dejiyey Rabbigiin? Waxay yidhaadaan: sheekooyinka kuwii hore
Surah An-Nahl, Verse 24
لِيَحۡمِلُوٓاْ أَوۡزَارَهُمۡ كَامِلَةٗ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ وَمِنۡ أَوۡزَارِ ٱلَّذِينَ يُضِلُّونَهُم بِغَيۡرِ عِلۡمٍۗ أَلَا سَآءَ مَا يَزِرُونَ
Si ay u xambaartaan culeysyadooda oo dhan Maalinta Qiyaamaha, iyo waliba culeysyada kuwaa ay ku lumiyaan aqoon darro. Haddaba hubaal wax xun waa waxa ay xambaartaan
Surah An-Nahl, Verse 25
قَدۡ مَكَرَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ فَأَتَى ٱللَّهُ بُنۡيَٰنَهُم مِّنَ ٱلۡقَوَاعِدِ فَخَرَّ عَلَيۡهِمُ ٱلسَّقۡفُ مِن فَوۡقِهِمۡ وَأَتَىٰهُمُ ٱلۡعَذَابُ مِنۡ حَيۡثُ لَا يَشۡعُرُونَ
Waxaa dhab ahaan tab degay4 kuwii iyaga ka horreeyey, Wuxuuse Allaah uga yimid dhismayaashoodii xagga aasaasyada, markaas buu saqafkii ku soo dumay iyaga korkooda, oo cadaabku wuxuu uga yimid meel aysan ka fileyn
Surah An-Nahl, Verse 26
ثُمَّ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ يُخۡزِيهِمۡ وَيَقُولُ أَيۡنَ شُرَكَآءِيَ ٱلَّذِينَ كُنتُمۡ تُشَـٰٓقُّونَ فِيهِمۡۚ قَالَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَ إِنَّ ٱلۡخِزۡيَ ٱلۡيَوۡمَ وَٱلسُّوٓءَ عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ
Haddana Maalinta Qiyaamaha wuu dullayn doonaa5, oo wuxuu odhan doonaa: Meeye shurakadii aad ila wadaajiseen ee aad iyaga awgood u noqoteen col? Kuwa cilmiga la siiyey waxay odhan doonaan: Dulli iyo dar xumo waxay maanta haysataa gaalada
Surah An-Nahl, Verse 27
ٱلَّذِينَ تَتَوَفَّىٰهُمُ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ ظَالِمِيٓ أَنفُسِهِمۡۖ فَأَلۡقَوُاْ ٱلسَّلَمَ مَا كُنَّا نَعۡمَلُ مِن سُوٓءِۭۚ بَلَىٰٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمُۢ بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
Kuwa ay malaa’igtu sababaan6 inay dhintaan iyagoo ku gardarroonaya nafahooda. Markaas bay muujiyaan hoggaansamid (iyagoo leh): Ma ba aanu fali jirin wax xume ah. Mayee, hubaal Allaah baa ogsoon waxa aad fasheen
Surah An-Nahl, Verse 28
فَٱدۡخُلُوٓاْ أَبۡوَٰبَ جَهَنَّمَ خَٰلِدِينَ فِيهَاۖ فَلَبِئۡسَ مَثۡوَى ٱلۡمُتَكَبِّرِينَ
Ee gala albaabbada Naarta idinkoo ku waaraya dhexdeeda. meel baas oo belo ah waa hoyga isla weynayaasha
Surah An-Nahl, Verse 29
۞وَقِيلَ لِلَّذِينَ ٱتَّقَوۡاْ مَاذَآ أَنزَلَ رَبُّكُمۡۚ قَالُواْ خَيۡرٗاۗ لِّلَّذِينَ أَحۡسَنُواْ فِي هَٰذِهِ ٱلدُّنۡيَا حَسَنَةٞۚ وَلَدَارُ ٱلۡأٓخِرَةِ خَيۡرٞۚ وَلَنِعۡمَ دَارُ ٱلۡمُتَّقِينَ
Oo waxaa lagu yidhaahdaa kuwaa iska jira (xumaha): Waa maxay waxa uu Rabbigiin soo dejiyey? Waxay yidhaahdaan: Khayr. Waxay leeyihiin kuwa sama ku fala adduunyadan samaan, oo xaqiiq Daarta Aakhira baa u khayr badan. Oo xaqiiq waxaa barwaaqo iyo baraare ah Daarta kuwa iska jira (xumaha)
Surah An-Nahl, Verse 30
جَنَّـٰتُ عَدۡنٖ يَدۡخُلُونَهَا تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۖ لَهُمۡ فِيهَا مَا يَشَآءُونَۚ كَذَٰلِكَ يَجۡزِي ٱللَّهُ ٱلۡمُتَّقِينَ
Beeraha negaadiga, ay geli doonaan, ay hoostoodu webiyo qulqulaan, waxay ku heli doonaan gudaheeda waxay doonaan. Sidaas buu Allaah ku abaal mariyaa kuwa iska jira ( xumaha)
Surah An-Nahl, Verse 31
ٱلَّذِينَ تَتَوَفَّىٰهُمُ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ طَيِّبِينَ يَقُولُونَ سَلَٰمٌ عَلَيۡكُمُ ٱدۡخُلُواْ ٱلۡجَنَّةَ بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
Kuwa ay malaa’igtu sababaan inay dhintaan iyagoo ku sugan xaalad wanaagsan iyagoo leh: Nabad korkiinna ha ahaato: Gala Jannada waxaad (samo) fasheen darteed
Surah An-Nahl, Verse 32
هَلۡ يَنظُرُونَ إِلَّآ أَن تَأۡتِيَهُمُ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ أَوۡ يَأۡتِيَ أَمۡرُ رَبِّكَۚ كَذَٰلِكَ فَعَلَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ وَمَا ظَلَمَهُمُ ٱللَّهُ وَلَٰكِن كَانُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ يَظۡلِمُونَ
Ma sugayaan waxaan ahayn inay malaa’igtu u timaaddo ama Amarka Rabbigaa7 u yimaado inuu fulo? Sidaas oo kale bay faleen kuwii ka horreeyey. Oo Allaah ma ku gardarroonin, laakiinse iyaga baa nafahooda ku gardarrooday
Surah An-Nahl, Verse 33
فَأَصَابَهُمۡ سَيِّـَٔاتُ مَا عَمِلُواْ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
Markaas (abaalka) xumihii ay faleen baa ku dhici doona, oo waxaa hareereyn doona waxay ku jeesjeesayeen
Surah An-Nahl, Verse 34
وَقَالَ ٱلَّذِينَ أَشۡرَكُواْ لَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ مَا عَبَدۡنَا مِن دُونِهِۦ مِن شَيۡءٖ نَّحۡنُ وَلَآ ءَابَآؤُنَا وَلَا حَرَّمۡنَا مِن دُونِهِۦ مِن شَيۡءٖۚ كَذَٰلِكَ فَعَلَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ فَهَلۡ عَلَى ٱلرُّسُلِ إِلَّا ٱلۡبَلَٰغُ ٱلۡمُبِينُ
Oo iyaga kuwa u yeela shurukada Allaah waxay yidhaahdaan: Haddii uu Allaah doono ma aan caabudneen waxba Sokadi innaga iyo aabbayaashayo midna, oo ma xaaraamayneen waxbana (Amarkiisa) la’aanti. Sidaas oo kale bay faleen kuwii ka horreeyey: Ee Rususha ma waxaa la saaray wax kale aan aheyn gaarsiin cad (ee Risaalada)
Surah An-Nahl, Verse 35
وَلَقَدۡ بَعَثۡنَا فِي كُلِّ أُمَّةٖ رَّسُولًا أَنِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ وَٱجۡتَنِبُواْ ٱلطَّـٰغُوتَۖ فَمِنۡهُم مَّنۡ هَدَى ٱللَّهُ وَمِنۡهُم مَّنۡ حَقَّتۡ عَلَيۡهِ ٱلضَّلَٰلَةُۚ فَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَٱنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُكَذِّبِينَ
Oo dhab ahaan Waxaan ka soo bixinnay ummad walba Rasuul (leh): Caabuda Allaah, oo ka dheeraada Shaydaanka. Markaa baa waxaa ka mid noqday qaar Allaah hanuuniyey, oo waxaa ka mid noqday qaar habowga ku waajibay. Ee socda dhulka markaa fiiriya sida ay aheyd cidhibta beeniyayaasha
Surah An-Nahl, Verse 36
إِن تَحۡرِصۡ عَلَىٰ هُدَىٰهُمۡ فَإِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهۡدِي مَن يُضِلُّۖ وَمَا لَهُم مِّن نَّـٰصِرِينَ
Haddii aad ku dadaashid hanuunkooda, haddaba hubaal Allaah ma hanuuniyo cid uu lumiyo8, mana heli doonaan wax u soo gargaara
Surah An-Nahl, Verse 37
وَأَقۡسَمُواْ بِٱللَّهِ جَهۡدَ أَيۡمَٰنِهِمۡ لَا يَبۡعَثُ ٱللَّهُ مَن يَمُوتُۚ بَلَىٰ وَعۡدًا عَلَيۡهِ حَقّٗا وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ
Oo waxay ku dhartaan Allaah dhaarahooda kuwa ugu culus: Allaah ma soo bixin doono mid isagu dhinta. balse, (haayoo), _waa ballan saaran oo Xaq ah, laakiinse dadka badankiisu ma oga
Surah An-Nahl, Verse 38
لِيُبَيِّنَ لَهُمُ ٱلَّذِي يَخۡتَلِفُونَ فِيهِ وَلِيَعۡلَمَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَنَّهُمۡ كَانُواْ كَٰذِبِينَ
(Waa) si uu ugu caddeeyo (abbaarta) waxa ay isku khilaafsan yihiin, oo markaa kuwa (Xaqa) rumeysan waayayey u ogaadaan inay ahaayeen beenaalayaal
Surah An-Nahl, Verse 39
إِنَّمَا قَوۡلُنَا لِشَيۡءٍ إِذَآ أَرَدۡنَٰهُ أَن نَّقُولَ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ
Sideedaba Qowlkayagu marka aan wax doonno waa oo Keliya inaan ku nidhaahno: "Ahaw” oo Waaba uu yahay
Surah An-Nahl, Verse 40
وَٱلَّذِينَ هَاجَرُواْ فِي ٱللَّهِ مِنۢ بَعۡدِ مَا ظُلِمُواْ لَنُبَوِّئَنَّهُمۡ فِي ٱلدُّنۡيَا حَسَنَةٗۖ وَلَأَجۡرُ ٱلۡأٓخِرَةِ أَكۡبَرُۚ لَوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ
Oo kuwa u soo haajira Ilaahay Darti, kaddib markii la caddibay, Waxaan hubaal ku siin doonnaa meeqaan wanaagsan adduunka, oo abaal gudka Aakhiro baa xaqiiq ka sii weyn, haddii ay ogaan lahaayeen
Surah An-Nahl, Verse 41
ٱلَّذِينَ صَبَرُواْ وَعَلَىٰ رَبِّهِمۡ يَتَوَكَّلُونَ
Kuwa samir yeesha oo Rabbigood isku halleeya ee ku kalsoon
Surah An-Nahl, Verse 42
وَمَآ أَرۡسَلۡنَا مِن قَبۡلِكَ إِلَّا رِجَالٗا نُّوحِيٓ إِلَيۡهِمۡۖ فَسۡـَٔلُوٓاْ أَهۡلَ ٱلذِّكۡرِ إِن كُنتُمۡ لَا تَعۡلَمُونَ
Oo ma aanu soo dirin adiga hortaa (Nabi Muxammadow) waxaan ahayn rag aan u waxyoonno. Ee weydiiya ehlu kitaabka, haddii aydaan ogeyn
Surah An-Nahl, Verse 43
بِٱلۡبَيِّنَٰتِ وَٱلزُّبُرِۗ وَأَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ ٱلذِّكۡرَ لِتُبَيِّنَ لِلنَّاسِ مَا نُزِّلَ إِلَيۡهِمۡ وَلَعَلَّهُمۡ يَتَفَكَّرُونَ
Xujooyin cad iyo Kutub (baan la soo dirnay Rususha). Oo Waxaan kugu soo dejinnay Waanada (Qur’aanka), si aad ugu caddaysid dadka waxa loo soo dejiyey, bal inay u fiiro yeeshaan oo ay wax ku qaataan
Surah An-Nahl, Verse 44
أَفَأَمِنَ ٱلَّذِينَ مَكَرُواْ ٱلسَّيِّـَٔاتِ أَن يَخۡسِفَ ٱللَّهُ بِهِمُ ٱلۡأَرۡضَ أَوۡ يَأۡتِيَهُمُ ٱلۡعَذَابُ مِنۡ حَيۡثُ لَا يَشۡعُرُونَ
Ma waxay haddaba kuwa qoola xumaha dareemaan aamin inuusan Allaah sababi doonin inuu dhulka la go’o oo liqo, ama inuu cadaabka ka qaban doonin meel aanay ka fileyn
Surah An-Nahl, Verse 45
أَوۡ يَأۡخُذَهُمۡ فِي تَقَلُّبِهِمۡ فَمَا هُم بِمُعۡجِزِينَ
Ama inuusan qaban doonin iyagoo ku jira safarradooda, markaas ma baxsan doonaan
Surah An-Nahl, Verse 46
أَوۡ يَأۡخُذَهُمۡ عَلَىٰ تَخَوُّفٖ فَإِنَّ رَبَّكُمۡ لَرَءُوفٞ رَّحِيمٌ
Ama inuusan ku qaban dooin nuqsaamin iyo cabsi isa soo tarta. hubaal Rabbiggiin waa Turid Badane, Naxariis Badan
Surah An-Nahl, Verse 47
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ إِلَىٰ مَا خَلَقَ ٱللَّهُ مِن شَيۡءٖ يَتَفَيَّؤُاْ ظِلَٰلُهُۥ عَنِ ٱلۡيَمِينِ وَٱلشَّمَآئِلِ سُجَّدٗا لِّلَّهِ وَهُمۡ دَٰخِرُونَ
Ma waysan u fiirsan wax kastoo uu Allaah abuuray, (sida) hararkoodu ugu iishaan midig iyo bidix, oo ugu sujuudaan Allaah iyagoo cuftiran
Surah An-Nahl, Verse 48
وَلِلَّهِۤ يَسۡجُدُۤ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ مِن دَآبَّةٖ وَٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ وَهُمۡ لَا يَسۡتَكۡبِرُونَ
Oo waxa jira noole ee ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada waxay u sujuudaan Allaah (Keliya), iyo malaa’igta (sidoo kale) oo iyagu iskama weyneeyaan
Surah An-Nahl, Verse 49
يَخَافُونَ رَبَّهُم مِّن فَوۡقِهِمۡ وَيَفۡعَلُونَ مَا يُؤۡمَرُونَ۩
Waxay ka cabasadaan Rabbigood ka korreeya, oo falaan waxa la amro
Surah An-Nahl, Verse 50
۞وَقَالَ ٱللَّهُ لَا تَتَّخِذُوٓاْ إِلَٰهَيۡنِ ٱثۡنَيۡنِۖ إِنَّمَا هُوَ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞ فَإِيَّـٰيَ فَٱرۡهَبُونِ
Oo Allaah wuxuu yidhi: Ha yeelannina labo ilaah. Waa uun Ilaah Keliya. Ee Aniga oo Keliya waa inaad iga cabsataan
Surah An-Nahl, Verse 51
وَلَهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَلَهُ ٱلدِّينُ وَاصِبًاۚ أَفَغَيۡرَ ٱللَّهِ تَتَّقُونَ
Oo waxa ku sugan samooyinka iyo arlada Isaga baa leh, oo Waa in Isaga cibaadada lagu keli yeelo oo la adeeco si joogta ah. Ee Ma waxaad haddaba iska jiri doontaan waxaan ahayn(Ciqaabka)Ilaahay
Surah An-Nahl, Verse 52
وَمَا بِكُم مِّن نِّعۡمَةٖ فَمِنَ ٱللَّهِۖ ثُمَّ إِذَا مَسَّكُمُ ٱلضُّرُّ فَإِلَيۡهِ تَجۡـَٔرُونَ
Oo wax kastoo nicmo ah ee (lagu galladeystey) dushiinna waa xagga Ilaahay, haddana marka dhibaato idin ku dhacdo, Xaggiisa baad u calaacashaan idinkoo gargaar doon ah
Surah An-Nahl, Verse 53
ثُمَّ إِذَا كَشَفَ ٱلضُّرَّ عَنكُمۡ إِذَا فَرِيقٞ مِّنكُم بِرَبِّهِمۡ يُشۡرِكُونَ
Haddana marka uu idinka faydo dhibaatada, mise qaar idin ka mid ahi waxay shuruko uga dhigaan kuwo kale Rabbigood
Surah An-Nahl, Verse 54
لِيَكۡفُرُواْ بِمَآ ءَاتَيۡنَٰهُمۡۚ فَتَمَتَّعُواْ فَسَوۡفَ تَعۡلَمُونَ
Sidaa awgeed waxay ahaadaan kuwo ka abaal dhacsan waxa aan siinnay. Ee iska raaxeysta, durbase waad ogaan doontaan
Surah An-Nahl, Verse 55
وَيَجۡعَلُونَ لِمَا لَا يَعۡلَمُونَ نَصِيبٗا مِّمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡۗ تَٱللَّهِ لَتُسۡـَٔلُنَّ عَمَّا كُنتُمۡ تَفۡتَرُونَ
Oo waxay dhinac u dhigaan wax aanay11 garanayn qayb ka mid ah waxa aanu siinnay. Tallaahi, hubaal waa la idin weydiin doonaa xaqiiq waxa aad been abuurateen
Surah An-Nahl, Verse 56
وَيَجۡعَلُونَ لِلَّهِ ٱلۡبَنَٰتِ سُبۡحَٰنَهُۥ وَلَهُم مَّا يَشۡتَهُونَ
Oo waxay u yeelaan Allaah gabdho12. Xurmo oo dhan Isaga baa leh oo iin iyo ceeb tiran, oo iyaguna waxay isa siiyeen waxa ay rabaan
Surah An-Nahl, Verse 57
وَإِذَا بُشِّرَ أَحَدُهُم بِٱلۡأُنثَىٰ ظَلَّ وَجۡهُهُۥ مُسۡوَدّٗا وَهُوَ كَظِيمٞ
Oo marka lagu war geliyo midkood (dhalashada) gabadh, wuxuu noqdaa wejigiisa madow, oo waaba tiiraanyeysan yahay
Surah An-Nahl, Verse 58
يَتَوَٰرَىٰ مِنَ ٱلۡقَوۡمِ مِن سُوٓءِ مَا بُشِّرَ بِهِۦٓۚ أَيُمۡسِكُهُۥ عَلَىٰ هُونٍ أَمۡ يَدُسُّهُۥ فِي ٱلتُّرَابِۗ أَلَا سَآءَ مَا يَحۡكُمُونَ
Wuxuu iska qariyaa dadka xumida waxa lagu soo war geliyey darteed. Ma wuxuu ku heystaa dulli mise ku aaasaa (iyadoo nool) carrada? Haddaba hubaal waxaa xun waxa ay xukumaan
Surah An-Nahl, Verse 59
لِلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ مَثَلُ ٱلسَّوۡءِۖ وَلِلَّهِ ٱلۡمَثَلُ ٱلۡأَعۡلَىٰۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
Kuwa aan rumeysneyn Aakhirada waa tusaale xun14, oo Allaah baa iska leh tilmaanta wanaagsan ee sare, oo waa Isaga Adkaadaha, Xakiimka ah
Surah An-Nahl, Verse 60
وَلَوۡ يُؤَاخِذُ ٱللَّهُ ٱلنَّاسَ بِظُلۡمِهِم مَّا تَرَكَ عَلَيۡهَا مِن دَآبَّةٖ وَلَٰكِن يُؤَخِّرُهُمۡ إِلَىٰٓ أَجَلٖ مُّسَمّٗىۖ فَإِذَا جَآءَ أَجَلُهُمۡ لَا يَسۡتَـٔۡخِرُونَ سَاعَةٗ وَلَا يَسۡتَقۡدِمُونَ
Oo haddii uu Allaah durbaba ugu ciqaabi lahaa dadka caddaalad darradooda, kagama tageen (dhulka) guudki nafley qudh ahi, laakiinse wuxuu ugu dib dhigaa waqti go'an14, markaa mar- ka uu u yimaado ajalkoodu, ma dib dhigi karaan Saacad mana soo hor marin karaan
Surah An-Nahl, Verse 61
وَيَجۡعَلُونَ لِلَّهِ مَا يَكۡرَهُونَۚ وَتَصِفُ أَلۡسِنَتُهُمُ ٱلۡكَذِبَ أَنَّ لَهُمُ ٱلۡحُسۡنَىٰۚ لَا جَرَمَ أَنَّ لَهُمُ ٱلنَّارَ وَأَنَّهُم مُّفۡرَطُونَ
Oo waxay u yeelaan Allaah waxa ay (iyaguba) nacaan, oo carrabyadoodu waxay sheegaan beenta ah inay mudan doonaan midda wanaagsan; waxaa sugan inay leeyihiin Naarta, oo loo hormarin doono
Surah An-Nahl, Verse 62
تَٱللَّهِ لَقَدۡ أَرۡسَلۡنَآ إِلَىٰٓ أُمَمٖ مِّن قَبۡلِكَ فَزَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ أَعۡمَٰلَهُمۡ فَهُوَ وَلِيُّهُمُ ٱلۡيَوۡمَ وَلَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ
Tallaahiye, Waxaan dhab ahaan u soo dirnay (Rusullo) ummado kaa horreeyey, Wuxuuse u qurxiyey Shaydaanka camalladooda. Marka waa isaga Gacalkood maanta, oo waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan
Surah An-Nahl, Verse 63
وَمَآ أَنزَلۡنَا عَلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ إِلَّا لِتُبَيِّنَ لَهُمُ ٱلَّذِي ٱخۡتَلَفُواْ فِيهِ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٗ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
Oo kuuguma aanu soo dejin Kitaabka waxaan ahayn inaad u caddeyso iyaga waxyaalaha ay isku khilaafsan yihiin, iyo hanuun ahaan iyo Naxariis qolo rumaysan
Surah An-Nahl, Verse 64
وَٱللَّهُ أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَحۡيَا بِهِ ٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ مَوۡتِهَآۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّقَوۡمٖ يَسۡمَعُونَ
Oo Allaah waa Kan ka soo dejiyey biyo daruurta, oo ku nooleeyey arlada dhimashadeeda kaddib. hubaal arrinkani waxaa xaqiiq ugu sugan calaamo qolo wax maqasha
Surah An-Nahl, Verse 65
وَإِنَّ لَكُمۡ فِي ٱلۡأَنۡعَٰمِ لَعِبۡرَةٗۖ نُّسۡقِيكُم مِّمَّا فِي بُطُونِهِۦ مِنۢ بَيۡنِ فَرۡثٖ وَدَمٖ لَّبَنًا خَالِصٗا سَآئِغٗا لِّلشَّـٰرِبِينَ
Oo hubaal waxaa idiinku sugan xoolaha cibrad. Waxaan idinka waraabinnaa waxaa ku jira uurarkooda uus iyo dhiig dhexdood, caano saafi ah, oo u fudud, mari og hunguriga kuwa cabba
Surah An-Nahl, Verse 66
وَمِن ثَمَرَٰتِ ٱلنَّخِيلِ وَٱلۡأَعۡنَٰبِ تَتَّخِذُونَ مِنۡهُ سَكَرٗا وَرِزۡقًا حَسَنًاۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّقَوۡمٖ يَعۡقِلُونَ
Iyo wax ka mid ah midhaha geedaha timirta iyo canabyada oo aad ka samaysataan cabbitaan culus16 iyo risiq wanaagsan. hubaal arrinkani waxaa ugu sugan xaqiiq calaamo qolo fekerta
Surah An-Nahl, Verse 67
وَأَوۡحَىٰ رَبُّكَ إِلَى ٱلنَّحۡلِ أَنِ ٱتَّخِذِي مِنَ ٱلۡجِبَالِ بُيُوتٗا وَمِنَ ٱلشَّجَرِ وَمِمَّا يَعۡرِشُونَ
Oo Rabbigaa wuxuu u waxyooday shinnada: Ka sameyso guryo buuraha iyo geedaha iyo waxa ay dhisaanba
Surah An-Nahl, Verse 68
ثُمَّ كُلِي مِن كُلِّ ٱلثَّمَرَٰتِ فَٱسۡلُكِي سُبُلَ رَبِّكِ ذُلُلٗاۚ يَخۡرُجُ مِنۢ بُطُونِهَا شَرَابٞ مُّخۡتَلِفٌ أَلۡوَٰنُهُۥ فِيهِ شِفَآءٞ لِّلنَّاسِۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّقَوۡمٖ يَتَفَكَّرُونَ
Markaas wax ka cun midhaha oo dhan, oo qaad jidadka Rabbigaa idinkoo laylan. Waxaa ka soo baxa uurarkeeda sharaab kala midab ah oo caafimaad ugu jiro dadka. hubaal arrinkani waxaa ugu sugan calaamo qolo fekerta
Surah An-Nahl, Verse 69
وَٱللَّهُ خَلَقَكُمۡ ثُمَّ يَتَوَفَّىٰكُمۡۚ وَمِنكُم مَّن يُرَدُّ إِلَىٰٓ أَرۡذَلِ ٱلۡعُمُرِ لِكَيۡ لَا يَعۡلَمَ بَعۡدَ عِلۡمٖ شَيۡـًٔاۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٞ قَدِيرٞ
Oo Allaah baa idin abuuray, misna sababa inaad dhimataan, oo waxaa idin ka mid ah mid loo celiyo cimriga u liita nolosha, si uu waxba aanu u ogaan kaddib waayo aqoontii. Hubaal Allaah waa wax kasta Ogsoone, Awood Badan
Surah An-Nahl, Verse 70
وَٱللَّهُ فَضَّلَ بَعۡضَكُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ فِي ٱلرِّزۡقِۚ فَمَا ٱلَّذِينَ فُضِّلُواْ بِرَآدِّي رِزۡقِهِمۡ عَلَىٰ مَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُهُمۡ فَهُمۡ فِيهِ سَوَآءٌۚ أَفَبِنِعۡمَةِ ٱللَّهِ يَجۡحَدُونَ
Oo Allaah wuxuu uga roonaaday qaarkiinba qaar kale xagga risiqa, Marka, kuwa loo roonaaday sinnaba uma mulki siiyaan risiqooda kuwaa (addoomaha ah) oo ay midigtoodu hanato si ay isku mid ugu noqdaan17. Ee haddaba ma Nicmadda Allaah baa waxa ay diiddan yihiin
Surah An-Nahl, Verse 71
وَٱللَّهُ جَعَلَ لَكُم مِّنۡ أَنفُسِكُمۡ أَزۡوَٰجٗا وَجَعَلَ لَكُم مِّنۡ أَزۡوَٰجِكُم بَنِينَ وَحَفَدَةٗ وَرَزَقَكُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِۚ أَفَبِٱلۡبَٰطِلِ يُؤۡمِنُونَ وَبِنِعۡمَتِ ٱللَّهِ هُمۡ يَكۡفُرُونَ
Oo Allaah wuxuu idiinka yeelay nafahiinna afooyin idinla nooc ah, oo wuxuu idinka siiyey afooyinkiinna ubad iyo ilmo ilmahood, oo wuxuu ku galladeysatay korkiinna wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan. Ee ma haddaba baadil baa waxay ay rumeyansan yihiin, halka ay tahay Nicmadda Ilaahay waxa ay ku gaaloobaan
Surah An-Nahl, Verse 72
وَيَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَمۡلِكُ لَهُمۡ رِزۡقٗا مِّنَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ شَيۡـٔٗا وَلَا يَسۡتَطِيعُونَ
Oo waxay caabudaan Allaah sokadi, wax aan uga hanan karin wax risiq ah xagga samooyinka iyo arlada, oo aan wax awood ahi lahayn
Surah An-Nahl, Verse 73
فَلَا تَضۡرِبُواْ لِلَّهِ ٱلۡأَمۡثَالَۚ إِنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُ وَأَنتُمۡ لَا تَعۡلَمُونَ
Ee ha u yeelina wax la dhig u ah18 Allaah. Hubaal, Allaah wuu Og yahay, idinkuse ma ogidin
Surah An-Nahl, Verse 74
۞ضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلًا عَبۡدٗا مَّمۡلُوكٗا لَّا يَقۡدِرُ عَلَىٰ شَيۡءٖ وَمَن رَّزَقۡنَٰهُ مِنَّا رِزۡقًا حَسَنٗا فَهُوَ يُنفِقُ مِنۡهُ سِرّٗا وَجَهۡرًاۖ هَلۡ يَسۡتَوُۥنَۚ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ
Allaah wuxuu soo qaataa tusaale19: addoon la leeyahay aan waxba awoodi karin, iyo mid aanu ka siinnay xaggeenna risiq wanaagsan, oo isagu wax ka bixiya sir iyo caddaanba. Miyey labadaasi siman yihiin? Ammaan oo idil waxaa mudan Allaah! Mayee badankoodu ma oga
Surah An-Nahl, Verse 75
وَضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلٗا رَّجُلَيۡنِ أَحَدُهُمَآ أَبۡكَمُ لَا يَقۡدِرُ عَلَىٰ شَيۡءٖ وَهُوَ كَلٌّ عَلَىٰ مَوۡلَىٰهُ أَيۡنَمَا يُوَجِّههُّ لَا يَأۡتِ بِخَيۡرٍ هَلۡ يَسۡتَوِي هُوَ وَمَن يَأۡمُرُ بِٱلۡعَدۡلِ وَهُوَ عَلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ
oo Allaah wuxuu (kaloo) soo qaataa tusaale labo nin, oo midkood af la’yahay (hadli karin), kaasoo aan waxna karin inuu hagaajiyo, oo isagu ku ah culeys abaankiisa, meeshuu u diraba aan ka keenayn khayr. Miyaa lala simi karaa mid amra caddaalad, oo isagu (naf ahaantiisa) ku sugan Jidka Toosan
Surah An-Nahl, Verse 76
وَلِلَّهِ غَيۡبُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَمَآ أَمۡرُ ٱلسَّاعَةِ إِلَّا كَلَمۡحِ ٱلۡبَصَرِ أَوۡ هُوَ أَقۡرَبُۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
Oo Allaah baa iska leh waxa aan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada. Oo Arrinka Saacaddu ma aha waxaan ahayn sida il biriqsi, ama ka dhowba. hubaal Allaah wax walba waa uu Karaa
Surah An-Nahl, Verse 77
وَٱللَّهُ أَخۡرَجَكُم مِّنۢ بُطُونِ أُمَّهَٰتِكُمۡ لَا تَعۡلَمُونَ شَيۡـٔٗا وَجَعَلَ لَكُمُ ٱلسَّمۡعَ وَٱلۡأَبۡصَٰرَ وَٱلۡأَفۡـِٔدَةَ لَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ
Oo Allaah wuxuu idinka soo saaray uurarka hooyooyinkiin idinkoo aan waxba garanayn. Oo Wuxuu idin yeelay maqal iyo arag iyo quluub inaad mahad naqdaan
Surah An-Nahl, Verse 78
أَلَمۡ يَرَوۡاْ إِلَى ٱلطَّيۡرِ مُسَخَّرَٰتٖ فِي جَوِّ ٱلسَّمَآءِ مَا يُمۡسِكُهُنَّ إِلَّا ٱللَّهُۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
Mawaysan arkayn shimbiraha loo sakhiray (oo ku duulaya) hawada samada? Cidina ma qaban karto aan ahayn Allaah. hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin qolo rumaysan
Surah An-Nahl, Verse 79
وَٱللَّهُ جَعَلَ لَكُم مِّنۢ بُيُوتِكُمۡ سَكَنٗا وَجَعَلَ لَكُم مِّن جُلُودِ ٱلۡأَنۡعَٰمِ بُيُوتٗا تَسۡتَخِفُّونَهَا يَوۡمَ ظَعۡنِكُمۡ وَيَوۡمَ إِقَامَتِكُمۡ وَمِنۡ أَصۡوَافِهَا وَأَوۡبَارِهَا وَأَشۡعَارِهَآ أَثَٰثٗا وَمَتَٰعًا إِلَىٰ حِينٖ
Oo Allaah wuxu idiinka yeelay guryihiinna degaan aad ku xasishaan, oo wuxuu idinku galladeystey teendhooyin laga sameeyey hargaha xoolaha idiin fudud qaadistooda maalinta geeddigeenna iyo maalinta negaadigiinnaba. Oo wax ka mid ah (idaha) duftooda iyo (geela) dhogortooda iyo (riyaha) timahooda (wuu idinku galladeystay) alaabo guri ahaan iyo sahay ilaa muddo ah
Surah An-Nahl, Verse 80
وَٱللَّهُ جَعَلَ لَكُم مِّمَّا خَلَقَ ظِلَٰلٗا وَجَعَلَ لَكُم مِّنَ ٱلۡجِبَالِ أَكۡنَٰنٗا وَجَعَلَ لَكُمۡ سَرَٰبِيلَ تَقِيكُمُ ٱلۡحَرَّ وَسَرَٰبِيلَ تَقِيكُم بَأۡسَكُمۡۚ كَذَٰلِكَ يُتِمُّ نِعۡمَتَهُۥ عَلَيۡكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تُسۡلِمُونَ
Oo Allaah wuxuu idiinka yeelay waxa uu abuuray (geedaha) hoosas, oo idiinka yeelay buuraha gebiyo aad gashaan, oo idiin yeelay dhar idinka celiya kuleylka (iyo qabowga) iyo dhar (jaakado bir ah) oo idinka celiya (dhibka) dirirtiinna. Sidaas buu idiinku iltiraa Nicmaddiisa bal inaad u hoggaansantaan
Surah An-Nahl, Verse 81
فَإِن تَوَلَّوۡاْ فَإِنَّمَا عَلَيۡكَ ٱلۡبَلَٰغُ ٱلۡمُبِينُ
Haddiise ay jeesadaan, haddaba xilkaagu waa oo keliya Gaarsiinta cad (ee Risaalada)
Surah An-Nahl, Verse 82
يَعۡرِفُونَ نِعۡمَتَ ٱللَّهِ ثُمَّ يُنكِرُونَهَا وَأَكۡثَرُهُمُ ٱلۡكَٰفِرُونَ
Waxay gartaan Nicmadda Ilaahay, haddana way dafiraan, oo badankoodu waa kuwo aan mahad naqin
Surah An-Nahl, Verse 83
وَيَوۡمَ نَبۡعَثُ مِن كُلِّ أُمَّةٖ شَهِيدٗا ثُمَّ لَا يُؤۡذَنُ لِلَّذِينَ كَفَرُواْ وَلَا هُمۡ يُسۡتَعۡتَبُونَ
Oo maalinta aan ka soo saari doonno ummad walba markhaati, markaas aan la siin doonin wax idan ah kuwa (Xaqa) rumeysan waaya, oo aan laga yeeleyn inay axsaan fal dalbaan
Surah An-Nahl, Verse 84
وَإِذَا رَءَا ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ ٱلۡعَذَابَ فَلَا يُخَفَّفُ عَنۡهُمۡ وَلَا هُمۡ يُنظَرُونَ
Oo marka ay kuwa gar ma qaatayaasha ah arkaan cadaabta, lagama khafiifin doono, oo lama siin doono nafis
Surah An-Nahl, Verse 85
وَإِذَا رَءَا ٱلَّذِينَ أَشۡرَكُواْ شُرَكَآءَهُمۡ قَالُواْ رَبَّنَا هَـٰٓؤُلَآءِ شُرَكَآؤُنَا ٱلَّذِينَ كُنَّا نَدۡعُواْ مِن دُونِكَۖ فَأَلۡقَوۡاْ إِلَيۡهِمُ ٱلۡقَوۡلَ إِنَّكُمۡ لَكَٰذِبُونَ
Oo marka ay kuwa u shariig yeela (kuwo kale Allaah)20 arkaan kuwa ay ka dhigteen shurakada Ilaahay waxay odhan doonaan: Rabbiyow! Kuwaanu waa kuwa aan ka dhigannay shurakada ilaahay ee aan baryi jirnay adiga Sokadaa21. Waxayse dib ugu celin doonaan hadalka (iyagoo leh): Waxaad tihiin beenaalayaal
Surah An-Nahl, Verse 86
وَأَلۡقَوۡاْ إِلَى ٱللَّهِ يَوۡمَئِذٍ ٱلسَّلَمَۖ وَضَلَّ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَفۡتَرُونَ
Oo waxay ula imaan doonaan Allaah maalintaas hoggaansan dhan, oo waxay waayi doonaan waxay been abuuran jireen
Surah An-Nahl, Verse 87
ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَصَدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ زِدۡنَٰهُمۡ عَذَابٗا فَوۡقَ ٱلۡعَذَابِ بِمَا كَانُواْ يُفۡسِدُونَ
(Ma) kuwa Xaqa diida oo ka jeedsada Jidka Ilaahay, waxaan ugu dari doonnaa cadaab cadaabkooda, waxay fasahaad fali jireen awgii
Surah An-Nahl, Verse 88
وَيَوۡمَ نَبۡعَثُ فِي كُلِّ أُمَّةٖ شَهِيدًا عَلَيۡهِم مِّنۡ أَنفُسِهِمۡۖ وَجِئۡنَا بِكَ شَهِيدًا عَلَىٰ هَـٰٓؤُلَآءِۚ وَنَزَّلۡنَا عَلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ تِبۡيَٰنٗا لِّكُلِّ شَيۡءٖ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٗ وَبُشۡرَىٰ لِلۡمُسۡلِمِينَ
Oo Maalinta aan ka soo saari doonno ummad walba markhaati ku marag fura oo iyaga ka mid ah, oo aan kuu keenno adiga inaad ka ahaato markhaati kuwan - oo Waxaan kugu soo dejinnay Kitaabka u faahfaahinaya wax walba si cad , iyo inuu u ahaado Hanuun iyo Naxariis iyo war san oo farxad leh kuwaa hoggaansama
Surah An-Nahl, Verse 89
۞إِنَّ ٱللَّهَ يَأۡمُرُ بِٱلۡعَدۡلِ وَٱلۡإِحۡسَٰنِ وَإِيتَآيِٕ ذِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَيَنۡهَىٰ عَنِ ٱلۡفَحۡشَآءِ وَٱلۡمُنكَرِ وَٱلۡبَغۡيِۚ يَعِظُكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تَذَكَّرُونَ
Hubaal Allaaah wuxuu amraa caddaalada iyo axsaan falka iyo wax siinta qaraabada, oo wuxuu reebaa anshax darrada iyo xumaanta iyo gardarrada. Wuu idin waaninayaa, bal inaad wax ku qaadataan
Surah An-Nahl, Verse 90
وَأَوۡفُواْ بِعَهۡدِ ٱللَّهِ إِذَا عَٰهَدتُّمۡ وَلَا تَنقُضُواْ ٱلۡأَيۡمَٰنَ بَعۡدَ تَوۡكِيدِهَا وَقَدۡ جَعَلۡتُمُ ٱللَّهَ عَلَيۡكُمۡ كَفِيلًاۚ إِنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُ مَا تَفۡعَلُونَ
Oo oofiya Axdiga Ilaahay marka aad gashaan, oo ha burinnina dhaaraha kaddib markaad adkeyseen, oo waxaad dhab ahaan uga dhigateen Allaah damiin. hubaal Allaah wuu Og yahay waxa aad fashaan
Surah An-Nahl, Verse 91
وَلَا تَكُونُواْ كَٱلَّتِي نَقَضَتۡ غَزۡلَهَا مِنۢ بَعۡدِ قُوَّةٍ أَنكَٰثٗا تَتَّخِذُونَ أَيۡمَٰنَكُمۡ دَخَلَۢا بَيۡنَكُمۡ أَن تَكُونَ أُمَّةٌ هِيَ أَرۡبَىٰ مِنۡ أُمَّةٍۚ إِنَّمَا يَبۡلُوكُمُ ٱللَّهُ بِهِۦۚ وَلَيُبَيِّنَنَّ لَكُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ مَا كُنتُمۡ فِيهِ تَخۡتَلِفُونَ
Oo ha la mid noqonnina sida tan furfurta xadhiggeeda ay soohday iyadoo u googooneysa gabal gabal kaddib markuu yeeshay xoog. Waxaad ka dhigataan dhaarahiinna inay ahaadaan siyaalo aad isku khiyaantaan dhexdiinna, inay ummad ka tiro badan tahay ummad kale (darteed23). Allaah waa uun idinku imtixaanaa. Oo hubaal Wuxuu xaqiiq idiin caddeyn doonaa Maalinta Qiyaamaha waxaad isku khilaafteen
Surah An-Nahl, Verse 92
وَلَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ لَجَعَلَكُمۡ أُمَّةٗ وَٰحِدَةٗ وَلَٰكِن يُضِلُّ مَن يَشَآءُ وَيَهۡدِي مَن يَشَآءُۚ وَلَتُسۡـَٔلُنَّ عَمَّا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
Oo haddii uu Allaah doono, wuxuu hubaal idinka dhigi lahaa ummad keliya, Laakiinse wuxuu lumiyaa cidduu doono oo hanuuniyaa ciddii uu doono. Oo hubaal Waa la idin su'aali doonaa waxaad camal fasheen
Surah An-Nahl, Verse 93
وَلَا تَتَّخِذُوٓاْ أَيۡمَٰنَكُمۡ دَخَلَۢا بَيۡنَكُمۡ فَتَزِلَّ قَدَمُۢ بَعۡدَ ثُبُوتِهَا وَتَذُوقُواْ ٱلسُّوٓءَ بِمَا صَدَدتُّمۡ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ وَلَكُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٞ
Oo ha ka dhigannina dhaarahiinna siyaalo aad isku khiyaantaan dhexdiinna, si aanay cagi u sidban kaddib sugnaashaheeda, oo aad dhadhamisaan xumaan (cadaab), inaad ka jeedsateen Jidka Ilaahay darteed, oo waxaad mudan doontaan Cadaab aad u weyn
Surah An-Nahl, Verse 94
وَلَا تَشۡتَرُواْ بِعَهۡدِ ٱللَّهِ ثَمَنٗا قَلِيلًاۚ إِنَّمَا عِندَ ٱللَّهِ هُوَ خَيۡرٞ لَّكُمۡ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
oo ha qaadannina qiimo yar aad siisataan Axdiga Ilaahay. Hubaal waxa Allaah agtiis ah baa idiin khayr badan haddii aad og tihiin
Surah An-Nahl, Verse 95
مَا عِندَكُمۡ يَنفَدُ وَمَا عِندَ ٱللَّهِ بَاقٖۗ وَلَنَجۡزِيَنَّ ٱلَّذِينَ صَبَرُوٓاْ أَجۡرَهُم بِأَحۡسَنِ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
Wax aad haysataan wuu dhammaan, oo waxa Allaah agtiis ah baa baaqi ahaanaya. Oo hubaal waxaan xaqiiq siin doonnaa kuwa samir yeesha abaalgudkooda u qalma waxa ugu wanaagsan ay faleen
Surah An-Nahl, Verse 96
مَنۡ عَمِلَ صَٰلِحٗا مِّن ذَكَرٍ أَوۡ أُنثَىٰ وَهُوَ مُؤۡمِنٞ فَلَنُحۡيِيَنَّهُۥ حَيَوٰةٗ طَيِّبَةٗۖ وَلَنَجۡزِيَنَّهُمۡ أَجۡرَهُم بِأَحۡسَنِ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
Mid kastoo sama fala lab ama dheddig isagoo mu’min ah waxaan hubaal ka yeeli doonnaa inuu xaqiiq noolaado nolol fiican oo farxad leh, oo waxaanu hubaal siin doonnaa xaqiiq abaalgudkooda u qalma waxa ugu wanaagsan ay faleen
Surah An-Nahl, Verse 97
فَإِذَا قَرَأۡتَ ٱلۡقُرۡءَانَ فَٱسۡتَعِذۡ بِٱللَّهِ مِنَ ٱلشَّيۡطَٰنِ ٱلرَّجِيمِ
Ee marka aad akhriyeyso Qur’aanka, (hor iyo baataba) ka magan gal Allaah shaydaanka la fogeeyey
Surah An-Nahl, Verse 98
إِنَّهُۥ لَيۡسَ لَهُۥ سُلۡطَٰنٌ عَلَى ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَلَىٰ رَبِّهِمۡ يَتَوَكَّلُونَ
Hubaal kuma dul laha awood kuwaa (Xaqa) rumeysan oo Rabbigood isku halleeya oo ku kalsoon
Surah An-Nahl, Verse 99
إِنَّمَا سُلۡطَٰنُهُۥ عَلَى ٱلَّذِينَ يَتَوَلَّوۡنَهُۥ وَٱلَّذِينَ هُم بِهِۦ مُشۡرِكُونَ
Ee wuxuu awood ku dul leeyahay oo keliya kuwa la saaxiiba iyo kuwa la wadaajiya cibaadada kuwo kale (Allaah)
Surah An-Nahl, Verse 100
وَإِذَا بَدَّلۡنَآ ءَايَةٗ مَّكَانَ ءَايَةٖ وَٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِمَا يُنَزِّلُ قَالُوٓاْ إِنَّمَآ أَنتَ مُفۡتَرِۭۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ
Oo marka aan ku beddelno Aayad meel Aayad kale, oo Allaah baa dhab u Ogsoon wuxuu soo dejiyo, waxay yidhaahdaan: Waxaad uun tahay been abuurte. Mayee, badankoodu wax ma oga
Surah An-Nahl, Verse 101
قُلۡ نَزَّلَهُۥ رُوحُ ٱلۡقُدُسِ مِن رَّبِّكَ بِٱلۡحَقِّ لِيُثَبِّتَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَهُدٗى وَبُشۡرَىٰ لِلۡمُسۡلِمِينَ
Dheh: Ruuxa Daahirka ah (Jabriil) baa kaga soo dejiyey xagga Rabbigaa si xaq ah, si uu ugu sugo kuwa (Xaqa) rumeysan, oo ugu ahaado hanuun iyo war san oo farxad leh kuwa hoggaansama ee isu dhiiba (Allaah)
Surah An-Nahl, Verse 102
وَلَقَدۡ نَعۡلَمُ أَنَّهُمۡ يَقُولُونَ إِنَّمَا يُعَلِّمُهُۥ بَشَرٞۗ لِّسَانُ ٱلَّذِي يُلۡحِدُونَ إِلَيۡهِ أَعۡجَمِيّٞ وَهَٰذَا لِسَانٌ عَرَبِيّٞ مُّبِينٌ
Oo dhab ahaan Waxaan ognahay inay yidhaahdaan: Waxaa sideedaba wax bara qof aadmi ah. Carrabka midka ay ku leexinayaan waa af shisheeye25, oo kani waa af Carabi faseex ah
Surah An-Nahl, Verse 103
إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ لَا يَهۡدِيهِمُ ٱللَّهُ وَلَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٌ
(Ma) kuwa aan rumeysnayn Aayadaha Ilaahay, hubaal Allaah ma hanuunin doono, oo waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan
Surah An-Nahl, Verse 104
إِنَّمَا يَفۡتَرِي ٱلۡكَذِبَ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِۖ وَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡكَٰذِبُونَ
Waxaa uun abuurta been sideedaba kuwa aan rumeysnayn Aayadaha Ilaahay, oo waa kuwan kuwa ah beenaalayaasha
Surah An-Nahl, Verse 105
مَن كَفَرَ بِٱللَّهِ مِنۢ بَعۡدِ إِيمَٰنِهِۦٓ إِلَّا مَنۡ أُكۡرِهَ وَقَلۡبُهُۥ مُطۡمَئِنُّۢ بِٱلۡإِيمَٰنِ وَلَٰكِن مَّن شَرَحَ بِٱلۡكُفۡرِ صَدۡرٗا فَعَلَيۡهِمۡ غَضَبٞ مِّنَ ٱللَّهِ وَلَهُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٞ
Mid kastoo isagu ku gaalooba Allaah kaddib isaga oo rumaysnaa26, mid maahee lagu khasbay isagoo qalbigiisu ku xasilan yahay Iimaanka_laakiinse midkii isagu u fura laabtiisa gaalnimo- kuwan dushoodu waxaa ah Cadhada Ilaahay, oo waxay mudan doonaan Cadaab aad u Weyn
Surah An-Nahl, Verse 106
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمُ ٱسۡتَحَبُّواْ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا عَلَى ٱلۡأٓخِرَةِ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡكَٰفِرِينَ
Arrinkaasi waxaa ugu wacan inay jecel yihiin nolosha adduunkan wax ka badan Aakhirada, iyo inaan Allaah hanuunin qoloda gaalada ah
Surah An-Nahl, Verse 107
أُوْلَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ طَبَعَ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ وَسَمۡعِهِمۡ وَأَبۡصَٰرِهِمۡۖ وَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡغَٰفِلُونَ
Kuwan weeye kuwa uu Allaah daboolay quluubtooda iyo maqalkooda iyo aragggooda.Oo waa kuwan kuwo dhoohan
Surah An-Nahl, Verse 108
لَا جَرَمَ أَنَّهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ
Shaki ma leh, inay Aakhirada ahaan doonaan kuwa khasaari doona
Surah An-Nahl, Verse 109
ثُمَّ إِنَّ رَبَّكَ لِلَّذِينَ هَاجَرُواْ مِنۢ بَعۡدِ مَا فُتِنُواْ ثُمَّ جَٰهَدُواْ وَصَبَرُوٓاْ إِنَّ رَبَّكَ مِنۢ بَعۡدِهَا لَغَفُورٞ رَّحِيمٞ
Waliba hubaal Rabbigaa, xagga kuwa soo haajira kaddib inta la dhibay markaas halgama ee samir yeesha, hubaal Rabbigaa intaa kaddib, xaqiiq waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah An-Nahl, Verse 110
۞يَوۡمَ تَأۡتِي كُلُّ نَفۡسٖ تُجَٰدِلُ عَن نَّفۡسِهَا وَتُوَفَّىٰ كُلُّ نَفۡسٖ مَّا عَمِلَتۡ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ
(Xusuuso) Maalinta ay naf walba imaan doonto iyadoo u doodaysa nafteeda, oo naf walba loo oofin doono waxay fashay, iyagoo aan loola dhaqmi doonin si caddaalad darro ah
Surah An-Nahl, Verse 111
وَضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلٗا قَرۡيَةٗ كَانَتۡ ءَامِنَةٗ مُّطۡمَئِنَّةٗ يَأۡتِيهَا رِزۡقُهَا رَغَدٗا مِّن كُلِّ مَكَانٖ فَكَفَرَتۡ بِأَنۡعُمِ ٱللَّهِ فَأَذَٰقَهَا ٱللَّهُ لِبَاسَ ٱلۡجُوعِ وَٱلۡخَوۡفِ بِمَا كَانُواْ يَصۡنَعُونَ
Oo Allaah wuxuu yeelaa tusaale: magaalo nabad aheyd xasilloon; oo uu uga yimaado risiqeedu haqab la’aan meel walba, ha yeeshee ku gaalowday Nicmooyinkii Ilaahay. Sidaas darteed Allaah ka yeelay inay dhadhamiso gaajo daran iyo cabsi waxay samaynayeen darteed
Surah An-Nahl, Verse 112
وَلَقَدۡ جَآءَهُمۡ رَسُولٞ مِّنۡهُمۡ فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَهُمُ ٱلۡعَذَابُ وَهُمۡ ظَٰلِمُونَ
Oo dhab ahaan waxaa u yimid Rasuul ka mid ah, wayse beeniyeen, markaas baa waxaa ku dhacay Cadaab iyagoo ahaa gar ma qaatayaal
Surah An-Nahl, Verse 113
فَكُلُواْ مِمَّا رَزَقَكُمُ ٱللَّهُ حَلَٰلٗا طَيِّبٗا وَٱشۡكُرُواْ نِعۡمَتَ ٱللَّهِ إِن كُنتُمۡ إِيَّاهُ تَعۡبُدُونَ
Ee cuna waxa ka midka ah waxa Allaah idin siiyey, xalaasha ee fiican, oo ka mahad cesha Nicmadda Ilaahay, haddii aad Isaga Keliya caabuddaan
Surah An-Nahl, Verse 114
إِنَّمَا حَرَّمَ عَلَيۡكُمُ ٱلۡمَيۡتَةَ وَٱلدَّمَ وَلَحۡمَ ٱلۡخِنزِيرِ وَمَآ أُهِلَّ لِغَيۡرِ ٱللَّهِ بِهِۦۖ فَمَنِ ٱضۡطُرَّ غَيۡرَ بَاغٖ وَلَا عَادٖ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
Wuxuu uun sideedaba idinka xaaraameeyey waxa iskood u dhinta iyo dhiig iyo hilib doofaar iyo waxa magac kale aan aheyn kan Allaah lagu xusay. Mid kastoo se ay dani ku qabato isagoo aan caasooyobid u dan laheyn, oo xad gudbeyn, markaa hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah An-Nahl, Verse 115
وَلَا تَقُولُواْ لِمَا تَصِفُ أَلۡسِنَتُكُمُ ٱلۡكَذِبَ هَٰذَا حَلَٰلٞ وَهَٰذَا حَرَامٞ لِّتَفۡتَرُواْ عَلَى ٱللَّهِ ٱلۡكَذِبَۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ يَفۡتَرُونَ عَلَى ٱللَّهِ ٱلۡكَذِبَ لَا يُفۡلِحُونَ
Oo waxa ay carrabyadiinnu tilmaamayaan, ha sheegina beenta (idinkoo leh): Kani waa xalaal kanna waa xaaraan, si aad ugu been abuurataan Allaah. hubaal kuwa ku been abuurta Allaah ma liibaani doonaan
Surah An-Nahl, Verse 116
مَتَٰعٞ قَلِيلٞ وَلَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ
Waa raaxo yar oo waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan
Surah An-Nahl, Verse 117
وَعَلَى ٱلَّذِينَ هَادُواْ حَرَّمۡنَا مَا قَصَصۡنَا عَلَيۡكَ مِن قَبۡلُۖ وَمَا ظَلَمۡنَٰهُمۡ وَلَٰكِن كَانُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ يَظۡلِمُونَ
Oo kuwa ahaa Yuhuudda, Waxaanu ka xaaraamaynay waxyaalaha aan horay kuugu soo sheegnay28. Oo ma aanu ku gardarroon, laakiinse iyaga baa nafahooda ku gardarrooday
Surah An-Nahl, Verse 118
ثُمَّ إِنَّ رَبَّكَ لِلَّذِينَ عَمِلُواْ ٱلسُّوٓءَ بِجَهَٰلَةٖ ثُمَّ تَابُواْ مِنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَ وَأَصۡلَحُوٓاْ إِنَّ رَبَّكَ مِنۢ بَعۡدِهَا لَغَفُورٞ رَّحِيمٌ
Haddana Rabbigaa, xagga kuwa u fala xumaan jahli darti markaas soo laabta intaas kaddib oo samaada, hubaal Rabbigaa taasi kaddib, waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah An-Nahl, Verse 119
إِنَّ إِبۡرَٰهِيمَ كَانَ أُمَّةٗ قَانِتٗا لِّلَّهِ حَنِيفٗا وَلَمۡ يَكُ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
Hubaal Ibraahiim wuxuu ahaa hoggaamiye lagu daydo, adeeca Allaah, ka leexsan (diimaha gurracan oo dhan), oo ma aheyn mid ka mid ah Mushrikiinta
Surah An-Nahl, Verse 120
شَاكِرٗا لِّأَنۡعُمِهِۚ ٱجۡتَبَىٰهُ وَهَدَىٰهُ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ
Ka mahad naqa Nicmooyika Ilaahay. Isagaa doortay oo ku hanuuniyey Jid Toosan
Surah An-Nahl, Verse 121
وَءَاتَيۡنَٰهُ فِي ٱلدُّنۡيَا حَسَنَةٗۖ وَإِنَّهُۥ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ لَمِنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ
Oo Waxaanu ku siinnay samaan adduunkan.Oo Aakhirada wuxuu hubaal ka mid ahaan doonaa inta wanaagsan
Surah An-Nahl, Verse 122
ثُمَّ أَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡكَ أَنِ ٱتَّبِعۡ مِلَّةَ إِبۡرَٰهِيمَ حَنِيفٗاۖ وَمَا كَانَ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
Markaas Waxaanu kuu waxyoonnay (Nabi Muxammadow): Raac caqiidada ibraahiim ee toosan, oo kama mid aheyn Mushrikiinta
Surah An-Nahl, Verse 123
إِنَّمَا جُعِلَ ٱلسَّبۡتُ عَلَى ٱلَّذِينَ ٱخۡتَلَفُواْ فِيهِۚ وَإِنَّ رَبَّكَ لَيَحۡكُمُ بَيۡنَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فِيمَا كَانُواْ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ
Sabtida waxaa uun sideedaba loo waajib yeelay kuwii isku khilaafay arrinkeeda30, oo hubaal, Rabbigaa wuu ku kala xukumi doonaa dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafeen
Surah An-Nahl, Verse 124
ٱدۡعُ إِلَىٰ سَبِيلِ رَبِّكَ بِٱلۡحِكۡمَةِ وَٱلۡمَوۡعِظَةِ ٱلۡحَسَنَةِۖ وَجَٰدِلۡهُم بِٱلَّتِي هِيَ أَحۡسَنُۚ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعۡلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ وَهُوَ أَعۡلَمُ بِٱلۡمُهۡتَدِينَ
Ugu baaqa Jidka Rabbigaa si xikmad leh iyo waano wanaagsan, oo ula dood sida ugu fiican. Hubaal Rabbigaa wuu Og yahay kuwa ka luma Jidkiisa, oo wuu Og yahay kuwa hanuunsan
Surah An-Nahl, Verse 125
وَإِنۡ عَاقَبۡتُمۡ فَعَاقِبُواْ بِمِثۡلِ مَا عُوقِبۡتُم بِهِۦۖ وَلَئِن صَبَرۡتُمۡ لَهُوَ خَيۡرٞ لِّلصَّـٰبِرِينَ
Oo haddii aad aar goosaneysaan, haddaba aar goosta in la mid ah intii la idin geystey oo kale, haddiise aad samir yeelataan, hubaal sidaas baa u wanaagsan kuwa samir yeesha
Surah An-Nahl, Verse 126
وَٱصۡبِرۡ وَمَا صَبۡرُكَ إِلَّا بِٱللَّهِۚ وَلَا تَحۡزَنۡ عَلَيۡهِمۡ وَلَا تَكُ فِي ضَيۡقٖ مِّمَّا يَمۡكُرُونَ
Oo samir yeelo, oo ma aha samirkaad yeelataa waxaan aheyn (wax lagu helo kaalmada) Ilaahay. Oo ha u murugoon, oo ha ka welwelin waxa ay xume qoolaan
Surah An-Nahl, Verse 127
إِنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلَّذِينَ ٱتَّقَواْ وَّٱلَّذِينَ هُم مُّحۡسِنُونَ
Hubaal Allaah wuxuu la jiraa kuwa iska jira (xumaha) ee ah sama falayaasha
Surah An-Nahl, Verse 128